Benelux

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

11 mar 2003

[Start] [Uppåt]   
MADAXWEYNAHA
JSL
GUDDOOMIYAHA
UDUB
Qabbaanka
JSL
Jaamicadda Hargeysa
Jaamicadda Cammuud
Dhakhtarka Adna
   IDAACADAHA
Radio Hargeysa
Radio Golis
BBC Somali
Galab
BBC Somali Habeen
Radio Somaliland
Radio Hanqadh
SAADAASHA
HAWADA
HARGEYSA
BURCO
BERBERA
BORAME
RA'YIGA
DADWEYNAHA
UDUB builds the trust between each other of the Somaliland people up on the  peace.
 Kulmiye party shows no national responsibilities and political decency
 Why we should elect Dahir Rayale
 Somaliland: The little country that could
  An  Overview of the Educational System in Somaliand
 Somaliland way buuxisay shuruudihii qaran lahaa
 Post Egal Somaliland opportunities and constrainsts
 SURVIVING WITHOUT THE UN

 

 

UDUB-Benelux    DUTCH VERSION                                                                                                                                              

 

Voor de UDUB-Benelux is de sleutelvraag voor de komende jaren: “Is het ieder voor zich of doen wij het samen? “ Wij claimen gezamenlijkheid en maatschappelijke betrokkenheid van en vóór iedereen. Dat is onze eerste hoofdopgave. Er is de laatste jaren het nodige bereikt en er is dus nog veel te doen.

De UDUB-Benelux moet opener, vriendelijker en dienstbaarder gaan werken. De UDUB-Benelux dient de communicatie met de burgers te verbeteren en intensiever samen te werken om de kwaliteit van het leven te verbeteren. De plaatselijke UDUB-Benelux orgaan werkt met een gereedschapskist met daarin passende instrumenten, passend bij de huidige tijd, waarmee ze zich actief opstelt en ontwikkelingen die op ons afkomen tegemoet treedt en omarmt.

Samenhangend beleid, daar gaat het om. Niet van plan naar plan, maar via een allesomvattende visie en contourenplan naar een aansluitend plan.

Voor de zorg stelt de UDUB-Benelux onder andere het volgende voor:

Dienstbare Somaliland overheid , betrokken burger, vernieuwende politiek
 

De Somaliland overheid  is van ons allemaal. De UDUB-Benelux wil de Somaliland overheid  en de politiek teruggeven aan de burger, het sociale contract tussen burger en overheid  en burgers onderling versterken en het publieke domein herstellen.

punkt

·     Het beleid dient volgens ons open, actief en transparant te zijn. Dit dient  Niet alleen voor het uitzetten van nieuw beleid, maar ook voor de diverse uitvoeringsregelingen. De ambtenaar is niet  degene die alleen iets goed of afkeurt, maar ook iemand die bijstand en informatie verleent bij aanvragen, die adviseert en actief meedenkt met de burger over de vraag waar hij voor komt.

 
punkt

      Het bestuur dient regelmatig te controleren of het beleid dat zij heeft uitgezet in de praktijk ook werkt. Dit hoeft niet te gebeuren door dure bureaus, maar kan vaak gedaan worden door het regelmatig invullen van evaluatieformulieren of het instellen van een monitoronderzoek dat 1 x per kwartaal de perceptie bij de bewoners over het serviceniveau meet. De uitslagen hiervan dienen dan ook bekend gemaakt te worden bij de burgers. Wij menen dat dit de relatie tussen de politiek en burgers kan verstevigen.

 

Beter onderwijs, je hele leven


 

In ons welvarend land passen scholen waar we trots op kunnen zijn. De Somaliland overheid  blijft eindverantwoordelijk voor een goede kwaliteit van het onderwijs. Leraren, leerlingen en hun ouders worden zelf meer verantwoordelijk voor de vormgeving en de uitvoering van onderwijs.

punkt

     Wij zullen de Somaliland overheid  invloed m.b.t. huisvesting, vakonderwijs en scholieren met een leerachterstand op een juiste wijze moeten aanwenden.

Werk en zorg voor iedereen door iedereen
 

 

Het gaat er niet om wat mensen niet kunnen, maar wat ze wel kunnen.

punkt

      Het hebben van werk is voor de meeste mensen de bron van inkomen en levensvervulling. Stimuleren van de werkgelegenheid vinden wij van groot belang. Om een vitaal Somaliland te houden dienen deze dan ook minstens gelijk te blijven.

Wij willen daarom: onderzoek naar het eventueel uitbreiden van bestaande bedrijfsterreinen.

De UDUB-Benelux wil de Somaliland overheid zorgt voor goede randvoorwaarden voor bedrijven om zich binnen Somaliland te vestigen.

Voor de zorg stelt UDUB-Benelux onder andere het volgende voor:

punkt

      De eerste lijnzorg (huisarts, tandarts en apotheek) dient voor Somaliland overheid gewaarborgd te zijn.De “algemene ziekenhuisvoorzieningen” mogen niet verdwijnen en dienen binnen de gemeentegrenzen gehandhaafd te blijven.

Veiligheid voor iedereen
 

De UDUB-Benelux wil meer inspanningen om (gevoelens van) onveiligheid op allerlei gebied te bestrijden.

punkt

     Wij stellen voor om een onderzoek in te stellen naar de behoefte aan een uitvoeringsvorm van buurtpreventie die zich ondermeer richt op sociale veiligheid.

punkt

      Het is uiterst zinvol om periodiek bij specifieke doelgroepen bijvoorbeeld ouderen, schoolgaande kinderen etc. een onderzoek te houden naar aspecten die te maken hebben met veiligheid.

Bij de keuze voor veilig verkeer moet de prioriteit liggen bij de kwetsbare weggebruikers. Hierbij denken wij vooral aan fietsen. Iedere gebruiker, dus ook de ouder met kinderwagen of de minder valide deelnemer moet er gebruik van kunnen maken.

                                    XOGHAYAHA UDUB BENELUX

              Dr. Daahir Faarax

 

 

SOOMAALI VERSION Baaqa UDUB-Benelux

 

 

Baaqa Udub-Benelux hal-ku-dhegiisa uu ka shidaal qaadanaynaa xilligan ololaha lagu jiro waa inuu noqdaa:

wada jir bay laba gacmood wax ku qaban karaan."

Halqabsigaasi wuxuu inna farayaa in hawsha loo guulo, isla markaana qof waliba halkiisa guntiga ka adkeysto isagoo kan kalena wixii culays ah ee ku liicaa la caabiyaya.

 Waxa ay taasi doonaysaa weji-furraan, xilkasnimo iyo dhabar- adayg xil walba lagu guda- galo.

Wixii laga dheefaana waa tayada hawsha oo kobocda iyo dhinacii aad  u wadday oo waafiga  gaadha. Haddii aynnu si dhab ah u jalleecno dhibaatada faraha badan ee inna horwadhan, waqtiga kooban aynnu rabno in aynnu kaga gudubnaanaa, waa mid aan waxba laga huri karayn. Sida ugu fiican ee looga midho-dhalinkaraana waa iyadoo la beegto himilo taxan, iskuna tidcan, kana taggan marba qorshe ka bood oo mid kale raadi. Runahaantiina ka soo jeedda aragti xeeldheeri  ku qotonta, waayo-aragnimona ku dheehantahay, aqoon rib ahna ka soo borqanaysa.

 Weji furraanta iyo hawlkarnimada aynnu ku taamaynaa waxba tarimaayaan, haddii, qaab-dhismeedka tala-abuurka iyo qalab- aqooneedka fulinta ee aynnu u adeegsanayno kasbashada taageerada bulshaweynteena, aanay geedisocdka casrigan cusub ee aynnu foodda la galnay, la hal-maalin.

Waxana lagama maarmaan ah mudnaanta kowaad, in aynnu u qoondayno sidii laysula heli- lahaa:

1.      Maamul somaliland ah oo horuumarka u heellan, dadweyne hanuunsan iyo Siyaasad dayactirku joogto u yahay.

Maamulka somaliland ka dhisani wuxuu nooga dhiganyahay kii wax walba noo qaban -lahaa. UDUB-Benelux waxay kala shaqaynaysaa xukuumadda sidii ay xidhiika ka dhexeeya iyada muwaadinka uu u xoogaysan- lahaa.Waxa sidaa lagu gaadhi karaa (bay annaga nala tahay)  siyaasad furfuran oo xuub-caaro ah , xilliga la joogona la jaanqaada, xilwadeenaduna kuwo is-xilqaama oo karti iyo hufnaan muujiyaan isudhigaan. Hoggaamiyayaal dabagal joogta ah la yimaadda. Qiimaynta iyo qoraallada ay ka soo saaraanna faafiya, diiwaangelin iyo kaydinna ku hubsada. Ciddii amaan ama dhalliil yeelata oo la kala  ogaado. Qof walibana wixii uu mutaystay lagu abaal-mariyo.

2.      Waxbarasho fiican intaad nooshahay (oo aan kala go’lahayn)

Horuumarka dalkeena waxa marag u ah heerka dugsiyadu gaadheen oo mid lagu faani karo ah. Xukuumadda somaliland ahamiyadda ay waxbarasha saartay waa mid tayodeedu muuqato. Macallimiinta, ardada iyo waalidka qudhoodu uma ay yaraysan kaalinta ay kaga jiraan guulaha laga soo hooyey dhinacaas.

Innaguna (UDUB-Benelux) xukuumada somaliland waa in aynuu ka kaalinaa xagga dhismaha dugsiyada, waxbarashada farsmada gacanta iyo ilmaha kuwa dib- u- dhac laga arko waxbarashadooda, sidii loo gacan-qaban-lahaa.

3.      Shaqo iyo daryeel waa in cid walba loo helaa cid walbana laga helaa

 Waase, ninba inta uu karo, isaga oon is-hakranin.Shaqado waxay u tahay qofka il dhaqaale uu nolosha ku dhowrto. Sidaadarteed, shaqo- abuuridda waxa aannu u aragnaa arrin la-ma-yaraystaan ah.Waana inay noqotaa mid sinaan, eexasho laáan ku sugnaata. Waxa markaana inoo taal, sidii loo baahin lahaa shaqo abuurista.

UDUB-Benelux waxa ay  xukuumadda somaliland ka rabi lahayd in ay qorshayaal iyo shuruudo soo jiita Sharikadaha waaweyn ee dibadda soo bandhigto, si ay u soo xera- geliso.

 Si taas wax loogu qabto UDUB-Benelux waxay ku talin lahay, nidaam ka kowaad ee  daryeelka caafimaadka inay dejintiisa u hawl-gasho Xukummadda Somaliland. Dalkeenana meelaha iskaxejinkara  ka suurageliso.

 Nidaamkaas  oo ah shabakad caafimaadka dadweynaha u adeegta kana  falkisan : dhaktarka goyska, kanIlkaha iyo farmasiyo.Iyadoon taas macnaheedu ahayn in cisbitaallaadii guud meesha ka baxayaan ee ayxaaladaha takhasusk ama qaliinka u baahan u taagnaandoonaan.

4.      Nabadgelyo sugnaata, cid walibana saamaysa

Udub-Benelux waxay dagaal kula jirtaa wax alla wixii xasilooni darro ka dhalinaya
dalka Somaliland.
 
Waxa aanu talo ku bixinaynaa in dadweynuhu doorkooda ka ciyaaraan sugiddanabadgelyada xaafadaha ay deggen yihiin iyaga oo samaysanaya golayaal isku tacalujiya ka hortagga nadab gelyo darrida ku iman-karta meelaha ay deggan yihiin. Socotada iyo kuwa baaskiillada wadta waa in dawyo loo kala sameeyaa.Waayeelka, maatida iyo carruuraha jidadka baabuurta ka gudbaysana badbaadintooda askarta traafigga gacan laga siiyaa.

 

 

XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA UDUB OO BOGAADINYA BAHWEYNTA UDUB EE BENELUX   26/09/2002

Ku:- Bahweynta UDUB ee aagga Benelux

Og: Md. Daahir Riyaale Kaahin

Madaxweynaha JSL/Gudd. Ururka UDUB

Waxaa mudan inaan halkan idiinku soo dirro bogaadin Jaaliyada Reer Somaliland ee aaga Benelux ee bahweynta Xisbiga UDUB.

Hadaba, anigoo ku hadlaaya magaca Xisbiga ka Guddoomiya iyo kaygaba waxaan mar labaad idiinku hambalyaynayaa hawshaas qiimaha badan ee aad isu xilsaarteen kana midho dhaliseen ee ku saab-san arimaha Xisbigeena.

Walaalayaal, waxaan idinku boorinaynaa inaydun hawshaas adag ee dhisida Xisbiga aad halkaas kor uga sii kicin-doontaan, wixii dhib ah ee idinkaga yimaadana xamil iyo adkaysi u yeelataan, goobaha kale ee aagiina ka baxsana hawsha xisbiga aad gaadhsiin doontaan. Waxaan diyaar u nahay wixii talo iyo tusaale ah ee aad na soo siisaan, dhinacayaga waxaanu markasta aanu idiinla diyaarnahay wixii arrin, talo iyo war ahba.

Ilaahay hawshaas culus dhamaanteen haynoo fududeeyo, idina garabkiina ilaahay ha galo.

Allaa Mahad Leh,

Dr. Cabdi Aw Dahir Cali

Xoghayaha Guud UDUB

 

XISBIGA UDUB OO SI RASMI AH LOOGA FURAY DALALKA BENELUX   22/09/2002

 

Waxa shalay si rasmi ah magaalada Rotterdam ee dalka Nederland uga hirgalay furitaankii xisbiga UDUB .Halkaas waxa lagu asaasay xarun aag oo ay wadaagaan  taageerayaash xisbiga ee ku kala baahsan dalalka is-bahaystay ee loo yaqaan Benelux.

 

Golaha shirku dhacay oo ku yaal badhtamaha magaalada, waxa isugu yimi wufuud ka kala socotay gobolada dalkaas intooda badan. Waxa kale oo iyana xafladaas ka soo qaybgalay dad badan oo kale oo arrinta  iskood u xiisanayey.

 

Isu-duwahaa Radio Dalmar (Idaacadda Afka Soomaaliga ku baxda ee ku taalla magaala- madaxda Nederland ) ayaa isna goob-joogayaasha ka mid ahaa. Waraysigii uu la yeeshay Guddoomiyaha UDUB ee  Aagan oo magaciisu yahay Fu'aad Cismaan Muxumed waxa laga dhegeysan karaa  Idaacadaa iyada ah maalmahan foodda innagu soo haya. Hawlwadeennada kale  waxa ka mid  ah Daahir A. Faarax oo kaalinta xoghayaha xisbiga ee Aaga loo xilsaaray iyo Saado Siciidna oo garabka haweenka xisbiga madax loo dhigay.

 

Waxa aannu jecelay wixii xidhiidh ah aydin Aaga la soo yeelanaysaan in aydin noo soo marisaan xoghayaha :

 

                                  Tel.    +31 30 6894455

                                  Fax.   +31 30 6894481

                           

                                    Mob.  +31 613287180

                                    Guri.   +31 355426416

                              

                                  E- mail : daher.abdifarah@cgey.nl

 

 

                   Waxa soo gudbiyey: Ibraahim Faarax George

Nagala soo xidhiidh: adminyurub@xisbiga-udub.com                       Xarunta xisbiga UDUB: udub@bgtinet.com

© Xisbiga UDUB, 2002

Start ] Uppåt ] Xeerarka ] War iyo Wacaal ] Isdiiwaangelin ] Ra'yiga Dadweynaha ] Doorashooyinka ] Maamulka ] Archives ] Suugaanta ]