|
HORDHAC
Waxa aan marnaba laga
masuugi karin kaalintii ay ka soo qaadatay maansadu madadaalada iyo
kobcinta fikirka bulshada Soomaaliyeed casri kasta oo ay joogto.
Dhabahaantiina waa raadka ugu weyn ee dib loo raaci karo haddii la rabo
in dib loo miliilico taariidhda Soomaalida ee aan qornayn. Sidaadarteed
waxa aan silsiladan Guba u soo qaadannay, suugaan ahaanta ka sokow waxa ku
jirta taariikh badan oo aan hadda qornayn, haseyeeshee berri ka maalin
da'aadda soo socota haddii loo gudbiyo ay si weyn wax ugala bixi karaan,
kana tixraaci karaan hiddihii hore iyo Soomaali waxay ahaan jirtay.
Suugaan ahaan Silsiladda
Guba waa gabayo sooyaal ah oo gabayo la mid ah mooyaane aanay jirin kuwa
ka sarreeya qiimo ahaan dhan loo dayaba. Af ahaan waa hodon, dhisahaan
farshaxnimo aad u sarraysa ayaa lagu unkay, murti ahaan tuducadooda qaar
badan baa lagu mahaamaahaa. Waxayna inoo dhigan yihiin, haddii aan
Soomaali nahay kuwa la mid ah gabayadii waayihii hore Carabtu sudhi jireen
Kabcada ee afka carabiga lagu odhan jiray Al Mucallaqaad - waxa uun
la sudhi jiray gabay gabay ka tegay oo la isku raacay.
Haddii aan gabayga guud
ahaan laamihiisa fiirinu, Silsiladda Guba waxay ku abrtirsan kartaa
jibsinta gabayada loo yaqaan Gabaybulsheed, lafta la yidhaa
Gabaybeeleed. Asal ahaan gabayga Soomaalidu wuxuu u badan yahay
Gabaybeeleed, waayo, gabayga oo sidiisaba inta badan ahaa wax afhayeen-
ada beelaha oo gabayaaga ahaa isu tirin jireen.
Silsiladdan Guba waxay
ahayd gabayo dhex maray beelaha Soomaaliyeed qaarkood. Waagaa Guba la
bilaabay sida aad ka arki doontaan gabayada waxay ahayd kolkii la jabiyey
dabadeed ciidamadii Ina Cabdilli Xasan. Sida taariikhaha lagu yaqaan kolka
dagaalo laxaad weyn jiid ka dhacaan foosburburka dambe dadka rayidka ah
waxa soo gala gacatooda hub aad u tiro badan oo aan hore loo haysan jirin,
sida hadda Soomaaliya ka jirta. Hubkii waagaa la helay waxa uu dheliyey
dagaallo faro badan, beeluhuna xoolo badan bay kala dhaceen, deegaanadii
la daaqi jiray iyo ceelashii laga cabbi jiray bay iska riixaan, waxana ka
muuqaalceliyey xaalddu siday waagaa ahayd magacii loo bixiyey sabankaa oo
ahaa: Xaaramocune.
Cali-Dhuux Aadan oo ahaa
abawaankii bilaabay Iskuxidhanta Guba, wuxuu uga dan lahaaba, wuxuu
curiyey maanso dhaxalgel ah oo ah taa maanta ina soo gaadhay iyada oo wax
qoraal ah ama hab kale oo lagu keediyaa jirin, aanahayn dadkii faraah
badnaa ee xiisaha u hayey ee midba mid afka uga soo dhibay, inana ku
rajaweynahay in aan ubadkeena u gudbinno.
Magaca Guba
Associate Prof.
Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) oo ah nin aqoon weyn u leh
suugaanta Soomaalida, cilmibaadhisna ku sameeya oo ahna ninkii u
horreeyey ee daahfuray xeerka miisaanka maansada (The scansion of Somali
poetry), ayaa ku sheegay magaca Guba in loogu magac daray silsilada tan ka
horreysay oo Ogaadeenku dhexdiisa isaga tiriyey.
Tixda 1-aad: CARTAN
Tixdan Cartan waxa tiriyey
Cali-Dhuux Aadan oo ku halqabsday hal ka mid ahayd tuldo uu ceelka Walaal
u soo aroorshay. Kolkii Cali soo gaadhay ceelka ayey tuldihii holladeen
dar geel ka cabayey. Wiilkii geela horayey baa hashii u soo horreysay
uleeyey. Ceelka oo uu xilligaa biyosoore ka ahaa Faacuul Aadan Jugle ayuu
Cali ku yidhi, "Faacuulow daa tulduhuhu ha cabbeene." Faacuul baa Wiilkii
faray in uu waraabiyo tuldahii, Calina ku celiyey kaftankii oo yidhi, "Caliyow,
waad ogtahay in aadan maanta Walaal biyo ku lahayne ee maxaad u dan
leedahay?" Calina tixdan buu kaga jawaabay oo uu Faacuul kaftan ahaan ugu
jeediyey, haseyeeshee, sida ay dulucda tixdu tilmaamysu hadalku wuu ka
shisheeya Faacuul.
Tixda 2-aad: DELEB
Kadib markii la kaftan
dhammeystay tuldihiina la waraabiyey, Cali-Dhuux wuxuu la carraabay
Faacuul oo martigeliyey habeenkaa. Wuxuuna Cali-Dhuux ku yidhi, "Calow,
gabayga dhaaf, tixdaadi maantana qoonsi baa ku jiray. Cali wuxuu ugu
jawaabay, "Faacuulow, maan gabyin ee haddii aan gabyi lahaa waxaan ka
qaadi lahaa:
Doqonkii Ogaadeen ahaa,
Doolo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo
hadduu, degi lahaa ciide
Faacuul baa ku yidhi, "Caliyow,
halkaa ku jooji gabayga, intaana ha u dhaafin. Wuxuuna Faacuul Cali u
ballanqaaday in uu diraacdana ceelka biyo ku leeyahay. Cali wuu ka yeelay
codsigaa Faacuul, laakiin afeef buu ka dhigtay oo wuxuu yidhi haddii aan
tuducyadaa cid ka maqlo waan dhamaystiri doonaa.
Muddo kadib, Cali-Dhuux oo
makhaayd fadhiya ayaa maqlay tuducyadiisii oo wiilkii makhaayadda ka
shaqaynayey shaahii ku iibinaya. Cali-Dhuux wiilkii buu waraystay oo uu
weydiiyey cidda tirisay tuducyadaa. Wiilkii baa u sheegay in uu tiriyey
nin Cali-Dhuux la yidhaa. Cali-Dhuux sidaas buu ku dhammeys tiray gabaygaa
la baxay Deleb.
Kolkii uu gabaygii
Cali-Dhuux dhammeeyey wuxuu shardi uga dhigay ninkii ka jawaabayaa in:
1. aanu gabaygiisa wax
deelqaaf ah ku darin
2. uu ka qaado xarafka
D
3. uu u yeelo dhextaal
Tixda 3.aad: DABUUB
|