Tixda 1-aad             CARTAN                              Cali-Dhuux Aadan

  1. Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelki reer Magane
  2. Hadday curaddadii nool yihiin, waad cabbi lahayde
  3. Nimankii ku caawin jiraan, cidi ka nooleyne
  4. Cabdilaahi iyo Yuusuf baa, ciidda hoos maraye
  5. Beddel baa cashiiro u xigoo, waa cug dabadeede
  6. Raggii calanka saarraan jirayo, Caliba loo diidye
  7. Niman baaba Caarshe u noqdiyo, Caamiroo kale e
  8. Markuu Haybe sida Coomir degay, looga soo cararye
  9. Ma la cawryi reer Yuusuf waa, cirir Ogaadeene
  10. Miduu caayo, miduu caydhiyo, miduu carjaameeyo
  11. Saddexdaa calaamuu ka dhigay, cuurki reer Dalale
  12. Caqli midaan lahayn baad tahaye, ha i caloolyeyne
  13. Cayn iyo Hartaad leedahaye, caraqda fuuqfuuqso

   Tixda 2-aad             CARTAN                              Cali-Dhuux Aadan

  1. Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doolo laga qaadye                             
  2. Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide
  3. Niman baa dalkoodiyo xukuma, labada daaroode
  4. Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
  5. Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane
  6. Deex kama madheedhshaan dhulkay, Deleb ku beerayde
  7. Markuu duraha jiilaal kacee, doogga la idlaysto
  8. Duurkiyo dayada hawd markay, Debec ku soo oonto
  9. Laaskuu ku dalandooli jiray, loogu degi waaye
  10. Alla Dawguddeed Wardheer, kama durduurtaane
  11. Dawadeedu waa jeerinley, uga dul geeraare
  12. Ceelkii biyaha diiraanaa looma, dawdabo e
  13. Dixdii Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye
  14. Darar kagama maalaanCammuud, diiqo iyo xoore
  15. Maantana dukaamaa la dhigay, degelki Gaafoowe
  16. Deexdii Rakaaliyo Gargaar, laysu dacareeye
  17. Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye
  18. Wardheer oon dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruudi
  19. Kuna dalaaqe naagihii inaanay, dib uga laabmayne
  20. Iidoorku siduu damacsanaa, loo diyaafadiye
  21. Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira e
  22. Dar ilaahay uun baa xaggiis, looga soo diraye
  23. Sow sidii Darwiishkii Isaaq, duub cad uma qaadan
  24. Makaahiilku Dooyo uma kaceen, degaya Hiiraane
  25. Daacuunku meeshuu ku layn, uma dalluubeene
  26. Daal iyo hadhuudh kuma cuneen, degelkii Haarweyne
  27. Habar Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye
  28. Dullinimo inay qaayibeen, waxa u daliil ah
  29. Degniin weli ma helin reer Subeer, duulka soo qaxaye
  30. Dooyiyo dabriyo weerar, ma laha duulaane
  31. Ninna uunka kama dawladsana, Dir iyo Daaroode
  32. Ilaah baa dabkoodiyo sandahay, danabbadoodiiye
  33. Dadka uguma liitaane way, diriri waayeene
  34. Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey
  35. Da'daan kaga bilaabiyo miyaan, deelka ka habowshay
  36. Ma daleeyey deelaqaafku waa, kaa dilaa hadale
  37. Dacwad kalena waa reer Xirsiga, halaan dareensiiyey
  38. Dadka waa la wada laynayaye, waa u darraydeene
  39. Dubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta weli haysa
  40. Waa waxay la dabandeebayaan, dakharadeediiye
  41. Waxay dalaga beeraha la qodan, waa dagaagnimo e
  42. Damal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida Gaaroodi
  43. Reerahoodu maantay degeen, daawe lagu boobye
  44. Sidii galab dawaar loogu rogay, deleb ma maalaane
  45. Ina Raabi waa tii la dilay, waana reer Dalale
  46. Duqna kuma sagootiyin kuwii, dahay Ugaaskiiye
  47. Dan baa tidhiye lama duudsiyeen, Dirirkii dheeraaye
  48. Aniguba dubkaan uga nixiyo, diirka oogada e
  49. Doonyiyo hogoog siduu u galay, dermana u seexday
  50. Ma damaqado ee kii dad ugu xigay, waa durduriyaaye
  51. Ilmo Dacarba duul bay indhaha, dumuq ka siiyeene
  52. Nimankii walaalkood durqumay, kama dambaysiine
  53. Degdegsiinyo waatay ciyoon, duqaq u laayeene
  54. Nimaan aabbihii danashyo dhalin, looma duurxulo e
  55. Dib baaba looga yaabiyo inuu, kaaga sii daro e
  56. Dagaalkii Kilaas ugama rayn, duulki reer sharace
  57. Dontii boqorka nimankii damcaye, dooni jiray shaalka
  58. Bal kolay dudaan waxna yaanay dilin, doorarna u layne
  59. Geerida Hurraha diidayey, derajo dhaamaane
  60. Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey
  61. Da'daan kaga bilaabiyo miyaan, deelka ka habowshay
  62. Ma daleeyey deelaqaafku waa, kaa dilaa hadale
  63. Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheegayga
  64. Maanasadan dad wada qoonsadee, diradire u qaatay
  65. Diin runa daliilkii sharciga, yaan ka daalacaye
  66. Dembi inaanu iga raacahayn, wax u daliilkiiya
  67. Daahyaale geeli la helay, waa kan deyr dhalaye
  68. Duudweyn ma jiro Haamo iyo, dabo Cadaadeede
  69. Derrin iyo afkii Daadmareen, kama dareershaane
  70. Dahab waa tan iyo qaalmihii, dayrcadka ahaaye
  71. Durmad quruxsanleeyeey ma foga, dalawadiiniiye
  72. Dambarkiisu waydiin uraa, waana dabataane
  73. Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh
  74. Oo wada dunuunucahayuu, idin dul joogaaye
  75. Dubuxul baana lagu sii wadaa, dararti Baarjeexe
  76. Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey
  77. Da'daan kaga bilaabiyo miyaan, deelka ka habowshay
  78. Ma daleeyey deelaqaafku waa, kaa dilaa hadale
  79. Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga
  80. Nabsigu waa daruuraha cirkiyo, sida dabayshaase
  81. Dekaankii wax qaatuu la' yahay, deynka godobeede
  82. Daa'iradu maantay waddaa, duulashii qabaye
  83. Xaqa daguugmay duunyada la dhacay, dumarka ooyaya
  84. Naagaha ilmada duugayee, diilalyadu hayso
  85. Daa'imo haddaydaan ahayn, dagey xaqiiniiye
  86. dagaalna waan jeclaa xaajo aad, dib ugu aydaane
  87. Doqon yahay ka kaca meeshan aad dacayda laalaadin

   Tixda 3-aad             CARTAN                              Cali-Dhuux Aadan

  1. Caliyow dabuubtaada gabay, daa'inkaa wadaye
  2. Dabaylaha xagaagii dhaciyo, daafigaa sidaye
  3. Noo dooji doog iyo sidii, dirirka Cawleede
  4. Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daaweyne
  5. dadka uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye
  6. Anna waan ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoowe
  7. Daaraan garbaha qoon ku laad, damaqday Dhuuxoowe
  8. Dibirooti buu dhacay raggad, daabaqadiseene
  9. Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya
  10. Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaane
  11. Dib u joogso waan kula dacwiyi, doodna waan odhane
  1. Dab baad ololisaa kumana gobo, daayin abidkaaye
  2. Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane
  3. Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaaye
  4. Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu danbaabaynin
  5. Dambaabidhada naareed haddaan, dhiacu doonaynin
  6. Seedow maxaad noogu digan, dakharku waa kiine
  7. Goormay degmada noo miyeen, dawgal baa jire e
  1. Dardarsiga danaasaca la mood, dhowr inaan ahaye
  2. Isdalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye
  3. Dubbihii ku dhacay dhinac Barwaaq, dagi aad maysaane
  4. Daaduunka caydheed raggaa, dibadda meeraaya
  5. Docmo iyo Hartaa lagu ogaa, dalawadoodiiye
  6. Cali-Geriga daaddihin shalay, naga durduurteene
  7. Waa kaa darfiyey caanihii, Dagiyo Heemaale
  8. Anna waxaan dibbiray waa dagaag, deyro soo xulaye
  9. Nimay gacantu daabulo tiqiin, beri hadduu daayo
  10. Oo yare dalleesado intii, duco san loo yeelo
  11. Damban maayo waagay xubnuhu, yare dubaaxshaane
  12. Inaad daysid beel dagan adaan, dani ku seetaynin
  13. Dabcigeedaba yaa kugu ogaa, digasho mooyaane.
  1. Hadday debecdo wow hiilisaa, doqon walaalkeede
  2. Diiftii ushaa garan intaad, dayada haysaane
  3. Dunna ahdaadan ii tarin maxaad, iigu dano sheegan
  4. Duunyada fardood maalintaad, deleb ku qaadaysay
  5. Sidii duul amaxaaro ah markaad, nagu dabraynaysay
  6. Intaad haantan ii labadadublayn, muu damqado jiidhu
  7. Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro
  8. Daabcad ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey
  9. Iyo kii duleelshaay ku yidhi, wax isma doorshaane
  10. Dakanadeeda yaa kaa xigood, igu dabayn haatan
  11. Aar soo dibjiray neef hadduu, daacuftii geliyo
  12. Oo kaga digsiiyoo ilkaha, dhiig kaga daadsho
  13. Dugaaggaa yarayri sow ka cuna, duugga hadhay ma aha
  14. Aday dilaye goormuu Isaaq, Doollo iga qaaday
  15. Maxaa libinta Daarood lahaa, Dabacayuun siiyey
  16. Hadday Dubuxul uga heesayaan, dacarna waa siine
  17. Ma wayse haatan daab iyo ul iyo, kaga cabbaan dawlis
  18. Bulsho Daalis oo dib dhaloon, loo dambarinaynin
  19. Ookii lahaa diiday bay, sidigtu doontaaye
  20. Kuwaaan derisnay
  21. Waxa adiga duug kaaga noqon, yeyga degi waayey
  22. Gabdhaha doonan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta
  23. Kuwaan dahannay diricayaday dhaleen, waa dareemada e
  24. Muslinka hayga didin yaan Ibleys, dawyo kaa ridine
  25. Darka jabay dillaakiyo dhulkuu, dabadku meeraayo
  26. Deeqaa Ilaahay halkuu, xuliyey daadkiisa
  27. Ii daa dugaag iyo Hartay, igaga deyraane
  28. Iidoor Dir weeyee hadduu, duullan soo bixiyo
  29. Dunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka gooyo
  30. Dunbuq iyo rasaastii hadduu, dabacsanuhu siiyo
  31. Horta yaa la da'a wayla yaab, dawyadaad mariye
  32. Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doolo soo gudubye
  33. Diinkaan akhriyey way imaan, Doy raggii jiraye
  34. Dunji maalintii waxaad qabataan, waan u daahirine
  35. Ma demmaniye deynkayga, waan dabagelayaaye
  36. Idinkuba darkii Caynabaad, dersi ku taaliine
  37. Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare
  38. ama ina daaya waa wada qabnaa, daawashiyo ceebe
  39. Caliyow da'daan ahay waqaa, looma duurxulo e
  40. Duq gaboobey iyo wiil yar baa, loo dedaa hadale
  41. Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene
  42. ma dumaalo naaguhu ninkay, nolo ku dayrshaane
  43. Dayib uma yidhaahdaan jeero, hawli daashado e
  44. Nin walaalkii doorsaday Ilaah, derejo siin waaye
  45. Dalkaad ina'adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye
  46. Baadida nin baa kula deydeyi, daalna kaa badane
  47. Aan doonahayn inaad heshaa, daa'in abidkaaye
  48. Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
  49. Dallo ma laha aakhiro haddii, loo kitaab dayo e
  50. Dillaal iyo mallaalo wuxuba waa, carabta diintoode
  51. Dibnihiinna uun baan galoo, way dudubiseene
  52. Allay diliye Iidoor adaa, iiga sii darane

   Tixda 4-aad             CARTAN                              Cali-Dhuux Aadan

  1. Deynqaadka qabay wuu xun ayahy, diradiraaluhuye
  2. Duq gaboobay waxa roon afkii, inuu dabbaalaaye
  3. mar hadduu duleedada ka ciyo, waa darxumo weyne
  4. Dammanaanta Caliyow rag waa, kala dambeeyaaye
  5. Darbo waxaad islaan kula jirtoo, dab isu dhiibtaaba
  6. Dux ka guro dibnuun baad u dhiman, duugga weligaaye
  7. Deris sidaannu nahay oo ciyoon, nala duqaynaayo
  8. Daandaansigaagii ka baday, digada xoolaha e
  9. Dacwiga jooji yaan Eebbahay, dawdar kaa dhigine
  10. Nin dulmiyey Ogaadeen haddii, cidi k doonayso
  11. Dunjigeeda Soomaali baad, ugu darraydeene
  12. Duuflaal wadaadkii noqdaad, daawo la lahayde
  13. Waa taad dubbaha reer Subeer, daan ku jebiseene
  14. Idinkaa Dannood iyo ka hiray, degalladiisiiye
  15. Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
  16. Deegaanta haradoo dhan baad, dacar ku dheehdeene
  17. Deex iyo madheedhkaa baxaan, gorayo daaqayne
  18. Dooggoo gabaabsiye haddii, Dayrta la idlaysto
  19. Laaskuu ku dalandoolayaad, daas ka dhigateene
  20. Dixdii Qarandi waa taad khalfado, dab u samayseene
  21. Dunbuqaad ka soo jeediseene, loogu degi waaye
  22. Dogobtii Cammuud baad shan mayl, dubuq ka siiseene
  23. Sidii daamur waa tii Gargaar, duuf ka soo uraye
  24. Dhagixii mataan lagu dugsiyey, deyrkii lagu meersahy
  25. Jeeraan daqiiqaha ka dhigay, Doolo laga caagye
  26. Hog Dheeraan diniin laga cabbayn, duraha Jiilaal
  27. Waa taan wadaan qudha la darin, toban diraacoode
  28. Dacna looma qoyn jeerahoon, degay Afmeertiiye
  29. Darandoori loogama horrayn, dararka Gaafowe
  30. Dukaanada waxa dhigay raggii, dahay wadaadkiiye
  31. Waxaan ugu dabbaaldegey markaan, helay dalalkaase
  32. Aan dirirta kaga qaaday kii, dawladda ahaaye
  33. Dooy iyo Doh iyo Faafka iyo, dubuxulkad sheegat
  34. Meeshii dirkii Xaawo iyo, duuddi Nebi Aadan
  35. Inaan jeesna naga daaqahayn, daacaddaa furiye
  36. Dembi iyo xasarad baa Ilaah, kuugu dawgalaye
  37. Dariiqyada jannada loo maraad, dacal dhebaysaaye
  38. Diintii Rasuulkiyo seegayoo, doorsan baad tahaye
  39. Nin dardaarankii seegayoo, doorsan baad tahay
  40. Afartaa dawaarkii dharkoo, dhin ma raacsiiyey
  41. Deelqaafku waa ba'an yahaye, daaqsin maw mariyey
  42. Ma daliishay qawlkii rnaa, laabta kaa dega e
  43. Da'dii hadlaka laga tiriyee, nala dareensiiyey
  44. Anna kama duwine eray yar baa, deelka ka higgaadshay
  45. Daarood haddaad tahoo hilbaha, uga dubaaxayso
  46. Guutada kolkuu maqqddin Dool, ugu dawaafaayey
  47. Uu Aadan dooyada u waday, damaca geelooda
  48. Adna sidii cir danab loo onkoday, doobbo karinaysay
  49. Dici naaska nuugiyo markii, gabadh la dooxaayey
  50. Dalbashada salaaddii markii, gaadhka lagu deyray
  51. Dabkii lala dhacaayaa, dheguhu nala dillaaceene
  52. Degmada reer Amaadin iyo Camaba, Deleb ma maalaane
  53. Waxa Caabudwaaq laga didsaday, kii dabrayn jiraye
  54. Ku dullayse Awyaal intii, ugu dan roonayde
  55. Dabad-haaje waa taad waddeen, duurka oo kale e
  56. Bal Daahyaale oo qudha maxaad, ugu dallabaysay
  57. Shaxda lama degteen reeruhuu, cunay dugaaggiiye
  58. Hadba delebki lama jeexateen, qoonki reer Dalale
  59. Dooyeysi uma jiifsateen, dahar ay waabeene
  60. Waa nin Ilaah kuu sandahay, dumar sidiisiiye
  61. Adna hadal wax buu soo duwaa, gabayga maad daysid
  62. Afartaa dawaarkii dharkoo, dihin ma raacsiiyey
  63. Deelqaafku waa ba'an yahaye, daaqsin maw mariyey
  64. Ma daliishay qawlkii runaa, laabta kaa dega e
  65. Da'dii hadalka laga tiriyee, nala dareensiiyey
  66. Anna kama duwine eray yar baa, deelka ka higgaadshay
  67. Dagaal iyo dhac waa loo ogaa, duul shisheeye ahe
  68. Iyagubu ku jeer bay dunsheen, dawladda Isaaqe
  69. Raggii saca dannaaniyey baqaha, daadshay qalabkooda
  70. Ee aan is deyin jeerahoo, hooris lagu daadshay
  71. Aad qoodhadogoblow lahayd, sida dameer weyda
  72. Waxaad tahay dayl cudur sidoo, cidina dhaadayne
  73. Bal maxaa ka daran ceeb haddii, laysku dili waayey

 Tixda 5-aad              CARTAN
HORDHAC
Waxa aan marnaba laga masuugi karin kaalintii ay ka soo qaadatay maansadu madadaalada iyo kobcinta fikirka bulshada Soomaaliyeed casri kasta oo ay joogto. Dhabahaantiina waa raadka ugu weyn ee dib  loo raaci karo haddii la rabo in dib loo miliilico taariidhda Soomaalida ee aan qornayn. Sidaadarteed waxa aan silsiladan Guba u soo qaadannay, suugaan ahaanta ka sokow waxa ku jirta taariikh badan oo aan hadda qornayn, haseyeeshee berri ka maalin da'aadda soo socota haddii loo gudbiyo ay si weyn wax ugala bixi karaan, kana tixraaci karaan hiddihii hore iyo Soomaali waxay ahaan jirtay.
Suugaan ahaan Silsiladda Guba waa gabayo sooyaal ah oo gabayo la mid ah mooyaane aanay jirin kuwa ka sarreeya qiimo ahaan dhan loo dayaba. Af ahaan waa hodon, dhisahaan farshaxnimo aad u sarraysa ayaa lagu unkay, murti ahaan tuducadooda qaar badan baa lagu mahaamaahaa. Waxayna inoo dhigan yihiin, haddii aan Soomaali nahay kuwa la mid ah gabayadii waayihii hore Carabtu sudhi jireen Kabcada ee afka carabiga lagu odhan jiray Al Mucallaqaad - waxa uun la sudhi jiray gabay gabay ka tegay oo la isku raacay.
Haddii aan gabayga guud ahaan laamihiisa fiirinu, Silsiladda Guba waxay ku abrtirsan kartaa jibsinta gabayada loo yaqaan Gabaybulsheed, lafta la yidhaa Gabaybeeleed. Asal ahaan gabayga Soomaalidu wuxuu u badan yahay Gabaybeeleed, waayo, gabayga oo sidiisaba inta badan ahaa wax afhayeen- ada beelaha oo gabayaaga ahaa isu tirin jireen.
Silsiladdan Guba waxay ahayd gabayo dhex maray beelaha Soomaaliyeed qaarkood. Waagaa Guba la bilaabay sida aad ka arki doontaan gabayada waxay ahayd kolkii la jabiyey dabadeed ciidamadii Ina Cabdilli Xasan. Sida taariikhaha lagu yaqaan kolka dagaalo laxaad weyn jiid ka dhacaan foosburburka dambe dadka rayidka ah waxa soo gala gacatooda hub aad u tiro badan oo aan hore loo haysan jirin, sida hadda Soomaaliya ka jirta. Hubkii waagaa la helay waxa uu dheliyey dagaallo faro badan, beeluhuna xoolo badan bay kala dhaceen, deegaanadii la daaqi jiray iyo ceelashii laga cabbi jiray bay iska riixaan, waxana ka muuqaalceliyey xaalddu siday waagaa ahayd magacii loo bixiyey sabankaa oo ahaa: Xaaramocune.
Cali-Dhuux Aadan oo ahaa abawaankii bilaabay Iskuxidhanta Guba, wuxuu uga dan lahaaba, wuxuu curiyey maanso dhaxalgel ah oo ah taa maanta ina soo gaadhay iyada oo wax qoraal ah ama hab kale oo lagu keediyaa jirin, aanahayn dadkii faraah badnaa ee xiisaha u hayey ee midba mid afka uga soo dhibay, inana ku rajaweynahay in aan ubadkeena u gudbinno.
 
Magaca Guba
Associate Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) oo ah nin aqoon weyn u leh suugaanta Soomaalida, cilmibaadhisna ku sameeya oo  ahna ninkii u horreeyey ee daahfuray xeerka miisaanka maansada (The scansion of Somali poetry), ayaa ku sheegay magaca Guba in loogu magac daray silsilada tan ka horreysay oo Ogaadeenku dhexdiisa isaga tiriyey.
 
Tixda 1-aad: CARTAN
Tixdan Cartan waxa tiriyey Cali-Dhuux Aadan oo ku halqabsday hal ka mid ahayd tuldo uu ceelka Walaal u soo aroorshay. Kolkii Cali soo gaadhay ceelka ayey tuldihii holladeen dar geel ka cabayey. Wiilkii geela horayey baa hashii u soo horreysay uleeyey. Ceelka oo uu xilligaa biyosoore ka ahaa Faacuul Aadan Jugle ayuu Cali ku yidhi, "Faacuulow daa tulduhuhu ha cabbeene." Faacuul baa Wiilkii faray in uu waraabiyo tuldahii, Calina ku celiyey kaftankii oo yidhi, "Caliyow, waad ogtahay in aadan maanta Walaal biyo ku lahayne ee  maxaad u dan leedahay?" Calina tixdan buu kaga jawaabay oo uu Faacuul kaftan ahaan ugu jeediyey, haseyeeshee, sida ay dulucda tixdu tilmaamysu hadalku wuu ka shisheeya Faacuul.
 
Tixda 2-aad: DELEB
Kadib markii la kaftan dhammeystay tuldihiina la waraabiyey, Cali-Dhuux wuxuu la carraabay Faacuul oo martigeliyey habeenkaa. Wuxuuna Cali-Dhuux ku yidhi, "Calow, gabayga dhaaf, tixdaadi maantana qoonsi baa ku jiray. Cali wuxuu ugu jawaabay, "Faacuulow, maan gabyin ee haddii aan gabyi lahaa waxaan ka qaadi lahaa:
 
Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doolo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa ciide
 
Faacuul baa ku yidhi, "Caliyow, halkaa ku jooji gabayga, intaana ha u dhaafin. Wuxuuna Faacuul Cali u ballanqaaday in uu diraacdana ceelka biyo ku leeyahay. Cali wuu ka yeelay codsigaa Faacuul, laakiin afeef buu ka dhigtay oo wuxuu yidhi haddii aan tuducyadaa cid ka maqlo waan dhamaystiri doonaa.
Muddo kadib, Cali-Dhuux oo makhaayd fadhiya ayaa maqlay tuducyadiisii oo wiilkii makhaayadda ka shaqaynayey shaahii ku iibinaya. Cali-Dhuux wiilkii buu waraystay oo uu weydiiyey cidda tirisay tuducyadaa. Wiilkii baa u sheegay in uu tiriyey nin Cali-Dhuux la yidhaa. Cali-Dhuux sidaas buu ku dhammeys tiray gabaygaa la baxay Deleb.
Kolkii uu gabaygii Cali-Dhuux dhammeeyey wuxuu shardi uga dhigay ninkii ka jawaabayaa in:
1. aanu gabaygiisa wax deelqaaf ah ku darin
2. uu ka qaado xarafka D
3. uu u yeelo dhextaal
 
Tixda 3.aad: DABUUB
 
                             Cali-Dhuux Aadan

  1. Calow gugakan gabaygii aad tidhi, gocondho weyn reebye
  2. Wixii gacal haa uummiyaha, waa mid kala geyne
  3. Gabadh iyo walaalkeedba waa, kala gaddoomeene
  4. Gardarriyo isyeelyeel mar, gubay bilaadkiiye
  5. Nin garaad leh baan kugu, baban ahaantiiye
  6. Maantaad guyaal badan jirtoo, guudku cirroobay
  7. Bal garwaaqso warankaad gantiyo, gedaha aad joogto
  8. Guntigii wadaadkii la eed, gabagabayntiiye
  9. Galow baa ka ciyey ceelashaad, geesi ku ahayde
  10. Buuhoodle geel looma horin, goorti dabadeede
  11. Gammaankii badnaa ugama fulo, labada geesiide
  12. Galba'dii shubaysiyo la waa, garabyaweyntiiye
  13. Geedaha ka baxay lagama cuno, godanyadiisiiye
  14. God abaaday waa kaa noqdiyo, guri madoobaade
  15. Waxa guuldarrada ugu wacan, geli colaadeede
  16. Waa gaasir reer Cali lixdii, wada gudboonayde
  17. Ma gu' yara e se Cali tashigu, uga gulaallaaday
  18. Gaadiid ku qaadiyo haddaad, gelin dhexaad weydo
  19. Gurgur lama shiraystiyo hashii, geela ka irmaane
  20. Gunta lagama jaro geed hadduu, kuu gabbood yahaye
  21. Afartaa gammuuraye sidii, leebka ma u gooyey
  22. Gobo' kalena waa eray yaraan, gudub ka faaleeyey
  23. Cabdi Muxumud gabannuu ka tegey, goraygii dheeraaye
  24. Geyr iyo waxay ciil qabaan, garanba maysaane
  25. Aar soo gandoodsaday wuxuu, gaadho wuu diliye
  26. Goonyaha haddii lagaga ciyo, guuldarraa dhiciye
  27. Gondagooye ninkii dhigaad, gacal ahaydeene
  28. Geelii Ogaadeen ninkii, gaabiyaad tahaye
  29. Giddiga reer Subeer yahay ninkii, gaadhay baad tahay
  30. Ninkii geed ku xidhay baad ahayd, gabanti weyshiiye
  31. Gudaha Adari baa laga tirshaa, gabayadaadiiye
  32. Gaaliyo Islaan nabaddu waw, gogol nasteexaade
  33. marse haddii colaad loo guntado, guuldarraa dhiciye
  34. Cid uun baa rasaas kugu gembiye, Giibba ma lahayne
  35. Ogaadeenku waa gama'san yee, gamasyo haw dhiibin
  36. Godobta ha ogaysiin rag waa, garacyo shaydaane
  37. Gacalow ka joog meelahaad, gacantogaalaysay
  38. Haddii kale aduun baw go'iye, gabaygu aashaad

 Tixda 6-aad              CARTAN

WELI WAA
QABYO