U    K

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

12 maj 2006

[Start] [Uppåt]   
PHOTO
GALLERY
hambalyo
NATIIJADA
DOORASHADA
Madaxtooyada
G/Deegaanka
   IDAACADAHA
Radio Hargeysa
Somali Radio Copenhagen
BBC Somali
Galab
BBC Somali Habeen
Radio Somaliland
Radio Hanqadh
RA'YIGA
DADWEYNAHA
Balkanization & the ghost of Greater Somalia,
Dadweynaha reer SL caad kama saarna in mucaaraddada Kulmiye tahay qaran dumis aan gabbood lahayn

the suffering of Somaliland is part of the scar on the conscience of the world that the Prime Minister of britain pointed out

The conditions for a free and fair election

Is Silanyo Mistaken or Is He Under-mining the Government?

Somaliland: On Recognition And Statehood
Inflammatory language of the opposition parties in the political campaign.
Silaanyo: A Politician In Another Phase: A Lost Statesman or A Catch-up Politician
Somaliland will Elect UDUB!
UDUB builds the trust between each other of the Somaliland people up on the  peace.
 Kulmiye party shows no national responsibilities and political decency
 Why we should elect Dahir Rayale
 Somaliland: The little country that could
  An  Overview of the Educational System in Somaliand
 Somaliland way buuxisay shuruudihii qaran lahaa
 Post Egal Somaliland opportunities and constrainsts
 Surviving without the  UN

 

 

Wixii war ah xafiiska UK waxaad kala xidhiidhi kartaan: 

Guddoomiyaha Xisbiga UDUB UK:
Md. Axmed Naasir Xirsi Maxamed
 
Tel. 07958569215
 
 

 

Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad

Md. Mahdi Rooble

 

 

Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad

 

Md. Axmed Xaddi Seid            

 

Xoghaye

Md. Cabdiraxmaan Cawil Qayir

 

 
 
KU: Dhamaan Xubnaha Xisbiga UDUB UK  = U.K
OG: Cisman Xuseen Abokor, Isuduwaha UDUB Qaaradda Yurub = Sweden
OG: Cabdi Maxamud Saleban, Xubin G.Dhexe Xisbiga UDUB Somaliland  = Manchester  
OG: Ibrahim Ducaale Sulayman, Xubin G.Fulinta  Xisbiga UDUB Somaliland   = London
OG: Axmed Xaashi, Gudoomiyaha Gudiga Siyaasadda & Xidhiidhka dibadda.  = Hargeysa
OG: Maxamed Ismaciil Bulaale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB  = Hargeysa 
 
 
 
Ujeeddo: Codsi soo gudbinta Faahfaahinta Xubnaha Xisbiga UDUB UK
 
 
 
Xubinyahay Qaaliga ahi.
 
Sida aad dareemi karto waxaa loo baahan yahay isku duubni iyo in la dardar geliyo hawlaha Xisbiga UDUB UK. 

 

Xeerka guud ee Xisbiga UDUB Qodobkiisa 6aad, Firqadda 6.1, qaybta a,b,c,d. wuxuu cadaynayaa Xuquuqda Xubnaha Xisbiga UDUB waxaana ka mid ah in Xubinta lagu wargeliyo hawlaha siyaasadda iyo waxqabadka Xisbiga. Waxa kale oo xubnuhu Xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan Shirarka, Doodaha, Talada iyo Doorashooyinka Xisbiga.
Hadaba si loo ilaaliyo ama dhawro Xuquuqda kor ku xusan ee Xubnuhu leeyihiin waxaa lagama maarmaan ah in la helo faahfaahinta Xubin kasta. 

 

Sidaa darteed waxaa laga codsanayaa dhamaan Xubnaha Xisbiga UDUB UK inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan faahfaahintooda hoos ku qoran si loo bilaabo dhismaha keyd dhexe oo ay ku jiraan faahfaahinta cusub ama ugu dambaysay ee Xubnuhu soo gudbiyeen kaas oo ilaalinta xuquuqdooda ka sokow fududayn doona xidhiidhka iyo wada shaqaynta Xubnaha Xisbiga.

 

Faahfaahinta imika looga baahan yahay Xubin kasta waa:
 1. Magacaaga oo saddexan
2. Cinwaanka ama addresskaaga
3. Telefoonka lagala soo xidhiidhi karo
4. Email Address haddii aad leedahay
5. Jagada ama xilka aad Xisbiga u hayso
6.Goorta xilkaa laguu doortay ama laguu magacaabay
 
Waxa aad jawaabtaada ama warcelintaada oo qoraal ah ku soo hagaajin kartaa cinwaankayga ama emailkayga hoos ku qoran.
Fadlan Xubnaha aan haysan ama aan isticmaalin Computerada ee aan ku soo gudbin karin faahfaahintooda "by email" ha la gaadhsiiyo ogaysiiskan hana ku soo gudbiyaan faahfaahintooda hababka kale ee u suurto gal ah.
Waxaanu balan qaadaynaa in aan faahfaahinta Xubnuhu soo gudbiyaan  loo isticmaali doonin ujeedooyin ka baxsan kuwa Xisbiga.
 
 
Ilaahay baa Mahadleh
 
 
 
Axmed Naasir Xirsi
Gudoomiyaha KMG Xisbiga UDUB UK.
 
23B Brigstocke Road
St Puals Bristol BS2 8UF
Tel. 0117 9425239 Mobile. 07958569215
 
 
 
MAGACAABID XIL
 
OG: Guddoomiyaha Xisbiga UDUB
OG: Guddoomiye ku xigeenka
OG: Xoghayaha Guud
OG: Guddoomiyaha Guddida Siyaasadda iyo xidhiidhka debedda
 
 
Aniga oo tixraacaya xeerka guud ee Xisbiga UDUB Q:15 Fqaradiisa 15.3 qaybta"B", aniga oo tixgelinaya baahida degdegga ah ee loo qabo in sharciyan jagadan la buuxiyo.
Ka dib Alla ha u naxariisto e' markii uu geeriyoodey Goddoomiyihii Xisbiga UDUB UK Dr. Saciid Yusuf Cabdi Casoowe.
 
Waxa si ku meel gaadh ah xilka u qaban doona Ahmednasir Xirsi Mohamed oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii UDUB UK, si dhakhso ahna waxa loo diyaarin doonaa shirweyne xisbigu ku yeesho dalka Ingriiska si loo doorto hoggaan iyo weliba dib u habayn guud.
 
Wa Billaahi Tawfiiq
 
Ibrahim Duale Sulaiman
Guddida Fulinta Qaranka
 

 

KU: Dhamaan Xubnaha Xisbiga UDUB UK  = U.K
OG: Cisman Xuseen Abokor, Isuduwaha UDUB Qaaradda Yurub = Sweden
OG: Cabdi Maxamud Saleban, Xubin G.Dhexe Xisbiga UDUB Somaliland  = Manchester  
OG: Ibrahim Ducaale Sulayman, Xubin G.Fulinta  Xisbiga UDUB Somaliland   = London
OG: Axmed Xaashi, Gudoomiyaha Gudiga Siyaasadda & Xidhiidhka dibadda.  = Hargeysa
OG: Maxamed Ismaciil Bulaale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB  = Hargeysa 
 
 
 
Ujeeddo: Codsi soo gudbinta Faahfaahinta Xubnaha Xisbiga UDUB UK
 
 
 
Xubinyahay Qaaliga ahi.
 
Sida aad dareemi karto waxaa loo baahan yahay isku duubni iyo in la dardar geliyo hawlaha Xisbiga UDUB UK. 

 

Xeerka guud ee Xisbiga UDUB Qodobkiisa 6aad, Firqadda 6.1, qaybta a,b,c,d. wuxuu cadaynayaa Xuquuqda Xubnaha Xisbiga UDUB waxaana ka mid ah in Xubinta lagu wargeliyo hawlaha siyaasadda iyo waxqabadka Xisbiga. Waxa kale oo xubnuhu Xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan Shirarka, Doodaha, Talada iyo Doorashooyinka Xisbiga.
Hadaba si loo ilaaliyo ama dhawro Xuquuqda kor ku xusan ee Xubnuhu leeyihiin waxaa lagama maarmaan ah in la helo faahfaahinta Xubin kasta. 

 

Sidaa darteed waxaa laga codsanayaa dhamaan Xubnaha Xisbiga UDUB UK inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan faahfaahintooda hoos ku qoran si loo bilaabo dhismaha keyd dhexe oo ay ku jiraan faahfaahinta cusub ama ugu dambaysay ee Xubnuhu soo gudbiyeen kaas oo ilaalinta xuquuqdooda ka sokow fududayn doona xidhiidhka iyo wada shaqaynta Xubnaha Xisbiga.

 

Faahfaahinta imika looga baahan yahay Xubin kasta waa:
 1. Magacaaga oo saddexan
2. Cinwaanka ama addresskaaga
3. Telefoonka lagala soo xidhiidhi karo
4. Email Address haddii aad leedahay
5. Jagada ama xilka aad Xisbiga u hayso
6.Goorta xilkaa laguu doortay ama laguu magacaabay
 
Waxa aad jawaabtaada ama warcelintaada oo qoraal ah ku soo hagaajin kartaa cinwaankayga ama emailkayga hoos ku qoran.
Fadlan Xubnaha aan haysan ama aan isticmaalin Computerada ee aan ku soo gudbin karin faahfaahintooda "by email" ha la gaadhsiiyo ogaysiiskan hana ku soo gudbiyaan faahfaahintooda hababka kale ee u suurto gal ah.
Waxaanu balan qaadaynaa in aan faahfaahinta Xubnuhu soo gudbiyaan  loo isticmaali doonin ujeedooyin ka baxsan kuwa Xisbiga.
 
 
Ilaahay baa Mahadleh
 
 
 
Axmed Naasir Xirsi
Gudoomiyaha KMG Xisbiga UDUB UK.
 
23B Brigstocke Road
St Puals Bristol BS2 8UF
Tel. 0117 9425239 Mobile. 07958569215
 

 

Baarlamaanku ha ansixiyo Odoroska Miisaaniyadda 2006

18 Mar. 2005

Dawladda Somaliland iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah ayey 1/2/06 Baarlamaankii la soo doortay u gudbisay Odoroska Miisaaniyadda 2006. Wasiirka Maaliayadda Somaliland mudane Xuseen Cali Ducaale(Cawil) ayaa maalintii uu u gudbinayey Miisaaniyadda u jeediyey Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka qudbad dheer oo uu uga xogwaramayo xaaladda  guud ee dalka gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo duruufaha xadaynaya ama hortaagan oo aad u fara badan. Mudane Cawil wuxuu qudbaddiisa si faahfaahsan ugu caddeeyey in adduun weynuhu denbi ka galay Shacbiga Somaliland oo dawladaha Caalamka, Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa iyo haydaha kale ee calamiga ahiba cadaalad darro iyo cunaqabatayn dhinaca siyaadda iyo dhaqaalaha ku hayaan Xukuumadda Somaliland, marka laga reebo wax yar oo fara guudkood ah oo ay hayadaha samafalku ku taakuleeyaan wasaaradaha adeegga bulshada, halka ay taageero siyaaseed, dhaqaale iyo kabitaan miisaaniyadeed oo ku dhow 50% siiyaan wadamo badan oo African ah.

Ujeedadda iyo duurxulka Wasiirku waxay ahayd in mudanayaasha Baarlamaanku fahmaan hawsha, shaqada iyo duruufaha waddanka hortaagan iyo dadaalka wasaaradda Maaliyaddu samaysay si Somaliland u soo gaadho halka ay marayso oo ah in maantaba ay suurto gashay in si nabad ah oo xor iyo xalaal ah lagu soo doorto iyaga oo waliba u badan Axsaabta Mucaaridka ah.

Mudanayaasha Golaha baaralamaanku si wanaagsan oo sharaf leh ayey u dhagaysteen Wasiirka maalintii hore waxaanay u xilsaareen Gudi hoosaadkii ku shaqada lahaa ee dhaqaalaha. Inkasta oo gudi hoosaadku laba jeer dib u dhigeen balan qaadkoodi ahaa inay soo ban dhigayaan talooyinkooda iyo natiijadii ka soo baxday baadhitanaddii ay ku soo sameeyeen ilaha iyo meelaha dakhligu ka soo baxo iwm., haddana gudigaasi sida laga warqabo dhawaan ayey Golaha hor keeneen warbixintoodii waxaanay ka codsadeen Golaha inay Ansixiyaan Miisaaniyadda iyagoo sheegay inay isla garteen Wasiirka Maaliyadda iyo Hayadaha kale ee ay khusayso wixii kordhin iyo wax ka badal kale u baahan sida Mushaharka Shaqaalah Somaliland. Mustaqbalkana  Diyaarinta Miisaaniyadda ka wada shaqayn doonaan diyaarinteeda.

Golaha Baarlamaank Somaliland oo awood u leh inuu ka doodo Miisaaniyadda ayaa guud ahaan mudanayaasha Goluhu ka dib markii ay dhegaysteen warbixintii gudi hoosaadka dhaqaalahu u soo gudbisay ayay dhexgaleen inay ka doodaan oo naaqishaad fara badan ku sameeyeen iyagoo masuuliyiintii wasaaradda maaliyadda u yeedhay si wixii mad madow kaga jiro loogu iftiimiyo.

Inkasta oo ay wanaagsantahay in guud ahaan Golaha Wakiiladu ka qayb qaataan doodad iyo falanqaynta miisaaniyadda si caafimaad qabtana u naaqishaan si loo wanaajiyo habka iyo hanaanka iyo tayada Odoroska Miisaaniyadu una noqoto mid laga soo wada shaqeeyey oo leh faahfaahinta looga baahan yahay dhinacyada  Dakhliga iyo Kharashkaba laguna wada  kalsoon yahay oo guud ahaan Umadda Somaliland Raali galisa, ciddi kale ee u baahanina ku qanci karto.

Waxa nasiib darro ah oo niyad jab ku noqotay dad badan in Mudanayaashii faraha badnaa ee doodda ka qayb qaatay oo ilaa kontameeyo ku dhowaa ay madasha  ka soo ifbaxday in Mudanayaal badan la yimaadeen habdhaqan aan looga fadhiyin iyo su’aalo aan meeshaba qaban oo ay waydiiyeen Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Xuseen cali Ducaale oo runtii dadaal dheerad ah iyo wadanninmo muujiyey intii uu xilka hayey. Waxaa wax lala yaabo ah in Mudanayaal badani xadkii ka baxeen oo sulaalo aan loo baahnayn  iyo Siyaasaddii ku jiqsiidii meesha la yimaadeen. Si kastaba ha ahaatee waxaa laga sugayaa Mudanayaasha inay la yimaadaan xilkasnimo dheeraad ah oo muwaadimo ku dheehantay kana koraan caqliyadda aan cidna wanaag u soo jiidayn ee hebel ama xisbi hebel ku jiqsii iyo qaran curyaaminta ah. Ciddina ma diiddana oo waa wixii loo doortay in goluhu ka doodo wixii waajibkiisa ah laakiin iyagana waxaa looga baahan yahay dareen wadaninimo iyo cadaalad iyo inay la shaqeeyaan dawladda sidii ay balan qaadeen.

Ugu dambayntii waxaa haboon in Gudiga loo magacaabay ka soo talinta habaynta doodihii Miisaaniyaddu Cadaaladda iyo Wadaninimada ogaadaan, Golaha baarlamaankuna waa inuu qaataa taladii gudiga dhaqaaluhu u soo jeediyey oo ay Ansixiyaan Odoroska Miisaaniyadda 2006 ay Wasaaradda maaliyaddu soo diyaarisay maadaama  waddank u baahan yahay.

Dad badan ayaa wali is weydiinaya sababta keentay inaan Goluhu ka doodin  ama dadka iyo saxaafadda loo diido markay miisaaniyadooda ay doonayeen in loo kordhiyo iyagoo waliba albaabada u xidhay oo saxaaffaddana ka mabnuucay Shirkii gaarka ahaa ee ay Wasiirka Maaliyadda kaga dalbanayeen kordhinta Miisaaniyadooda  horaantii Jan. 2006.

Ugu dambayntii waxaa u baahan in la xuso in Miisanaiyaddan ay soo diyaarisay Xukuumadda Somaliland taas oo ku can baxday in had iyo jeer iyadoo ka tarjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland hore u dajisay qorshayaasha lagu soo hooyey guulaha is daba jooga ah ee qaranka Somaliland ka gaadhay dhinacyo badan. Tusaale ahaan: dhinaca Xorriyadda, Nabad galyada iyo Doorashooyinka ay ugu dambaysay tii lagu soo doortay Baarlamaankan maanta ka doodaya Miisaniyadda 2006.

Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha KMG UDUB UK

Bristol. Uk

 

Ogaysiis Muhiim ah oo ku socda dhmaan Xubnaha Gudiga Fulinta ee Xisbiga UDUB UK
 
Ku: dhamaan Xubnaha Gudiga Fulinta ee Xisbiga UDUB UK
 
 
Dhamaan Xubnaha Gudiga Fulinta ee Xisbiga UDUB UK waxaa laga codsanayaa inay ka soo qayb galaan Shir Gudiga Fulinta Xisbiga UDUB UK ku yeelan doonaan magaalada Sheffield Maalinta Sabtida 25/3/06.
 
Shirkan oo lagu falan qayn doono arrimo iyo qodobo aad muhiim u ah waxaa laga codsanayaa dhamaan Xubnuhu Gudiga Fulinta inay ka soo qayb galaan shirka.
 
Faahfaahinta Ajendah Shirka, Madasha lagu qaban doono  iyo Saacadda la qaban doono shirka iyo wixii kale ee faahfaahina dheeraad ah ee shirkan ku saabsan waxaad kala xidhiidh kartaa Xarunta Xarunta Xisbiga UDUB UK oo ah Magaalada Sheffield
MobileTel. 07886351965.
 
   
Axmed Naasir Xirsi Maxamed
Gudoomiyaha KMG UDUB UK
 
23B Brigstocke Road
St Puals Bristol BS2 8UF
Tel. 0117 9425239
 

Wasiirka Macdanta & Biyaha Somaliland oo ka qayb galay Shirkii Gudiga Fulinta UDUB UK ee lagu qabtay Sheffield.

 21 Apr. 2006

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Mudane Qaasim Sh Yuusuf Ibrahim oo dhawaan socdaal hawleed ku soo gaadhay Carriga Ingiriiska ayaa ka qayb galay shir ay Sabtidii 15/4/06 Magaalada Sheffield ku yeesheen Gudiga Fulinta ee Xisbiga UDUB UK. 

Shirkan oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ayaado Quraan ah ku furay Sh Cabdiraxmaan aw Xuseen ka dibna waxaa ka hadlay shirka Gudoomiyaha KMG ee Xisbiga UDUB UK Mudane Axmed Naasir Xirsi  oo halkaa ka soo jeediyey erayo kooban oo isugu jira soo dhawayn Wasiirka iyo Marti sharfta kaleba iyo mahadcelin ku saabsan soo dhawaynta reer Sheffield iyo Warbixin guud oo ku saabsan Xisbiga UDUB UK.

Gudoomiyaha KMG UDUB UK, mudane Axmed Naasir  waxa kale oo uu ka  waramay qiimaha booqashada wasiirku u leedahay Xisbiga UDUB UK, Ajendaha horyaalla shirkan Gudiga Fulinta, hadafka laga leeyahay dib u habaynta Xisbiga UDUB UK,  u diyaargarowga iyo hanaanka loogu talo galay in loo qabto Shirweynaha Guud oo ku beegan bisha September 2006.

Ugu dambayntii wuxuu Mudane Axmed Naasir ku soo dhaweeyey hadalkii Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Mudane Qaasim sh Yuusuf Ibrahim oo u booqasho ku soo gaadhay Xarunta Xisbiga UDUB UK ee Sheffield si uu xogogaal ugu noqday hawlaha Xisbiga UDUB UK halka ay marayaan.

Wasiirku wuxuu ugu horayntii mahad naq balaadhan u soo jeediyey Gudiga Fulinta Xisbiga UDUB UK  sida sharafta, qiimaha  iyo mudnaanta leh ee ay Xalay iyo Maantaba Magaalada Sheffield ugu soo dhaweeyeen. Intaa ka dib wuxuu  Wasiirku ka waramay ujeedada safarkiisa, Xaaladda guud ee Dalka Somaliland, Hadafka ama Yoolka ay higsanayso, Marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray iyo Horumarka ay ku talaabsatay intii Xisbiga UDUB talada hayey.

Mudane Qaasim isaga oo ka waramaya Xibiga UDUB UK wuxuu sheegay inuu maanta ka markhaati kacayo waxqabadka Xisbiga UDUB UK iyo dadaalka balaadhan iyo talaabooyinka wax ku oolka ah ee Gudiga Fulintu  ka samaysay dalkan UK. Waxa kala oo Wasiirku xusay doorkii muhiimka ahaa ee Xubnaha Xisbiga UDUB UK ka qaateen Doorashooyinkii ka dhacay dalka Somaliland.

Ugu dambayntii wasiirku wuxuu ku guubaabiyey Xisbiga UDUB UK inay halkaa ka sii wadaan xawliga iyo dardar galinta Xisbiga waxaanu u sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay inay in bulshada Somaliland isugu xidhnaato, Rag iyo Haween, isla markaana ay si wanaagsan oo waxtar u leh iyaga iyo ummadda ingiriiskaba ugu noolaadaan halkan ay joogaan dalkii hooyana gacan u gaystaan.  

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland mudane Qaasim sh Yuusuf Ibrahim wuxuu hadalkiisii ku soo gunaanaday oo uu xasuusiyey Xubnihii shirka fadhiyey inay ka mid yihiin Muwaadiniinta mustaqbalka Somaliland ku xidhan yahay sidaa darteedna idinka iyo qurba joogga kale ee Somalilandba looga baahan yahay inay u dadaal galaan Aqoonsiga dalka Somaliland. 

Waxaa kale oo iyaguna erayo kooban iyo talooyin ku saabsan isku xidhnaansha Xisbiga UDUB UK iyo Hogaanka Xisbiga UDUB sida Gudoomiyaha ahna Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale kaahin ka soo jeediyey shirka qaar ka mida Masuuliyiintii shirka ka soo qayb gashay sida Mahadi Rooble, Aniis Macalin Haaruun, Cabdiraxmaan Cawil, Cabdi Caalam, Maxamed Dheere, Cabdiraxman aw Xuseen , Axmed Like iyo Jawhari.

Mudane Daahir Tukaale oo ka socday Xafiiska Somaliland ku leedahay Ingiriiska lana socday Wasiirka ayaa isaguna shirka hadal kooban ka soo jeediyey.

Gudiga Fulintu Xisbiga UDUB UK waxay intaa ka dib guda galeen falanqaynta iyo inay go'aammo ka gaadhaan Qodobaddii muhiimka ahaa ee shirka horyaallay oo intii badnaa ay isla meel dhigeen.

Gudigu Fulintu waxay go'aamiyeen oo kale in Shir ka dambe ee gudiga fulinta la qaban doono bisha soo socota sabtida 13/5/2006 

 

Qarannews24

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Nagala soo xidhiidh: adminyurub@xisbiga-udub.com                       Xarunta xisbiga UDUB: udub@bgtinet.com

© Xisbiga UDUB, 2002

Start ] Uppåt ] Xeerarka ] War iyo Wacaal ] Isdiiwaangelin ] Ra'yiga Dadweynaha ] Doorashooyinka ] Maamulka ] Archives ] Suugaanta ] HAMBALYO ]