|
|
|
Baahida aadmigu Kolna kuma koobnayn waxyaabaha aanay la'aantood noolaan karin, sida cuntada, huradada, iwm. Intii uu jirayba meel uu joogaba, casri kasta bulshadii la arkaaba waxay lahayd fan u gaar ah oo ka muuqaalceliya dhaqankeeda. Bulsha kastana fankeeda ayaa u ah halbeeg lagu cabbiro heerka ay gaadhsiisantahay ilbaxnimadeedu, ha ahaado mid muuqaaleed oo sawir iyo qoraar ku yimaada, ama mid erayeed oo af iyo qoraal ku yimaada. Fanka Soomaalidana waxa saamayn weyn ku lahaa habnololeedka reerguuranimo ee sida tooska ah ugu xidhnaa xoolaha nool ee kolba loola hayaamo kobta ay hogoli ku hoorto. Sidaadarteed bay bulshada Soomaaliyeed ee reerguuraaga ahi uga dheeratay in ay yeelato agab cusleysa oo ka xayirta geediyada isdaba joogga ah ee afarta nur ee sannadku ku dirqiyaan. Arrintaasi waxay horseeday in ay bulshada Soomaaliyeed fankeedu u bato mid aan ahayn mid muuqaaleed oo laxaadkiisu yiahay mid suugaaneed, siiba laanta maansada oo afka laga tiriyo. Heerka ay Soomaalidu ka gaadhay maansada waxa kolkii uu ka yaabay si wacan u qeexay ninkii Ingiriiska ahaa ee wax soo cagadhiga dhulkeena ugu soo horreyey, Richard Burton: The country teems with "poets, poetasters, poetitos, poetaccios": every man has his recognized position in literature as though he had been reviewd in a century of magazines - the fine ear of this people causing them to take the greatest pleasure in harmonius sound and poetical expressions, whereas a false quantity or a prosaic phrase excite thier violent indignation. Richard Burton, First Footsteps in East Africa, p. 93 Suugaantu waxay u kala baxdaa qubane iyo maanso. Qubanuhu waa wixii hadal ah ee af laga yidhaa ama la qoro ee aan lahayn miisaan. Maansana waa wixii hadla ah ee af laga tiriyo ama la qoro ee miisaan iyo habdhac leh. Maansada qaybaha ay u kala baxdo waxa ka mid ah : gabay, buraanbur, jiifto, geeraar iyo hees. |
|
|