|
|
|
Wareysi ay Hormoodnews.com la yeelatay Madaxweynaha Somaliland Mudane Dahir Rayaale Kaahin intii uu ku sugnaa dalka Norway ayaa wuxuu ka hadlayaa arimo dhawr ah 18 June 2007 Wareysigii oo dhamaystiran waa kan: S.M/weyne ugu horeyn waxaad nooga warantaa socdaalkan aad ku joogtaan dalka Norway muxuu ku saabsanaa, maxaase idiinka suurtoobay ujeedooyinkii aad u timaadeen? J.Horta kulankayagani wuxuu daba socdaa uun kii hore, markaa waxaa jiray ballan qaadyo hore oo ay noo fuliyeen iyo weliba qoladan NORAD oo aanu ka codsanay inay si toos ah nooga caawiyaan xaga dhaqaalaha iyo weliba diplomat-ka, iyaga oo ka mid ah contact group-ka ayaanu fariintayadana gaadhsiinay,Markaa waxaan aaminsanahay anigu imaatinkayagan inuu ahaa mid aad u guuleystay. S.Ma filaysaan inay doorashooyinku qabsoomi doonaan xilligii loogu tala galay Madaxweyne, iyada oo ilaayo imika weli laysku celcelinayo xubnihii ka dhinnaa komishanka wakhtiguna uu gaabanyahay? J.Walaahay dee xilkaygii haddaan gutey anigu,ninka hortaagan ayey u taalaa, waxaan bilaabay dimuqraadiyadii imikana diyaar ayaan u ahay inaan dabada ka riixo halkaana laga sii wado. S.Hadii lagaa helo doorashada soo socota, xilka ma wareejinaysaa M/weyne, ayaadse is leedahay wuu heli karaa hadaad weydo adigu? J.Horta hadii layga helo doorashadan bilaa hadal ayan ku wareejinayaa xilka waanan u hambalyeenayaa midkuu doonaba ha ahaadee, laakin kuma odhanayo anigu cidaas ayaan la jeclahay. S.Laakin M/weyne labada gudoomiye midkeebaad isleeday xagga fikirka wad iskaga dhawdihiin ama aad isleedahay hawshiisa wuu ka soo bixi karaa? J.Walaahay run ahaantii labada nin markay tahay Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe ayaad moodaa inaanu xagga fikirka wadaagno waayo waa nin wadani ah, runtiina waxaanu wadaagnaa labadayaddu wadan-jacaylka. S.Waxaa in dhaweydba waxaa la hadal hayey arinta ururka Qaran, hadaba inkastoo aad idinku xukuumad ahaan aad tidhaahdeen sharci maaha jiritaankiisu hadana weli waxaad moodaa inay ku adkeysanayaan halkoodii iyagoo bilaabay inay Burco ka furtaan xafiis, arintaa sidaad u aragtaa? J.Adeer wey iska hadlayaan, been waliba waxay dhamaataa marka ay soo gaadho sharciyadda ,weyna iska quusan doonaan marka la gaadho tartanka axsaabta ay waayaan sharcigii ay ku geli lahaayeen tartanka, inta ka horeysana ciddii ay khaldi karaan dee ha khaldaan, laakin beentu wey iska daba gaaban tahay. S.Madaxweyne arinkii gobolka Sool xaguu marayaa, ma wada hadal ayaa idiin ka socda, ma dagaalbaad u diyaar galaysaan xagey wax marayaan? J.Walaahay arinka Sool wadadiisii ayuu marayaa wakhti ayey u baahan tahay wakhtigeeda ayaanu siini doonaa umana baahna faallo badan, dadkaana anagu marnaba ma dhibaateenayno. S.Markaa ma wadahal ayaa socda mise dagaal ayaad filaysaa inaaney ka fursaneyn M/weyne? J.Dee mayee dadka meesha degeni intooda badani wey ina taageersan yihiin, xalna way ku dhamaanaysaa isla dadka ayaana dhameen doona Insha Allah. S.Madaxweyne Warshadii simidhka ee Berbera xaguu arinkeeda marayaa? J.Warshad uun maahine warshado badan ayaanu soo wadnaa dhawaana waad maqli doontaan mashaariic iyo warshado badan oo aanu fondation-kooda bilaabi doono dhamaad................
Waxaa wareysigan qaaday C/raxman Cali Xassan , Norway.
|
Md.
Daahir Rayaale
Madaxweynaha JSL
ahna
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB
Md.
Axmed Yuusuf
M.
Kuxigeenka JSL ahna
G.
Kuxigeenka Xisbiga
UDUB
|