WAR IYO WACAAL

Halkan ka Akhri

SOMALIA: Somaliland reiterates it will not join peace talks     18/03/2003

NAIROBI, 17 Mar 2003 (IRIN) - The authorities in the self-declared republic of Somaliland have reiterated they will not take part in the ongoing Somali reconciliation talks in Kenya.

According to a statement issued on Sunday by the region's information minister, Abdullahi Duale, Somaliland was not a party to the Somali conflict.

"There are no Somaliland military forces operating on Somali territory," the statement said, adding that Somaliland had "refrained from interfering in Somalia's internal affairs despite numerous provocations".

The minister was reacting to media reports that the Kenyan chairman of the talks, Bethwel Kiplagat, was awaiting an invitation to Somaliland to discuss the peace process. Some Somali leaders attending the peace talks in Kenya have, in the past, proposed that extra delegates be allocated to represent Somaliland and have repeatedly called for the region to be brought into the process.

Duale's statement said that the regional Intergovernmental Authority on Development (IGAD), which is mediating the talks, was aware of Somaliland's stand on the issue.

"Somaliland will not take part in the IGAD peace process nor send observers unless accorded by IGAD the status due to a sovereign state," the statement stressed.

"When a legitimate, representative government is established in Somalia, the GOS [Government of Somaliland] is prepared to enter into talks with that government concerning the nature of the relationship between the two states," it added.

The minister concluded by saying that Somaliland regretted attempts by some governments to utilise the peace process "as a means of undermining Somaliland’s stability, sovereignty and territorial integrity".

Somaliland, a former British protectorate, declared unilateral independence from the rest of Somalia in 1991, but has received no international recognition.

 

[ENDS]

 

UDUB, Sool & Buuhoodle - Haddii aan nahay deegaanka Sool iyo Buuhoodle waan ku diirsannay heshiiska aad la gasheen UDUB    17/03/2003
Go'aanka aad la gaadheen saleebaan muslim waa go'aan aad la gaadheen dadwaynaha ku nool Sool iyo Buuhoodle taageero ayaanu idinku siinay waanu idinku barbar taagannahay, hanbalyo iyo bogaadina waanu idiin soo diraynaa. Yididiilo iyo rajo ayaa nageliseen ee ilaahay ha idinla qabto idinkana.
Haddii aanu nahay suldaanada, cuqaasha iyo wax garadka deggen gobolka Sool iyo Buuhoodle waxaanu aad uga diirsanay heshiiska walaaltinimo ee aad gaadheen, dadka degen degaankan yididiilo iyo rajo ayaad gelisaan waanu idinku barbar taaganahay hanbalyo iyo bogaadin aad u diirana ayaanu idiin soo diraynaa.
Hadii maanta saleebaan iyo dawladii heshiis gaadheen waa guul u dhalatay somaliland iyo rajo iyo yididiilo aad na geliseen anagana, Ilaahay ha idindaayo ee sii wada aynu wada hadalno aynu isku soo dhawaano, aynu isku mid noqono aynu isi saamaxno, sagaaro labatun oo lakala qalo malaha, Soolna cidina kama jari karto somaliland mar haddii aad idinku gudihiinii ka heshiiseen inaguna heshiis ayaynu nahay guul ayaa inoo dhalatay ilaahay aynu u mahadino hawlaheenana si wada jir ah aynu u maamulano.
Waxa aanu aad ugu sii diirsanay wasiirada cusub ee aad u magacowday degaankan hadii aad madaxweynaha tahayna waxa aad noqotay qof ka fog wixii aanu u malaynayney.
Hanbayo, Bogaadin iyo Salaan.
Wabillaahi Towfiiq.
XARIIR DHEERE, xariir99@yahoo.com
Suldaanada, Cuqaasha Gobolka Sool iyo Buuhoodle.  

UDUB; HARGEYSA - Ururka ASAD ee degmada Caynabo oo taageero buuxda siiyey la midowga Xisbiga UDUB   16/03/2003
Mas'uuliyiintii maamulka u hayey Ururkii ASAD ee degmada Caynabo ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u taageersan yihiin Ururka ASAD ee la midoobay Xisbiga UDUB, Islamarkaana waxay hambalyo diiran u dirayaan wasiirada cusub ee dhawaan Madaxweyne Rayaale u magacaabay xilalka wasiirnimo.
Mas'uuliyiintaasi waxay yidhaahdeen, "Haddii aanu nahay Maamulkii mas'uulka ka ahaa Ururkii ASAD ee degmada Caynabo, waxaannu ku baaqaynaa, anaga oo ku hadlayna magaca dhammaan magacyada xubnaha Ururka ASAD ee degmada Caynabo  in aan si buuxda u taageersannahay hiil iyo hooba ku biiristaa ASAD uu ku biiray Xisbiga UDUB. Islamarkaana waxaan u sheegaynaa Md. Saleebaan Maxamuud Aadan in aan ku garab taagannahay tallaabada dhiiran ee taariikhiga ah ee uu qaaday. Haddii aan nahay xubnahii ASAD ee degmada Caynabo waxaan ballanqaadaynaa in aan Xisbiga UDUB si buuxda ula shaqaynayno. Waxa kale oo aan hambalyo diiran u soo diraynaa wasiirada uu madaxweyne Rayaale u magacaabay xilalka wasiirnimo 11/03/2003, Allana waxaan uga baryeynaa in uu u fududeeyo sidii ay xilkaa culus ee la saaray u gudan lahaayeen."
Hambalyadan iyo taageeradan waxa wada jir u soo saaray:
  1. C/Raxmaan Maxamuud Maxamed(Giigaa) Gudoomiyaha ururka Asad ee degmada
  2. Mahdi Maxa,med Ibraahin
  3. Xuseen Jaamac Muuse
  4. Aadan Jaamac Muuse
  5. Maxamed Xaaji Faarax Cali
  6. Aadan Dirir Jaamac
  7. Cabdi Bare Cali
  8. Ibraahin Abokor Goosarad
  9. Jaamac Xasan Seed
10. Ismaaciil Jaamac Madoobe
11. Cali Jaamac Cali
12. Carab Axmed Cawad
 
Xarunta Dhexe ee UDUB
 
 HadhwanaagSomalilandNews

- HW-   Shacabka Somaliland waxay waayo badan u soo samrayeen sidii ay u heli lahaayeen guulo ay ka gaadhaan horumarka iyo dhiska dalkooda iyo sidii ay u heli lahaayeen doorasho uu muwaadin kastaa ku dhiibto codkiisa.

Iyadoo haddaba laga joogo 33 sano kadib in ay doorasho ka dhacdo Somaliland ayaa ah haatan isbedelada ku dheehan dumuqradiya ee haatan laga dheegtey Tv-yada dalka Kenya iyo South Africa, hadaba shaqsiyaadka daneeya siyaasada Somalialnd ama u dhuun daloolaa waxa ay ka deeyrinayaan ololaha doorasho ee ku dheehan shaqsiyaat kala ah ee uu wado Siiraanyo ee uu ula badheedhayo Madaxweyne Riyaale oo ay ka biyo diideen shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee dalka Kenya ee loo yaqaan NACK oo  ka soo jeeda Somaliland una dhashey dalka Kenya oo khibrad u leh habsami socodka doorasho ama madaxnimo ridinta.

Haddaba akhriste waxaa jira siyaasiyiin badan oo u dhashey Somaliland oo dibada wareegaya qaarkoodna cadeystey in ay xornimadii la soo dhacsadey dib loo iib geeyaan, siyaasiyiinta dalka gudihiisa ku suganina ay yihiin qaar iyagu is haysta kana fikiraya kursi iyo jago madaxtooyo aanu jirin nin maanta ku taamaya bal inuu wax ka qabto aqoontiisa baahida shacabka Somaliland haysata uu wax ugu qabto.

Mudane Daahir Riyaale mudadii uu xukunka hayey ee madaxtinimada dalka marka ay falan qeeyaan shaqsiyaadka daneeya siyaasada Somaliland ee ku sugan dalka Kenya waxa ay sheegaan in uu maanta yahay Mr. Riyaale ninka bad baadin kara Somaliland yahayna nin maamulkiisu soo jiitey madaxtinimo indhaha caalamka oo dhan iyagoo soo cuskanaya taalaabooyin fara badan oo uu qaadey intuu xukunka hayey, waxaaney aad uga biyadiideen ololaha doorasho ee uu kula beegsdey waxa ay ugu yeedheen shaqsiyaatkaa oo ay ku cabirayaan ma tahayse mid maanta Silaanyo uu waxku helaayo aflagaadadaa?

Sida haatan ka jirta dalalka geeska Afrika waxaa ay ka haqabtirmeen siyaasada Somaliland iyo guulaha laga gaadhey in dalku horumaro iyo isbadala ku dhisan doorashooyin iyo xukuumada dalka hogaamisa wax yaalaha ay qabatey oo ay ugu horeyso nabad galyada iyo beelaha ku wada nool nabadgalyada, oo soo jiidatey dhamaan indhaha caalamka oo dhan, waxaaney dadku xiiseenayaan  ololaha doorasho ee ay ku tartamayaan sadexda xisbi ee haatan dalka ka jira iyadoo lagu dabaqaayo inay tahay doorashooyinkii ugu horeeyey ee dalka ka dhaca ayaa ah inaan loo adeegsan in kursi lagu heli karo aflagaado iyo wax ka baxsan ololaha madaxtinimo ee haatan dalka ka jira.

lasoco maalmaha soo socada

Reporter: ISMAIL SHEIKH ABUBAKER
e-mail:- ismail@hadhwanaag.com
Hadhwanaag Reporter
KENYA
NIROBI

 
 
Jamhuuriya, London - Wareysi Jamhuuriya la yeelatay Marwo Edna Aadan    12/03/2003
Haddii uu qof ku wanaagsan yahay samaynta malqaacadaha qof kalena wuxuu ku wanaagsan yahay samaynta mindiyaha… xisbiga UDUB-na dad ololayntiisa igaga wanaagsan ayaa dalkii jooga” Waraysi Edna Aadan
Jam (London)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Arrimaha Bulshadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Edna Adaan Ismaacil, ayaa hadda waxa ay hadda socdaal hawleed ku maraysaa qaar ka mid dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika, iyada oo waqtiga oo waqtigan dalka Norway.
Haddaba, toddobaadkii hore oo ay Wasiir Edna booqasho ku joogtay dalka magaaladaLondon ee dalka Ingiriiska ayaa waxa waraysi la yeeshay tifitiraha wargeyskaJamhuuriya ee London, C/xakiim Maxamed Sheekh. Waraysigaas oo ay Marwo Edna kaga jawaabtay su’aalo kala duwan oo dhinacyo badan ah waxa uu u dhacay sidan:
Su'aal: Mudane Wasiir, in muddo ah waxa aad ku jirtay socdaal dheer oo aad ku gaalaa-bixinaysay dalal ka tirsan Waqooyiga Ameerika iyo Yurub, muxuu ahaa ujeeddada socdaalkaagu?
Jawaab: Ujeeddada socdaalkaygu waxa uu ahaa mid hawl Qaran ah, ha ahaatee qaar badan oo ka mid ah safarkayga tafaasiil kama bixin karo, laakiinse hawlo badan oo Somaliland u dan ah ayuun baa la ii diray.
Su'aal: Intii aad ku jirtay socdaalkan yaa ka mid ah dalalka aad soo martay, yaadse la kulantay?
Jawaab: Horta aan ka bilaabo dalka Kanada. Intii aan dalkaas joogay waxaan la kulmay Ra’iisal-wasaaraha Kanada, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Horumarinta Dibadda, Wasiirka Arrimaha Bulshadda, ninka uu qaabilsan Arrimaha Dibadda ee Afrika, Maayarka Toronto, iyo Jaaliyadda Somaliland ee deggan magaalooyinka Toronto iyo Ottawa
Su'aal: Waxyaabaha aad ka wada hadasheen madaxdaas ama aad u bandhigtay maxaa ka mid ah?
Jawaab: Waxyaabaha aan u bandhigay waxa ka mid ahaa qaddiyadda Somaliland,nabadgalyada ka jirta dalka, horumarka la gaadhay, dimoqradiyadda ka socota,doorshooyinkii dawladaha hoose ee dhacay, tan madaxtinimada ee foodda innagu soo haysa, habsami u socdka nolosha, ha ahaato sida ay u shaqnayaan dakadweynaheenu, iyo sida ay dadka u dalxiisayaan. Waxa kale oo aan uga warramay sooyaalka taariikheed ee Somaliland, gaar ahaan marxaladdan cusub ee laga soo bilaabo 1991, iyo wixii aynu ka dhaxalnay midnimadii Soomaaliweyn ee 60kii oo ahayd burbur baaba’a, iyo halka ay maanta marayso Somaliland oo ah horumar iyo deganaansho. Haddii aynaan sidaa u bandhigin qaddiyadeena cadowgeenu inta uu innaga sheego ayuun baa dunidu maqlaysaa.
Su'aal: Ma jiraan Wax ballanqaad ah ama waxtar ah oo aad uga heshay Somaliland madaxda dawladdaas markii aad u bandhigtay qaddiyadda Somaliland?
Jawaab: Horta waxan la yidhaahdo ‘International Diplomacy’ ma jirto warqad ama shahaado marka ardaygu dugsiga dhammeeyo la siiyo oo meel sii taalay. Aqoonsiguna waa wax ka duwan, oo waxa weeyaan Goleyaasha dunida iyo dawladaha in la baro taariikhdaada dawladnimo iyo danaha qaddiyaddaada sida aad uga dhaadhicinayso. Waa inaad gashataa dawladaha iyo dadka kuu nasteexa ah waxa aad doonayso inay kuu yidhaahdaan. Markaa “Lobby” ayaa la yidhaahdaa oo waxa ka mid ah in aad dadka is, arrinkaaga oo aad sii fahamsiiso ayaa ka mid ah, waxaasi oo dhammi markay kayd kuu noqdaan maalinta loo baahdo ayay kuu noqonaysaa in ay ku hiiliyaan.
Su'aal: Sidaynu wada ognahay Wasaaraddaada dhawaan ayaa lagu soo kordhiyay Wasaaradaha dawladda Somaliland, markaa waa maxay ujeeddada ugu muhiimsan ee loo abuuray iyo wixii ay qabatay muddadii ay jirtay?
Jawaab: Wasaaraddani waxay jirtay 6-7bilood, waa Wasaarad dunida oo dhami leedahay, shaqadeeduna waa arrimaha Qoyska iyo Bulshada, wasaaradaha kalena waxay kala shaqeeysa wixii bulshada saamaynaya ama taabanaya.
Su'aal: Inta badan socdaallo dibaddeed ayaad ku maqnayd muddadii Wasaaraddu jirtay, markaa miyaanay hawshii Wasaaraddu dayacmayn?
Jawaab: Waxa la yidhi; “Waxa Umusha u dan ah ayaa ilmaheedana uu dan ah.” Horta hawshii Wasaaraddu way socotaa, hawla-maalimeedkeediina dad shaqaale ah ayaa sii wada, arrinta aan uga imidna waa hawl ay bulshadu leedahay, waxaanan kaga maqanahay hawl qaran.
Su'aal: Wax lagu tilmaamaa inta badan in aanad u ololayn xisbiga UDUB oo ah xisbiga xukuumadda aad ka tirsantahay, markaas maxaa ka jira arrintaas?
Jawaab: U malayn maayo in ay taasi jirto, sida aynu ognahay xisbiga UDUB waa xisbigii dawladda, dawladdana waan ka mid ahay oo waan ka tirsanahay, waanan u ololaynayaa, laakiinse dad igaga fiican oo si weyn ugu ololayn karaya UDUB ayaa dalkii jooga, aniguna hawsha kale ee aan kaga fiicanahay ayaa la ii diray. Teeda kale, qof kastaa shaqo ayuun buu ku wanaagsan yahay, oo haddii uu qof ku wanaagsan yahay samaynta malqaacadaha waxa laga yaaba in qofkalena ku wanaagsan yahay samaynta mindida. Waxaanay arrintu ku habboontahay in qof waliba hawsha uu ku wanaagsan yahay uu qabto.
Su'aal: Sida la ognahay waxa aad samaysay dhawaan Cisbitaal weyn oo casri ah, halkee ayey hadda hawshiisu maraysaa?
Jawaab: Imika Cisbitaalka hawshiisu aad ayey uu ballaadhan tahay. Intii u dhexaysay March ilaa December 2002, oo aanu tiro koob ku samaynay waxa ku dhashay carruur tiradoodu tahay 1235. Sannad-guuradii waxay ku beegan tahay 9ka bishan March, naasibdarrose waan ka soo maqanahay dalkii, oo lama joogo ilmahayagii curad [Cisbitaalkaygii] sannad-guuradiisa 1aad, waxaanan jeclaan lahaa in aan Hargeysa joogo, laakiinse waxaan ku maqanahay hawl qaran. Hawlihiisuna si wanaagsan ayey u socdaan oo weliba way ka sii ballaadheen oo dadku waxay uga ka kala yimaadaan Gobolladda Somaliland oo dhan, Soomaaliya, Itoobiya.
Su'aal: Waxa aad tahay qofka keli ah ee haween ah ku jira Goleyaasha Somaliland - Golaha Wakiillada, Guurtida iyo Xukuumadda, sidee bay kuala muuqataa arrintaasi?
Jawaab: Waa hawl Qaran, waana caadi, haddaan Gole ku jiro iyo haddii kaleba waddanka waan u dagaalamayaa. Haddii Guurti la iga dhigo waan u dagaalmayaa, haddii aan gurigayga joogana waan u dagaalamayaa.
Su'aal: Ma ku rajo weyn tahay in dumar kale ay soo galaan hawlaha siyaasadda ee Somaliland musqabalka dhow?
Jawaab: Aad iyo aad ayaan ugu rajo weynahay in ay dumarku soo galaan siyaasadda dalka, waayo waa lagama maarmaan, haddii la rabo in waddanka horumar la gaadhsiiyo waa in loo hawl galaa rag iyo dumarba.
Posted By Khadar Hassan Ali Jamhuuriya London
Jamhuuriya @hotmail.com
 
 
UDUB; HARGEYSA - HADDII AY DAACAD KAA TAHAY ADIGU MURASHAXNIMADA KULMIYE UGA DEG EDNA”   11/03/2003
Wakiilka Diblomaasiyadeed ee dawlada Somaliland u qaabilsan dalalka Geeska Africa, Ambassador Xuseen Cali Ducaale “Cawil”, oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Mansoor Hotel waxa uu si kulul ugu dhaliilay qaabka ay siyaasiyiinta Xisbiyada mucaaridka ah qaarkood u adeegsadaan ololahooda loolanka doorashada Madaxtooyada Somaliland ee loo qoondeeyey inay dalka ka dhacdo bisha Abril ee foodda innagu soo haysa.
Ambassador Cawil, shirkaa jaraa’id oo ay ka qaybgashay saxaafadda gudaha ee Somaliland wuxuu si gaar ah ugu dhaliilay siyaasada ololaha doorashada ee hogaamiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo u sharaxan jagada Doorashada Madaxweynenimada Somaliland oo uu sheegay in uu ololihiisa ku sameeyey siyaasad shaqsi weerar ah, oo uu sheegay in uu ku weeraray murashaxa UDUB, Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo kula tartamaya doorashada, taas oo uu xusay inay ka baxsantahay nidaamka dimuqraadiga ah ee tartanka siyaasada.
Ambassador Cawil oo ka hadlay dhaliisha uu u soo jeediyey Mr. Siilaanyo, waxa uu gundhig uga dhigay dhaliishaas hadalo ku jiray khudbad uu Siilanyo ku jeediyey 8-da march ee maalinta haweenka adduunka, taas oo uu Siilaanyo ku dhaliilay waayo'aragnimada siyaasadeed, maamul, iyo aqooneed ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah musharaxa Xisbiga UDUB ee doorashada Madaxweynaha. “ Waxaan arkay oo aan aad u dhibsaday hadallada ka soo yeedhay Siilaanyo oo aanan ka filayn inay ka soo yeedhaan Axmed oo kale”, ayuu idhi Ambassator Cawil, wuxuuna intaa raaciyey, “ Waxaan qabaa ninka murashaxa ah ee u taagan jagada Madaxweyne in uu horta ka reebanaato aflagaado mid shaqsi iyo mid ururba. Ninka Madaxweyne dal u ahi waxa uu mudan yahay ixtiraam. Qof ahaan siyaasadda isku diida, laakiin waa in aadan gaadhin heer aad isaga qof ahaan wax uga sheegto, waayo, waxaad dhaawacaysaa ummaddii uu sharaftooda huwanaa.”
Ambassator Cawil, oo ka hadlayey ololihii axsaabta doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya oo uu sheegay in uu ahaa loolan siyaasadeed oo nadiif ah, isaga oo waqtigaa joogay Nairobi waxa uu yidhi; “ tartankii Kenya raggii tartamay nin qudha waxba kama sheegin Madaxweynihii kursiga ku fadhiyey [Moi]. Waxaanay ku ixtiraameen mas’uuliyadii kursiga, markaa Axmed haddaad doonayso inaad Madaxweyne noqoto ninka kursiga ku fadhiya ixtiraam.” “ Malaha waxaad moodaysaa dadku waxbarashada inay Elementary yihiin ee Madaxweyne Rayaale wixii dawladdu qaban wayday in aad ku dhaleecayso weeye, wixii ay qabatana aad ku ammaanto. Laakiin, maaha in shaqsi laga dhigo oo aad tidhaahdo ninka ila tartamaya waa Elementary anigu M.A ayaan ahay. Meeshu maaha CV lagu shaqo tegayo ee ummad baa siyaasad lagu hoggaaminayaa," ayuu raaciyey Ambassador Cawil.
Ambassador Cawil, waxa kale oo uu soo qaatay hadallo uu Siilaanyo ku sheegay khudbadiisii 8-da Maarso oo uu tilmaamay in shaqsiyadda ugu waayo'aragsan uguna aqoon badan shaqsiyada Madaxweyne Rayaale ay tahay Wasiirka Horumarinta Qoyska Marwo Edna Aaden, oo uu Siilaanyo yidhi; ’Ma Edna ayaa lays hor wadi oo Edna –aay I dhoofi la odhan doonaa…
"Madaxweyne Rayaale kursiga ha uga dego Edna annaguna waanu taageeri doona." Isaga oo ereyadaa naqdiyeya Ambassador Cawil, waxa uu yidhi; “Ereyada kale ee aan aad u dhibsaday waxa ka mid ah; Madaxweynuhu kursiga ha uga dego Edna, Haddii ay daacad kaa tahay Axmedoow adigu uga deg Edna murashaxnimada KULMIYE, laakiin, kaambaynka ha ka dhigin Edna. Waxaan qabaa ninka murashaxa ah ereyada uu adeegsado ay aad iyo aad uga fogtahay hadalada la mid ah [maalin walba ma Edna ayaa la is dabo wadi].
Ambassador Cawil waxa kale oo si kulul u naqdiyey dhaliilo ku wajahan xayiraada xukuumaddu ku soo rogtay gobolka Sool, oo uu Siilaanyo hore ugu dhaliilay maamulka Rayaale in uu ku qaldamay xayiraadda la saaray Gobolka Sool, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu Cawil yidhi; “Laascaanood dhibaato ayaa ka dhacday oo Madaxweynihii ayaa lagu weeraray. Dalalka Africa meelaha Madaxweynaha lagu sigo ciidamo ayaa cagta mariya, Madaxweynaha iyo dawladiisuna sidaa may yeelin… waayo, dadka Sool waa walaalaheen. Safiiro dawladaha waaweyn u fadhiyey Kenya ayaa aniga ila soo hadlay oo madaxweynaha ku Hambalyey, waana lagu ammaanay. Markaa berri haddii Siilaanyo noqdo Madaxweyne tallaabooyinka uu qaadi lahaa ma aha in maanta dadka ku dhaleeceeyo.”
Ugu danbeyntii Ambassador Cawil wuxuu sheegay in ay saaxiib yihiin Siilaanyo iyo isagu “Cawil”, balse dhaliilihii uu Siilaanyo u jeediyey yihiin kuwa dan guud ah. “ Siilaanyo waxaanu nahay saaxiib, balse danta guud malaha saaxiibtinimo ayuu yidhi Cawil.
Ifraax Max’uud Xirsi
Xarunta dhexe UDUB
 
 
SOMALILAND FOCUS GROUP: MUJAAHID SIILAANYO OO IIBSADAY AQAL DHAN 1 000 000$   10/03/2003

Mujaahid siilaanyo oo ka   iibsaday wadanka maraykan gobolka calafonia magaalada Sanjose aqal qiimihiisu dhan yahay 1 milion dollar oo lacagta  maraykanka ah.

Mujaahid siilaanyo oo ka soo qabtay jagooyin kala duwan dawlada somaliland markii igu danbeysena ahaa wasiirka MAALIYADA iyo wasiirka QORSHAYNTA somaliland ayaa ka iibsaday aqal dhan 1 milion dollar oo lacagta maraykanka ah gobolka calafonia magaalada Sanjose.

Ka dib markii uu mujaahid siilaanyo uu soo booqday CA, SANJOSE, bishii Octoobar ee sanadkii aynu soo dhaafnay  waxa uu aad u jeclaystay mudane siilaanyo quruxda iyo bilicda dibiiciga ah ee ilaahay ku manaystay gobolkan CALAFONIA, waxaanu u sheegay xubno ka mid ah ururka somalilnad focus group in uu degi doono oo uu ku qaadan doono noloshiisa inta ka hadahay gobolkan uu mujaahidku sida xad-dhaafka ah u jeclaaday ee calafooniya.

Hadaba waxa dhab noqotay in mujaahidku uu suura geliyey balantiisii ama qorshahiisii oo uu ka iibsaday aqal dhan 1 milion oo dolar wadanka maraykanka. Aqalkaa waxaa dhinaca siilaanyo ka socday oo matalaayey mujaahid siilaanyo wiilka qaba inanta siilaanyo dhalay mudane BAASHE CUMAR oo wax ka baran jirey sanjose.

Lacagta aqalkaa lagu iibiyey oo laga soo wareejiyey ( transfer. ) london waxa soo wareejiyey oo ku qornaa lacagtaa GUDOOMIYAHA somaliland forum oo degen london,  DAHIR CABDI JAMA oo Siilaanyo adeer u yahay isaga oo lacagtaa u wareejiyey gudoomiyihii hore ee somaliland forum ahna ninka xusbiga kulmiye u fadhiya Woqooyiga America mudane FARAX XIRSI oo jooga canada halkaas oo kanbanigii aqalka laga iibsaday uu kala baxay lacagtii accaunt ka Farax Xirsi.

Dhalinta degen sanjose waxa ay aqalkaa ugu magacdareen oo ay u bixiyeen streetka aqalkaasi uu ku yaal somaliland, calanka xusbiga kulmiyena wuxuu ka babanaaya AQALKAA DUSHIISA SARE.

Somaliland focus group ma taageersana xusbi gaar ah, laakiin waxay taageersan tahay somaliland waxaanay wargelinaysaa dadwaynaha reer somaliland, taas oo ah waajibaadkayaga oo aanu ka soo baxayno.

GUUL SOMALILAND AYAA LEH, MAHADNA ILAAHAY AYAA LEH.

Afhayeenka ururka somaliland focus group.
Axmed Maxame Cartooshe.
ictiraaf@yahoo.com.
somalilnd      usa          canada      london
 
UDUB; HARGEYSA - MUNAASIDII XUSKA MAALINTA HAWEENKA ADUUNKA OO LAGU QABTAY GURIGA MADAXTOOYADA JSL   10/03/2003
Xaflada aad u ballaadhan oo lagu xusay maalinta haweenka ee Caalamiga ah ee 8da maarso, ayaa Marwada kowaad, Mw. Huda Daahir Barkhad ay ku martiqaadday maalintii Sabtidii xubno sharaf ka kala socday Golaha Wasiirada, Guurtida, Wakiilada, Urarada Haweenka ee JSL, xubno ka tirsan golaha dhexe ee UDUB, xubne sare oo ka tirsan hay'adaha caalamiga ah iyo qaramada midoobay ee ka hawlgala JSL.
Xafladaa waxaa khudbado aad u qiimo badan ka jeedisay Marwo Hudo, iyada oo dumarka JSL ku ammaanaysa kaalinta ay ka qaataan horumarka JSL dhinac walba. Waxa kale oo ay ka waranatay Mw. Huda sida xilkasnimada ah ee dadaalku ku jiro ee ay u gutaan hooyooyinka Soomaalilaand waajibaadkooda wadaniga ah. Waxay sheegtay Mw. Huda in haweenka Soomaalilaand mus'uuliyada kowaad ee daryeelka qoyska hayaan haddii ay tahay barbaarinta  iyo quudinta dhallaanka iyo dhallintaba.
Waxa kale oo ay ku guubaabisay ragga reer Soomaalilaand in ay taageero buuxda siiyaan haweenka reer Soomaalilaand si hawluhu ugu fududaadaan, horumarka qoyskuna u taabogalo.
 
Ifraax Maxamuud Xirsi
X/Dhexe UDUB
 
 
Reception to support President Dahir Riyaale Kaahin in Metro Washington DC- USA    4/0/2003
Friends Of President Dahir Riyaale
Members Of UDUB Party and
Members of Somaliland Community 
 
In Metro Washington DC - USA
 
You are cordially invited to attend a reception for supporting President, Dahir Riyaale Kahin and his
election campaign to become the next President of The Republic of Somaliland. This election is historical one for Somaliland and we must participate and support our young democracy and the candidate you believe will provide the best leadership to our people and country.
 
We believe that candidate is President Dahir Riyaale and he deserves your support. His party (UDUB) is the party of those who believe Somaliland belongs to all Somalilanders. President Dahir Riyaale have shown leadership in protecting peace, respect for human rights, freedom of press, willingness to fight corruption and support for the democratic process during his short time in office and we must support him to be our leader and fight for the same values and causes in the next five years.
 
Reception:
 
Location:  NRECA Conference Center
              4301 Wilson Blvd,
               Arlington, VA
               Phone 703-907-5934
 
Date:      March 15, 2003
 
Time:      From 06:00 PM to 09:00 PM
 
If you believe President Riyaale is the best candidates for the Republic of Somaliland, please join us to celebrate and support President Dahir Riyaale and his election campaign. We are looking forward to see you on March 15.
 
Please forward this announcement to all those who are interested to attend this reception - it is an open reception for supporters of president Dahir Riyaale.
 
Refreshments and snacks are provided, please call the conference center for parking availability.
 
 
Contact:
 
For more information please contact
 
Rashid Garuf:   
Ahmed Sheikh
Ibrahim Warsame
 
 
DIRECTIONS TO NRECA CONFERENCE CENTER
 
 
Metro’s Orange Line
Exit at the Ballston station. Take escalator to street level (corner of Fairfax Drive and Stuart
Street) and turn right toward Stuart Street. Cross Stuart St., walk one block ahead to Taylor St.
and turn left. NRECA is the last building on the right at the corner of Taylor St. and Wilson Blvd.
The main entrance is on Taylor St. Look for our name on the building above the doors.
14th Street Bridge (from Washington D.C.)
Take the 14th Street Bridge and you can either exit to 110 north and follow signs for 66 West.Follow signs for Route 27 or Washington Blvd. The Pentagon is to your right and I-395 runs parallel on your left. As you begin to exit onto Route 27 (Washington Blvd.) stay in the left lane; the right lane exits onto Columbia Pike. Go under Route 50 and enter a residential area. Turn left onto Tenth St. (about a mile). Turn left onto Wilson Blvd. (second light). One block past the Ballston Mall, turn right on
Taylor St. and left into our parking garage. If you pass Glebe Road you have gone too far.
I-95 / 395 North (from points south of Ballston)
From I-95 North to I-395 North, take the Glebe Road exit north (about 10 miles inside the beltway).
Follow Glebe Road to Wilson Blvd. (about 2 miles). Turn right onto Wilson Blvd. And turn left at the
first intersection onto Taylor St. Turn left into our parking garage.
I-66 West (from Washington D.C.)
From the Key Bridge or Roosevelt Bridge Constitution Ave. or 110, follow signs for I-66 West. Take the Glebe Road / Ballston exit and turn left onto Glebe Road. Turn left onto Fairfax Drive. Turn right on Taylor St. (first light). We are the last building on the right on Taylor Street before it dead-ends into Wilson Blvd. Turn right into our building parking garage.
I-66 East (from points west of Ballston)
From I-66 East, take the Fairfax Drive Glebe Road exit (exit 71). The road you exit onto is Fairfax Drive. Stay on Fairfax Drive. Turn right on Taylor St. (3rd light). We are the last building on the right on Taylor Street before it dead-ends into Wilson Blvd. Turn right into our building parking garage.
 

 

London (Jam)- Kulan loogu ololaynayo qaddiyadda Somaliland oo ka dhacay London   6/03/2003

 

Kulan Balaadhan oo loogu ololaynayay qadiyadda Goonni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii Somaliland Ictiraaf Diblomaasiyeed uga heli lahayd Beesha caalamka ayaa Jimcihii todobaadkan lagu qabtay Aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska (House common) ee malaalada London.

Kulankaas oo ay ka qayb galay dad kala duwan oo ay ka mid yihiin Mudaneyaal Baarlamanka Ingiriiska ka tirsan, Diblomaasiyiin, Aqoon-yahanno iyo Cilmi-baadhayaal u dhuun-daloola arimaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaalida, Suxufiyiin iyo dad kale oo shisheeye ah waxa soo qaban-qaabiyey  Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ah Ergeyga  Dowladda Somaliland ugu xilsaaran u Ololaynta Ictiraaf u raadinta Somaliland, iyo dad ilaa Boqol Qof lagu qiyaasay oo ka tirsan dadweynaha Qurba-joogga Somaliland ee ku nool dalka Ingiriirka.

 

Tafatiraha wargeyska Jamhuuriya London, Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo goob-joog ka ahaa Kulankaas ayaa London nooga soo dirayt warbixintan uu ka diyaariyey sidii kulankaasi u dhaca:

Kulankaas oo kii u horeeyey ee noociisa ah ee loogu ololaynayay Qaddiyadda Ictiraaf raadinta Somaliland ee lagu qabto dalka Boqortooyada Ingiriiska waxa uu ah mid loo soo agaasimay si heer-keedu sareeyo, waxaanu Guriga Baarlamanka Ingiriiska ka socday  muddo shan saacadood ah oo ku beegnayd  10.00AM - 3.00 PM.

 

Kulankaas  dad reer Somaliland ee ka qayb-galay waxa ka mid ahaa Wasiirka Horumarinta Qoyska ee Dowladda Somaliland, Marwo Edna Aaden Ismaaciil oo hadda Booqasho hawleed ku joogta dalka Ingiriiska, iyo ninka dunida ugu dheer, Mr Xuseen Bisad oo ah Muwadiin u dhashay Somaliland iyo Xoghayaha guud ee  Xisbiga UCID Axmed  Muuse Geedi Sanjab oo isna socdaal ku jooga Ingiriiska.

Saacadihii uu socday Kulankaas Loobiga ah waxa dadka ka qayb-galay ee loo qaybinayay warqado ka sheekaynaya Sooyaalka taariikhda Somaliland oo koobaysa   wakhtigii gumaysiga, midowgii labadii Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Soomaliya iyo sababihii kalifay inay Somaliland la soo noqoto xornimadeedii, iyo Isbedelada Wakhtigan ee Somaliland, Casriga cusub – sida; Horumarka Nabadda iyo Hanaanka Dimuqraadiga ah ee ka hana-qaaday dalka - Aftidii dastuurka, sidii Dimuqraadiga ahayd ee xilka loogu wareejiyay madaxweynaha hadda talada haya, ka dib markii uu geeryooday madaxweynihii hore, Marxuum Cigaal, Abuurista Axsaabta Siyaasadeed, doorshooyinka dawladaha hoose ee dalka ka dhacay iyodoorashooyinka soo fool leh.

 

Intii  kulanka olalahaasi uu socday, dadkii reer Somaliland  ee ka qab galay waxa  ay buuxinayeen Foomam qoraal ah oo qof waliba uu ku saxeexayay magaciisa, kuna qorayay  cinwaanka gurigiisa iyo ujeedad rabitaankiisa oo ahayd Aqoonsiga iyo Xaqa aayo-ka-tashiga Somaliland, si qof walba Foomkiisa loo gaadhsiiyo xubinta baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan ee xaafadda u degan yahay .Iyada  dadka Reer Somaliland ee ka soo qaybgalay Kulanka oloalahaasi oo ka kala yimid daafaha magaalada London iyo magaaladda Bristol ee koonfur galbeed ee Ingiriiska ay u badnaayeen cod ku yeelan karan xilliyadda doorshooyinka Ingriiska, sidaa darteed-na,  ay dhawaaqooda u dhego nuqul-yihiin Mudaneyaasha Baarlamanka Ingiriisku. Taasina waxa ay fursad weyn oo faa’iido ah u tahay Ololaha Ictiraafka loogu baadi goobayo Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dr Cumar Dixood, waxa sheegay kulankani qayb ka yahay Qorshihiisa ku saabsan Ictiraaf doonista Somaliland. “Xalay-na [Habeenkii Jimce] waxaan u diray warqadan aanu qaybinayna in ka badan 150 Mudane oo baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan, si ay arrintan u fahmaan, teeda kale war rasmi ah oo aan ka helay ilo xog ogaal wax ii sheegaan in dawladaha waaweyn qaarkood isla soo qaadeen sida loo ictiraafi lahaa Somaliland” ayuu yidhi Dr. Dixood.

 

Kulankaas loogu ololaynayay Ictiraafka Soamliland waxa uu ahaa mid xiiso leh oo soo jiitay dareenka dadka Somaliland ee ku nool Qurbaha, isla markaana ay jeclaysteen dadkii Shisheeyaha ahaa ee ka qayb-galay. Waxaana la odhan karaa waxa uu Somaliland u ahaa fursad qaali aan nooceedu hore u uga dhicin carriga Ingiriiska.

 

Posted By Khadar Hassan Ali Jamhuuriya London

Email:jamhuuriya@hotmail.com

 

 

 

Jamhuuriya, London - Qoraal Taageero iyo soo dhawayn ah oo ay soo saareen Xisbiga UDUB UK.    02/03/2003

Shir ay isugu yimaadeen Gudida Fulinta ee Xisbiga UDUB ee dalkan Ingiriiska oo ka dhacay magaalada Sheffield oo ah xarunta ururka udub ee dalkan UK  ayaa laga soo saaray qoraal isugu jiray taageero iyo soo dhowayn ku waajahan soo guryo noqoshada Madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali.

 
Qoraalkan oo uu xafiiska Jamhuuriya soo gaadhsiiyay Afhayeenka Xisbiga UDUB laantiisa UK mudane Axmed Xaaji Cabdilaahi Rooraaye waxa uu u qornaa sidan:
 
" Hadii aanu nahay xubnaha ururka UDUB ee ku nool boqortooyadan Ingiriiska waxaanu ku faraxsanahay sida geesinimada leh ee uu dalkiisa hooyo ugu soo laabtay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland Mudane CabdiRaxmaan Axmed Cali, waxaana aanu rajaynaynaa inuu ka qayb qaato horumarinta iyo dhismaha dalkeena hooyo, waxaa kale oo aanuu ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland ee dibadaha ku maqani inay kusoo laabtaan dalkooda hooyo oo ay kala qayb qaataan dadweynaha reer Somaliland dedaalka ay ugu jiraan horumarinta dalkeena, waxaa kale oo aanu halkan uga mahad celinaynaa xukuumada Somaliland sida diirran ee ay dalkiisa ugu soo dhawaysay Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali oo dalkeena usoo halgamay. Ugu danbayn waxaanu xukuumada Somaliland ka codsanaynaa inay ku dhiirri galiso siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland ee dalka dibada uga maqan inay kusoo laabtaan dalkooda hooyo"
 
Axmed Xaaji Cabdilaahi Rooraaye
Afhayeenka Xisbiga UDUB ee dalkan UK
 
 
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Jamhuuriya, London

 

XAFLAD BALAADHAN OO LAGU MAAMUUSAYO BAHAWGA URURKA ASAD IYO XISBIGA UDUB   27/02/2003

Xaflad Xisbiga UDUB ku soo dhaweynayo Ururkii ASAD ee ku soo biiray ayaa shalay Arbacadii lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Guriga Shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa.

Xafladaa oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka socoda labad dhinac ee bahoobay iyo taageerayaal badan oo ka mid ah Xisbiga UDUB iyo ururkii ASAD, waxa dhinaca Xisbiga UDUB hoggaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB, ahna Madxweyne ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin , iyada oo dhinaca kale ee ASAD hor kacayo Guddoomiyahii hore ee Ururka ASAD Md. Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan Gaal).

Waxa munaasibada hadalo ka jeediyey madaxda labada dhinac iyaga oo ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin ujeedada ay ku bahoobeen, sida ay u arkaan labada dhinac, iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin Guddoomiye ku-xigeenka Xisgbiga UDUB ahna Madaxwayne ku-xigeen J/Sland, oo xaflada ka jeediyey hadal kooban waxa uu sheegay in ay u walaaloobeen Xisbiga UDUB iyo Ururka ASAD, ilaalinta nabadgelyada dalka iyo ka talinta aayaha Somaliland, iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen tartanka doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo u muuqda inuu u sharaxayo xubnihii hore ugu jiray xisbiga UDUB, ururka ASAD ee ku soo biiray gaar ahaan Saleebaan Max’uud Aaden, waxa uu yidhi, “ Waxaan kaftan ku leeyahay inoomuu soo gelin libaax dad qaad ahi, ee waxa inoo soo galay libaax rabaayad ah.” Waxaanu sheegay Md. Axmed, in cidda ku biirtay UDUB xilligan ay u tahay guul iyo quwadii uu hore u ahaa oo sii labanlaabantay, ee ha moodina wixii nagu soo biiray in aanu u arkayno kuwa u socda wax ka riixasho. Ugu danbayba, waxa uu yidhi ururka ASAd ee ku soo biiray Xisbiga UDUB inay ku soo dhawaadaan gacmo furan.

Xoghayaha Guud UDUB Max’ed Ismaaciil Bullaale, oo isaguna halkaa hadal ka jeediyey, waxa uu sheegay sida uu ugu faraxsan yihiin ururka ASAD ee ku soo biiray UDUB, oo uu xusay in aanu barnaamijkooda siyaasadeed hore u kala fogayn, oo ay meelo badan ka midaysnaayeen. Marka ayuu yidhi waa guul weyn oo u soo hoyatay UDUB.

Sidoo kale waxa isna munaasabadaa ka jeediyey hadla Guddoomiyihii hore ee ASAD Md. Saleebaan Max’uud Aade, (Saleebaan Gaal) waxa uu ugu horayn sheegay in uu dalku marayo marxald adag oo ay jiraan meelo lagu soo duulay oo la haysto, in wax laga qabtana u baahan .Waxa kale oo noo muuqda dhawaaq beeneed oo beelo wax ku raadin ah oo xisbiyada qaarkood ka soo yeedhay ayuu yidhi Saleebaan. Isaga oo raaciyey, waxaanu leenahay waar beel lagu abtirsado qaran ma doono ee waxa door roon in la sii wado walaaltinimada iyo go’aankii beelaha Somaliland ku midoobeen Burco 1991, taas oo lagu hannan karo dawlad loo dhan yahay.

Md. Saleebaan, waxa uu sheegay in maanta ummadda reer Somaliland u baahan tahay isku duubni iyo wada jir. Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay xisbiga UDUB u arkaan in uu yahay meesha lagu gaadhi lahaa midnimada iyo qaranimada Somaliland. Md. Saleebaan waxa kale ee uu sheegay in markii ururka ASAD uu ku guul daraystay in uu u soo gudbo Axsaabta Qaranka, in ay wada hadalo la yeesheen labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE oo iyagu ku jira saddexda xisbi qaran ee la aqoonsaday. Md. Saleebaan wuxuu yidhi, "Xisbiga KULMIYE wixii ugu waynaa ee aanu isku diidno waxa uu ahaa, maxaynu ka yeelnaa dhibaatada gobolada bari ka taagan ee dalkeen iyo beelaha puntland iyo toddobada degmo ee ka hadhay doorashadii goleyaasha degaanka, kolka doorasho heer qaran ahi timaado? Taas oo ah taanu isku afgaranay UDUB."

Ugu danbayntiin waxa uu yidhi, "kaftana ha iga ahaatee reer UDUB, waxay xantu igu soo gaadhaysaa inay jiraan kooxo iyo rag aan laabta naga jeclayn, annaguse maanta uma socono mansab doon iyo jago ee waxaanu u soconaa badbaadinta qaranka Somaliland”

 

Ifraax Max'uud xirsi
Xarunta Dhexe UDUB
 

 
 
 
PRESS RELEASE, SOMALILAND FOCUS GROUP.   25/02/2003

WAXA AANU HANBALYO IYO BOGAADIN WADANINIMO U DIRAYNAA GEESIYADA XUSBIGA ASAD OO  LA BAHOOBAY WALAALAHA XUSBIGA UDUB ( DAWLADA MIDNIMO QARAN, THE GOVERNMENT OF NATIONAL UNITY.)

URRURKA WADANIGA AH EE SOMALILNAD FOCUS GROUP WAXA UU HANBALYO IYO BOGAADIN QAALI AH OO GEESINIMO U DIRAYAA GUDOOMIYAHA  URRURKA ASAD OO QAATAY TALAABO GEESINIMO IYO WADANINIMO KA DIB MARKII UU URRURKII ASAD UU LA BAHOOBAY URRURKA DAWLADA EE UDUB.

SOMALILNAD FOCUS GROUP WAXA AY TALAABADAA U ARAGTAA TALAABO WAX KU OOL AH IYADA OO KEENI KARTA AMA XOOJiN KARTA MIDNIMADA SOMALILAND, ISLA MARKAANA XOOJINAYSA IS JACAYLKA IYO WAX WADA QABSIGA UMADDA REER SOMALILND. TAAS OO ISLA MARKAANA SOO DHAWAYNAYSA ICTIRAAFKA BEESHA CAALAMKA AY KA SUGEYSO UMADA REER SOMALALND.
SOMALILND FUCUS GROUP WAXA AY AAMIN SANTAHAY IN AAN LOO BAAHNAYN MUCAARADAD DANBE OO AYNU SI WADA JIR AH UGA SHAQAYNO HORUMARKA SOMALI LAND IYADA OO UMADA REER SOMALIULND 90% AY KU KALA JIRAAN XUSBIGA DAWLADA EE UDUB IYO XUSBIGA ASAD WAX WAL OO UMADA REER SOMALILND U BAAHAN TAHAY AMA AY TABEYSO WAXA AY KA HELAYSAA ASAD AMA UDUB SIDAA DARADEED WAA MAXAY MUCAARADADA DANBE EE LOO BAAHAN YAHAY EE AY WALI KU JIRAAN XUSBIYADA QAAR. ?

WAXA SHARAFTU KU JIRTAA IN XUSBIGA KULMIYE AANU WAQTIGA KA LUMIN UMADA REER SOMALILND ISLA MARKAANA UU SI DEG DEG AH OO AAN HABSAAN LAHAYN U BAAJIYO, SIMXADA TURXAANTA IYO MUCAARADNIMADA KURSI DOONKA AH EE UU KU HANJABAAYO AMA KU LOOLAMAAYO TAAS OO HOOS U DHIGTAY DADAALKII SOMALILND AY UGU JIRTEY HORUMARKA IYO ICTIRAAFKA.

MARLABAAD HANBALYO IYO BOGAADIN NAGA GUDOOMA XUSBIGA DAWLADA EE WALAALAHA UDUB IYO ASAD.

GUDOOMIYAHA URRURKA SOMALILND FOCUS GROUP.
MUDANE CABDI QAADIR JAMAC.

SOMALILND, LONDON,  USA,      CANADA.
 
 
 
 
UDUB; HARGEYSA - Ururkii ASAD oo si rasmi ah ugu biiray Bahweynta Xisbiga UDUB   22/02/2003
 
Aqlibaiyaddii Ururkii siyaasiga ahaa ASAD ee ku hadhay tartankii doorashadii golayaasha deegaanka ee Soomaalilaand, una soo gudbin in uu ka mid noqdo xisbiyada qaranka ayaa si rasmi ah ugu soo biiray Bahweynta Xisbiga UDUB. Waxana arrintaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed uu sii daayey Guddoomiyah ururka ASAD, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal).
 
Warsaxaafadeedkaas oo wadajir ay u saxeexeen Guddoomiyaha ururka, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo kuxigeenkaasa, Md. Axmed Saqadi Dubbad ayaa caddeeyey in xubnaha guddida fulinta iyo joogtada oo tiradoodu dhammayd 26 xubnood ay si buuxda u go'aamiyeen dhammaystirka iyo ansaxinta la midowga xisbiqareendka UDUB. Waxa kale oo la go'aamiyey in loo ogolaado xubno tiro-yarow ah oo dhan 4 xubnood uu ka mid yahay Guddoomiye kuxigeenku, Md. C/raxmaan Aw Cali oo codsaday in ay ku biiraan xisbiga Kulmiye.
 
Xubnaha maamulka ururkii ASAD ee ku soo biiray Bahweynta UDUB waxa ka mid ah:
 
  1. Saleebaan Maxamuud Aadan
  2. Fu'aada Aadan Cadde
  3. Ibraahim Maxamuud Faarax
  4. Cabdillaahi Ismaaciil (shoodhe Bidhaan)
  5. Maxamed Maxamuud Faarax (Oday)
  6. Cali Xasan Sheekh Doon
  7. Axmed Aadan Bile
  8. C/raxmaan Cismaan Cabdile
  9. Maxamed Aw Faarax Maxamuud
  10. Maxamed Muuse Diiriye
  11. Cismaan Aadan Dool (Quule)
  12. C/raxmaan Cismaan Caallin
  13. Maxamed Kaahin Axmed
  14. Aadan Maxamed Hoorri (Mataan)
  15. Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)
  16. Yaasiin Maxamuud Xiir
  17. Maxamuud Xaaji Cali
  18. Maxamed Saqadhi Dubad
  19. Yuusuf Bashiir Xirsi
  20. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel)
  21. C/risaaq Siciid Bulaale
  22. Axmed Cabdi Kaahin
  23. Siciid Shire Xuseen
  24. Baashe Garaad Maxamuud
  25. Maxamed Jaamac
  26. Siciid Maxamed Nuur.
     
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR
 
 
 

UDUB, Hargeysa - Warsaxaafadeed uu sii daayey afhayeenka xisbiga UDUB, Md. Axmed Xaashi Cabdi  21/02/2003

Ku: Saxaafadda Somaliland

Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka

Og: Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta

Ujeeddo: Warsaxaafadeed

Xaggee ka imanayaan Musharraxiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku?

Waxa maalmahan danbe soo ifbaxaya arrimo aad loo hadal hayo oo ku saabsan xagga ay ka imanayaan Musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL. Waxa kale oo ilaa hadda lagu faafiyey warbaahinta Musharraxiin Madaxbannaan iyo Kuwo ururro hadhay oo aan u soo gudbin Xisbi Qaran.

Haddaba is weydiintu waxa ay tahay xaggee ka imanayaan Musharraxiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka? Innaga oo ka tusaale qaadanayna Doorashooyinkii ka horreeyey 1969kii ee Somaliyadii hore oo sida laga warqabo 80 xisbi kor u dhaafay iyo waayo aragnimadii laga dhaxley, waxa Dastuurka Qaranka ee JSL oggolaanayaa in la furan karo inta urur ee la doono, Laakiin marka la galo doorashooyinka deegaanka ay soo baxayaan saddex Xisbi qaran oo kaliya, sida ku cad Dastuurka Qaranka qodobka 9aad, faqraddiisa 2aad. Waxa kale oo faqradda 3aad ee qodobka 9aad reebaysaa in xisbi lagu furto gobollaysi iyo qabyaalad.

Qodobka 35aad, faq. 2aad ee Xeer Lr. 20/2001 ee Doorashooyinka G/Deegaanka iyo Madaxtooyada ayaa sheegaya “ Xubnaha isu taagaya doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa inay ka mid yihiin urur/xisbi diiwaan-gashan ama ansaxsan, soona sharraxay” Su’aasha is weydiinta lihi waa goorma marka cid urur ka tirsani isu soo sharraxayso Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen? Jawaabtu waa inta ururradu sharciyan jiraan si ay cod badan ugu helaan dadweynaha uguna soo gudbaan xisbi qaran. Sida laga warqabana Ururradii Ilays iyo Hormood waxa ay cid u soo sharraxeen jagada Madaxweynaha doorashadii deegaanka ka hor.

Haddaba si shakiga looga saaro arrinta, waxa qodobka 34aad ee Xeerka doorashooyinku waajibinayaa” in ururradii ku guulaysan waaya inay u soo gudbaan xusbi, hasayeeshee kuraas ka hela golayaasha deegaanka degmooyinka qaarkood, inay ku biiraan saddexda xisbi ee la ansixiyey midkood” oo kala ah UDUB, UCID iyo KULMIYE. Qodobkani waxa uu si toos ah u reebayaa jiritaanka urur aan u soo gudbin xisbi qaran. Sidee urur aan sharci ahaan jirini u soo sharraxi karaa Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen?

Gebogabadii waxa ku cad Dastuurka Qaranka qod. 9aad, faq. 2aad, qodobka 34aad iyo 35aad ee Xeerka Doorashooyinka in musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ka iman karaan saddexda xisbi qaran oo keliya. Sidaas awgeed, waxaanu muwaadiniinta reer Somaliland faraynaa inaanay wakhti isaga lumin musharraxnimada cid aan sharci ku dhisnayn isla markaana fikirkooda ku koobaan sidii ay u kala dooran lahaayeen musharraxiinta saddexda Xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo KULMIYE. Hayadaha sharcigana waxaan ka codsanaynaa inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan ciddii Dastuurka iyo Xeerarka Qaranka ku xadgudubta.

Allaa Mahad leh

Axmed Xaashi Cabdi
Af-hayeenka UDUB
 
 
 
UDUB, Hargeysa - Madaxeyna Daahir Rayaale Kaahin oo cafis u fidiyey maxaabiista ku xidhan xabsiyada Soomaalilaand    9/02/2003
Warsaxaafadeed uu sii daayey afhayeenka madaxtooyada Md. Cabdi Idris Ducaale ayaa sheegay in Madaxweynaha JSL, Md. Daahir Rayaale uu ku maamuusaya Ciidda Udhaxa in uu cafis gaar ah u fidiyey 368 maxbuus oo ku kala xidhan jeelasha Soomaalilaand.
Madxawe Rayaale wuxuu xeerkiisa soo saaray kadib markii uu eegay qodobka 90-aad qaybtiisa 5-aad ee dastuurka iyo xeerka ciqaabta qodobadiisa 144/149-aad, islamarkaan la tashaday mas'uulinta arrintani khusayso, tixgeliyeyna maamuusidda maalinta barakaysan ee ciidda.
Xeerku wuxuu dhigayaa:

Qodobka 1aad
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaand wuxuu cafis gaar ah u fidiyey maxaabiista xukuman ee xabsiyada ku xidhan oo dhan 368, laga bilaabo 09/02/03, marka laga reebo dembiyada iyo xuquuqaha ku xusan qodobada 2aad iyo 3aad ee Xeerkan.

Qodobka 2aad
Dembiyada ka reeban cafiska:

1- Mukhaadaraadka ee ku xusan qodobada 342/343/416 iyo xeer No. 21/2001, qodobadiisa
    2aad, 3aad iyo 4aad.

2- Dembiyada been abuurka lacagaha ee ku xusan qodobada 348/349, X.C.G.

3- Dembiyada lidka ku ah nolosha iyo badbaadada shaqsiyeed ee ku xusan
    qodobada 434,435, 436,437,440 (2) (3), 418,441,444, (2) (3), iyo 434/17 Xeerka Ciqaabta
    Guud.

4- Dembiyada budhcadda iyo afduubka ee ku xusan qodobada 484,485,486 ee Xeerka
    Ciqaabta Guud.

5- Dembiyada kufsiga iyo galmada sharci darrada ah ee ku xusan qodobada 389/400/401 ee
    Xeerka Ciqaabta Guud.

6- Dembiyada lidka ku ah Qaranimada Somaliland qodobada 184 ilaa 225 Xeerka Ciqaabta
    Guud.

7- Dembiyada Ciidamada ee ku xusan qodobada 434 oo lala akhriyo 38 XCCN iyo qodobka 170
    CCN.

8- Qofka laba isku hayaan ama magdhow loo haysta.

Qodobka 3aad
Cafisku ma saamaynayo xuquuqaha medeni ee dawladda ama dadweynaha ee la xidhiidha qodobada ciqaabta ah ee galay cafiska.

Qodobka 4aad
Waxa cafiskan fulinaya ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobollada, Xeer-ilaaliyaha Ciidamada, Taliyeyaasha Xabsiyada ee gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu hubinayaa liiska maxaabiista ku lifaaqan xeerkan.”
 
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR
 
 
Aqalka Cade ee Maraykanka oo ka soo jawaabay Dhambaal Madaxweyne Rayaale u Diray.   6/02/2003
Aqalka cade ee dalka Maraykanka ayaa khadka email-ka ee shabakada internet-ka kaga soo jawaabay dhambaalkii tacsida ahaa ee Madaxweynaha J/S/Land todobaadkan u diray Madaxweyne Goerge W. Bush. taas oo ugu tacsiyadaynayey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Cirbixiyeenadii la socday iyo burburkii dayaxgacmeedkii Shuttle Colombia.
Dhambaalkaasi aqalka cad ee Maraykanka ka soo baxay waxa uu si weyn ugu mahadnaqay mudane Daahir Rayaale Kaahin dareenka uu ka bixiyey shilkii dayaxgacmeedka iyo sida J/S/land u danaynayso murugada iyo dhibaatad  shilkaasi ku dhaliyey Marykanka .
Waxaanay sheegeen in Madaxweyne Bush dhambaalkaasi uu si aad ah u qaddariyey ahmiyadiisa. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka ayaa isna dhambaalkaas mid la mid ah aqalka cad ee Maraykanku ka soo diray. Dhambaalkaas oo ka  mahadcelinayey dhambaalkii tacsida ahaa ee madaxweyne Rayaale u diray guriga cad.
 
Ifraax Max'uud xirsi
Xarunta Dhexe UDUB
 
UDUB, Hargeysa - Guddida deegaanka ee caasimadda Soomaalilaand oo u dooratay xubno UDUB ah maayarkii iyo ku-xugiinkiisi.    9/02/2003
Fadhigii u horreeyey ay yeelatay guddida deegaanka ee caasimadda Soomaalilaand, Hargeysa, oo uu guddoomniyey badhasaabka gobolka Hargeysa, Md. Maxamed Cali Maxamedayaa ayaa lagu doortay duqamagaalada iyo ku-xigeenkiisi oo labaduba yihiin xubno ka tirsan xisbiga UDUB. Waxa kale oo madashaa shirka lagu qabtay oo ahyad xarunta wasaaradda guduha ka soo qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Axmed Jaanbiir iyo dadweyna kale oo faro badan.
Guddida deegaanka ee caasimadda oo tiradeeda goobjooga ahi ahayd 24 xubnood, waxay kala dooranayeen labada musharax ee isu soo taagay jagada maayarnimada oo ahaa: Inj. Xuseen Maxamed Jiciir iyo Md. Axmed Yuususf Sandoon. Waxan ku guuleystay Inj. Xuseen Maxamed Jiciir oo helay 22 cod, halka uu Md. Axmed Yuusuf Sandoon ka helay 2 cod. Jagada maayar ku-xigeenka oo uu isu soo sharaxay Md. Cabdiraxmaan Aw Yuusuf (Dakhare) oo aan cidina kula loolamayn baa helay 22-kii cod ee golaha oo dhan.
Sidaas bay doorashadaasi ku soo afjartay nuxnuxdii iyo farogelintii xisbiyadii arrin hore u soo dhammaatay weli quudarreynayey. Haddaba qudhaanjoy ku quuso.
 
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR
 
 
UDUB waa Aqlabiyadda Golayaasha Deegaanka xaqna Wuxuuu u leeyahay in uu kala saaro Musharaxiintiisa   4/02/2003

Afhayeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Xaashi Cabdi, ayaa ku tilmaamay wax kama jiraan eedayn uu xisbiga kulmiye ee Mucaaradka ahi u soo jeediyey  xukuumada S/land iyo Xisbigeeda UDUB inay faro gelin ku hayaan madax banaanida arrimaha maamulka golayaasha degaanka ee la soo doortay .

shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay xarunta dhexe UDUB ee magaalada Hargeysa afhayeenku waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin barnaamijka siyaasadeed  ee xisbiga UDUB iyo doorka uu ka qaatay dhismaha golayaasha deegaanka.

isaga oo daba jooga eedeyntaa oo ay gudoomiye ku xigeenka labaad iyo xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye, ugu soo jeediyeen xukuumadda S/land iyo xisbigeeda UDUB shir jaa'id oo ay qabteen maalintii Sabtidii Md. Xaashi waxa uu qiray in ay ka qayb qaateen hawl lagu kala saarayey Musharaxiinta Golayaasha deegaanka ee ku tartamayey jagooyinka Maayornimada degmooyinka dalka, haseyeeshe waxa uu beeniyey eedaynta Kulmiye u soo jeediyey Xisbiga UDUB.

"Waxaa nasiib daro ah in xisbiga kulmiye nagu eedeeyo cadaalad daro dhacady oo waxbaa la isdhaafdhaafiyey," ayuu yidhi Md. xaashi"

Waxaa uu intaa raaciyey "Waayo waxa la yidhi xaajo nimaan ogaynbaa indhaha ka rida"


Ifraax Max'uud Xirsi
Xarunta dhexe UDUB
 

 
PRESS RELEASE, SOMALILAND FOCUS GROUP 2.4.03.

SIYAASDII GUDAHA IYO DIBADABA EE XUSBIGA KULMIYE MA WAXA AY KU EKAATAY HAYAAY TOLA, AYEEY IYO MUUSANOW, KULMIYE IIBI SIYAASADAADA TURXAAN HA IIBIN.

MUDADII DHEERAYD EE IMADA REER SOMALILND KU JIRTEY HALGANKII DHEERAA EE AY LA SOO GASHAY KALIGII TALIYE SIYAAD BARRE WAXA UMADA REER SOMALILND LA SOO GUDBOONAADEY ARRIMO BADAN OO KA DHEX DHACAY BEELIHII DAGAALKA KUWADA JIRAY IYADA OO BEELIBA BEESHA KALE, AMA KOOXIBA KOOXDA KALE AY KA SOO HORJEEDEY OO COLAAD IYO GODOB AY U QABTAY.

URRURKII SNM, SULDAANADA, CUQAASHA IYO SIYAASIYIINTA SOMALILND SI AY U XALILAAN MUSHAAKILKA INTAA LAEG WAXA AY UMADA REER SOMALILND U QABTEEN SHIRWEYNE 1990 TAASI OO LAGU GO,AAMIYEY IN LA ISI SAAMAXO OO KOOX WALIBA WAXA AY KA TIRSANAYSO KOOXDA KALE AY SAAMAXDO BEEL WALIBANA WAXA AY KA TIRTSANAYSO BEESHA KALE AY SAAMAXDO IYADA OO LAGA BILAABANAAYO XAASHI CUSUB QALBI FURAN SAAMAXAAD IYO WALAALTINIMO,  UMADA REER SOMALILNDNA AY U HAWL GASHO IYAGA OO GACANTA IS HAYSATA SIDII AY U XALILI LAHAAYEEN ARRIMAHA KALE EE UU WADANKU U BAAHAN YAHAY IN LOO QABTO, SIDAAS AYAY UMADA REER SOMALILND KU HAWL GASHAY OO KU WALAALOWDEY.

BARYAHAN DANBE WAXA SOO BAXAY MUUSANOW HAYAAY KA SOO KACAAY IYO QABYAALADA CAD OO KA SOO BAXAYSA URRURKA KULMIYE, KUWAAS OO KU SOO JABINAAYA XEERARKII IYO HESHIISYADII UMADA REER SOMALILND KU BAHOWDEY, KUNA SOO CELINAAYA WADANKA DAGAALKII SOKEEYE EE AYNU KA KORNAY ISLA MARKAANA DHAAWACAAYA HORUMARKA, WALAALTINIMDA IYO ICTIRAAFKA SOMALILND.

URRURKA SOMALILNAD FOCUS GROUP WAXA UU CANBAARAY HEER SARE AH KU TUURAYAA URRURKA KULMIYE OO BARYTAHAN DANBE LA SOO BAXAY HAB DHAQAN MUTAWAXASHNIMO AH OO AAN LOO DULQAADAN KARAHAYININ.

URRURKA SOMALILNAD FOCUS GROUP WAXA UU KULA TALINAYAA URRURKA KULMIYE INUU IIBIYO SIYAASADIISA EE AANU IIBIN TURXAAN, COLAAD, IYO KALA FOGAAN.

URRURKA SOMALILND FOCUS GROUP WAXA UU URRURKA KULMIYE KU DHIIRI GELINAYAA INUU IXTIRAAMO DASTUURKA SOMALILND, DIINTA ISLAAMKA IYO XEERARKA CAALAMIGA AH.

WAXA HUBAAL AH IN AANU WAX TAAGEERO AH AANU U KEENAHAYNIN DHAWAAQYADAN ILBAXNIMADA KA BAXSAN EE KA SOO YEEDHAYA XUSBIGA KULMIYE.

UMADA REER SOMALILND WAXA AY KAGA DUWAN TAHAY UMADAHA KALE QALBIGOODA FURAN, WADA TASHIGA WADA HADALKA IYO ISI SAAMAXAADA MIDIBA UU SAAMIXI KARE KA KALE, TAAS OO LAGA WAAYEY AMA AY LA IMAN WAAYEEY SOOMALIDA KOONFURAAD OO 15 SANO ISKU HAYSTA KAAS AYAA CUNAY KAAS AYAA QAATAY IYO KAAS AYAA DILAY WAANA TA XUSBIGA KULMIYE INALA DOONAAYO EE UU KU SOCDO.

SOMALI LAND FOCUS GROUP WAXA AY BARBAR TAAGAN TAHAY SHARCIGA IYO XEERARKA U YAAL SOMALILAND WAXAANAY TAAGEERO BUUXDA SIINAYSAA MADAXWEYNE RAYAALE OO AY U ARRAGTO MID DANTA, DHISITAANKA, ICTIRAAFKA IYO HORUMARKA SOMALILND KU XIDHAN YAHAY.

KULMIYE SIYAASADAADA IIBI TURXAAN IYO MUNAAFAQAD HA IIBIN.

WAAN BAAHANAY LOOMA BAHALO CUNO.


GUDOOMIYAHA URRURKA SOMALILAND FOCUS GROUP.
CABDI QAADIR JAMAC ISMAACIIL ( DACAR.) IYO TAAGEERAYAASHIISA. 

SOMALILND       U.K .          U.S.A.                CANADA
 

Ballanqaadka Madaxweynaha Rayaale iyo Xuska Sannad-guurada 9aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland.   4/02/2003

Madaxweynaha J/S/Land Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa u ballanqaaday ciidanka qaranku inay noqon doonaan cidda kowaad ee laga fuudhyeelo baahidooda dhaqaalaha u horreeya ee soo gaadha dalka. Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibad lagu xusayey sannad guuradii 9aad ee ka soo wareegtay aasaaka ciidanka qaranka Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee Hargeysa, maalintii Axaddii ee in soo dhaaftay.

Madaxweyne Daahir Rayaale oo ka qaybgalay xafladdaa waxa uu kula dardaarmay Ciidanka Qaranka inay ilaaliyaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Khudbadda madaxweyne Daahir Rayaale oo socotay muddo 4 daqiiqo ah, waxaa kale oo uu ku diray salaan iyo duco dhamaan xubnaha ciidamada Qaranka, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, isaga oo illaahay uga baryaya inay barwaaqo iyo nabad qab ku gaadhaan sanadka sanadkiisa.

"Waxaan leeyahay ciidanka Qaranku waa astaanta midnimada Qaranka la'aantooduna aanu qarankani lugo ku taagnaadeen" ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale, waxaanu qiry in aan xukuumaddu weli daboolin baahida ciidanka qaranka oo aan qaadan mushaharka ku filan, haseyeeshee aanay wax hagrasho aha jirin ee ay ka timi awoodeena dhaqaale. Hase yeeshee wuxuu ballan qaaday Madaxweyne Daahir Rayaale inuu mudnaanta kowaad siinayo ciidanka oo dhaqaalaha koowaad ee soo gaadha dalka lagu daryeeli doona baahidooda.

Ifraax Max'uud Xirsi
Xarunta dhexe UDUB
 
 
 
Meeyaradu 99%, 15-kii Diisambar bay noqdeen UDUB     3/02/2003
 
Tan iyo maalintii la lagu dhawaaqay xisbiga UDUB waxa dhegaheena ka badatay Kulimiye oo ku andacoonayey in UDUB u adeegsado awoodda iyo dhaqaalaha dalka danihiisa gaarka ah, haseyeeshee wax odhaahdaa dhaafsiisan oo uu golokeenay ma jirin maanta ka hore. Filimaayose in ay maantana mahadiyeen shirjaraa'idka ay qabteen maalintii Sabtidii, 01/02/2003, ee ay ku eedaynayeen UDUB oo awoodii iyo dhaqaalihii dalka u adeegsanaya sidii ay degmooyinka uga soo bixi lahaayeen meeyarro UDUB taageersan.
 
UDUB uma baahna in uu awood iyo maal midnaba u adeegsado sidii ay UDUB u noqon lahaayeen meeyarada degmooyinka JSL  oo hore ayey arrintaasi u dhammaantay. Maalintii dadweynaha reer Soomaalilaand codkoodii siiyeen boqolkiiba lixdan iyo in ka badan, 15 Diisambar 2002 ayey go'aansadeen in talada degmooyinka loo dhiibo UDUB, isla maalintaas bayna noqdeen UDUB 99% meeyaradda Soomaalilaand. Waxse yaab iyo amakaag noqday in maamulka Kulmiye aanu fahamsanayn ujeedadii laga lahaa tartanka doorashooyinka. Waxa loo tartamayey soo ma ahayn golayaasha deegaamada xisbigii xukumi lahaa. Kulmiye waa taa wixii ku eedaynayey weligiiba UDUB.
 
Xoghaye, Daa'uud Maxamed Geele isaga oo kalsooni qaba ayuu inagula taliyey in doorashada meeyarada loo eegin xisbi hebel e, balse loo eego aqoontiisa iyo waayo'aragnimadiisa. Haddii talo taa kaaga gudhan tahay, waxay nala tahay taladaa aad bixisay yey ku dhaafin, si xilka aad hayso u gudan karto adiga oo aan aqoonli'i haddba cambaarayn xisbi kale. Waayo, badaddan (this field) aad ka hadlayso aqoon iyo waayo'arignimo badan baa kugu seegan.
 
Mw. Siraad Cali Axmed waxay ogeysiis ku bixisay iyada oo ku hadlaysa magaca xisbiga Kulmiye in aanay ku qanacsanayn go'aanka doorashada meeyarka iyo ku-xigeenkiisa ee Boorame. Waxannu kaa nidhi arrin ku khuseysa ma aha oo wax lagaa weydiinayo. Gobolka Awdal UDUB baa ku guuleystay oo aqlabiyad quusiye ah ka hellay codadkii deegaanka gobolka. Sidaas buuna ku haystaa UDUB wakaaladdii degaanka Boorame, xilna uga saaran yahay ciddii xisbigu u dooran lahaa meeyar, kuna doortay.
 
Waxaannu leenahay maamulka Kulmiye ha kala barto hawlaha u gaarka ah, kuwa uu xisbiyada la wadaago iyo kuwa xisbiyada kale u gaarka ah. Waxan aad faraha kula jirtaan ee aad weliba aqoonli'ida wax ku cambbaaraynaysaan waa shu'aan xisbi kale leeyahay oo aan waxba idinka khusayn. Maamulka UDUB wax talo ah ka weydiin maayo Kulmiye iyo mid kalana kolka oo xubnihiisa kala dooranayo. Kulmiye ha ku soo dhawaado hannaanka dimuqraadiga ah oo ha barto sida loo qaato kolka laga badiyo tartanka, geesinimadu iyo fikirka sami taas buu ku jiraa.
 
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR
 
 
 
 
Gadhwadiinka biidhiqaadayaashii hungrixumado geysay Garawe oo ay gacanta ku dhigtay dawladdu 1/02/2003
Shirjaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Burco wasiirka arrimaah gudaha, Md. Ismaaciil Aadan ayaa caddeeyey in dawladda JSL gacanta loo soo geliyey biidhiqaate Muuse Madoobe, kadib markii ay ku guuleysteen madax-dhaqameedyo ka tirsan beelaha Togdheer.
 
Wasiirku wuxuu sheegay in ay dawladdu ku dadaashay in qabashada biidhiqaatuhu oo dhaliinyaro dabley ah ku haystay guriga, wax shaqaaqa ah geysan, sidaa awgeedna ula kaashadeen madax-dhaqameedyo ka tirsan beelaha Burco. Waxana uu wasiirku sheegay in ay madax-dhaqameedyadaasi uu uga mahadcelinayo sida hagarli'ida ah ee ay hawshaa u guteen una garteen xilka ka saaran dalkooda iyo dadkoodaba.
 
Madax-dhaqameedyada dawladda gacanta u soo geliyey biidhiqaate Muuse waxa ka mid ahaa: Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan Maxamuud X. Xuseen iyo Boqor Maxamuud Cali Carab.
 
Wasiirku wuxuu intaa raaciyey in isdhiibidda biidhiqaate, Muuse soo dadejisay gurigiisa oo ciidan lagu wareejiyey oo laga ilaaliyey in ay cidi u gasho ama ka soo baxdo, aan ahayn madax-dhaqameedadda. Kol la weydiiyey wasiirka waxa laga yeelayo ninkaa wuxuu sheegay in xabsiga loo taxaabi doono, maxkamaddna la soo taagi doon, qodobada lala tiigsan doonana waa hawsha xeerilaaliyaha iyo booslika qaranka JSL.
 
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR

 
 
Somaliland Flag: " Somaliland flag is added in the World falgs database." The shinning Somaliland flag is getting attention from the world, it is the newest added to the World Flag database .” ".- Reported by World Flags.- Feberuary   1/02/2003
                                       Waxa laga soo xigtay Somaliland News Network (SNN)
 
 
 
Warsaxaafadeed uu bixiyey wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka, Md. Maxamed Cabdi Dheere     26/01/2003
 
Md. Maxamed Cabdi Dheere, wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee JSL oo maalintii Sabtidii, 25/01/2003, warsaxaafadeed ka bixiyey xafiiskiisa, ayaa sheegay in uu lamahuraan yahay heshiiskii ay wasaaradiisu la gashay shirkad reer Gadar dhawaan, kuna saabsanaa dibuhabayn iyo qalabayn lagu samaynayo madaaradda Hargeysa iyo Berbera. Warsaxaafadeedkan wasiirku wuxuu dabasocday hadal uu ku dhalleelayey heshiiskan Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID.
 
Wasiirka oo xafiiskiisa ku qabtay warsaxaafadeedkan ayaa sheegay in dunnidu isku dhaaftay sida loogu kala horreeyo dhinaca maalgilinta mid gudeed iyo mid dabadeedba. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in aanay khasaare ahayn maadaama aynu u baahi qabno xaaladdan aan hadda ku jirno ciddii wax inoo tarta ha yaraato ama ha badnaato.
 
Wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay madaarka Hargeysa oo la dhisay waqti hore iyo ka Berbera oo isna la dhisay 1973 in aanay labada madaar mid helin dayactirkii ku haboonaa tan iyo waqtigaasi iyada oo maanta madaarka Hargeysa  ay soo fadhiistaan diyaarado waaweyn oo aan qorsha ahaan loogu talagelin ay inagu qasbayso in aan ka dhigno mid qaabili kara hawshaa. Waxa uu intaa ku daray wasiirku in heshiiskan ay ku jiraan in labada madaar noqdaan kuwa nool oo shaqeeya oo leh wax kasta oo madaar caalami ahi leeyahay.
 
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR
 
  
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada JSL ayaa digniin kulul siiyey dagaalooge Cabdillaahi Yuusuf.   24/01/2003
Warsaxaafadeed ka soo baxay maalintii Khamiista, 23/01/2003, xafiiska Madaxtooyada JSL ayaa sheegay in dawladda Soomaalilaand u aragto farogelin, gardarro iyo colaad loola badhaeedhay aayakatashiga iyo qaranimada Soomaalilaand  erayada dagaalooge, Cabdillaahi Yuusuf kaga hadlay qadiyadda Soomaalilaand oo aan marnaba ku jirin ajandayaasha shirkaa ka socda magaalada Eldoret ee Kenya, oo weliba ku dhiirado dagaalooguhu in uu u hadlo sidii taliskii hore ee burburay oo uu yidhaa, "Soomaalilaand aqoonsibaa lala hadal hayaa baa la yidhiyey ma jirto wax la kala gooyn karo Jamhuuriyaddii hore."
 
Warsaxaafadeedku wuxuu sheegay in ay wax lala yaabo tahay in uu sidaa u hadlo dagaalooguhu isaga oo og in aanay habayaraatee waxba gacanta ugu jirin kol ay ku tahay gobolka uu isu boqray, xataa magaalada uu sheegtu, Gaalkacayo ay laba kala tahay. Umana ekayn in uu ka hadlo JSL oo ay u dhaxayso sohdin caalami ah oo ku cad xeerarka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba.
 
Shacbiga Soomaalilaand wuxuu ka tashaday aayihiisa iyada oo ay ugu dambeysay aftidii dastuurka ee shacbiga Soomaalilaand ku ansaxiyey 97% la soo noqoshada madaxbannaanidooda, mana jirto cid ay arrintaas ka magansanayaan.
 
Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in dagaalooguhu rabo in uu burburiyo shirka halkaas ka socda kol hadduu soo galiyeyba dad arrintoodii dhammeystay oo marka horaba Soomaaliya ka gaar ahaa, iyada oo muddadii shirkaasi socday wax heshiis ahi ka soo bixin.
 
Warsaxaafadeedku waxa kale uu ku tilmaamay ujeedada dagaalooguhu in ay tahay dhibaatooyinka haysta oo uu kula soo galgalanaayo Soomaalilaand oo uu wax badan isku dayey in uu ku kalifo dagaal, sidii weerarkii Laascaanood si uu colaad uga dhex abuuro labada shacbi ee deriska ah iyo guud ahaanba in aanay deganaasho ka dhicin gobolka, taas oo isagu qabo in ay dani ugu jirto.
 
Warsaxaafadeedku wuxuu ku soo gabagabeeyey, in ay JSL wax badan ka dulqaadatay frogelinta iyo fidnadadda uu la soo doontay JSL, hadduu uu ka waantoobi waayo farogelinta uu ku hayo, dalkan Soomaalilaand ma noqon doonto sida dhiiga dadkiisa ee uu weli faraha kula jiro, isaga ayaa mas'uul ka noqon doona wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadda farogelintaa.
 
 
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR
 
 
 
Ragga UDUB Hormoodka ka ah ee Madaxweyne Daahir Rayaale ka Mid Yahay Waa Kuwii Dhidibada U Aasay Waxa Maanta Lagu Fadhiyo.   23/01/2003

C/raxmaan Max’ed Sheekh ayaa wareysi dhinacyo badan kula yeeshay magaalada London wasiirka Warfaafinta J/S/Land, Md, C/laahi Max’ed Ducaale oo dhawaan booqasho ku tegay dalka Biritian oo dalka ku soo laabtay salaasadii hore.

Waxaa uu ka hadaly wasiirku doorashada ka dhacaysa dalka waxaanu yidhi,
"Waxaan la kulmay Mr.Barry, oo ah ninka BBC-da u qaabilsan Africa iyo Bariga dhexe oo ah nin aad iyo aad u wanaagsan oo xidhiidh wacan la leh saxaafada dalkeen, oo aanu ka wada hadalnay  arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay sida ay uga soo qayb geli lahaayeen Doorashooyinka foodda inagu soo haya, iyaga oo aad uga cudur daartay in ayna si mug leh uga soo qayb gelin doorashooyinkii dawladaha Hoose ee ina dhaafay, balse ta madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka in ay si balaadhan uga  soo qayb galaan oo ay barnaamajyo toos ah ka soo tabiyaan sida ay doorashadu uga dhacayso  dakla gudihiisa. Taaso aanu isla garanay inay wasaardda warfaafinta iyo BBC-du ay iskaashi samayso.

Teeda kale raga maanta jooga ee UDUB hormoodka ka ah ee madaxweynuhu ka mid yahay waa dadkii dhidibada u asaasay waxa maanta lagu fadhiyo gabi ahaanteedba marka la eego dhinaca maamulka.



 
Ifraax Maxamuud Xirsi
Xarunta Dhexe UDUB
 

Afhayeen Cusub oo Xisbiga UDUB loo magacaabay   20/01/2003

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Md. Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa maalintii Axadda ee shalay u magacaabay Md. Axmed Xaashi Cabdi in uu afhayeen u noqdo xisbiga UDUB. Md. Bullaale wuxuu sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo in Md. Axmed si xilkasnimo ah u gudan karo waajibaadkiisa.

Dhammaan Bahweynta UDUB ee aagagga Yurub waxay ku bogaadinayaan Md. Axmed Xaashi Cabdi xilka cusub ee loo dhiibay. Allana waxay uga rajaynaynaa in uu hawshaa u fududeeyo, kuna ilhaamiyo arrimaha khayrka u leh UDUB iyo dalkaba, Aamiin.......Aamiin.

ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha oo cayimay maalmaha ay dooran doonaan degmooyinku guddoomiyayaasha iyo ku xigeenadooda   20/01/2003

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Md. Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa maalintii Axadda, 19/01/2003, soo saaray xeer uu ku cayimay maalmaha fadhiyada goalyaasha deegaanku ku dooranayaan duqeyda magaalooyinka iyo kuxigeenadooda.

Wuxuuna u kala ciyamay sidan:

Gobolka Hargeysa:

1. Gegmada Sallaxley 18/01/2003
    Waxana loo dhaariyey guddoomiyaha degmada: Axmed Aadan Ducaale
    Waxana loo dhaariyey guddoomiye kuxigeenka: Cabdi Muuse Muxumed
 
2. Gegmada Balligubadle 19/01/2003
    Waxana loo dhaariyey guddoomiyaha degmada: Jamaam Sh. Xuseen Hure
    Waxana loo dhaariyey guddoomiye kuxigeenka:  Caydiid Aadan Liibaan

3. Gegmada Gabiley 26/01/2003

4. Gegmada Hargeysa 23/01/2003

Gobolka Togdheer

1. Gegmada Burco 23/01/2003

2. Gegmada Oodweyne 25/01/2003

Gobolka Awdal

1. Gegmada Boorame 23/01/2003

2. Gegmada Saylac 27/01/2003

3. Gegmada Lughaya 26/01/2003

4. Gegmada Baki 25/01/2003

Gobolka Saaxil

1. Gegmada Berbera 23/01/2003

2. Gegmada Sheekh 25/01/2003

Gobolka Sanaag

1. Gegmada Ceerigaabo 23/01/2003

2. Gegmada Ceelafweyn 27/01/2003

3. Gegmada Gar'adag 28/01/2003

Gobolka Sool

1. Gegmada Caynabo 26/01/2003

ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR

 

Golaha Guurtida oo aqlabiyada ugu kordhiyey muddadii Madaxweynaha iyo M. kuxigeenka   19/01/2003

Fadhi ay yeesheen golaha guurtidu maalintii Sabtida, 18/01/2003, ayaa lagu soo afjaray khilaafkii ka taagnaa goorta la qaban doono doorashada Madaxweynaha iyo M. kuxigeenka, kadib markii ay aqlabiyad ku ansaxiyeen go'aan u kordhiyey Madaxweynaha iyo M. kuxigeenka muddada ay sii xukumi doonaan JSL oo markii hore ku ekeyd 23 Febraayo 2003. Waxana loo kordhiyey in ay labadooduba xilka sii hayaan tan iyo 15 May 2003.

Go'aanka muddo kordhinta oo ay soo diyaariyeen 14 mudane oo ka tirsan golaha guurtida ayuu guluhu ku ansaxiyey aqlabiyad kolkii ay 61 mudane yadhaahdeen haa, 8 mudane diideen, 3 mudanena ka aamuuseen. Go'aanku wuxuu cuskaday qodobka 83-aad ee dastuurka JSL, faqradiisa 2-aad oo caddaynaysa in la qaban doono doorashada Madaxweynaha iyo M. kuxigeenka bil ka hor inta aanay ka dhammaan muddada ay xilka hayaan.

Dhabahaantii waxa go'aankan ku hungowday afkaartii aan dastuuriga ahayn ee beryahanba isku madadaalinayeen xisbiyada Kulmiye iyo UCID ee ahayd cidda xilka madaxtooyada JSL sii hayn doonta haddii doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa dib loo dhigo. Xisbiga UDUB marnaba muu codsan in doorashada dib loo dhigo. Waayo, waa diyaar, wuuna ku kalsoon yahay in dadweynaha reer Soomaalilaand siin doonaan codkooda.

ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKO

 

Shirjaraa'id uu wasiirka arrimaha dibaddu ka bixiyey socdaalkii uu Madaxweyne Riyaale ku soo maray Afrikada Galbeed    19/01/2003riyale in Senegal

Md. Maxamed Siciid Gees, wasiirka arrimaha dibadda ee JSL ayaa maalintii Sabtidii
shirjaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga waramay socdaalkii Madaxweynaha JSL,
Md. Daahir Riyaale Kaahin iyo weftigii uu hoggaaminayey ku soo mareen Afrikada Gabeed, dalalka Senegal iyo Mali.

Wasiirku wuxuu wargeysyada madaxbannaan iyo kuwa xukuumadaba u sheegay in weftigii Madaxweyne Riyaale hoggaaminayey tiraba saddex jeer la kulmeen Madaxweynaha dalka Senegal, Md. Abdoule Wade muddii ay joogeen halkaa. Md. Gees isaga oo sii faahfaaniya warbixintiisi wuxuu sheegay in Madaxweyne Riyaale kala hadlay Madaxweyne Wade qaddiyada JSL. Hadalkiisii wuxuu wasiirku ku daray in socdaalkaasi ahaa mid dublamaasiyadeed oo wax weyn ka tari doona hawlgalka aqoonsi raadisga JSL. Islamarkaana wuxuu wasiirku ku soo gabagabeyey hadlkiisii in ay lagama maarman tahay in saaxiibo lagu yeesho Afrikada Galbeed, kuna raja weynyahay in socdaalkaasi midhodhalo.

 

ISUDUWAHA UDUB EE YURUB
CISMAAN XUSEEN ABOKOR

 

Kulmiye party shows no national responsibilities and political decency   17/01/2003

Kulmiye political party is playing a dangerous policy which can be an inclination to resort more to violence rather than try to win the support of the people of Somaliland through persuasion by relying on the merit their party’s principles about how the society should better be managed.

What is Important for the people of Somaliland is not the association or the formation of a political party but it is the purpose for which an association ( party ) is formed , not the mere fact of people combining together , that has the potentiality for evil. The purpose of an association is invariably in the nature of an activity, and like other human activities, it should be subject to control. Political activities are no doubt of greater importance to the life a community than economic or social activities, deserving therefore to be accorded more respect and protection. You have the right for association at the same time you got limits; you cannot throw the nation into anarchy. Using division and hate to come to power is a dangerous game.

Every party must take into account Somaliland’s history and culture, and the character of our people, and its social structure and other relevant factors.  In particular the extent to which the people have accepted the object of politics as being to persuade and convince rather than to fight. And I think a healthy association can persuade the majority to support their programme rather than to create insecure political environment and lead the country into chaos.

We want clean politics and responsible politicians.

Alla Mahad leh.

Mohamed.M.Adan ( Lenin)
Chr.UDUB NORWAY
Mlenin49@hotmail.com

 

Wasiirka warfaafinta oo booqsho hawleed ku jooga dalka Ingiriiska 17/01/2003

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo waciyigelinta ee JSL, Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo weli booqasha hawleed ku jooga dalka Ingiriiska ayaa maalintii Khamiista xafiiskiisa kula kulmay madaxa qaybta Afrika iyo Bariga Dhexe ee BBC, Md. Peri Cangridge oo uu weheliyey madaxa laanta Afka Soomaaliga Yuusuf Garaad. Wasiirka waxa kulanka ku weheliyey wakiilka JSL u fahdiya London Md. Cismaan Axmed iyo Axmed Yuusuf Ducaale oo ka socda jaaliyadda London.

Wasiirka iyo mas'uuliyiinta BBC waxay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka wasaaradda warfaafinta iyo BBC, gaarahaan Reedhyow Hargeysa iyo laanta Afsoomaaliga. Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii BBC u bixin lahayd farsamo iyo tababarro ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha Reedhyow Hargeysa. Wasiirku wuxuu uga waramay mas'uuliyiinta BBC heerka ay marayso saxaafadda Soomaalilaand iyo baahiyaha jira, islamarkaana wuxuu u sheegay sida ay uga go'antahay dawladda Soomaalilaand furfurnaanta saxaafadda.

Wasiirka waxa waraysi la yeelatay laanta Af Soomaaliga iyo qaybta "focus on Africa" oo uu uga waramay qaddiyadda Soomaalilaand.

Waxa laga soo xigtay Reedhyow Hargeysa

 

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ku soo laabtay JSL    15/01/2003

Madaxweynaha JSL, Md. Daahir Riyaale Kaahin iyo weftigii uu hooggaaminyey ayaa maanta, 15/01/2003, ku soo laabtay magaalomadaxda dalka Soomaalilaand. Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ku soo dhaweeyey gegida-diyaaradaha Madaxweyne Kuxigeenka JSL Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Mudanayaal ka tirsan golaha guurtida, golaha wakiilada iyo dadweyne aad u tiro badan. Waxay Madaxweynaha iyo wefitigiisu salaan-sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka iyo beleyska.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayey waxay booqasho rasmi ah ku gaadheen dalalka Senegal iyo Mali ee Afrikada Galbeed iyo dalka Itoobiya muddo haatan laga joogo toddobaad. Madaxweyne Riyaale wuxuu sheegay in uu socdaalkiisu guudahaan guul soo hooyey kol uu shirjaraa'id ku qabtay qolka martisharfta ee gegida Hargeysa. Waxa kale uu sheegay in booqashada uu ku tegay dalalka Senegal iyo Mali ay tahay mid bog cusb loogi furi doono xidhiidhka Soomaalilaand iyo jiidda Afrikada Galbeed.

Waxa intaa uu madaxweynahu ku daray in uu kulamo la yeeshay madax sarasare oo ka tirsan dawladda Itoobiya iyo danjirayaasha dalka Itoobiya u fadhiya Ingiriiska, Faransiiska, Maraykanka iyo dawlado Carbeed. Madaxweyne Riyaale wuxuu sheegay wixii faahfaahin ah ee ku saabsan socdaalkiisa in lagu seegi doono shirjaraa'id oo danbe.