Guddoomiyaha

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

11 mar 2003

[Start] [Uppåt]   

 

 

Md. Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha  JS/laand, islamarkaana ah Guddoomiyaha Xisbiga UDUB     

Mudane, Daahir Riyaale kaahin oo hada loo dhaariyey Madaxeynaha J/S/land wuuxu ku dhashay 1952kii meel u dhaxaysa magaalooyinka Qolujeed iyo Boon oo ka tirsan degmada Boorama.

Waxa uu ka galay malcaamada quraanka Qulujeed 1957-kii ilaa 1960kii, dugsiga hoosedhexe ee Boorama 1962-kii ilaa 1969kii. Dugsiga sare ee Camuud 1973 kii ilaa 1974kii.Xalane wuxuu galay 1974-kii, isla sannadkaas buu qqbtay shaqadii qaranka. 1974-1975-kii wuxuu qaatay tababar sarkaal nabadsugidda.  

Waayo’aragnimada shaqo waxa uu ka soo shaqeeyey gobolada Nugaal, Sool , Sanaag , waqooyi Galbeed,  oo uu ka shaqaynayey afar sanno iyo badh. Wuxuu Hargeysa ka noqday madaxa socdaalka Gobolka Waqooyi Galbeed.

1982-kii ilaa 1983-kii wuxuu ahaa xoghayaha kowaad ee safaaradii soomaliya ee Jabuuti. Darajadii ugu danbeysay e uu gaadhay waxay ahayd gaashaanle dhexe oo ciiddanka nabadsugidda ah.

1991-kii waxa uu ka qaybgalay shirkii lagula soo noqday xornimada S/land. 1991-kii ilaa 1992 kii badhasaab ayuu ka ahaa gobolka Awdal. 1992-kii ilaa 1997-kii wuxuu ka shaqynayey nabadgelyada iyo isu soo dhawaynta beelaha Somliland. 1997 waxaa loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada S/land. 3 May 2002 waxa loo dhaariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Nagala soo xidhiidh: adminyurub@xisbiga-udub.com                       Xarunta xisbiga UDUB: udub@bgtinet.com

© Xisbiga UDUB, 2002

Start ] Uppåt ] Xeerarka ] War iyo Wacaal ] Aagagga ] Isdiiwaangelin ] Ra'yiga Dadweynaha ] Doorashooyinka ] Archives ] Suugaanta ]