![]()
UDUB, UK, London - Kulan Khayr Qaba oo Taariikhi ah Buu ahaa MUDAARAADKII LA ISUGU SOO BAXAY MAALINTII ARBACAAD, 17 mARS, 2004. 22/03/2004
Maalin xusuus leh bay u ahayd dadka reer Somaliland Arabacadii bisha Maars 17 ahayd. Maalintaas oo ka tilmaanaan doonta ayaamaha kale laguna xusuusan doono taageerada dadka reer SL iyo khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda SL, Md. Daahir Rayaale u jeediyey Guddi ka tirsan Golaha Baarlamanka Aqalka Kommoniska ee Ingiriiska.

Tan iyo kowdii duhurnimo wuxuu dadka reer SL ee
deggan Boqortooyada Ingiriisku ku soo qulqulayey faqaaraha weyn ee ku yaal Down street. Waxay soo gaadhayeen goobta kulanku ahaa iyaga oo koox
koox u socda kolka ay ka soo degaan basaskii, tareemadii iyo baabuurtii ay
soo raaceen. Koox waliba waxay sidatay makrafoono, calamo iyo boodhadh ay
ku qoraayeen weedho muujinaya dareenkooda, sidana farriin dhab ah oo ku
socota xukuumadda Ingiriiska. Gabdho badan baa soo xidhay toobab ay ka
tosheen calanka SL, rag badana koofiyado ayey ka dhigteen calanka. Kolka
ay fagaaraha soo gaadhaan waxay is tubayeen goobtii loogu talagalay iyaga
oo ku dhawaaqaya erayo taageeraya gooni isutaaga Somaliland.
Waxa la isaga yimi gobolada iyo magaalooyinka boqortooyada Ingiriiska iyo dalal badan oo Yurubta Kale ah. Waxa xus mudan sida ay isu soo abaabuleen dadka reer SL ee deggan magaalada Bristol oo aan u kala hadhin hawshaa. Waxay ku yimaadeen tiraba shan bas iyo baabuur tobaneeyo ah. Waa lagu diirsady kolkii ay soo gaadheen fagaarihii mudaaharaadka iyaga saf-saf u socda oo ruxaya calanka SL, kuna dhawaaqaya, "SL ha ha jirto oo ha waarto."
Dhallanyaradii mudaaharaadka ka soo qaybgashay gabdho iyo wiilalba waxay ku heesayeen heeso wadani ah oo qiiro gelinayey dadkii mudaaharaadka ka soo qaybgalay. Mudaaharaadku wuxuu soo jiitay fiijignaantii dadkii jidka marayey oo maalintaa wixii dalxiis u yimid waxay sawiranayeen dadkan isu soo baxay, waana hubaal in maalintaa qadiyada SL la gaadhsiiyey dad aad u tiro badan.

Kolkii dadku soo dhammaaday ee la isu wada yimi fagaarihii wuu buuxsamay oo usha cirka loo tuuraa dhulka uma dhacayn. Dadku wuxuu isugu jiray caruur iyo waayeel, dumar iyo rag, Dhallin iyo duqey. Waxayna ka sinnnaayeen dhammaan yididiilada indhahooda ka iftiimaysay iyo dareenka dhabta ahaa ee tilmaamayey in gooni isutaaga Somaliland yahay go’aan adag oo aan dib looga noqonayn. Booliska oo maalintaa si weyn uga shaqaynayey waxay ammaan u soo jeediyeen dadkii mudaaharaadka ka soo qaybgalay oo si sharaf leh u gutay hawshoodi oo habayaraatee wax rabshad ahi meeshaa ka dhicin. Mudaaharaadkaasi wuxuu noqotay mid u caddeeyey adduun weynaha mawqifka dadka reer SL uu ka taaganyahay arrinta SL, cadawga Somalilandna quusiya.
![]()
UDUB, UK, London - Socdaalkii waayah badan la saadaalinayey ee la sugayey baa dhaboobey, kolkii waftigii Madaxweyne Rayaale hoggaaminayey ka soo degey gegida-diyaaradaha magaalada London, Heathrow. 15/03/2004
Madaxweyne Rayaale iyo Marwada Kowaad Huda Barkhad iyo
wafti ballaadhan oo uu
hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimi dalka
Boqortooyada Ingiriiska. Wuxuu waftigu ka soo degay gegida-diyaaradaha magaalada London, Heathrow 14
Maars,2004, 9:30 fiidnimo. Waxa waftiga halkaa ku soo dhaweeyey madax ka
socotay wasaaradda dibadda ee UK, madax ka socotay xisbiyada SL oo uu ka mid
yahay Md. Faysal Cali Waraabe, uddoomiyaha Xisbiga UCID, wakiilada
Soomaalilaand Yurub u jooga, ururada Jaaliyadaha Soomaalilaand ee UK iyo dad
tiro badan oo reer Somaalilaand
ah. Waftiga Madaxweynaha waxa ku weheliyey
Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Sh. Ibraahim Sh. Madar iyo Kuxigeenkiisa,
Xaaji Cabdi Waraabe, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Maxamed Aadan Qaybe,
wasiirka dibadda, Marow Adna Aadan, wasiirka maaliyadda, Md. Cawil Xaaji
Ducaale, wasiirka
warfaafinfta Md. Cabdillaahi Maxamed, wasiirka qorshaynta, Axmed Xaaji
Daahir, Wasiirudawlaha Arrimaha Gudaha, Md. Aadan Waqaf iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaalilaand.
Booqashada Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay la
xidhiidhaa booqashadii ay dhawaan ku tageen dalka
Soomaalilaand xubno ka
tirsan Aqalka Komoniska ee Baarlamaanka dalka Boqortooyada Ingiriiska.
Xubnahaas oo kolkii ay ka soo laabteen SL ka furay Golaha Aqalka Komoniska
dood lagu lafaguray xasuuqii iyo burburkii tudhaa li’ida loo geestay dad iyo
dal ahaanba
SL, sida xilkasdarrida ah ee ay beesha caalamku uga indho qarsatay falalkaa
argagax leh, geesinimada yaabka leh ee ay SL ugu jilibdhigtay xukuumaddii
macangagga ahayd, sida ay u sugtay nabadda dalkeeda iyo dadkeeda, uguna
dadaashay in ay ka soo kabato khasaarihii loo geestay, iyada oo habayaraayii
cidina gacan ka siin,
sida ictiraafli’idu u hortaagan tahay horumarka SL,
xaaladaha hadda ay ku sugaan tahay SL iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in
ay ka qaado Boqortooyada Ingiriisku dal ahaan iyo xukuumad ahaanba.
Booqashadani waxay noqonaysaa mid
Madaxweyna Rayaale iyo weftigiisu ay si dhab ah ku soo hordhigaan qadiyadda
Soomaalilaand Boqortooyada Ingiriiska, ugana qancin lahaayeen in ay
ictiraafto JSL, isla markaana kaalmo degdeg ah ka geysato mashaariicda
dibudhiska iyo horumarinta JSL.

Muddada uu booqashada weftigu ku joogi doono
Boqortooyada Ingiriiska wuxuu
kulamo la yeelan doonaa xubno ka tirsan Aqalka
Kommaniska, wasaaradda dibbadda ee Boqortooyada Ingiriiska, siyaasiyiin
badan oo Ingiriis ah oo taageersan qadiyadda SL iyo diblomaasiyeen kale oo
ka tirsan beesha caalamka. Jaaliyadda reer Soomaalilaand ee deggan dalkan
Ingiriisku waxay isu diyaarisay si weyn, si ay hiil iyo hooba isu barbar
taagto weftigaa uu hoggaaminayo Madaxweyne Rayaale. Maalinta Arbacada, 17
Maars ee Madaxweyne Rayaale Ka hadli doono Whitehall waxay isgu soo bixi
doonaan bannaanbax ay ku muujinayaan taageeradooda, iyaga oo isaga iman
doono dhammaan gobolada kala fogfog ee ay deeggan yihiin.

Cismaan Xuseen Abokor
Isuduwaha UDUB Yurub & W Maraykan
email: osman@xisbiga-udub.com
![]()
UDUB; NORWAY - The positive approach of UDUB. 12/06/2003
After the elections of 14 April, the united and democratic alliance of the people (UDUB) chose a positive approach of what was happening. We saw this is effective in creating peace and happiness for the people of Somaliland.
The leadership of UDUB realised the alternative--- applying resistance, judgement antagonism and hatred ---has the effect of empowering what we oppose ( Kulmiye and their leadership). We decided to do our job as a responsible party and create our part of the reality that the people of Somaliland were experiencing.
Mr.Riyaale , the president of Somaliland and the leader of UDUB , consulting with his political campaigners and the elite of UDUB , understood:
“ If there is light (truth and wisdom) in the soul, there will be beauty (goodness)
In the person (The leader).
If there is goodness in the leader (person), there will be harmony in the land.
If there is harmony in the country, there will be order in the nation-somaliland.
If there is order in the nation, there will be peace in the country- Somaliland.
We are sure that evil (Ignorance and arrogance) is like a shadow -- it has no real substance of its own, it is simply a lack of light (the truth). You cannot cause a shadow to disappear by trying to fight it but you cast a light (the truth) and that is what UDUB- leaders did to stop kulmiye- leaders when they failed uphold the constitution of Somaliland, let alone the morality of keeping the promises they undertook.
The campaign is over but I have one word for Mr: Ahmed.M. Silaanyo and his company “when ego is relinquished, the vision becomes clear and in seeing we find the purpose
(the goodness of the people of Somaliland)».
Waste no time debating yourself, what a good man for Somaliland be .Be one and start communication and dialogue with the president of Somaliland, this is what democracy is all about.
“Never deprive the citizens of our small country of their hope, it may be all they have”
Mr: Ahmed.
Every man is responsible of writing his own history book by his deeds or his words, it is not for us UDUB to judge Kulmiye or Ucid . That is for the public of Somaliland to judge, but we are accountable for own actions and policies.
The president of Somaliland Mr. Daahir Riyaale Kaahin, Backed by the people of Somaliland will run the country and do his job at his best to make Somaliland a better liveable place for us all and our children.
There is nothing like a dream to create a future for our children and our people.
We live for the future. Somaliland belongs to the energetic young men and women, do you job.
I hope the new government will come with a change in terms of accountability, credibility and a new culture of good governance – a transparent one. This new government is a UDUB government and it should fulfil its promises to the nation. No more broken promises.
Long live for Somaliland, and a defeat for its enemies
Wa bilaahi towfiiq. Illaahay ha ilaalyo Somaliland .
UDUB-Norway Mohamed.Mohamoud Adan mlenin49@hotmail.comUDUB, HARGEYSA - Madaxweyna Rayaale oo magacaabay toddobadii u horreeyey dawladdii cusbayd 6/06/2003
Warsaxaafadeed uu sii daayey shalay afhayeenka Madaxtooyada JSL, Md. Cabdi Idriis ayaa caddeeyey in Md. Daahir Rayaale magaacabay hormadii u horreysay golaha wasiirada ee dawladdiisa cusub. Hormadan oo ka ka koobnayd toddoba wasiir ayaa isugu jirtay shan wasiir oo ka mid ah dawladdii hore iyo laba wasiir oo cusub. Wasiirada qaarkood waxa loo daayey jagadii ay hore u soo hayn jireen, qaarna waa laga baddalay jagooyinkii ay hore u hayn jireen oo waxa loo magacaabay jagooyin cusub.
Waxana loogu kala magacaabay jagooyinka sidatan:
Waxa la filayaa in so dhakhso ah loo magacaabo xubnaha ka hadhsan golaha wasiirada ee dawladda cusub.
Xarunta Dhexe UDUBWAKHTIIGII DOORASHADA SOMALILAND WAA LAGA SOO GUDBAY OO MAANTA WAX AYNU NAHAY DAWLAD DADKU SOO DOORTAY MARKAA LOOMA BAAHNA XAALAD ABUUR IYO WIXII RAGGA QARKII UU KU CAANBAXY OO AH NIMNA KULMIYE KA MID AH QAARKOOD OO MAGACOODA LA MAQLO MARKA XAALAD RABSHAD ABUUR AHI JIRTO OO AH KUWII DAGAALADA KA RIDAY S/LAND MUDDO AAN AAD U FOGAYN, KUNA CAANBAXAY WEEDHIHII TAARIIKH XUMADA LAHAA (ANIGI QORI MAAYO).
Wax sharf ah in dadweeynaha somaliland ay doorashooyinkii dhawaanta ka dhacay dalka ay u soo hooyeen sharaf iyo magac aad u wanaagsan oo ay beeniyeen waxyaalo badan oo caalamka laga sheegi jiray oo soo afgo'ay kadib markii si aad iyo aad u xarago badan ay codkooda u dhiibteen kumanaan qof oo ka mid ah dadka somaliland. Waxase lama filaan iyo naxdin dadka qaarkood ku noqotay ama inta baddan aad uga xumaaday hadalada qayaxan ee aad moodo in ay ka soo yeedhayan warloodhadii caanka ku ahaaa in mar walba mid odhan jiray la kulmi maayo isaga oo sheeganaya madaxweeyne. Nasiib darro aad u weyn ayey ku noqotay dadka somaliland daneeya gudo iyo dibadba. Dalku wuxuu leeyahay hay'ado dastuuri ah oo isla markaan ilaaliya xeerka iyo dastuurka qaranka. Waxa layaab ah in guddoomiyaha kulmiye uu sheego in uu ogolyahay hay’adah dastuuriga ah oo dhan, isla markaan uu sheego in aanu aqoonsaneye waxay soo go’aamiyaan iyo dawladda kaga guulaysatay doorashada. Bal sidee ayey isu qabanayaan arimaha ka soo yeedhaya maamulka kulmiye oo dad aad u badan ku riday fajaciso.
Waxa iswaydiin leh haddii uu kulmiye heli lahaa doorashad hadalka ka soo yeedhaa ee ugu horreeyaa muxuu noqon lahaa? Hubaal, aniga waxay ila tahay in uu hadalka ka bilaabi lahaa, ”Wax na soo doortay dadweynah somaliland, waxaanunu raacaynaa xeerka iyo dastuurka u yaala dalka oo si dhakhso ah ayaanu u soo dhisi doonna dawlad.” Haddab waa in UDUB uu sida ugu dhakhsah badan u soo dhisaa dawladdii iyaga oo raacaya xeerka iyo dastuurka u yaala dalka ee xisbigii ku guulaysat doorashada ay tahay in uu raaco. Waa in aan cidna laga hormarin dastuuraka dalka oo marwalba la raaco sida uu dhigayo ee ay dadka somaliland ugu codeeyeen, cidii u hogaasami weeyda sharciga dalkana waa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado oo sharcigu uu noqdaa mid qabanaya qof kasta oo ku xadgudba.
Waxa dadweeynah Somaliland ay soo mareen dhibaatooyin aad u badan, hadab maanta oo dawlad ay haystaan oo dalkun uu deggan yahay, waxana loo baahanyahay in meel loga soo waddajeesto dadka isku dayayey inaya kala wax yeelo u geystaan xasiloonida Somaliland. Dadka tirada badnaa ee u codeeyey Kulmiye aan u sheegay in ay dhammaatay wakhtigii doorashadu oo hada la rabo in meel loga soo wadada jeesto dhismaha dalka oo aan lugu mashquulin doorashadii ee wax qabad loo baahan yahay. Waayo, maxkamda sare meel ka sarreysa oo loo gudbaa ma jirto, waxana wanaagsan in dadku isu caqli celiyo oo aan lagu mashquulin wax aan danteena ahayn ee wixii suurtagal ah qof waliba waa uu garnayaa, waayo wax la sugaaba waa dowladdii cusubayd ee wax kale ma hadhin. Marxalad aad u wanaagsan ayuu dalku marayaa oo u baahan in hore looga maro oo degeg looga baxo jahliga iyo dhibaatada dhaqaale xumada oo aan la isku mashquulin maantan BBC-dii Kulmiye ayaa ka hadlay oo yidhi, YEELI MAYNO, WAA NALA BOOBAY, IWM. Taasi dan uma aha dalka iyo dadka aad iyo aadka u daneynaya somaliland.
UDUB-Uk wax ay mar walba soo dhaweeynyaan wixii hurumar ka geeysanaaya SOMALILND iyo sidii waxtar loogu geeysan lahaa dadka iyo dalka Somaliland oo u baahan in la soo gaadhsiiyo heerka wadamada caalmaka. Waxa aan mar walba ku boorinaynaa dadka Somaliland in aan nin dan gaar ah leh aanu ka faa’iidaysan.
ALL MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Cawil M'xmuud Qayir
Guduga Fulita UDUB-UK, Sheffield
![]()
UDUB, UK - Somaliland Salvation Council (S.S.C) London, UK 2/06/2003
Baadida ninbaa kula-deydeyi daalla-kaa badane oon misana doonahayn in aad heshid daa in abidkaae aakhiro dalliil ma leh haddii loo kitaab furre.
Hadii aynu dib u eegno tobankii sannadood ee inna dhaaftay, waxaynu ognahay in aqoonsiga Somaliland hortaagnaayeen Mr. Abdirahman Tuur iyo kudladiisu, oo meel walba ka qaylinjireen inaan la aqoonsan Somaliland, maantana waxaa u qoordiitay Mr. Ahmed Mohamed “Silaanyo” iyo kooxdiisa inay qabtaan shaqadan Mr. Abdirahman Tuur iyo kudladiisu ka hawl gabeen oo ay bilaabeen hawsheedii.
Waxaa taa cadaynaaya Xisbiga Kulmiye ee Mr. Silaanyo ka yahay madaxda oo caddaan u yidhi “waa xaaraan go’aankii ka soo baxay Maxkamada Sare ee Somaliland” ee ku saabsanaa doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Halkaa waxaa ka cad in Silaanyo iyo kooxdiisu jebiyeen:
- Sharciga iyo distoorka
Jamhuuriyadda Somaliland dhisatay
- Khal-khal galinayaan aqoonsiga Somaliland ee aduunyadu diyaarka u la
tahay
- Waxay burburinayaan kala dambayntii dawladi lahayd
- Waxay khal-khalinayaan Nabad-geliyada Somaliland ku
caanamaashay
- Waxay burburinayaan midnimada Somaliland
- Waxay xumaynayaan ooy baabiinayaan sharafta iyo Demoqradiyada
aduunyadu u
aqoonsatay Somaliland
- Mr. Ahmed Mohamed “Silaanyo” waxa uu caddaan u diiday distoorka
Somaliland, mar lagu waraystay B.B.C da qaybta afka Somaaliga ee London
oo uu yidhi, “Doorashada distoorka loo qaadaayo anigu Hargeeysaba waan
ku diiday, hase-ahaatee, waa nala jiidh-siiyey ee raali kamaan ahayn in
la sameeyaba, umana codaynaayo maanta”.
Su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye, Mr. Silaanyo dalka aanu aqoonsanayn distoorkiisaba sidee ayuu isugu sharaxay inuu madax-weyne ka noqdo?? Su-ashaa waxa ka jawaabi dadkii codka-siiyey oon ogayn haanta gunteeda waxa ku jira.
Waxaa halkan ku cad in Xisbiga Kulmiye isagu isu xidhay albaabada markuu ku dhawaaqay waa xaaraan wixii ka soo baxay Maxkamada sare uuna diiday Maxkamadda sare shaqaday qabato. Xisbigu waxa uu diiday Maxkamadii sharciga siisay in la furo, markaa issaga ayaa albaabka isu-xidhay ilaa intuu aqbalaayo sharciga wadanku samaystay.
Waxaan shaki ku jirin in Silaanyo aanu aqoonsanayn jiritaanka Somaliland, taana waxa markhaati ka kacaaya markii uu diiday:
- Distoorka Somaliland loo
samaynaayey
- Dawladda Somaliland dhisatay
- Madax-weynaha shacbigu doortay
- Iyo Maxkamadda Sare go’aankii ka soo baxay
Waxaanu leenahay, Silaanyo iyo kooxdiisa isu diyaariyey inay khal-khaliyaan aqoonsiga, nabad-geliyada iyo jiritaanka Somaliland, adeerayaal, ku quusta Ishaa Ali ka laalaadda, hortiin-jirabah ka hoyey amba ka lugeeh.
Dadweynaha Somaliland ma ogyihiin in cadowga Somaliland ka codsaday I.G.A.D in loo soo diro ciidamo Qaramada Midowbay ka tirsan laba gobal oo ka mid ah Somaliland (Sool iyo Sanaag) si ay u ilaaliyaan nabadda ilaa intay ku kala-hagaagayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka gobalka Majeerteeniya oo I.G.A.D na ka fiirsanayso in ciidamo ilaaliya labadaa gobol loo soo diro.
Malagayaabaa in khal-khal Silaanyo iyo kooxdiisu ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland salka ku hayso arrintaa iyada ah.
Mahad Eebe ayaa leh.
Ahmed
Mohammed
Gudoomiyaha S.S.C
![]()
UDUB, Hargeysa, SL - Kolkii u horreysay ee uu soo booqday JSL wefti ka socda Baanka Adduunyada 5/06/2003 Axaddii ina soo dhaaftay ayuu booqasha rasmi ah ku yimi JSL wafiti ka socday Baanka Adduunyada oo ka koobnaa toddoba xubnood oo uu hoggaaminayey Md. Mukhtaar Diyoof oo ah ninka baanka u qaabilsan dalalka geeska Afrika. Waftigaas oo joogay muddo saddex maalmood ah wuxuu kulammo la yeeshay Madaxweynaha JSL, Md. Daahir Rayaale iyo guddi ka kooban wasiiro. Madaxeyna Rayaale oo waftiga ku qaabilay xafiiskiisa maalintii u horreysay ayaa uga xog waramay waftiga waxa ay ku sugantahay xaaladda guud ee JSL, isaga oo tafaasiil ka siiyey waxyaabaha ay qabsadeen Shacbi iyo dawladba, iyaga oo aan wax kaalmo ah ka helin Adduun-weynaha. Madaxweyna Rayaale waxa kale oo si faahfaasan uu waftiga ugu qeexay sida ay JSL u dhaqangelisay habka dimuqraadiga ah, isaga oo Madaxweynuhu tusaale u siiyey sidii ay ugu guuleysteen in ay qabtaan doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada, kuna hirgeliyeen ummad ahaan guulaha waaweyn iyaga oo ay ku jiraan xilli adag oo dhoofinta xooluhu ku jiraan xayiraad. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu waftigu kula dardaarmay in ay si buuxda Baanka Adduunka uga helaan saamigi ay ku leeyihiin kaalmada loogu talagalay Soomaalilaand iyo Soomaaliya. Guddi ka koobnayd wasiiro iyo waftiga oo yeeshay kulamo dhawr ah ayaa islameeldhigay sidii wax looga qaban lahaa baahida ka jirta JSL. Madaxeyne Rayaale oo marlabaad la kulmay waftiga intii aanay ka ambabixin SL ayaa u soo jeediyay waftiga in uu ku daro laba mashruuc arrimihii ay islameeldhigeen wasiirada. Mashaariicdaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka waxay kala ahaayeen in dib loo hawgeliyo warshadda sibidhka iyo qabojiyayaal lagu keediyo kalluunka. Waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale u soo jeediyey waftiga in uu baanka si toos ah ugu lug yeesho mashaariicda ay JSL ka hirgelinayaan, loona baahnayn in dawladda lacag gacanta loo soo geliyo ee ay muhuum tahay in la qabto mashaariic waxtar u leh dalka SL. Md. Diyuuf wuxuu ka mahadnaqay sida diiran ee loo soo dhaweeyey, waxan uu sheegay in uu aad ugu farxay in uu indhihiisa ku arko waxii qoraal ahaan hore ugu soo akhriyey. Islamarkaan wuxuu sheegay in ay muuqto ifafaalihii ay wada shaqayn la haayeen BA iyo JSL, wuxuuna ballanqaaday in uu labada mashruuc hirgelintooda ku dadaalidoono. Wuxuu waftigu ka ambabaxay JSL maalintii Salaasada, 3/06/2003. Xarunta Hdexe UDUB
UDUB - SOMALILANDS PROGRESS SHOULD NOT BE HELD HOSTAGE BY KULMIYES INTRANSIGENCE 2/06/2003
In accordance with Somalilands constitution the final verdict on the countrys first presidential elections since its creation in 1991 was transferred to the Supreme Court and after two weeks of careful deliberation the Supreme Court declared on 11th May that the Udub party had indeed won the elections. Yet again, the Kulmiye party rejected the Supreme Courts final verdict just as they had the election commissions previous result even though the other opposition party, Ucid, accepted the results issued by both bodies.
It is well known that the Kulmiye chief, Mr. Silanyo, had like the other presidential contenders pledged during the election campaign that he would respect the outcome of the elections but after realizing that he had lost he cried foul. If Mr. Silanyo had no faith in neither the election commission nor the Supreme Court than he shouldn’t have made such a promise in the first place nor should he have contested as a presidential candidate at all. The fact that the elections were fair and free and that the counting of ballots was transparent and rigorous has been confirmed by the international observers who stayed in Somaliland in the days preceding voting day and during the ballot count.
In the midst of this, members of Somalilands parliament and council of elders intervened in a bid to defuse the tension and advised that a coalition government compromising all the three parties, Udub, Kulmiye and Ucid be formed. President Rayale, who is also the chairman of the Udub party, heeded their advice wholeheartedly and invited both Kulmiye and Ucid for power sharing talks even though the constitution of Somaliland does not oblige the winning party to form a coalition government with the other parties. Mr. Rayales acceptance was due to his willingness to find an amicable solution to the current impasse by compromising and offering such a concession to the Kulmiye party. The Ucid party, which has acted in a dignified and responsible manner throughout recent events, accepted to take part in a coalition government but unfortunately the power greedy Kulmiye party, who is not interested in power sharing, has scoffed at the conciliatory steps of the honorable members of parliament and council of elders who have since Somalilands creation been at the forefront of maintaining and strengthening the peace and stability that the country enjoys today. If the Kulmiye party has misinterpreted President Rayales good faith and the Udub partys compromises as a sign of weakness they will soon find out how wrong they were. It is quite clear that the Kulmiye leaderships position is to create as many obstacles for the incoming administration and they are hell bent on derailing Somalilands progress in order to make the whole country suffer just because a few men could not assume power after losing through the ballot box in elections that were by all international standards fair and free. In the post-election period, not even the Kulmiye voters expected their party to act in a reckless manner that would jeopardize the whole country and because of this the Kulmiye party has deviated from the path that its supporters had hoped it would take and betrayed the trust of its supporters as well.
Somalilands current predicament is like a ship in high seas while a few on board are trying to drill holes into it and leave it to sink as they jump onto the safety rafts that they have prepared for themselves. Those few are no doubt the hierarchy of the Kulmiye party who during the past two months demonstrated their selfish behavior and utter disrespect for their people, the election commission, supreme court, council of elders and members of parliament by creating one crisis after another in their attempts to assume power at all costs. The Kulmiye party has turned into a destructive group rather than be a constructive opposition like the respectable Ucid party. In a string of callous statements coming from the Kulmiye camp, their latest one stipulated “ we are prepared to talk to the ruling party, the Unity of Democrats Party (UDUB), so long as they are not claiming to be the winners of last month's elections. In the national interest, we are calling on UDUB to come to the negotiating table without any preconditions, and as equals.” But as evident in this statement itself, they are the ones who are setting the precondition that they will talk to Udub “ so long as they are not claiming to be the winners of last months elections” and their hypocrisy is there for all to see in just the space of one line.
Their proposal is not only absurd but would in effect mean that there would be no authority to be called a government at all in Somaliland and this would not only have dangerous consequences on the countrys security and stability but at the same time undermine our international credibility as a country. If the Kulmiye party, as they claim, really had the interest of the country at heart they would not have put kept on creating one stumbling block after another and should have accepted the proposal of power sharing so that Somaliland could move forward and use the recent elections as an opportunity to convey to the world that Somaliland is a democratic state that deserves international recognition.
The stubborn stance of some of Kulmiyes leaders has even alienated others within the party who want to find a solution to the problem, put the election events behind them and take part in the countrys development with their brethren from the Udub and Ucid party. Reliable sources emanating from the Kulmiye camp report that these voices of reason within the Kulmiye party are growing louder by the day and they are beginning to oppose the disruptive tactics of Silanyo and his few die-hard henchmen. In the meantime, the Udub and Ucid party, whose combined votes constitute 58% of the recent election count, should immediately form a coalition government because Somalilands progress as a nation should not be held hostage by Kulmiyes intransigence and hurdles.
By: Ahmed Hussein Kahin e-mail: tabhaye1@hotmail.com
![]()
![]()
UDUB; HARGEYSA -
SOMALILAND
FOCUS GROUP: WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MAXAKAMADA SARE EE SOMALILAND IYO
DHAMAANBA HAYADAHA SHARCI DEJINTA S.LAND.
2/06/2003
WAA IN LAGA XIYIRAA DHAMAANBA DHAQDHAQAAQYADA SIYAASADA HOGAAMIYE KOOXEED
MUDANE SIILAANYO MAADAAMA AANU U HOGAANSANAYN SHARCIGA IYO DASTUURKA
WADANAKA ISLA MARKAANA JABIYEY AXDIGII IYO SHURUUDIHII UU LA GALAY
XUSBIYADA QARANKA IYO GUDIDADA DOORASHADA.
Kadib markii laga guuleystey doorashadii iyo tartankii dimuqraadiga ahaa
ee ka dhacay somaliland, waxa xusbiga kulmiye oo uu hogaaminaayo HOGAAMIYE
KOOXEED mudane siilaanyo baryahan danbe la soo baxay habdhaqan
mutawaxashnomo ah oo aan sinaba loogu dul qaadan karahanin, waxa aad
markhaati ka furaysaan in hogaamiye kooxeed mudane siilaanyo uu si cad uga
soo horjeedo dhamaanba hayadaha sharci dijinta ee somaliland, waxa kale oo
aad ka markhaati furaysaan in hogaamiye kooceedkaasi si cad uga soo
horheedo dastuurka somailand, golaha guurtida golaha baarlamaanka iyo
jiritaanka sumcada iyo ictiraafka somailandba. sidaasi daraadeed waxaanau
codsanaynaa ama aanu idinku dheeri gelinayanaa hadii aad tihiin hayadaha
sharci dejinta in si DEG DEG ah oo aan habsaan lahayn looga XAYIRO ama
looga mabnuuco dhaqadhaqaaqyada lid ka ku ah jiritaanka soomaaliland ee uu
ku ololaynaayo hogaamiye kooxeed mudane siilaanyo si aanu fursad ugu helin
in uu gaadhsiiyo caalamka dhawaaqyada ay ka buuxdo hinaasiga iyo waalida
ee uu baryah danbe caanka ku noqday hogaamiye kooxeed mudane siilaanyo.
hogaamiye kooxeed mudane siilaanyo waxa uu jabiyey dhamaanba axdigii iyo
shuruudihii uu la galay xusbiyada qaranka iyo gudida doorashada waana mid
cadaynaysa in aanu mudanuhu u qalmin hogaanka wadanka maadaama aanu kaba
soo bixi karin axdi ama shuruud uu galay.
dhawaaqyada iyo ficilaadka ka soo yeedhaaya hogaamiye kooxeed mudane
siilaanyo waa mid cadaynaysa ama ka markhaati furaysa in mudane siilaanyo
aanu dan ka lahayn midnimada iyo ictiraafka somaliland ee uu danaynaayo oo
keliya sidii uu kursiga ugu fadhiisan lahaa kursigaas uu xiisaynaayo
mudanahu waxa uu u jiraa inta cirka uu u jiro waana mid aanu u qalmin
mudanahaasi inkasta oo uu ku riyoodo isaga oo madaxweyne ah.
waxaanu marlabaad idin ku adkaynaynaa in si deg deg ah go,aan looga gaadho
hogaamiye kooxeed mudane siilaanyo loona mabnuuco DHAQDHAQAAYADA KA SOO
HORJEEDA SOMALILAND EE UU KU OLOLAYNAAYO MUDNE SIILAANYO isla markaana
loo xayiro kooxa uu hogaaminaayo maadaama aanu u hogaan sanayn sharciga
iyo dastuurka somailand.
gudoomiyaha wacyi gelinta iyo siyaasada ee urrurka wadaniga ah ee
somaliland focus group.
CABDI QAADIR JAMAC ISMAACIIL DACAR.
USA CA
![]()
UDUB, Washington, DC - Press Release Jun 2, 2003
Appeal to Ahmed Mohamed Silanyo:
Re: Attacks on Somaliland Interest Damage Chances for Recognition
To Ahmed Silanyo: We are concerned about the attacks on Somaliland interest by few Kulmiye supporters. The recent article by Rakiya Omaar (Shadows of the Past As Human Rights Deteriorate) in the international media has damaged the interest of Somaliland including chances for recognition. Obviously you do not believe everything she said in her reports, if you do believe it as true report, we are certain that you and Kulmiye would have been the first to protect Somaliland and its people. We believe that you can see how damaging this article is to any chance for Somaliland recognition and we are confident that you would not want to hurt Somaliland's chances for recognition.
To see in detail more articles from Kulmiye supporters that are damaging to Somaliland interest including its chances for recognition, please visit www.somaliland.com, the webmaster for this site is also the webmaster for www.kulmiye.com. and we are concerned about such articles that attack Somaliland interest only in this page - not all of them.
Rakiya Omaar’s allegations (human rights violations in Somaliland) and others like it have political motives and unfortunately their actions hurt Somaliland interest much more than Dahir Rayale, his government or UDUB party. We are very confident that you will do everything in your power to protect the interest of Somaliland and its image both inside and outside the country. We feel as leader of our people you will not watch from the sideline while Somaliland interest is being destroyed by very few Kulmiye supporters and that is why we are writing this appeal to you today.
To Rakiya: you have done many things for your people and Somaliland during Siyad Barre regime to expose the regime's human rights violations, for that your people are very grateful to you. We believe your latest article (Shadows of the Past As Human Rights Deteriorate) published in www.allAfrica.com web Site is politically motivated. We have made this conclusion based on your articles during Somaliland elections in which you supported Kulmiye party. You are very intelligent and you know how much your article will damage Somaliland interest as oppose to Dahir Rayale, his government or UDUB party. We certainly hope that you will consider our appeal to you to stop attacks that damage the interest of Somaliland causes and its chances for recognition.
We can understand feeling hurt, angry and frustrated with the results of Somaliland elections, and we are asking you (Ahmed Mohamed Silanyo) to intervene and ask those supporters who make habit of attacking Somaliland interest to control their feelings - attacks on national interest should by no means be acceptable to you. If and when such attacks happen, as we have shown you in this case, we hope you will consider our appeal to protect Somaliland interest.
Metro-Washington DC Somaliland Community
Rashid Garuf
![]()
UDUB, UK - Aagga Xisbiga UDUB ee UK oo si weyn ugu dabbaaldegay guusha uu ka gaadhay Xisbiga UDUB doorashooyinkii Madaxtooyada 26/05/200
Xisbiga UDUB oo dhawaan ku guulaystay natiijaddii rasmiga ahayd ee doorashooyinkii madaxtooyadda, ayaa shalay xaflad dabbaaldeg ah oo ku saabsan guushaa ay gaadheen ku qabtay Magaalada Shefield ee Cariga Ingiriiska. Xafladan oo ahayd xaflad aad u heer saraysay oo baryahanba abaabulkeeda la waday ayaa waxay ku dhammaatay si qurux badan.UDUB, Oslo, Norway - Xaflad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay, laguna xusayey 12 guuradii ka soo waregtey gooni isutaagata jamhuuriyada Somaliland, 18 may ayaa lagu qabtey magaalada Oslo, Norway. Xafladan oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Somaliland ee Norway ayaa waxay ka koobnayd sadex qaybood oo kala ah. 1. Somaliland Cup, Koobkaas oo loogu magac daray munasadbada 18 may, oo la qabto sandkasta hal mar. Koobakan oo aanu biloownay sanadkii hore 2002, ahna markii 2 baad ee ay jaaliyaddu qabanqaabiso, filaynana inuu sanadka danbe ka sii waynaado. 2. Xaflad ay isugu yimaadeen dhalinyarada Somaliyeed ee degen Oslo oo lagu qabtey Rugta jaaliyada Habeenimadii 17/18 May. Xafladaas oo bilaabantay 23.00 kii habeenimo ilaa 04.00s subaxnimo Waxaanan xafladaas lagu gudoonsiiyey koobkii labadii kooxood ee isla ciyaaray kooxdii guulaysatay kabtankoodi. Xafladaas waxa kaloo joogay fanaaniinta Norway ee kala ah C/rashiid Cali Xamari iyo Cabdi Jaamac oo runtii si fiican dhalinyarada ugu heesayey, waxa kale oo laga ciyaarayey heesaha reer galbeedka oo si weyn dhalinyaradu ugu ciyaaraysay. 3. Galabnimadii 18 may 03 ayaa, Xaflad balaadhan lagu qabtay rugta Jaaliyada. Xafladaas waxaa ka soo qayb galay: • Dadweyne reer Soomaalilaand ah ee deggan magaaladan Oslo iyo agagaarkeeda. • Wakiilka somaliland u fadhiya Norway Mudane Axmed X. Nuur. Mudane Axmed waxaa uu dadkii rugta isugu yimid siiyay warbixin ku saabsan cilaaqaadka u dhaxeeya somaliland iyo Norway halka uu maraayo iyo in loo baahan yahay in la xoojiyo oo loona dadaalo ka dhaadhicinta dawlada Norway laga dhaadhicinayo qadiyada Soomaalilaand. Axmed Xaaji Nuur waxaa uu sheegay in uu wax yaabo badan qabtay intii uu xilka hayay waxaanu sheegay in uu ka shaqeeyey sidii ay u soo booqan lahaayeen wasiiro ka tirsan dawlada Soomaalilaand dalkan Norway, isaga oo ku guulaystay arrintaa oo wasiirkii ugu horeeyey uu soo booqday dalkan, lana kulmay madax kala duwan oo dalkan ka tirsan. • Kulankan waxaa hadalo murti iyo maadba isugu jira ka jeediyay, Abwaanka weyn ee Xassan Sh. Muumin. Waxa kale oo uu abwaanku halkaa ka sheekeeyey taariikhihii kala duwanaa ee ay Soomaalilaand soo martay. Waxa kale oo iyaguna hadalo halkaa ka soo jeediyey: • Gudoomiyaha Ururka UDUB laanta Norway Maxamed M. (LENIN). • Gudoomiyaha Xisbiga UCID laanta Norway C/qadir wacays. • Axmed Barud Cige oo ah Xubin ka tirsan Ururka Kulmiye. • Cabdixakiim Ismaaciil Axmed oo ahaa xooghayihii gudoomiha Golaha dhexe ee SNM iyo Abdilaahi Saleebaan bide. • Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka waxaa soo ban dhigay Abdilaahi baruud Cige iyo Abdikarim Bile Waaberi. • Waxaa isna dadka aad uga qosliyey oo madodaalo heer sare ah soo jeediyeye Cismaan Cumar Dool. ka daawo sawiradii xaflada halkan Gudida Jaaliyada Somaliland ee Norway www.swo.no postmaster@swo.no
![]()
UDUB, Toronto, Canada - Jaaliyadda reer Soomaalilaand ee Toronto oo si weyn ugu dabbaaldeggtey Munaasabaddii 18 ka May 20/05/2003
Munaasabad waxa loogu talagalay sanad guuradii 12aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda dib ugala soo noqtay Jamhuriyaddii Dimuqraadiga Soomaliya, taas oo ahayd isku darkii labada wadan ee British Somaliland iyo Italian Somalia 1960, 1dii Bishii Julay.
Xafladaas oo ka dhacday magaalada Toronto maalintii Axad ee bishu ahayd 18kii May 2003. Xafladan oo si aad iyo aad u qurux badan loo soo agaasimay waxay ka dhacday 940 Progress Road, Scarborough ee magalada Toronto halkaas oo runtii ay isugu yimaadeen dad afar ama shan jeer ka badan intii la filayay ama loo qiyaasay, tiradooduna aanay ka yarayn 1000 qof ayaa waxay ka kala yimaadeen Toronto iyo dhamaan Magaalooyinka ku xeeran.
Dadka halkaas isugu yimi oo markii ugu horreysay ka kala socday dhamaan gobolada Jamhuuriaydda Somaliland, ayaa waxay ka koobnaayeen dhamman qaybaha bulshada sida Siyaasiyiin, Waxgarad, Abwaanno, Fanaaniin, Odayaal, Dumar, iyo Caruur. Dadakana waxa wajiayadooda aad uga muuqday rayrayn riyaaq iyo u hanwaynaan ay ku faanayeen horumarka siyaasadeed iyo nabadgalyo ay Jamhuuriyada Somaliland gaadhay mudadii laba iyo tobanka sano ahayd ee la soo dhaafay.
Waxa xafladan shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay Jim Karyganis oo ah Xubin ka tirsan Xisbiga Liberalka (MP) ee Dalkan Canada oo laga soo doorto Xaafadda Agincourt ee Scarborough. Shahaadadaa waxa gudoonsiisay Marwo Sahara Yusuf Xaaji Adan oo ku hadlaysay magaca ururka Haweenka Somaliland ee Gobolka Ontario oo runtii waayaydan danbe qayb libaax ka qaata abaabulka iyo isu keenka bulshada reer Somaliland ee Ku dhaqan Ontario. Waxayna uga mahadnaqday sida hagarla’aanta ah ee mudanahu arinta Somaliland uu uga qaybqaato.
Mudane Jim oo ay Micro foonka ku soo dhawaysay Mw. Sahra Yusuf wuxuu halkaas ka jeediyey Khudbad dheer. Mudane Jim oo ka mid ahaa goobjoogayashii caalamiga ahaa ee ka qaybgalay doorashadii ka dhacaday Somaliland, goobjoogna ka ahaa Degmada Gebiley wuxuu si qurux badan uga waramay horumarka ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida aanay kaalmo debedda ah ugu tirsanayn ee ay iyadu u tashatay.
Mudanahan ayaa isku darsigii Somaliland ay ku darsatay Koonfurta ku sifeeyay Laba ruux (nin iyo haweenay) is guursaday kuwaas oo guur koodii shaqayn waayay, isla markaasna kala tagay oo aanay dhici karin in dhinac ku qasbi karo dhinaca kale in ay khasab isugu soo noqdaan; sidaas darteedna Somaliland ay furtay markii guurkaasi guuldaraystay, wuxuu sheegay in sida taariikdu dhigayso, in ay Somaliland suuragalisay isqabka markiisii horaba haddana ay u argatay in aan khasaare mooyee khayr marna ugu jirin.
Mudanahu waxuu xusay in sida la aqoonsanyahay qaaradda Africa ay Dimoqraadiyad rasmi ahi ka jirto saddex wadan oo ka keliya, kuwaas oo kala ah South-Africa, Nigeria iyo Somaliland.
Waxa kale oo ka hadlay munasabadan mudane Ducaale Mohamed Xirsi oo ka mid ah odayaasha laga qadariyo magaladan Toronto, isla markaasna ka mid ahaa dhalinyaradii lixdamaadkii u tartamayay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee somaliland khaasatan Ururkii (NUF).
Ducaale oo halkaa ka akhriyay taariikdii dheerayd ee ay Somaliland soo martay iyo ilaa manta oo ay Madaxweynaheedii soo dooratay. Md. Ducaale wuxuu si faah faahsan uga sheekeyay marxaladahii kala duwanaa ee ay soo martay ilaa waqtigii Gumaystahii Ingriiska. Isaga oo xusay mujaahadiintii SNM iyo halgankii ay xorimadan maanta u soo mareen. Wuxuu ugu danbayntii Ducaale u mahadnaqay halgamayaashii SNM iyo dhammaan hoggaamiyaasheedii wax dhintay iyo wax noolba isaga oo walibana xusay in ay dadka reer Somaliland la gudboontahay in ay ilaashadaaan, xornimadaas, sharaftaas iyo nabadgalyadaas.
Md. Ducaale waxa uu yidhi, “ waxaan u sheegayaa kuwa ku dhadhabaya Somalia oo Somaliland ku jirto ayaa muqadas ah, waxaan ku leeyahay Somaliland oo gooni isu taagta ayaa ah Muqadas.”
Dr. Taani oo ka mid ahaa mujaahidiintii Xabsiga dheer u taxaabay taliskii macangaga ahaa oo noogana yimi magaalada Ottawa ayaa halkaas isna ka hadlay, waxana uu wax ka sheegay taarikhdii isku darsiga isaga oo xusay sidii musuqmasuqa iyo laaluushka lay noogu salaamay waqtigii isku darsiga waxana hadaladiisii ka mid ahaa, “ Walaalayaal ma ogtahiin waqtigii isku darksiga in aaynaan Dalkii Konfurta Somaliya marnaba Background, Credit, and Crimanal check ba (maxay ahaan jireen) ku samaynin balse ay walaalnimo jacayl iyo wadaniyaddii ina laab qaaday oo aynnu Libaax afka uga galnay.”
Waxa uu ka sheekeeyay Afar iyo Toban hal oo ay ka mid ahaayeen: Hal Calan oo kaanna ah, hal madaxwaynae oo kaanna ah, hal Raiisal wasaare oo kaanna ah, hal Caasimad oo kanna ah, hal wasiiru difaac oo kaanna ah, IWM oo waqtigii aynnu calankeenna Konfur gaynay Dawladii koonfureed inoola timi inaguna aynu ka yeelay Somalinimo jacayl awgeed. Taas oo nin ka mid ahaa ergadii Somaliland ee Tagtay Muqdisho waagaas yidhi, “Waar nimanku Afar iyo tobanka Halaad malaha midna inama siinayaan,” isaga oo la yaabay nimanka hunguriwaynaantooda.
Dr. Taani waxa uu yidhi, “ Miyay suura galaysaa kuwaa in aynnu dib u aamminno?” Sawaxan Wayn oo ka soo yeedhay Dadwenaha ayaa Yidhi marqudha "Maya, Maya Maya".
Runtii Xafladii halkan ka dhacaday way ka ballaadhnayd mid qoraal lagu soo koobi karo iyada oo ay xafladda ka hadleen dad fara badan oo dhamaantood ka hadlay arimaha iyo taariikhda Somaliland. Waxa heeso wadaniya halkaas ka qaadayay fanaaniin farabadan oo ay ka mida haayeen: Cabdijibaar Al Khaliji iyo Cumar Jabuuti, iyo Shamis QardaJardeex (Uma Kaltum ta Somaliland). Waxa goobtaas ka dhacaday ciyaaro, heeso, casho sharaf iyo waliba iyadoo lagu soo bandigay Film Documentary ah oo laga soo duubay Somaliland siiba Cisbitaalka Hargaysa oo intii cashada la cunayay si wanaagsan dadku u daawadeen.
Somaliland Ha Nolaato Somaliland Ha Nolaato Somaliland Ha Nolaato
Tafatirayaasha: www.maandeeq.com Ahmed Ali Ubaxle iyo Mustafa Cabdi Cartan Toronto
xisbiga UDUB,
taliyayaasha ciidamada, danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaalilaand iyo
martisaraf kale oo badan. Dr. Saciid Faarax, Guddoomiyaha Maxkamade Sare ee SL
ayaa sheegay in uu qorayo qodobka 29aad ee dastuurka JSL in uu Guddoomiyaha
Maxkamada Sare dhaariyo qof kasta oo ay ku waajibtay in la dhaariyo inta aanu
xilka qaban.
Dr. Saciid waxa uu ku
dhaariyey Md. Daahir iyo Md. Axmed, "In ay ku Wallaahi tahay in ay daacad u
noqonayaan diinta, dalka iyo dadkaba oo ay kuna maamuli doonaan sinnan iyo
caddaalad inta ay xilka hayaan."
Madxweyne Daahir
Rayaale dhaarta kadib wuxuu dadka reer Soomaalilaand ka codsaday in ay ku
garabgalaan xilka loo dhiibay, waxana uu u sheegay in aan la'aantood aanu
fulin karin. Sidaas oo kale M. Kuxgeen Axmed Yuusuf wuxuu dhaarta dabadeed
sheegay in 33 sannadood kadib ay tahay markii ugu horreysay ay dadweynaha SL
doortaan Madxaweyne iyo M. Kuxigeen. Waxa uu intaa ku daray Md. Axmed kursi la
foolaa in ay ka muhiimsan tahay ummadda oo danteeda garata, dalkoodana u wada
shaqeeya.
Cismaan Xuseen Abokor
Isuduwaha
UDUB:
Yurub & Maraykan
![]()
UDUB, YURUB - Guurti, Salaadiin iyo Waxgaradba la hadle ee Kulmiyow Axmed waa kaa! 16/05/2003 Qisaba qisay keenta ee arrinkan Md. Siilaanyo ku dhacay wuxuu i xusuusiyey qiso ka dhacday dalka Kuweyt waa hore. Nin badow ahaa bay naagtiisii foolqaaday, kadibna dhakhtarka ayaa la dhigay si looga umuliyo. Ninkii oo suuqa jooga ayaa qof si xun wax u sheeg ahi ku yidhi naagtaadii wiil bay umushay. Farxaddii isaga oo aan waxba hubsan buu tilfoon qabsaday oo ehel, qaraabo iyo saaxiibba u tebiyey warkaa ka farxiyey. Kolkii uu dhakhtarkii yimi buu naagtii ku yidhi, "Naa mee wiilkii inoo dhashay", isaga oo farxad la muraaqaysan. Naagtii oo yaaban baa ku tidhi, "Waar, waa gabadh ee wiil ma ah!" Ninkii baa ku celiyey, "Naa, ciyaarta iga dhaaf oo wiilka i tus." Naagtii oo yaabban baa tustay gabadhii ay dhashay oo tidhi, "Waar, shaydaanka iska naar gabadhan baa inoo dhalatayey." Ninkii qaylo ayuu afka saaray oo yidhi, "Wallaahi wiil buu ahaa ee waa la iga doorsaday." Wax bog leh oo baabaco leh oo ninkii qanciya ayaa la waayey. Waa tii la ogaa wixii ka dhacay oo wargeysyado toddobaad dhan bay ka warmayeen ninkaa diiday in uu aqbalo wixii u dhashay. Hadda Md. Siilaanyo tii mid la mid ah baa ku dhacaday oo niman baa intay kursi meel u dhigeen isla maalintii ka dambeysay doorashada caleemo saaray oo ku yidhi, "Hambbalyo Madaxweyne, waad ku guuleystay doorashadii." Md. Siilaanyana isaga oo aan waxba hubsan buu sidii badowgaas isa siiyey kursigii uu inta badan ku tamniyayey. Kolkii ay guddidii doorashadu ku dhawaaqday natiijadii ku meelgaadhka ahayd buu sidii badowgaa Kuweytiga ah ka soo hadhay, "Wallaahi dadku inaga ayey idoorteen ee wax baa la is weydaariyey." Axmadow, waxba la isma weydaarin, dadkuna kuma dooran ee Daahir bay doorteen
ee waxba
dhanxiir yuu ku waalin. Imika iyo haatanna,
kuu caqlicelisay guurtidii, Salaadiintii iyo waxgaradkii Soomaalilaandba. "Garawshiyana
waa sad waayeel" , ee ha istaagina "Aniga uun" inleen nin yidhi dad iska soocye.
Xubnaha Kulmiye si
fiican bay waajibkii wadaniga ahaa u guteen, wixii dood iyo muran la soo
maray ololihii doorashada biyodhacoodii la soo gaadh, ninkii ba'naana
huluushii ka soo bax. Hadalka nuxurkiisu wuxuu yahay: Kulmiyow Axmed waa
kaa!
Cismaan Xuseen Abokor
Isuduwaha UDUB:
Yurub & Maraykan
![]()
UDUB, YURUB - Doorashadii galnay, Eebbana nagu gargaar, garina laba ruux kama wada qosliso 13/05/2003
Gallad Eebbe weeye
iyo tallaabo taariikhi ah oo ay Soomaalilaand kaga soo gudubtay hab
beeleedkii, una soo saartay iftiinkii dimuqraadiyadda. Geediba geedi wuxuu
riixaba waxay Soomaalilaand soo gaadhay ilbaxnimo iyo bisayl siyaasadeed oo
ka tirsan kuwa maanta dunida uga horreeya kolka laga hadlayo hab siyaasadeed
oo ay bulasho ku dhaqanto. Dhabahaanna ma aha wax aan cidna ka soo
irgisannay ama kaga dayannay ee waa habdhiskii beelanimada ee dhaqanka
sooyaalka inoo ahaa oo aan beelihii isku darnay oo qaramaynay.
Welina
hambbalyadii bay ku jirataa Soomaalilaand, wuxuuna dadweynaha ilbaxa ah
ee reer Soomaalilaand u habbalyeynayaa meel uu joogaba Madaxweynaha iyo M.
Kuxigeenka ku guuleystay doorashadii Madaxtooyada JSL. Xubna badan oo ka
tirsan labada gole ee Baarlamanka JSL, Wasiirada dawladda, Salaadiinta,
Madaxda Xisbiga UDUB, Culimada iyo Ganacsatada yaa tana iyo maalintii
Maxkamadda Sare ku dhawaaqday natiijadii kama dambeysta ahayd u
hambbalyeynayey Md. Daahir iyo Md. Axmed oo Guriga Madaxtooyada salaanta
kaga qaadanayey. Waxana ammaan mudan Md. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha
Xisbiga UCID oo shirjaraa'id ku sheegay in uu go'aanka Maxkamada Sare ku
qanacsan yahay, una hoggaansan yahay, islamarkana uu ku hambbalyeynayo
Madaxeynaha iyo Kuxigeenkiisa. Waxa kale oo isna xus mudan Md. Cumar Carte
Qaalib oo hambbalyo ka soo diray Riyaad, dalka Sucuudiga oo uu aaday kadib
kolkii uu ku guuldarreystay xisbigiisii, Hormood, doorashooyinkii Golayaasha
Deegaanka, haddii Eebbo ku simana, sida looga bartay soo laaban doona
doorashada dambe.
"Gari laba kama
wada qosliso", ee waxa sawirkaa farxadda leh aan soo sheegnay mid ka
duwan ku jira maamulka Xisbiga Kulmiye oo ay dacar kala qadhaadhaatay
natiijadii ay ku dhawaaqday Maxkamaddu, welina rumeysan kari la' in
doorashadii laga helay. Wuxuuna Md. Siilaanyo shirjaraa'id - oo aan waxba la
su'aali karin - ku sheegay in aanu ku qanacsanayn go'aanka Maxkamada Sare oo
ay weli gorodda iskula jiraan isaga iyo maamulkiisii. Faallo iska badan,
waxase aan xiiso biday, warinta (version) odhanaysa wuxuu kulmiye u fadhiyaa
xisaabtii lacagtii sida daadka jiidhay JSL dacal ilaa dacal oo aan waxa
dhaafsiisan intii daadxoortu soo tuftay ka hadhin sidii loo maarayn lahaa
iyo wixii lagu qancin lahaa dadkii, ururadii, dawladihii maalingelintaa
samaysay. Tolow! yaa lacagta xaddigaa leh bixiyey? Ciddii doontaaba ha ka
dambeyso, nasteex iyo nacabba, waxase hubaal ah in uu Md. Siilaanyo ku
guuleystay in uu ka gado
kalluun badda ku jira ciddii maalgelisayba. Waxase salal (nightmare) ku
noqotay in lacagta xaddigaa leh uu Md. Siilaanyo ku gadan kari waayey codkii
dadweynaha reer Soomaalilaand. Eebba jecelaa Soomaalilaand, muxuu balo ka
badbaadiyey, inleen lacagta intaa leeg ma bixin kareen dalkan yar ee
saboolka ahiye. Talase waxaan ku bixin lahaa, in Md. Siilaanyo u cuskado
saaxiibadiisa sakhiga ah xeerka maalgelinta ee caalamiga ah.
"Si xun wax u
sheeg sixir ka daran." Doorashadu wax badan bay saamaysay, waxana ak mid
ah saxaafadda oo si weyn ugu shababnayd muddaba doorashooyinkii ka dhacayey
JSL. Dadweynahuna aad bay ula socdeen oo ay u akhrisan jireen. Asalkeedaba,
saxaafadda waajib wadani ah baa saaran, waxana ka reebban in ay ku kacdo
wixii wax u dhimaya dalka nabaddiisa iyo qaranka jiritaankiisa, islamarkaana
uma bannaana in ay meel kaga dhaco qofnimada muwaadinka. Mana filayo in uu
jiro wargeys arrintaa ka damman ee kii wax ku xadgudbaa waa mid badheedhaya
oo badiba is leh dadweynaha ayaa damman oo aan garanayn waajibaadka saaran
saxaafadda iyo shuruudaha laga rabo in ay oofiso. Haseyeeshee, dadweynuhu
intaa wuu qiimaynayaa, sidaas bayna doorashadan magac uga heleen wargeysyada
qaarkood, qaar kalena qasaare weyn ka qaadeen, kolkii ay dadku fahmeen in
ayna dhex ahayn oo ay xaglinayaan. Si loo kala darraaba, waxa ugu darnaa
wargeysa Jamhuuriya oo dhabahaantii dhanxiirka oo sheego ku noqday dadka oo
si toos ah isugu dayey in uu marin habaabiyo dadweynaha oo uu xaqiiqada ka
indhasaabo. Waxase la yaab leh, miyaanu ka waantoobeyn arrimahaas oo kale,
mise caaday u noqotay kolka uu dhiriq galo ee laga maydho in uu haddana meel
ka xun dabbaasho. Waa halkii Qamaan Bulxane,
"Naagtii gamabada taabataye, gacanta loo maydhay
Ee gelisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha."
Wargeysyada netka ee
sida hagarla'aanta ah ugu dadaalay dalkooda waxa ka mid ah: Somaliland Net,
Hadhwanaag iyo Somaliland News.
Runahaantii dhacdadan
taariikhiga ahi waxay inoo ahayd cashar ummad ahaan aan kala baxnay
waayo'aragnimo dhaxalgal ah iyo bisayl siyaasadeed oo dhaqangal ah.
Adduunweynaha kalana milgo iy maamuus baa inooga soo hooyday. Eebbaheen
baana inoo sheegay, Korreye, in aanu cidna beddalin ilaa iyagu ay la
yimaadaan falkii ay isku beddali lahaayeen. Shacabyhow! Magaciin ha jiro oo
ha waaree! waad la timaadeen falaaddii suubanayd ee aad hore ugu mari
lahaydeen. Ictiraafku dhabta ahi waa ka naftiina ka yimaadda ee ma aha ka
dad kale ka yimaada. Dib ha u laabanina.
Alla Mahad Leh, Guulna
Soomaalilaand baa Leh
Cismaan Xuseen Abokor
Isuduwaha UDUB: Yurub & Maraykan
![]()
WAXBA YAANUU XAALKAY I MARIN XOOLANA I SIINE XAASHEE NIN LIBIN KAA XISTIYEY XUMIHII WAA YAABE ( MAALMIHII QAARBAA DANBEEYA). 13/05/2003
![]()
UDUB, HARGEYSA - Natiijadii Rasmiga ahayd oo ay ku dhawaaqday maxkamada sare ee qaranku 12/05/2003
Maxkamadda Sare ee qaranku waxay shalay sabtidii, 11/05/2003, ku dhawaaqday natiijadii kama dambeysta ahayd ee doorashadii madaxtooyada Soomaalilaand ee dalka ka dhacday 14 Abril 2003. Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Siciid Faarax Axmed iyo lixda garsoore ee ay maxkamaddu ka kooban tahay, waxa uu ku sheegay in xisbiga UDUB uu ku guuleystay doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaalilaand oo muddo shan sannadood ah, laga bilaa maalinta maxkamaddu dhaariso Md. Daahir Rayaale Kaahin yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee JSL, Md. Amxed Yuusuf Yaasiinna yahay Madaxweyna kuxigeenka rasmiga ah ee JSL.
Maxkamaddu waxay go'aanka gaadhay kolkii ay aragtay kana baaraandegtay qoraalkii u jeedadiisu ahayd ku dhawaaqidii natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd ee doorasha madaxtooyada Soomaalilaand iyo shaxdii ku lifaaqnayd ee ay u soo gudbisay Guddida Doorashada ee Qaranku (summad: /100/8/2003/, taariikh: 27/04/2003).
Waxa kale oo ay maxkamadu tixraacday:
Kadib markay maxkamaddu hubisay sharci ahaan iyo xisaab ahaanba dhammaan raadraaca qoraallada asalka ah ee xafiisyada doorashooyinka gobollada iyo natiijada ku-meel-gaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinku 19/04/2003, Maxkamadda oo aragtay farqi u dhexeeya natiijada ku-meel-gaadhka ahayd ee Guddiga Doorashada Qaranka iyo qoraallada raadraaca asalka ah ee xafiisyada doorashooyinka gobollada, farqigaas oo sida uu ku yimid ay ku caddahay lifaaqa shaxda natiijada kama dambaysta ah ee Maxkamadda Sare. Sidaa darteed, Maxkamaddu waxay gaadhay go'aankan hoos ku qoran:
1. In saddexda xisbi ee kala ah UDUB, KULMIYE iyo UCID, oo u tartamayay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Soomaalilaand oo qabsoontay 14/04/2003, uu mid waliba tirada codadka guud ahaan doorashada ka helay ay tahay:
2. In tartankii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Soomaalilaand ay ku guulaysteen murashixiinta xisbiga UDUB oo kala ah:
1. Daahir Rayaale Kaahin, oo ku guulaystay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ku guulaystay jagada Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku waa shan sanno oo ka bilaabmaysa maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku cad qodobka 88aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaand xubintiisa 1aad.
4. Go'aankani wuxuu soo baxay 11/05/2003.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare:
1. Siciid Faarax Axmed, Guddoomiye
2. Cabdiraxmaan Yuusuf Cayuun, Xubin
3. Sheekh Cali Cabdi Guuleed, Xubin
4. Cismaan Ismaaciil Axmed, xubin
5. Maxamed Cumar Geelle, xubin
6. Yaasiin Xasan Ismaaciil, xubin
7. Cabdi Cilmi Xaadir, xubin.”
XARUNTA DHEXE EE UDUB
![]()
Reuters, Hargeysa, Somaliland - Court declares winner of Somaliland election 11/05/2003 Somaliland's constitutional court on Sunday declared Dahir Rayale Kahin president of the Somaliland for the next five years, following disputed April elections. Somaliland, which declared independence in 1991 but is not recognised internationally, held its first multi-party presidential election on April 14.
![]()
UDUB, CANADA - RAKIYA OMAAR: HUMAN RIGHTS ACTIVIST OR KULMIYE ACTIVIST? 11/05/2003
In her recent article posted on www.somaliweyn.com, Ms. Rakiya Omaar through out her article tried in vain to lend weight to the Kulmiye party’s argument of winning the elections by casting doubt over the election results in which UDUB was declared the winner of Somalilands