|
Wareysi ay Hormoodnews.com la yeelatay Madaxweynaha Somaliland
Mudane Dahir Rayaale Kaahin intii uu ku sugnaa dalka Norway ayaa
wuxuu ka hadlayaa arimo dhawr ah
18 June 2007
S.M/weyne ugu horeyn waxaad nooga warantaa socdaalkan aad ku
joogtaan dalka Norway muxuu ku saabsanaa, maxaase idiinka suurtoobay
ujeedooyinkii aad u timaadeen?
J.Horta kulankayagani wuxuu daba socdaa uun kii hore, markaa waxaa
jiray ballan qaadyo hore oo ay noo fuliyeen iyo weliba qoladan NORAD
oo aanu ka codsanay inay si toos ah nooga caawiyaan xaga dhaqaalaha
iyo weliba diplomat-ka, iyaga oo ka mid ah contact group-ka ayaanu
fariintayadana gaadhsiinay,Markaa waxaan aaminsanahay anigu
imaatinkayagan inuu ahaa mid aad u guuleystay.
|