|
|
|
Voor de UDUB-Benelux is de sleutelvraag voor de komende jaren: “Is het ieder voor zich of doen wij het samen? “ Wij claimen gezamenlijkheid en maatschappelijke betrokkenheid van en vóór iedereen. Dat is onze eerste hoofdopgave. Er is de laatste jaren het nodige bereikt en er is dus nog veel te doen. De UDUB-Benelux moet opener, vriendelijker en dienstbaarder gaan werken. De UDUB-Benelux dient de communicatie met de burgers te verbeteren en intensiever samen te werken om de kwaliteit van het leven te verbeteren. De plaatselijke UDUB-Benelux orgaan werkt met een gereedschapskist met daarin passende instrumenten, passend bij de huidige tijd, waarmee ze zich actief opstelt en ontwikkelingen die op ons afkomen tegemoet treedt en omarmt. Samenhangend beleid, daar gaat het om. Niet van plan naar plan, maar via een allesomvattende visie en contourenplan naar een aansluitend plan. Voor de zorg stelt de UDUB-Benelux onder andere het volgende voor:
Het gaat er niet om wat mensen niet kunnen, maar wat ze wel kunnen.
Wij willen daarom: onderzoek naar het eventueel uitbreiden van bestaande bedrijfsterreinen. Voor de zorg stelt UDUB-Benelux onder andere het volgende voor:
De UDUB-Benelux wil meer inspanningen om (gevoelens van) onveiligheid op allerlei gebied te bestrijden.
Bij de keuze voor veilig verkeer moet de prioriteit liggen bij de kwetsbare weggebruikers. Hierbij denken wij vooral aan fietsen. Iedere gebruiker, dus ook de ouder met kinderwagen of de minder valide deelnemer moet er gebruik van kunnen maken.
Dr. Daahir Faarax
Baaqa Udub-Benelux hal-ku-dhegiisa uu ka shidaal qaadanaynaa xilligan ololaha lagu jiro waa inuu noqdaa: “ wada jir bay laba gacmood wax ku qaban karaan." Halqabsigaasi wuxuu inna farayaa in hawsha loo guulo, isla markaana qof waliba halkiisa guntiga ka adkeysto isagoo kan kalena wixii culays ah ee ku liicaa la caabiyaya. Waxa ay taasi doonaysaa weji-furraan, xilkasnimo iyo dhabar- adayg xil walba lagu guda- galo. Wixii laga dheefaana waa tayada hawsha oo kobocda iyo dhinacii aad u wadday oo waafiga gaadha. Haddii aynnu si dhab ah u jalleecno dhibaatada faraha badan ee inna horwadhan, waqtiga kooban aynnu rabno in aynnu kaga gudubnaanaa, waa mid aan waxba laga huri karayn. Sida ugu fiican ee looga midho-dhalinkaraana waa iyadoo la beegto himilo taxan, iskuna tidcan, kana taggan marba qorshe ka bood oo mid kale raadi. Runahaantiina ka soo jeedda aragti xeeldheeri ku qotonta, waayo-aragnimona ku dheehantahay, aqoon rib ahna ka soo borqanaysa. Weji furraanta iyo hawlkarnimada aynnu ku taamaynaa waxba tarimaayaan, haddii, qaab-dhismeedka tala-abuurka iyo qalab- aqooneedka fulinta ee aynnu u adeegsanayno kasbashada taageerada bulshaweynteena, aanay geedisocdka casrigan cusub ee aynnu foodda la galnay, la hal-maalin. Waxana lagama maarmaan ah mudnaanta kowaad, in aynnu u qoondayno sidii laysula heli- lahaa: 1. Maamul somaliland ah oo horuumarka u heellan, dadweyne hanuunsan iyo Siyaasad dayactirku joogto u yahay. Maamulka somaliland ka dhisani wuxuu nooga dhiganyahay kii wax walba noo qaban -lahaa. UDUB-Benelux waxay kala shaqaynaysaa xukuumadda sidii ay xidhiika ka dhexeeya iyada muwaadinka uu u xoogaysan- lahaa.Waxa sidaa lagu gaadhi karaa (bay annaga nala tahay) siyaasad furfuran oo xuub-caaro ah , xilliga la joogona la jaanqaada, xilwadeenaduna kuwo is-xilqaama oo karti iyo hufnaan muujiyaan isudhigaan. Hoggaamiyayaal dabagal joogta ah la yimaadda. Qiimaynta iyo qoraallada ay ka soo saaraanna faafiya, diiwaangelin iyo kaydinna ku hubsada. Ciddii amaan ama dhalliil yeelata oo la kala ogaado. Qof walibana wixii uu mutaystay lagu abaal-mariyo. 2. Waxbarasho fiican intaad nooshahay (oo aan kala go’lahayn) Horuumarka dalkeena waxa marag u ah heerka dugsiyadu gaadheen oo mid lagu faani karo ah. Xukuumadda somaliland ahamiyadda ay waxbarasha saartay waa mid tayodeedu muuqato. Macallimiinta, ardada iyo waalidka qudhoodu uma ay yaraysan kaalinta ay kaga jiraan guulaha laga soo hooyey dhinacaas. Innaguna (UDUB-Benelux) xukuumada somaliland waa in aynuu ka kaalinaa xagga dhismaha dugsiyada, waxbarashada farsmada gacanta iyo ilmaha kuwa dib- u- dhac laga arko waxbarashadooda, sidii loo gacan-qaban-lahaa. 3. Shaqo iyo daryeel waa in cid walba loo helaa cid walbana laga helaa Waase, ninba inta uu karo, isaga oon is-hakranin.Shaqado waxay u tahay qofka il dhaqaale uu nolosha ku dhowrto. Sidaadarteed, shaqo- abuuridda waxa aannu u aragnaa arrin la-ma-yaraystaan ah.Waana inay noqotaa mid sinaan, eexasho laáan ku sugnaata. Waxa markaana inoo taal, sidii loo baahin lahaa shaqo abuurista. UDUB-Benelux waxa ay xukuumadda somaliland ka rabi lahayd in ay qorshayaal iyo shuruudo soo jiita Sharikadaha waaweyn ee dibadda soo bandhigto, si ay u soo xera- geliso. Si taas wax loogu qabto UDUB-Benelux waxay ku talin lahay, nidaam ka kowaad ee daryeelka caafimaadka inay dejintiisa u hawl-gasho Xukummadda Somaliland. Dalkeenana meelaha iskaxejinkara ka suurageliso. Nidaamkaas oo ah shabakad caafimaadka dadweynaha u adeegta kana falkisan : dhaktarka goyska, kanIlkaha iyo farmasiyo.Iyadoon taas macnaheedu ahayn in cisbitaallaadii guud meesha ka baxayaan ee ayxaaladaha takhasusk ama qaliinka u baahan u taagnaandoonaan. 4. Nabadgelyo sugnaata, cid walibana saamaysa Udub-Benelux waxay dagaal kula jirtaa wax alla wixii xasilooni darro ka dhalinaya dalka Somaliland. Waxa aanu talo ku bixinaynaa in dadweynuhu doorkooda ka ciyaaraan sugiddanabadgelyada xaafadaha ay deggen yihiin iyaga oo samaysanaya golayaal isku tacalujiya ka hortagga nadab gelyo darrida ku iman-karta meelaha ay deggan yihiin. Socotada iyo kuwa baaskiillada wadta waa in dawyo loo kala sameeyaa.Waayeelka, maatida iyo carruuraha jidadka baabuurta ka gudbaysana badbaadintooda askarta traafigga gacan laga siiyaa.
XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA UDUB OO BOGAADINYA BAHWEYNTA UDUB EE BENELUX 26/09/2002 Ku:- Bahweynta UDUB ee aagga Benelux Og: Md. Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha JSL/Gudd. Ururka UDUB Waxaa mudan inaan halkan idiinku soo dirro bogaadin Jaaliyada Reer Somaliland ee aaga Benelux ee bahweynta Xisbiga UDUB. Hadaba, anigoo ku hadlaaya magaca Xisbiga ka Guddoomiya iyo kaygaba waxaan mar labaad idiinku hambalyaynayaa hawshaas qiimaha badan ee aad isu xilsaarteen kana midho dhaliseen ee ku saab-san arimaha Xisbigeena. Walaalayaal, waxaan idinku boorinaynaa inaydun hawshaas adag ee dhisida Xisbiga aad halkaas kor uga sii kicin-doontaan, wixii dhib ah ee idinkaga yimaadana xamil iyo adkaysi u yeelataan, goobaha kale ee aagiina ka baxsana hawsha xisbiga aad gaadhsiin doontaan. Waxaan diyaar u nahay wixii talo iyo tusaale ah ee aad na soo siisaan, dhinacayaga waxaanu markasta aanu idiinla diyaarnahay wixii arrin, talo iyo war ahba. Ilaahay hawshaas culus dhamaanteen haynoo fududeeyo, idina garabkiina ilaahay ha galo. Allaa Mahad Leh, Dr. Cabdi Aw Dahir Cali Xoghayaha Guud UDUB
XISBIGA UDUB OO SI RASMI AH LOOGA FURAY DALALKA BENELUX 22/09/2002
Waxa shalay si rasmi ah magaalada Rotterdam ee dalka Nederland uga hirgalay furitaankii xisbiga UDUB .Halkaas waxa lagu asaasay xarun aag oo ay wadaagaan taageerayaash xisbiga ee ku kala baahsan dalalka is-bahaystay ee loo yaqaan Benelux.
Golaha shirku dhacay oo ku yaal badhtamaha magaalada, waxa isugu yimi wufuud ka kala socotay gobolada dalkaas intooda badan. Waxa kale oo iyana xafladaas ka soo qaybgalay dad badan oo kale oo arrinta iskood u xiisanayey.
Isu-duwahaa Radio Dalmar (Idaacadda Afka Soomaaliga ku baxda ee ku taalla magaala- madaxda Nederland ) ayaa isna goob-joogayaasha ka mid ahaa. Waraysigii uu la yeeshay Guddoomiyaha UDUB ee Aagan oo magaciisu yahay Fu'aad Cismaan Muxumed waxa laga dhegeysan karaa Idaacadaa iyada ah maalmahan foodda innagu soo haya. Hawlwadeennada kale waxa ka mid ah Daahir A. Faarax oo kaalinta xoghayaha xisbiga ee Aaga loo xilsaaray iyo Saado Siciidna oo garabka haweenka xisbiga madax loo dhigay.
Waxa aannu jecelay wixii xidhiidh ah aydin Aaga la soo yeelanaysaan in aydin noo soo marisaan xoghayaha :
Tel. +31 30 6894455 Fax. +31 30 6894481
Mob. +31 613287180 Guri. +31 355426416
E- mail : daher.abdifarah@cgey.nl
Waxa soo gudbiyey: Ibraahim Faarax George |
|