Hambalyo

JAMHUURIYADDA   SOOMAALILAAN D

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

11 maj 2003

[Start]   
hambalyo
NATIIJADA
DOORASHADA
Madaxtooyada
G/Deegaanka
   IDAACADAHA
Radio Hargeysa
Radio Golis
BBC Somali
Galab
BBC Somali Habeen
Radio Somaliland
Radio Hanqadh
RA'YIGA
DADWEYNAHA
Somaliland: On Recognition And Statehood
Inflammatory language of the opposition parties in the political campaign.
Silaanyo: A Politician In Another Phase: A Lost Statesman or A Catch-up Politician
Somaliland will Elect UDUB!
UDUB builds the trust between each other of the Somaliland people up on the  peace.
 Kulmiye party shows no national responsibilities and political decency
 Why we should elect Dahir Rayale
 Somaliland: The little country that could
  An  Overview of the Educational System in Somaliand
 Somaliland way buuxisay shuruudihii qaran lahaa
 Post Egal Somaliland opportunities and constrainsts
 Surviving without the  UN

GUUL GUUL GUUL GUUL

HAMBLYO  HAMBLYO  HAMBLYO

 

Madaxweyne Daahir Rayaale

iyo

Madaxweyne ku-xigeen Axmed Yuusuf

Waxa farxad weyn u ah JSL in xilkii loogu dhiibay madaxdii ku habboonayd ee hoggaamin lahayd shanta sannadood ee soo socota.

Waxa hambalyo mudan dadweynaha reer Soomaalilaand ee sida ilbaxnimada ah ee hannaanka sare ku dhiibtay codkoodii.

Guul iyo hambalyo waxa leh bahweynta UDUB ee taageerada tooska ah siisay Md. Rayaale iyo Md. Axmed.

Waxa hambalyo leh guddoomiyaha UCID Eng. Faysal ee muujiyey wadaninimada iyo jeceylka uu u qabo dalkiisa oo aanu ahayn uun nin kursi doon ah.

Mahad Eebbaha inoo suurtagaliyey in wax inoo qabsoomaan baa leh.

Cismaan Xuseen Aboker
Isuduwaha UDUB ee Yurub iyo Woqooyiga Marykan

Guul iyo bilina UDUB baa leh

 

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Dhammaan xubnahayaga UDUB ee deggan dalka Denmark waxaan ku bogaadinaynaa bahweynta UDUB meel ay joogtaba guusha u soo hoyatay xisbiga UDUB. Waxa kale oo aan hambalyo u soo diraynaa Madaxweyne Daahir Rayaale iyo M. Ku-xigeen Axmed Yuusuf, Allana waxa aan uga baryeynaa in uu u fududeeyo xilka loo dhiibay.
 
Dadweynaha reer Soomaalilaand waxaan ku bogaadinaynaa horumarka ay gaadheen iyo dimuqraadiyadda ay dhidibka u aaseen. Eeebana waxaan uga baryeynaa in uu ictiraac dhakhaso ah ka siiyo adduunweynaha.
 
Axmed Diiriye Liibaan
Guddoomiyaha UDUB Denmark
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Hadaanu anhay xisbiga Udub ee reer finland waxaanu habalyo iyo bogaadin u diraynaa dhamaan dadka reer somaliland meel kasta oo ay joogaanba
waxaanu ugu habalyeynaa sida sharfta leh ee ay si xor ah ugu madaxdii hogaamin lahayd
mustaqbalka iyo dumuqraadiyad ay kadhabeeyeen taas oo ay caalamka oo dhan ay ka
kasbanayaan magac wanaagsan iyosharaf ay wadankooda u soo hooyen.
waxaan kale oo aan u habalyeynayaa bahweynta Udub meel kasta oo ay joogaanba
waxa kale oo uhabalyeynayaa madaxwenaha iyo madaxwene ku xigeenka ee ku guulaystay
shanta sano ee soo socota hogaankii wadanka loo doortay waxaanu leenahay ilaahay ha iduku garabgalo xilkaa balaadhan eelaydiin dhibay.
GUUL GUUL GUUL.
 
Gudoomiyaha xisbigga Udub ee aagga Finland
Said Omar Mohamud
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
UDUB- Norway oo ka kooban taagerayaasha xisbiga UDUB  iyo Gudidooda
UDUB-Norway waxay hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo dhamaan halwadeenada xisbiga UDUB meel kasta oo ay joogaanba.
 
Waxa kale oo aanu mahadnaq iyo bogaadin u jeedinayna shacbigga reer Somaliland oo muujeyey bisayl siyaasadeed , dulqaad iyo garasho halka geediga loo wado ( Dhul barwaaqo iyo libin )
 
Waa wax aan wax loo dhigaa jirin markii warbaahinta caalamko af walba ku sheegtay libinta u soo hoyatay  shacbiga reer Somaliland iyaga oo raacinaya nabada aan gaadhney ee xididadeedu adkaadeen.
 
waxaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeen Illaahey uga baryeyna inoo u fududeeyo xilka loo doortay si ay ummada u gaadhsiiyaan horumar iyo barwaaqo.
 
Illaah ba Mahad leh. Somaliland ba  Guul leh.
 
UDUB- Norway.
Chr. Mohamed.M. Adan( lenin)
 

 

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
KU: Shicibka Somaliland
KU: Xisbiga KULMIYE
KU: Xisbiga UCID
 
KA: UDUB – Washington DC (USA)
 
Ujeedo: Tahniyad, Mahadnaq iyo balan qaad wada shaqayn wacan
 
Haddaanu nahay bahda UDUB ee USA waxaanu tahniyad iyo mahadnaq halkan uga diraynaa
shacbi waynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, una sheegayna inaanu ka gudoonay
xilka maanta la saaray xisbiga UDUB, oo aanu ku balan qaadaynayno in xisbiga UDUB uu
shaqada iyo xilka loo dhiibay u gudan doono si buuxda, Illaahayna waxaanu ka baryaynaa
inuu nagu gacan qabto oo na tuso jidka toosan.
 
Waxa kale oo aanu mahad balaadhan u soo jeedinaynaa laba xisbi ee doorashada nagula
tartamayay - xisbiga KULMIYE iyo xisbiga UCID. Waxaanu iyagana ugu balan qaadaynaa
inaanu si fiican u wada shaqayn doono oo aanu anagu dhankayaga diyaar ula nahay idinkana
idiinka fadhino in danta guud ee dadkeena iyo dalkeena aynu uga wada shaqayno, oo
aynu maanta kalsoonida is le’eg ee dadkeenu ina siiyeen ugu wada shaqayno 
si aynu u gaadhno himilada dadkeena iyoo dalkeenu tiigsanayaan.
 
Illaahay maa Mahad leh,
 
Wixii Faahfaahin ah Kala xidhiidh
 
Ibrahim Warsame              abdi_1@msn.com
Bashir Sh. Abdirahman Qaadi  bashiir-qaadi@hotmail.com
Rashid Garuf                 rgaruf@msn.com
Mahdi Gabose                 gabose@msn.com
Mohamed Hassan               kenadid1@aol.com
Ahmed Shiekh                 harrowo@aol.com
Ahmed M Jirde                a.jirde@hotmail.com
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
UDUB-Ottawa, Hambalyo,Hambalyo,Hambalyo, Guusha UDUB.
 
“Guusha UDUB,waa guusha Somaliland”  Sidaa waxaa yidhi Guddoomiyaha Taageerayaasha xisbiga UDUB-Ottawa,dalka Canada, Mudane Ahmed Aden Bakal. Waxaanu  habalyo iyo bogaadin u diraynaa, madaxwayne Dahir Riyaale,iyo Madaxwayne ku-xigeen Ahmed Yusuf, oo tartankii doorashada madaxtinimo ee Somaliland ku guulaystay. Waxaanu eebe idiinka rajaynaynaa Caaafimaad Cimri dherer iyo xilka la idiin dhiibay oo ilaahay idinku garabgalo.
 
Qurba joogta reer Somaliland waxay muddo dhawr maalmood ahba ka warsugayeen,ku dhawaaqista natiijada tartanka doorashada madaxtinimada,.Haddaba maanta oo ay taariikhdu ahayd April 19,2003. Saacaddu markay ahayd : 10:35 AM ( Canada time ). Ayaa waxaa na soo gaadhay natiijaddii guusha, goobtan waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha iyo xubno kale oo ka tirsan golaha dhexe.  UDUB-Ottawa oo ka mid ah laamaha ugu firfircoon dalka dibaddiisa ayaa soo agaasintay kulankan wadajirka ah oo loogu talagaly in goobjoog ay xubnaha sare ee laantu u ahaadaan waqtiga natiijada.
 
Guul iyo hambalyo gaar ahna waxaan u soo diraynaa dhamaan bahwaynta UDUB meelkastooy joogaan. Waxaa amaan mudan dhamaan dadka reer Somaliland, ee sida nabdagalyada leh ku dhiibtay codkoodii.
 
Hambalyo kale oo gaar ah ayaan u soo  diraynaa, guud ahaan, xisbiga UCID,gaar ahaana guddoomiye, mudane Faysal Ali Waraabe, oo isagu dariiqii dimuqraadiyada raacay si xumshad lehna u hambalyeeyey  guddomiyaha xisbiga UDUB, Mudane Dahir Riyaale Kahin, oo isagu ku guulaystay tartankii doorashada madaxtinimada Somaliland. Xisbiga UCID, iyo madaxdiisaba waxaan eebe uga baryaynaa,cimri dherer iyo caafimaad.
 
Wasiirka arrimaha guddhaha mudane Ismaaciil , iyo ciidamada nabadgalyada qaranka  waxaanu ku hambalyaynaynaa sida xilkasnimada leh ee hawshoodii ilaalinta nabadgalyada dalka u guteen. Taasi oo qaswadayaal ku dhuumanaya xisbi ay had iyo jeer ka eed sheegtaan, dacaayado raqiis ahna ka fidiyaan wasaaradda arrimaha gudaha iyaga oo ka beensheegaya xaqiiqada jirta iyo hawl gudashada wasaaradda arrimaha gudaha.
 
 
Waxaa farxad wayn u ah dhamaaan dadka reer Somaliland meelkastooy joogaan, sida quruxda badan ee nabadgalyada ah ee ay ku dhamaatay,doorashaddii madaxtinimadu.
Waxaan ku gubaabinaynaa muxaafid iyo mucaardba in meel looga soo wada jeesto, hawlaha la xiriira horumarinta dalkeena hooyo. Meelna looga soo wada jeesto wixii cadaw ku ah dimuqraadiyada dhabta ah ee ka hana qaaday,Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Doorashadani waa mid taariikhda ka gali doonta baal dahab ah, waana guul u soo hoyatay dhammaan dadka reer Somaliland, waa doorashaddii ugu horaysay ee dadka reer Somaliland,ku soo doortaan,Madaxda ku habboon oo hogaamin doonta muddada shanta sano ee soo socda. Doorashadani waa mid ay dunidu indho gaar ah ku eegaysay, balse gabagabaddii ka fajicisay caalamka nabadda iyo dimuqraadiyadda jecel, sida asluubta leh ee ay ku dhamaatay.
.
 
Haddaba waxaanu ku guubaabinaynaa dhamaan dadka reer Somaliland meelkastooy joogaan, midnimo, wadashaqayn iyo walaalnimo. Waqtiga doorashada waxaa jirta xamaasad, ay abuuraan siyaasiyiinta qaarkood kuwaas oo aan dan iyo muraadtoona ka lahayn xasiloonida iyo nabadgalyada dalka Somaliland.Taasi waxaa ka marag kacaya erayaddii ay isticmaalayeen siyaasiyiin ku soo hoos gabanaya  xisbiyada mucaaraka ah qaarkood ,waqtigii ololaha doorashada, looguna talagalay in lagu majaro habaabiyo muwaadiniinta reer Somaliland, si xasilooni daro iyo kala qaybsanaan qabiil loogu abuuro dadka iyo dalka Somaliland. Haddaba dhammaan taageerayaasha xisbiga UDUB, meelkastooy joogaan waxaan ku guubaabinaynaa inay u dulqaataan aflgaadooyinka iyo erayada qaran dumiska ah ee ka imanaya  kuwo isku tilmaamaya taageerayaal xisbi mucaarid ah,balse aan waxyeelo mooyaane waxtar u lahayn xisbigaas ay sheeganayaan,taasi oo aan u aragno muwaadiniin  majaro habawsan oo si khaldan wax looga dhaadhiciyay .Maanta doorashadii way dhamaatay ,sidaa darteed, waxaa haboon in dhammaan dadka reer Somaliland isa saamaxaan jawi cusubna la bilaabaan maamulka cusub ee ku guulaystay doorashada Waa in taageerayaasha xisbiyada oo dhami u arkaan guusha xisbiga UDUB, inay tahay guul u soo hoyatay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland. Kii guulaystaaba wuxuu noqon lahaa keenii.
 
Hadalkayga waxaan ku soo afjarayaa, dhamaan indheergaradka  Jaaliyadda Somaliland ee ku nool magalada Ottawa, waxaan  ka codsanaynaa inay nagala soo qaybgalaan xaflad qado sharaf ah oo lagu maamuusayo hambalyada guusha Xisbiga UDUB, oo lagu qaban doono magalada Ottawa. Anaga ayaa dib idiinla soo socodsiin doona waqtiga,maalinta ,iyo meesha lagu qaban doono. Dhammaantiin,Hambalyo,Hambalyo,Guul, Guul, iyo Horumar. Tixdan oo la yidhaa “mahad eebe “ dhawaaan ayay soo bixi doontaa iyadoo dhamaystiran.
 
Ilaahii umadayda arageeda wanaajoow,adigaa mahada leh.
Ilaahii ibtilo inta aafa wada,umadayda tusoow adigaa mahada leh.
Ilaahii afgarad ka abuuray dhamaaan arligayga dushiisoow adigaa mahadaa leh.
Ilaahii arrin keeniyo aqbalkeenka na siiyoow adigaa mahadaa leh.
Ilaahii abtirsiin abdilahi Suldan adeerkay ka dhigoow,adigaa mahadaa leh.
Ilaahii gabaygiisa gaariyoo abtigeya gurmad nooga dhigaw adigaa mahadaa leh
Ilaahii udub toosan arligayga ku taagoow adigaa mahada leh.
Ilaahii mahadoo dhan maalin joogta lahaayoow,maandeeq noo curatee,midhaheeda na sii.
 
Aamiin…Aamiin..Aamiin ( ha samaatoo ha la helo aqoonsiga)
 
Mahad eebaa Leh, Guushana Somaliland.
 
Mohamed Aden ( Xoghayaha UDUB-Ottawa )
 
Email: udub_Ottawa@hotmail.com 
or Email: satiile@yahoo.ca
 
Ottawa,Canada
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
Mudanayaal iyo Marwooyin,
 
"Guusha UDUB, waa guusha dadweynaha reer Somaliland"
UDUB-Benelux waxay hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo dhamaan halwadeenada xisbiga UDUB meel kasta oo ay joogaanba.
 
Dadweynaha reer Soomaalilaand waxaan ku bogaadinaynaa horumarka ay gaadheen iyo dimuqraadiyadda ay dhidibka u aaseen.
Waxa kale oo aanu mahadnaq shacbigga reer Somaliland oo muujeyey bisayl siyaasadeed , dulqaad iyo garasho halka geediga loo wado.
waxaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeen Illaahey uga baryeyna inoo u fududeeyo xilka loo doortay iyo in uu ictiraac dhakhaso ah ka siiyo adduunweynaha.
 
Afhayeenka iyo xooghayaha UDUB-benelux
A.F. Daher
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
Press Release - Victory To the Nation of Somaliland

Somaliland Women in Europe

16th April 2003
Praise be to Allah, 14th April 2003 is the day  Somaliland voted for her democracy. The good news is that  against all odds the nation of Somaliland has  proved to the International Community that  a small nation like us can produce miracles. Victory to the people of Somaliland. Victory to a nation who has lost so many heroes in its quest for democracy. The women and children of Somaliland should rejoice on this great day where thousands and thousands of our women, elderly and children have travelled miles and miles to vote for their future.
 
We also congratulate the Electoral Commission for working so hard under such extreme conditions. The Electoral Commission against all odds have shown the International Community  and observers a great professionalism. The International Observers stated that they were happy to be part of this great day and commented on how  transparent the voting was. This is a victory for the nation and political parties of Somaliland who  have observed peace against all odds.
 
The International media has covered eloquently this great event from China to USA to Africa, Asia and the Middle East the list goes on. The International Media has covered our elections extensively, positively and stated how Udub has won by a slim vote. We congratulate the president of  Somaliland Mr. Daahir Rayaale and the Vice President Ahmed Yusuf  for their victory.
We must remind the mothers and the youth of Somaliland that the three parties have been created by you to serve the nation. No party is above the other. Their first duty is to serve you the nation of Somaliland. However,  due to lack of recognition there will be shortcomings and delays in reaching our miles stones for economy and nation building. Nevertheless we must all be patient and work together to help Somaliland receive its recognition. We must work with the government and our opposition parties to bring solutions for our nation.
 
A positive nation looks forward to the future. We must stay positive about our nation building and focus on the whole. We must stay focused and work towards our future. No one should drag us back to the past to divide us.
The women of Somaliland, mothers and grandmothers of Somaliland, sisters of Somaliland, daughters of Somaliland have spoken their voice. Praise be to Allah for you have established your nation in the most democratic way with one voice one vote.
We should all  praise Allah for the hard work you have done and Insha’Allah, Allah will grant our nation the recognition it seeks. With hard work comes accountability and Insha’Allah we will all work together to achieve this.
 
Guul iyo hambalyo, Mahadna Ilaahay Baa Leh.
 
Sahra Nuur
Vice Chair of Somaliland Women in Europe
somalilandwomeneurope@yahoo.co.uk
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
The people of Somaliland a the true champions of peace
 
Tv Somaliland pays its heartfelt respects to the somalilanders who made it against all odds .
 
The Republic of Somaliland has indeed perfomed wonders . All praises are due to Allah and we personaly give thanks and praises to the effort that our people put into this tirelessly .
 
 The producer and the entire crew of Tv Somaliland thanks all the political parties and its leaders ,the police force of somaliland. our press both in and outside our country , the electoral commission and last but not least the group of observers that visited our country during the presidential elections.
 
We are also asking all the websites and various groups of journalist from Somaliland to work hand in hand and not create hostily between the peoples of somaliland for their own selfish agendas.
 
 
The winners of this elections has without  no doubt been the peace loving citizens of Somaliland that made this  elections day
an historic and peacefull event .
We also are hereby asking the international community to respect this Democratical whishes and its practices By the citizens of The Republic of Somaliland
Whoever wins the election is recognized in the hearts and minds of our people, so please acknowledge our freedom.
 
Above all the biggest and most outstanding winner was peace.
 
Somaliland shall prevail
 
The Producer of Tv Somaliland europe
Ali Mohammed
                                   
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Lamaha UDUB ee Sweden waxay Hambaliyaynayaan Bahweynta UDUB iyo Ummadda Somaliland Guushan uga soo hoyatay Tartankii Doorashada Hogaanka Dalka. Waxan ILAAHAY innoga baryayaya in uu inagu garab galo xilkan culus ee ay Ummadu inagu amintay, waajibkeenana aynu si xalaal ah ugu soo baxno, si aynu dalkeena iyo ummadeena horumar u gaadhsiino.
 
Ahmed Ibrahim Abdi
GKM. Laanta UDUB ee Stockholm/Sweden
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Guul, hanbalyo, horumar ictiraaf, midnimo, iyo dawladnimo waxaa mutaystay  xusbiga udub.

urrurka wadaniga ah ee somaliland focus group waxa uu hanbalyo iyo bogaadin ay ku dheehan tahay guul iyo gobanimo u dirayaa bahweynta xusbiga udub iyo dadwaynaha sharafta iyo ilbaxnimada mudan ee u codeeyey horumarka, ictiraafka somaliland iyo xusbiga udub.

Umada reer somaliland mar labaad ayay cadeeyeen in xusbiga udub uu yahay xalka kali ah ee somaliland.
waxa aanu ka codsanaynaa xusbiga kulmiye inuu qaato guuldarada  dumuqraadiyada somalilandna uu ka daayo dacodocaynta.
nin dhintay kabihiisa ayaa dhaama.
hanbalyo bogaadin guul iyo sharaf xusabiga udub ayaa mutaysyay.

xooghayaha siyaasada iyo wacyi gelinta ee urrurka somalilnad focus group.
cabdi qadir jamac dacar 

 

 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Taariikh: 20/04/2003
Gudoomiyaha Ururka Dimuquraadiga Ummadda Bahowday ee Australiya iyo Gobolka Baasifigu, Isagoo ku hadlaya magaca; dhamaanba xubnaha xisbiga ee gobalkan iyo kiisaba, Wuxuu Hambalyo u dirayaa dhamaanba Ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto, isagoo ugu hambalyeynaya sidii wacnayd ee Wadaninimada iyo aaminsanaanta Sharciga iyo Nidaamka Dimoquraatinimada lahayd ee
ay u guteen dhamaanba hawlihii Doorashadda
madaxtooyadda Qaranka.
 
Sidoo Kale wuxuu u hambalyeynayaa Guddiga
Doorashada Qaranka, Seddexda Xisbi Qaran iyo
taageerayaashooda, Ururka Qurbajooga
Somaliland Forum, iyo dhamaanba intii ka qayb
qaadatay, iyo Bulshooyinka Caalamka ee Jecel
Horumarka iyo Nabad kuwadda noolaanshaha.
 
Guud ahaan Xubnaha xisbiga ee Gobolkani
waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan
dhamaan Xubnaha ururka ee Dalka iyo
debeddaba sidii wadannimadda lahayd ee ay
uga midha dhaliyeen rabitaanka guud ee
shacbiga Somaaliland diyaar ugu yihiin u
adeegga dalka iyo dadkeenna aynu Jecel nahay.
 
Guud ahaan Bulshadda Somaliland Ee ku nool
Gobalkan,  iyo Xubnaha Xisbiga Ee Gobalkaniba
Waxay Hambalyo u dirayaa Madaxwaynaha
Jamhuuriyadda Somaaliland ahna
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Mudane Daahir
Riyaale Kahin iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin doorashada loo
doortay Xilka qaranka, Ilaahayna waxaanu uga
baryaynaa in uu u fududeeyo xilka loo
igmaday….
 
Md: Aadan Cabdi Cabdillaahi
Guddoomiya UDUB ee Australia  Iyo Baasifiga
 
Md: Ibraahim Ismaaciil Wagar
Afhayeenka UDUB ee Australia Iyo Baasifiga
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
KU: Mudan,Daahir Riyaale Kaahin
 
Aniga oo ku hadalaaya magac ururka somaliland-germany, gaar ahaan
xarunta frankfurt AM MAIN, ka guddiga fullinta ee ururka,guddiga guurtiga ee ururka iyo kaygaba waxaan idiinku hanbalayeynayaa guusha aad ku kasabateen in hogaanka dalka aad idiino haysaan mudada shanta sanno ee soo socod ah,waxaanan eebbe idiinka barayayaa in uu idiin fududeeyo gudashada
waajibaadka ee idin horyaal.
 
hadaba haddii aanu nahay ururka somaliland germany, waxaanu idinla garab
taaganahay hiil iyo hoo.
 
G U U L G U U L EEBBE AYAA MAHADLEH
 
Faisal C/Llaahi muhumed-GIIRE
GUDOOMIYAHA ururka somaliland GERMANS
FRANKFURT AM MAIN
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Waxaanu  hambalyo weyn u soo driaynaa shacbiga Somaliland ee u dhiibtay codkooda sida qiimaha leh, Madaxweyna Jamhuuriyada Somaliland Daahir Rayaale, Madaxweyne ku-xigeen ka Axmed Yuusuf iyo dhamaan xubnaha ururka Udub guusha wayn eey soo hooyeen doorashadii  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee14th April 2003.

Marwo Lulu Farah
Proffessor Ahmed Haji Abdillahi Al-Azhari
Dr. Huseen Ismail
Professor Mohamed Younis
Dr. Ahmed Mohamed
Mr. Hassan Mohamed Waraabe Cadeh
Marwo Safiyah Mohamed Abdillahi
Marwo Sahra Jama
Mr. Xaamud Cusmaan

Waxaanu u rajaynaynaa dadweynaha Somaliland nabad iyo caano iyo bash bash iyo barwaaqo meel kastaba ha joogaane

London, UK
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
aniga oo ah ardaykamida ardayda somaliland ee wax ka barta dalka masar magaalada qaahra waxaan halkan ka hambalyaynayaa madaxwaynaha cusub ee jamhuuriyada somaliland Dahir Rayale Kahin iyo madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin. waxa kale oo aan ugu hambalyaynayaa sida fiican ee waliba sida nabada ah ee ay ku dhameeyeen doorashadii. Anigoo ilaahay uga rajaynaya dalkeena inuu noqdo kii hanaqaada, la aqoonsoda ee ay ku intifaacaan dadkisu.
 
by axmed maxamed daahir
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
waxan us ooo hambalyenaynaa xisbig udub iyo madaxweynaha iyo madax weyne ku
xigeenka somaliland iyo shacbiga somaliland.

jicsin
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Waxaan dhaamaan umada somaliland.iyo madaxweynaha.jamhuuriyada somaliland ugu hanbalyeeynaynaa guul.iyo hanbalyo xisbiga udub sida wacan ee uu ugu guleystey.xukunka dalka taasoo aan aad iyo aad ugu farxsan nahay dhamaan umada reer somaliland sida xilka wacan ee ay doroshadu u dhacday.waxaana lee nahay qof waliba ha adkeyo guuusha somaliland.ay gadhey...
alaa mahadleh
 
cabdirisaaq mecaad
 

 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
waxaan salaan aad iyo aad u diraya madaxwayhana  jamuriyada somaliland mudane daahir riyaale kaahin oo ku guulaystay dooraashada wadanka ee shanta  sano.hanblayo aad iy  aad u wayn ayaan  ku hanbalyeynaya  iyo dhamaan   shaqalaha ururka udub ama ururka dimuquradi ummada bahawday aniga oo ah   somalilander jooga wadanka dibadiisa ayaan waxan hanbalyo u diraya ururka  iyo guusha  oo ka soo hoyey doorashada iyo loolanki aadka u kulula .aniga oo mar horena u soo diray   hanbalyo tan oo kale ah intaan soo bixin doorashadu oo sheegay in ay ku guulaysanayo doorashad imika waxan leyahay madaxwaynaha iyo shaqalahaba guuuuuuuuuuuuuuuul wanaaaaaaaaaaaaaaaaaagsan.
Abdifataah Mohamed
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
KU : XUBNAHA XISBIGA UDUB GUUD AHAAN MEEL AY JOOGAANBA
 
KA : XUBNAHA XISBIGA UDUB EE MAGAALADA CAALGARY - WADABKA CANADA
 
UJEEDO : HAMBALYAYN
 
ANAGOO AH XUBANAHA XISBIGA UDUB EE DEGGAN WADNKAN CANADA, GAARAHAAN MAGAALADA CALGARY, GOBOLKA ALBERTA, WAXAANU HAMBALYO IYO BOGAADINBA U DIRAYNAA XUBNAHA, GUDIGA IYO MADAXDA UDUB GUUSHAN USOO HOYATAY. WAXA KALE OO AANU KU HAMBALYAYNAYNAA DHAMMAAN DADKA REER SOOMALILAND SIDA WADANINIMADA IYO NABADGALYADA LEH EE AY KU CODEEYEEN.
 
ALAA MAHAD LEH
 
XUBNAHA URURKA UDUB
CALGARY, CANADA
MOHAMED AHMED WAIS "SHIINE"
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
First I'd like to congratulate you for your honest win and I hope you can drive the devolepment and improvement to our motherland ,Somaliland ...I'm glad cuz what presednt Ibramin Egal built did'nt gone with the wind ...I feel that thehappy days are coming soon to our Homeland and we will feel that we have a real state that we could depend on it.I'm 21 years old I'didn'rt see somaliland yet it's but I feel that I'll visite it this summer vacation Inshallah and I'll jion UDUB party I'll be an active meber in UDUB party
 
By Fatima Mohamed
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Mudane Riyaale
 
ACWW. Mudane Madaxweyne waxan adiga iyo bahweynta Udub meel kastaba ha ka joogeen adduunyada e idiinku hambalyeynayaa guusha dooraashada.Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul UDUUUUUUUUUUUUB
 
Alla Mahadleh
 
Ibrahim Maxamed Cali
Xogahaya Guud ee xisbiga UDUB/UK
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
S/Calaykum:
Asxaabtane Waa reer Australia oo idin leh
Guul .. Guul.. Iyo Hambalyo
Aadan Iyo Ibraahim
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Waxaanu aad ugu faraxnay sida fiican ee ay doorashadii madaxtinimada jamhuuriyada somaliland ugu dhacday si xor ah oo nabad galyo ku dheehan tahay.
 
waxaanu hambalyo u diraynaa
xisbiga UDUB ee ku guulaystay tartankii madaxweynenimada shanta sano ee soo
socota, waxaanuna ilaahay uga rajaynaynaa inuu u fududeeyo hawshaa qaran ee
loo doortay ayna noqdaan kuwa kor uga sii dhaqaajiya halka maanta dalku
taagan yahay keenana isbedal cusub oo waxtar leh.
 
Waxa qoraalkan soo saaray
1.Maxamed C/laahi Ducaale
2.Axmed Maxamed Barkhadle
3.Axmed Iid Aadan
4.C/fataax Maxamed Axmed
Hyderabad,India
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Bismillahi Arrahmani Arraheem,

Congratulations to UDUB party and Somaliland for the successful ending of the elections.
 
We are happy that the election ended in a peaceful and goodwill environment. We hope that all the political parties will respect the result as promised.

Wasalamu alaikum,

Othman Asheikh Issa
Toronto, ON , Canada
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Anigoo ah: Abdirahman Aideed Abdi { Kosar } kana tirsan golaha dhexe UDUB UK, waxaan halkan aad ugu faraxsanahay inaan Hambalyo iyo guubabin u soo diro, doorashada uu ku guuleystey Madax weyne Dahir Riyaale Kaahin, taas oo ah guul aad u weyn uu gaadhay ururka UDUB.
 
Waxaan kale oo aad aan ugu mahad naqayaa maamulka dhexe ee ururka UDUB sidii hufneyd ee wararka xaqiiqada ah ee doorashad noola socodsiineyseen. Aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaan leeyahay guul guul waarta.
 
Abdirahman Aideed Abdi { Kosar }
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
Hi
 
my name is Abdirisaq Aden Camash i live in the UK (London)

I would like to congratulate his excelency Dahir Reyaale Kahin and Mudane Ahmed Yusuf for winning the presidential elections.

VIVA UDUB
VIVA SOMALILAND AMEEN!!!!!!!!!!

 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
Ilaaahay ayaan ugu mahadinayaa guusha U soo hoyatay UDUB iyo taageerayaashooda.Waxanan U rajaynayaa,in mas'uuliyadda ay qaadeen uga soo baxaan si daacadnimo ah.
Walaalayaa, waxa aan eebbe innooga baryayaa in aan noqonno kuwii hanta horumar,iyo midnimo.

Ictiraafkiina innagama foga....hawl adag ayaana innaga horreysa ee halloo diyaar garoobo.

Saaxiibadeenna,doorashada laga badiyeyna,yaan lagu digannin.Ee halloo dul qaato.
Hana loo hambalyeeyo,sida fiican iyo meesha ay soo gaadheen.Doorashana maanta uun maaha.Ee maalmo ka fiican ayaa iman doona.

Ummaddii is raacda allaha innaga dhigo.

waa walaalkiin
A Goth

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO

anigoo ah arday dhigta jaamacada amuud university waxaan halkan hambalyo iyo  bogaadin u soo jeedinayaa xisbiga UDUB ee ku guulaystay codbixintii ka dhacay dalka oo dhan

 
c/fataax cumar
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
Felicitation Mr President Daher Reyaleh
 
UDUB UDUB UDUB UDUB UDUB UDUB UDUB UDUB UDUB
 
I am Mohamed Jama Reyaleh from Canada Ottawa
 
GUUL GUUL GUUL And AMBALHYO AMBALHYO AMBALHYO
Felicitation Mr President Daher Reyaleh
We support you arrond on the Word and sent you Mr President Daher Reyaleh and the people of Republic Somaliland a very good Salam and honorable felicitation and have long live Incha Allah and enjoye the democratie to show us and arrond the word and every somaliland peoples
VICTOIR VICTOIR VICTOIR VICTOIR VICTOIR VICTOIR VICTOIR VICTOIR
 
que Notre BON ALLAH soit avec VOUS et les peuples de la SOMALILAND
Monsieur le president Daher Reyale Nous vous supportons par dans le monde entier et nous vous envoyons une bonne et tres reconnaissant felicitation a Monsieur le President de la republique de la Somaliland Monsieur Daher Reyaleh et le peuple la republique de la
Somaliland la vraie democrasie que vous nous avez montre et nous vous souhaitons que le Bon Allah soit vous Incha Allah C'est le people d'Ottawa du canada qui vous dit nous sommes avec vous et nous aussi nous faisons partis de vous et nous fetons encore A OTTAWA ET AUSSI DANS LE MONDE ENTIER et que notre Bon Allah nous protege tous
AllaH AMIIIIIIIINNNNNNNNNN IIIIIIIINNNNNNNNNCHA AAAAAALLLAAHHHHHHH

 

 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
HAMBALY HAMBALYO HAMBALYO
ANAGA OO KA TIRSAN URURKA NAAFADA EE SOMAALILLAND DEGANA WADANKA SEWEDEN WAXAANU U HANBALYAYNAYNAA SHACBIGA SOMAALILAND IYO XISBIGA UDUB EE KU GUULAYSTAY DOORASHADII XORTA AHAYD EE DHACDAY BISHAN 14KEEDII 2003.
WAXA FARXAD WAYN NOO AH IN AANU MAQALNO WARARKA XIISAHA LEH EE AY SUURTA GALIYEEN SHACBIWAYNAHA SOMALILAND CIYAAREENA DOORKA DAREENKOODA,WAXAANAN U BARYAYNAA IN ILLAAH LA GARAB QABTO XILKA ADAG EE AY U DHIIBTEEN XISBIGA LIBINTA HELAY EE UDUB.
 
WAXA KALE OO AANU XUSUUSINAYNAA MADAXDA  UDUB GAAR MUDANE DAAHIR RYAALE KAAHIN IN UU AAD UGU DADAALE DARYEELKA DADKA NAAFADA AH IYO INTE ITAALKA DARAN.
WAXAAN ILAAHAY IDINKA RAJAYNAYAA GUUL.
 
WAXA SOO QORAY
GUDIDA URURKA
SAID hUSSEIN (SAID INDHOOLE)
ABDI DIIRIYE  IYO
AXMED-NAASIR MURE(LIJAANO)
 
WAAD MAHADSANTHIIN
 
 
 
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO
 
Asalamu Caleykum,

Anigoo ah Fawsi Mohamed Aw Muse waxaan xusbiga UDUB ugu hambalyeynayaa guusha tartanka Madaxweynanimada JSL, gaar ahaanna waxaan Madaxweyne Dahir Riyale Kahin ugu Hambalyeynayaa xilkaa cusub ee lagu caleema saaray.

Midda kale waxaan talo ahaan usoo jeedinayaa Madax weynaha in aanu ka daalin sidii dalkan loogu soo dabaali lahaa midnimo iyo wax wadda qabsi, oo aanu dheg u dhigin faragelinta ay ku hayaan Tuugta aan rabin in Somaliland hore u tallaabsato. Nin meesha uu joogaba aan waxba ka ahayn hadalkiisa dameer ciyey ayaa dhaama.

Waxaan hadalka badin maayee kusoo goynayaa " YAAN DANTA GUUD LAGA HORMARIN DANTA GAARKA AH". haddii kale miyaa "KHADIIJA MACALIN IYO DUMAASHEED" ayaa inoo dambayn.

TALO waa TA ALLE UDUDEEY TAAGINA waa TAAD LA TIMAADAA.
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO

Somaliland Salvation Council - SSC UK

Golaha Badbaadinta Somaliland(Somaliland Salvation Council) wuxuu u dirayaa tahniyad qaali ah dhamaan shacbiga Somaliland, golayaasha Somaliland, gudida dooroshooyinka qaranka, iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxweyne ku xugeenka, Mudane Ahmed Yusuf Yassin guushaas taariikhiga ah ee ay ku dhamaatay tartankii dimuqraadiga ahaa ee madaxtinimada Somaliland.

Waxaanu ka rajaynaynaa Madaxwaynaha cusub Mudane Daahir Riyaale Kaahin dawlad qiimo leh oo xaqiijisa himilooyinka umada Somaliland. Waxaanu Eebe uga rajaynaynaa in uu u fududeeyo hawshaas culus ee ummadu u igmatay.

Dr. Ahmed Adan Mohamed
Gudoomiyaha SCC

somsalco@hotmail.com

 

Nagala soo xidhiidh: adminyurub@xisbiga-udub.com                       Xarunta xisbiga UDUB: udub@bgtinet.com

© Xisbiga UDUB, 2002

Start ] Xeerarka ] War iyo Wacaal ] Aagagga ] Isdiiwaangelin ] Ra'yiga Dadweynaha ] Doorashooyinka ] Maamulka ] Archives ] Suugaanta ] [ Hambalyo ]