INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha J/S/Land iyo Madaxda Ururka Mucaaridka Mayalka Adaga ayaa Shalay Wada Hadal Yeeshay 29/5/2002

Isku soo dhawaanshaha mucaaridka iyo dawlada S/land wuxuu marayaa heer dabacsan, iyada oo laga soo gudbay heerkii hore ee hor iyo dabadiidka ahaa.

Shalay 28/5/2002 waxa guriga uu deggan yahay Madaxweynaha J/S/land fadhi ku yeeshay xubnihii mucaaradka ugu aragtida fogaa waqtigii hore ee ku baaqi jiray ololaha qabashada shir beeledka, Md. Saleebaan Maxamuud (Gaal) iyo Md. C/raxmaan Aw Cali (Tolwaa) oo dhawaan Ururkooda ASAD diiwaangeliyey. Ururka ASAD kama uu mid ahayn Ururadii Madaxweynuhu la kulmay maalintii Isniinta 27 ee ina soodhaaftay. Shirkaa labageesoodka ah waxa lagu falanqeeyey sidii loo dhawri lahaa jiritaanka JSL, doorashooyinkuna u hirgeli lahaayeen, loona xaqdowri lahaa Dastuurka JSL.

                                                                                                                             X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Guddida isku Dubaridka Deeqaha Qaramada Midoobay oo shirkoodi ugu horeeyey ku Qabsoomaya Caasimada Somaliland-Hargaysa     28/5/2002

Dareenka caalamka ee ku wajahan S/land ayaa waji cusub oo yididiilo leh qaatay. Taasina waxay ku timid markii dhab loo arkay nabadda, xasiloonda,nidaamka dawladeed ee shaqaynaya ee ka jira dalka S/land iyo wadaniyada shacbiga reer S/land ee jiritaankooda ku mitidaya.

Hotelka mansoor ee Hargaysa waxa xalay lagu qabtay kulan gogol xaadh ah ee Guddida usku duwida shirka Hay’adaha Deeqaha ee Qaramada Midoobay ee lagu qaban doono magaalomadaxda J/S/Land ee Hargaysa. Shirkaas waxa isugu iman doona Hay’adaha Qaramada Midoobay, Wakiilada Dawladaha Deeqaha Bixiya, Ururda Caalamiga ah, kuwo Goboleed iyo kuwo wadani ah.

Shirkaas waxa lagaga wada hadli doonaa hawlaha Gargaarka Somaliland/Soomaaliya, siiba dhinacyada Dibudejinta iyo horumarinta. Shirkan inta badan waxa lagu qaban jiray magaalada Nayroobi oo fadhiga hay’adahani yahay,haddase waxaa la odorosayaa inay xarumahooda ka dhigan doonaan S/land oo ay Hawlahooda ka maamuli doonaan.

Waxaanu (Insha’alaahu Tacaalaa) idiin la soo socodsiin doonaa wararka la xidhiidha shirkan caalamiga ah hadba marxalada uu marayo iyo go’aamada waxtarka inoo leh ee ka soo baxa.

                                                  Agaasimaha Xarunta Dhexe UDUB: Xuseen Aw Diiriye Maxamed

Wafdi Itoobiyaan ah (Heer wasiir) oo maanta imanaya dalka       28/5/2002

Saaxibtinamada dadywaga deriska ah ee itoobiya iyo S/land way sii xoogeysanaysaa si joogta ah, kadib markii la tirtiray curfigii nacabka soo jireenka ahaa ilaa iyo bilawgii qarnigii 15aad markii uu socday dagaalkii diineed ee boqortoyadii awdal.

Waxaanu curfigaasi bilawahaan baaba’ay markii shacbiga iyo dawladda Itoobiya ay sacabka u dhigteen maatidii ka qaxaday xasuuqii nacabkii Siyaad Barre, markaas oo aynu ogaanay, xaqiijinayna inay yihiin nasteexeena.

Maanta waxa imanaya dalka S/land wafdi heer wasiir ah oo ka socda dalka Itoobiya, waana wafdigii labaad intii kadambaysay geeridii marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Ujeedada socdaalka wafdigan iyo Haya’daha ay la kulmi doonaan dib ayaanu idiinla socodsiin doonaa.

                                              Agaasimaha Xarunta Dhexe UDUB: Xuseen Aw Diiriye Maxamed

Madaxweynaha J/S/Land Daahir Riyaale Kaahin oo la shiray lix urur siyaasadeed         28/5/2002

Doorashadii madaxweynaha dastuuriga ah ee somaliland waxay keentay shucuur wadaniyadeed oo cusub oo ay qaateen shacbiga Somaliland kadib markii uu geeriyooday madaxweyne marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxaana dhan u wada jeestay mucaarid iyo muxaafid dhamaan shacabkii reer soomaalilaand.

Doorashada madaxweynaha cusub waxay shacbiga ku baraarujisay inay dib u dhuuxaan nuxurka dastuurka J/S/Land oo tirtiray walwalkii geerida madaxweynihii hore oo shacbigani ka murugooday, cadawgase farxad geliyey iyaga oo is lahaa hadday is cunayaan, dibse candhuuftooda u liqay markii dastuurku jeheeyey jidka S/land ku socoto.

Shalay lix urur siyaasadeed oo ah kuwii hore u diwaan gashanaa oo aanay UDUB ku jirin ayaa madaxweynaha S/land shir kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada, waxayna soo ban dhigeen sida ay laab xaadhan ugu diyaarka yihiin ka qayb-galka tartanka doorashooyinka soo fool leh iyo sida ay dhinacooda ugu feejig yihiin Abaabulka ay kaga qaybgalayaan nabadda, xasiloonida iyo dhismaha wadanka.

Waxay codsadeen inay dowladdu diyaariso fursaddii doorashooyin xalaal ah oo loo tartamo hogaaminta siyaasadda dalka, lana dhamaystiro xeerarka ku saabasan doorashooyinka iyda oo la raacayo oo aan dhanna looga baydhayn ku dhaqanka dastuurka.

Madaxweynuhu dhiniciisa wuxuu balan qaaday tirtirida wixii khilaafaad ahaa ee hore u jiray iyo inuu fulinayo balan qaadayadkii qorshihiisa mustaqbalka ee ku jirtay khudbadii 18th May 2002 uu ka jeediyey fagaaraha Khayriyada, kuwaas oo ahaa:-

Ø      Wax ka qabashada cadaalada.

Ø      Cashuuraha iyo dekadaha.

Ø      Maamulka oo la gaadhsiiyo dhamaan xadka Soomaalilaand.

Ø      Adkaynta midnimada shacbiga Soomaalilaand iyo

Ø      Itijaaha Soomaalilaand ku gaadhayso aqoonsi buuxa.

 Ugu danbayn waxaa shirkaa ka dhacay kaftan tilmaamaya isu calool xaadhnida raggii siyaasada ku kala shakisanaa. Waxana shirku ku xidhmay balan qaad ah wada shaqayn iyo ilaalinta jirtaanka Somaliland oo mustaqila ah.

                                                                Agaasimaha Xarunta Dhexe UDUB: Xuseen Aw Diiriye Maxamed

Madaxweynaha JSL oo Casho ku Qaabilay Xubno ka Socda Kongarayska Maraykanka        27/5/2002

Madaxweynaha JSL Md. Daahir Riyaale Kaahin, ayaa xalay casho gurigiisa ugu sameeyey xubno ka socda aqalka Kongaraysaka Maraykanaka oo socdaal xaqiiqo raadis ah ku marya Geeska Africa, oo shalay soo gaadhay Hargeysa, magalomadaxda JSL.

Waxana wehelinayey xubnaha ka socda kongarayska saraakiisha u qaabilsan arimaha Somaliland /Soomaaliya Safaarda Marykanka ee ku taala Nayroobi. Wuxuunua madaxweynuhu uga waramay cashada ka hor marxalada uu dalku maryo iyo sidii ay wax ugu qabsoomeen dalka Somaliland.

Wuxuuna madaxweynuhu ka codsaday in ay kaga war geeyaan in ay dawladdaa Maraykanku garb ka siiso JSL hawgalka doorashooyinka ku soo fool leh.

                                                                                                                            X. X. Dh. UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi 

Wasiirka Caafimaadka Md. Xasan Ismaaciil oo ku Qaabilay sheekh wafdi ka socda hay'adda SOS    26/5/2002   

Wasiirka wasaarda Caafimaadk JSL, Md. Xasan Ismaaciil oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxial Md. Xasan X. Maxamuud iyo ku simaha Guddoomiyaha Degmada sheekh Md. Cabdi Carte, ayaa kula kulmay magaalada sheekh wafdi ka socda hay’adda SOS ee dib-u-dhiska ka wada  magaalada sheekh .

Wafdiga ka socda SOS waxaa hogaaminayaa Mr. Wiliam Huber oo uu socdaalkaas ku wehelinayey Mr. Tomy, iyaga oo u socda sida ay ula socon lahaayeen halka ay marayso hawsha SOS gacanta ku hayso ee ka socota dugsiga Sheekh.

                                                                                                                             X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Maamulka UDUB ee Woqooyiga Yurub oo ku Shiray Magaalada Oslo    24/5/2002

Maalintii Axaddii, 19-kii May ee ina soo dhaaftay ayuu kulan ku yeeshay magaalada Oslo, Norway maalmulka UDUB ee dalalka Woqooyiga Yurub. Waxa ka soo qaybgalay shirkaa xubna ka kala socday Sweden, Denmark, finland iyo Norway. Ujeedada Shirkaas oo ahayd in la abuuro xudun dhexe oo laga wada ambaqaado, islamarkaana la adkeeyo wada shaqaynta iyo xidhiidhka guud ee xisbiga meel uu ka furanyahayba, gudo iyo dibadba.

Guddoomiyayaasha UDUB ee ka socday dalalkaa Woqooyiga Yurub waxay wadajir ugu gudbinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin Hambalyo ay uga sidaan dhammaan xubnaha xisbiga ee deggan dalaka ay ka kala yimaadeen. Islamarkaana waxay u riyaaqeen sida xilkasnimada ah ee uu Madaxweynuhu u gutay hawshiisa muddada yar ee uu xilka hayey, isaga oo raacaya dastuurka gundhigga u ah xeerka JSL. Waxayna intaa ku dareen in ay siinayaan taageero buuxda, diyaarna u yihiin in ay waajibaadkooda qaranimo u gutaan sida ugu habboon ee karaankoodu yahay.

                                                                                           Cismaan Xuseen Abokor: Isuduwaha UDUB ee Yurub  

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo loo dhaariyey Xilka Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland    23/05/2002

Madaxweyne ku-xigeenka J/sl. Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay 22/05/2002 si rasmiya loogu dhaariyey xilka jagada Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada S/land.

Madaxweyne kuxigeenka cusub ayey labada gole (Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada) ku dhaariyeen Madaxweynaha hortiisa.

Madaxweyne kuxigeenka Dastuuriga ah  waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamada sare, waxaana lagu magacaabay Wareegto uu soo saaray 15-kii bishan May Madaxweynaha Dastuuriga ah Md. Daahir Riyaale Kaahin oo wareegtadaa uu ku magacaabay gaadhsiiyey isla maalintaasba Golaha wakiilada si loo soo ansixiyo. Kadib ansixinta, Madaxweyne kuxigeenku wuxuu si rasmiya u bilaabay hawshiisa qaran.

                                                                                                                             X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Xuskii 11aad ee Gooni Isu-taaga S/land    20/05/2002

Xuskii 11-aad ee Sannadguurada gooni-isutaaga Jamhuuriyadda S/land ayaa 18/05/2002, si weyn looga xusay dalka S/land. Guud ahaan magaalooyinka dalka. Tani waxay ku soo beegantay wadanka iyo bulshada reer Somaliland oo u fadhida tacsidii geeridii ku timi Madaxweynihii hore ee JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Md. Dahir Riyaale Kaahin ayaa khudbad xanbaarsan macno badan ka jeediyey fagaaraha weyn ee Khayriyadda magaalomadaxda Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad aad u badan oo ka soo qaybgalay dabbaaldegga iyo faraxada xuska gooni-isutaagga Jamhuuriyada Somaliland. Muusikada astaanta calanka qaranka ayaa ahayd mid aad looga dareemayey dhamaan magaalomadaxda tan iyo habeenimadii 18-ka May. Dad isugu jira caruur, dumar, dhalinyaro, wayeel iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ah ayaa isugu soo baxay xaafadaha, suuqaq waaweyn iyo jidadka magaalomadaxda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa khudbad balaadhan ka jeediyey halkaa, waxayna xanbaarsanayd macno balaadhan oo huwan dulucyo badan, guud ahaanna shan qodob taabanaysay. Khudbadan oo ahayd khudbadii ugu horeesay ee Daahir Riyaale u jeediyey Dadweynaha tan iyo intii uu noqday Madaxweynaha Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, waxay ka koobnayd Qodabadan:

1.      Wax ka qabashada Cabashada Dadweyanaha ee xagga Garsoorka, isaga oo shacbiga ka codsaday in aanay iyagu dhiirigelin caddaalad darrada oo aanay laaluush ku bixin dhiirigalinta cadaalad xumada.

2.      Inuu hubinayo hab-sami u socodka cashuuraha kastamada, iyo dekedaha, waxaanu ganacsatada reer S/land ka codsaday inay bixiyaan cashuurta, kuna hubsadaan khasnadda Ummadda.

3.      Inuu samaynayo xisaabtan lala xisaabtamo qofka xilka ummadda u haya.

4.      Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u booriyey Guddiga Doorashooyinka iyo Golayaasha Qaranka si ay sharcigan u dhamaystiraan suura-galinta nidaamka Doorashooyinka iyo xeerarkooda oo ay degdeg u soo saaraan.

                                                                                                                             X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay ninka u qaabilsan arrimaha siyaasadda ee Somlaliland iyo Somaliya safaaradda Maraynkan ee Nayroobi       16/05/2002

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay u qaabilsan arrimaha siyaasada Somaliland iyo Somaliya Safaarada Maraykan ee Nayroobi Mr. Glenn S Warren

Kulankaas oo ahaa isbarasho iyo is xogwaraysi, ugu horrayntii Mr. Warren waxaa uu Madaxweynaha ugu hambelyeeyey xilkan loo dhiibay wuxuuna uu u rajeeyey in uu halkii ka sii ambaqaadi doono joogtaynta nabadgelyada iyo dagananaanshaha Somaliland ka  jira. Madaxweynuhu wuxuu uga mahad celiyey tacsi uu uga siday waaxda arrimaha debada ee Maraykanka (State Department).

Madaxweynaha oo ka waramay dhinacyo badan, wuxuu u taabtay dhibaatada xayirnaanta xoolaha  ka haysata JSL oo ah laf dhabarta dhaqaalaha. Marxalada kalaguurka ah oo uu sheegay in hawl-galku yahay sida uu ina farayo Dastuurka Qaranka oo shacabku ugu codeeyey 97%, lagagana bixi doono marxaladan. Wuxuu warsaxaafadeedkan ka soo baxay madaxtooyadu intaa ku daray in xidhiidhka labada dhinac uu ahaan doono mid joogto ah. Waxaa kale uu Mr. Werren la kulmay shirguddoonka Golaha Guurtida ee Somaliland oo ahaa xogogaal u noqoshada xaaladaha kala duwan ee Somaliland.

                                                                                                                             X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Md. Axmed Yuusuf Yaasin Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland u magacaabay  16/5/2002

Maant 16/5/2002, Madaxweynaha Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Daahir Riyaale Kaahin ayaa Xeer Madaxweyne ugu Magacaabay Mudane Ahmed Yusuuf Yaasiin Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland. Md. Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu ka mid yahay Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada S/land, islamarkaan waa xubin ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga UDUB.

Arrinta Magacaabista Madaxweyne ku-xigeenka magacaabisteeda waxa iska leh Madaxweynuha oo kala soo baxaya Golaha Wakiilada sida ku cad Dastuurka Jamhuuriayda S/land. Kadibna waxa ansixintiisa la hor dhigi doonaa labada Gole (Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada) oo wada jir ah.

                                                                                                                             X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Xaashee nin libin kaa xistiyey xumahii waa yaabe!    16/5/2002

Warqaddani waxay ka jawaabaysaa wareysigii BBC-du la yeelatay Cabdirisaaq X. Xuseen 4 May 2002 ee ku saabsaanaa Madaxweynaheeni geeriyooday Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim. Maa daamo aanu marxuunku u jawaabi karin Alla ha u naxariistii, waxay ila noqtay in aan erayo ka celiyo aflagaadadii ninkaa.

 KU: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Diin iyo Caado ahaanba Soomaalidu way ka caagantahay in ay maydka xumo ka xusto. Adiguna, caloolxumadaada hafar iyo abaalkadar baad ku sagootiday Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim. Haddii aad dhamcada naareed dhinacaaga uga tudhayso, adduunweynahaa ka marag ah in uu lahaa libinta midnimadii Soomaaliyeed. Adiguna meel daran baad ka riday, welina aad u alwaneyso habila’aantaada.

Xusuus gaabnidaada waxaad ku xamatay Marxuunka, qabiiliista gobolaysiga jecel in uu ahaa. Nasab ma aha ninka taarkhiida been ka sheegaa, ee ma waanu dharaar cad shuruudli’i ku guddoonsiin gobanimadii dalkiisa iyo qarankiisa, ballankuna ahayn saddexda maqan aan soo hooyno. Ma wax gobonimo ka weyn oo ifka la isu quudhi kara jira? Haseyeeshee, qofna wuxuuna ehel u ahayn ma hanan karo. Saddex aad soo hooyso daayoo, ma waadan dhex dhigin labadii qudh ahaa dakano iyo colaad aan abidkeed damayn. Ma waxa qabiiliista gobolaysiga jecel ah ninka gobonimadiisi kuu horay, mise adiga cabashadoodii badradda ku jawaabee yidhi, “Gar yare woqooyi, siijeedka ayaaba ku qurux badantihiin.”

 Maydcanbbaareeyow, waxaad marxuunka ku dambaabtay in uu madaxnimada jeclaa oo aanu rabin in uu kursiga ka dego. Lilaahiye, ma adaa kursiga hadyad u bixiyey, mise haneeyey? Miyaadan weerayn tan iyo maalintii uu kursiga kaa qaaday? Ma waanay daabaqad abidkaa kugu taal kugu noqon maahmaahdii uu kugu ladhay, kolkii uu kugu tilmaamay dhoobigii isa siiyey geel uu raaci jiray ee goortii raggii geela lahaa kala wareegeen ku dambeeyey Odeygeeliiba’ay. In ay maahmaahdu kugu qandoodo waxa u daliil ah waa taa gocashadu kaa indhasaabtay arrimihii dhaqankeena ka caaganaan jiray, hurgumaduna ku socoto.

Xasad laga roon ee waxaad ku baaqday in xadhigii reernimo loo xidhay uu magac kaga helay dadkiisii. Ma siyaasi Soomaaliyeed oo aan Marxuun Maxamed ahaynbaa xadhig ka doorbiday in uu dalka ka baxsado. Ma waanu geesnimo iyo adkeyso la rabac ahayn geesiga Mandella. Adiguse sidii aad maalintii lagu haleelay  jaanta u wadhay waa adigaa waageeninimo ku fadhiya dagal shisheeye. Isna maanta waxa la buddhigay isaga oo Madaxweyne ah oo hagoogan sharaftii dalkiisii iyo dadkiisiiba, kumanyaalna ka soo qaybgaleen aaskiisi. Sidaas buu ifka milgo iyo maamuusba ku dheeraa, aakhirana kaa darajo roon ninyow maydka xantaay.

                                                                                         Cismaan Xuseen Abokor,    Isuduwaha UDUB Yurub

Shir ay ka soo qayb galeen Hay'addaha dawladda iyo Hay'addaha Samafalka oo lagu soo gabagabeeyey Hargaysa   16/5/2002

Shir hawleed muddo laba maalmood ah socday oo lagu qabtay Huteelka Mansoor, ayaa xalay fiidkii la soo gabagabeeyey.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Qorshaynta, dib-dejinta iyo Hay'addaha UNDP, iyo UNHCR oo ay ka soo qayb galeen in ka badan lixdan qof oo ka kala socday hay'addaha dawlada, Hay'addaha Qaramada midoobay, Ururuda Bulshada, kuwa wadaniga ah ayaa ajendah shirku wuxuu mid buuxda loogu falan-qeeyey sidii qorshe wax qabad loogu samayn lahaa dadka dalka ku soo laabanaya iyo kuwa barakacsan ee meel la'aadka ah.

Shirkan waxaa xudun u ahaa qoraal ay soo diyaarsay Hay'adda UNDP oo ahaa Qorshe loogu talogalay dadka soo laabanaya iyo kuwa barakacsan. Qorshahan oo aad u ballaadhnaa kana taabanayeyna dhinacyada dhaqaalaha, kaabayaasha nolosha aasaasiga ah, horumarinta deegaanka, kordhinta fursadaha shaqo iyo dhaqaalaha iyo dhinacyada shaqo abuurista ee arrimaha bulshada. Shirkan waxa soo xidhay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Axmed Xasan Caafi.

                                                                                                                             X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

18 Arday oo Somaliland ah oo waxbarasho jaamacadeed u tegaya dalka Masar    12-05-2002

Sideed iyo toban arday oo dhammaystay tacliinta dugsiga sare ee Somaliland, isla markaana ku guuleystay deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah oo ay dawlada Masar ku caawisay dalka Somaliland.

Waxa lagu wadaa in Maalinta Salaasada dalka ka ambabaxaan si ay Jimcaha diyaar ugu ahaadaan dalka Masar, ardaydan oo fiisayaashoodii iyo Tigidhadoodiiba ay u soo dirtay dawladda Masar. Ardaydu waxay isugu jiraan 12 wiil iyo 6 gabdhood oo intuba dhammaysteen tacliinta dugsiga sare ee dalka S/land.

Warkan oo ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada, wuxuuu intaa ku daray in tani ay tahay dedaal dheer oo ay Wasaarada Waxbarashada ee S/land ugu jirto sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada Waxbarsho ee dalka.

                                                               X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Somaliland oo shaaca ka qaaday in la qaban doono doorashooyinka dalka                     9-05-2002

Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland, MD. Daahir Riyaale Kaahin ayaa shaaca ka qaaday in la qaban doono doorashooyinka dalka siddeedda bilood ee soo socda mar uu u waramayey wakaalada wararka ee AFP.

Warkan oo laga sii daayey idaacada Itoobiya,  Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey in muddadaa siddeedda bilood ah la qaban doono doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka iyo doorashooyinka baarlamaaniga ah. Wuxuu intaa ku daray in la raaci doono dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

                                                               X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Taariikhnololeedka Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim    5-05-2002

INAA   LILAAHI   WA   INAA   ILEYHI   RAAJICUUN

 

EEBBE NAXARIISTII JANNO HA SIIYO, QOYSKII IYO SHACBGII UU KA GEERIYOODAYNA SAMIR IYO IIMAAN ALLA HA KA SIIYO         

Marxuunka, Madaxweyne Maxamed wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne 1929, wuxuuna ahaa curadkii Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xaajiyo Khadiija Muxumad Kuluc.

Maxamed wuxuu guursaday Caasha Siciid Caabi 1946, waxayna u dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Marxuunku dhowr dumar ah buu guursaday, haddase wuxuu qabay Kaltuun Xaaji Daahir. Dugsiga hoose iyo ka dhexe wuxuu ku dhigtay magaalada Sheekh. Dugsiga sarana wuxuu ku qaatay dalka Sudaan, magaalada Kharduum. Tacliinta sare wuxuu ku qaatay dalka Ingiriiska.

Kadib markii uu ka soo laabtay Ingiriiska wuxuu toos ugu biiray xarakadii siyaasiga ahayd ee gobonimodoonka ahayd ee ka socotay Maxmiyada Somaliland. 1956 ayuu xoghaye ka noqday xisbigii SNL laanta Berbera. Kadibna waxa loo doortay xoghayaha guud ee xisbiga SNL, jagadaasna wuxuu hayey 1958 -1960.

Kolkii xurriyadda ay qaadatay Somaliland 26-kii Juun ayuu Maxamed ka noqday Ra’iisalwasaarihii u horreeyey dalka Somaliland, afar cisho kadibna shacbiga reer Somlailand waxay u hureen xurriyadaa ku joogtay naf iyo maalba isutagga shanta somaliyeed, Md. Maxamedna sidaas buu ku wareejiyey mansabkii ku qaaliga ahaa isaga oo maamuusaya go’aanka dadkiisa, sidaas bayna ku unkantay dawladii la odhan jiray Somaliya. Reer Somaliland iyo Maxamedba may helin abaalkoodii, waxana laga dhigay wasiirka difaaca, jagadaas oo uu hayey 1960-1962. Kadibna waxa laga dhigay wasiirka tacliinta 1962-1963. Marxuunku kolkii uu ka aayawaayey ayuu iska dhiibay jagadii wasiirnimada, isuna diyaariyey in uu mucaarid noqdo.

1963 ayaa niman uu ka mid ahaa aasaaseen xisbigii mucaaridka ahaa ee SNC. 1964 ayaa mar labaad loo soo doortay baarlamanka, wuxuu noqday hoggaamiyaha garabka mucaaradka tan iyo 1963-1965. Kadibna wuu iska casilay jagadii mucaaradnimada ahayd oo wuxuu ku biiray xisbigii dalka xukumayey ee SYL 1966. Kol su’aal laga weydiiyey marxuunka wuxuu ugu biiray xisbiga mucaaridka ah wuxuu ku ku jawaabay, "Abeeso haddii aad dili kari weydo godkeedaa loogu galaa." Muddo aad u kooban gudaheed buu ku guuleystay marxuunku in uu maamulka sare ee xisbiga ka qaybqaato, 1967 madaxweyne Cabdirashiid ayaa u doortay ra’iisalwasaare. Jagadaas oo uu hayey ilaa intii doorashadii 1969-kii laga gaadhayey. Md. Cigaal si weyn buu ugu guuleystay in uu soo saaro baarlaman hal diidan lahayn laga soo bilaabo Saylac ilaa Kismaayo. Mar labaad baa loo dhaariyey jagada ra’iisalwasaaranimada 1969, taas oo uu hayey muddo aad u gaaban, kolkii afgambi milatari uu ku qabsaday dalka dikta’atoorkii Maxamed Siyaad, 21 Oktoobar 1969.

Siyaad Barre markiiba xabsiga ayuu ku riday Marxuun Maxamed oo uu ciil qabiil iyo mid qudheedba u qabay. Wuxuuna xabsiga ku jiray tan iyo Oktoobar 1975-kii. Juulay 1976 ayuu Siyaad Barre u magacaabay Danjire Soomaalida u fadhiya dalka Hindiya, kumase raagin ee Oktoobar isla sannaadkaasba Siyaad Barre uu ka qaaday jagadii. Inkasta oo loo degay Maxamed oo lagu yidhi uu ku xidhiyaa haddii aad soo noqoto, dheg uma jalaqsiin wuxuuna yidhi, “Dalka uga tagi maayo, wax kasta  oo dhacaya.” Sidaas buu ku laabtay geesigu isag oo u badheedhaya xabsi iyo dhibba. Sidaas baan lagu xidhay Md. Maxamed oo uu qul keligii ku jiray lix sannadood. Waa arrin aad u adag in qof Aadan ku abtirsadaa ka soo doogi karo jidhdilkaas oo kale. Wuxuuna ku jiray halkaas tan iyo Feeberwari 1982-dii. Kadib markii la sii daayey waxa loo dhiibay Rugta Ganacsiga oo uu hayey muddo aad u gaaban.

Bishii May 1993 ayaa magaalada Boorama loogu doortay madaxweynaha Jamhuuriyada Somalailand. Wuxuuna hayey jagadaa tan iyo maalintii uu geeriyooday, 3 May 2002. Marxalado badan oo adag buu ka soo gudbiyey Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuun soo gaadhsiiyey in uu afti qaado ay ku taageerayaan gooni isutaagooda kuna ansixnyaan dastuurkooda.

Maxamed wuxuu ahaa nin han weyn oo u hawlgala wuxuu damco, kolka uu gaadhana hanan kara. Marxuunku wuxuu ahaa nin deeq badan uu maalkiisa u hora danta qaranka. Wuxuu ahaa geesi aan cabsida aqoon una dirara wuxuu rumeysan yahay. Alla ha u naxariistii wuxuu ahaa nin sabir leh uu dhibka dulqaad u leh. Shacbiga reer Somalilandna waxa geeriyooday halyey ay ku hiran jireen kolka ay arrintu ribbato.

Xoghayaha Guud UDUB oo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh    4-05-2002

Xoghayaha Guud UDUB, isaga oo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timi Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland Md. Maxamed X. Ibraahim Cigaal, isaga oo ku hadlayaha Magaca Golaha dhexe, Guddiga fulinta, shaqalaha xarunta dhexe ee UDUB iyo kiisaba wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland, Xubnaha iyo taageerayaasha dhammaan Xisbiga UDUB, ku-xigeenka Guddomiyihii UDUB, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday isaga oo uga tacsiyadeenaya geerida Marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Madaxweynihi J/S/land, Guddoomiyhii Xisbiga UDUB.

Waxaanu Ilaahay uga baryeyaa inuu janadii ka waraabiyo inta uu u tacsiyadeeyeyna Samir iyo Imaan ka siiyo. Shacbiga S/land geerida Awgeed waxaan ugu baaqayaa Nabad, Xasilooni, midnimo, iskaashi, wada jir iyo inay ku mitidaan Jirtaank Jamhuuriyada S/land.

Nabadu waa Nolosha

Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

Xoghayaha Guud UDUB.

Md. Daahir Riyaale Kaahin oo loo dhaariyey Xilka Madaxweynaha J/S/land    4-05-2002

Hiil waxa u ah madaxweyanaheenii aynu jeclayn inaga oo midnimadeena iyo
wadajirkeena sideeda u haysana, dalkuna sharci buu leeyahaye aynu ilaashano.

Waxaa shalay 03/05/2002, galabnimadii loo dhaariyey Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Madaxweyne ku-xigeenkii hore Mudane, Daahir Riyaale
Kaahin ka dib markii dalka Koonfur Afrika uu ku geeriyooday Madaxweynihii
Jamhuuriyada Somliland, Marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Waxa xilkan u dhaariyey Madaxweynaha Cusub ee Md. Daahir Riyaale Kaahin ku
simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Shawqi Cilmi Cali, ka dib markii ay
shir degdeg ah oo ka dhacay guriga Madaxtooyada ay isugu yimaadeen
shirguddoonada Saddexda gole ee Golayaasha Qaranka S/land, waxana shirkaas
lagu go'aansaday:

In Md. Daahir Riyaale Kaahin loo dhaariyo jagada Madaxweynaha S/land. sida
uu dhigayo Dastuurka Qaranka S/land.

In Madaxweynaha lagu aasi doono magaalada Berbera, gaar ahaan agaagarka
xabaashii abihii Marxuum X. Ibraahim Cigaal.

In Muddo Todoba cisho ah quraan loo akhriyi doono, lana xuso Madaxweynaha
Geeriyooday.

Madaxweynaha J/s/land ee xilka loo dhaariyey Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa u
diray tacsi dhammaan shacabi weynaha reer S/land meel kasta oo ay googaan,
waxaanu ka codsaday inay u duceeyaan Madaxweynaha Geeriyooday oo maanta duco
inagu leh.

waxaanu intaa raaciyey, hiil waxa u ah madaxweyanaheenii aynu jeclayn
inagoo midnimadeena iyo wadajirkeena sideeda u haysana, dalkuna sharci buu
leeyahay aynu sharcigaas wada ilaashano.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Taariikhnololeedka Madaxweyanaha Cusub ee J/S/land  4-05-2002

Mudane, Daahir Riyaale kaahin oo hada loo dhaariyey Madaxeynaha J/S/land wuuxu ku dhashay 1952kii meel u dhaxaysa magaalooyinka Qolujeed iyo Boon oo ka tirsan degmada Boorama.

Waxa uu ka galay malcaamada quraanka Qulujeed 1957 kii ilaa 1960kii, dugsiga dhexe ee dhayga baarama 1962kii ilaa 1966kii. Dugsiga sare ee Camuud 1973 kii ilaa 1974kii.1974kii Xalane iyo shaqo qaran. 1974-1975 kii tababar sarkaal nabadsugidda ah ayuu dhammaysatay.  

Waayo’aragnimada shaqo waxa uu ka soo shaqqeyaye gobolada nugaal, sool , sanaag , waqooyi galbeed,  oo uu ka shaqaynayey afar sanno iyo badh. Wuxuu Hargeysa ka noqday madaxa socdaalka gobolka waqooyi Galbeed.

1982 kii ilaa 1983 kii waxaa uu noqday xoghayaha koowaad ee safaaradii soomaliya ee Jabuuti. Darajadii ugu danbaysay e uu gaadhay waxay ahayd gaashaanle dhexe oo ciiddanka nabadsugida ah.

1991-kii waxaa uu ka qaybgalay shirkii lagula soo noqday xornimada S/land. 1991-kii ilaa 1992 kiii badhasaab ayuu ka ahaa gobolka Awdal. 1992-kii ilaa 1997-kii wuxuu ka shaqynayey nabadgelyada iyo isu soo dhawaynta beelaha Somliland. 1997 waxaa loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada S/land. Iminkana waxaa loo dhaariyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Jaaliyadda Reer Somaliland ee deggan Woqooyiga Yurub oo tacsiyadaynaysa Shacbiga Somaliland   4-05-2002

Haddii aannu nahay Jaaliyadda Reer Somlailand ee deggan dalalka Woqooyiga Yurub waxaan ka tacsiyadaynaynaa qooyskii Madaxweynha iyo dadka Reer Somalailand ee uu ka geeriyooday Madaxweynihii JSL, Md. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaannu eebba u baryeynaa in uu u naxariisto kana waraabiyo Jannadiisa.

 Aamiin….Aamiin….Aamiin

Madaxweynhu wuxuu ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika, dhakhtar lagu daweynayey oo ku yaala magaalada Pretoria, maalintii jimcihii – 3 May, 10-kii subaxnimo.

Eebbe samir iyo iimaan ha inaga seeyoo dhammaanteen, isaga Jannadii ha ugu deeqo.

 Aamiin….Aamiin….Aamiin

 

Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

[ "Somaliland was no longer just a collection of clans but a nation in its own right".]

The Biography of his Honorable Excellency President Egal

His Honorable Excellency Mohamed Haji Ibrahim Egal; senior Somaliland Politician was born in 1928, son of Haji Ibrahim Egal and Hajia Khadija Mohamed Osman; married Asha Saeed Abby in 1946 with three sons and two daughters. Educated Koranic School, Sheikh intermediate School, and higher education in the United Kingdom; in 1956 he became the Secretary of Somali National League (SNL) Party at Berbera branch; then Secretary General of Somali National League (SNL) Party in 1958 – 1960.

Prime Minister of Somaliland in 1960; after the former British Somaliland Protectorate which merged with the former Italian Somalia and formed Somali Republic. He became Minister of Defence of the former Somali Republic in 1960 – 1962, Minister of Education in 1962 – 1963; resigned from the cabinet in 1963.

Then formed Somali National Congress (SNC) Party in 1963; re-elected to parliament in March 1964; Leader of Parliament Opposition 1963 – 1965; resigned the leadership from the Parliament Oppostion in 1965; became member of Somali Youth League (SYL) Party in 1966; Prime Minister and Foreign Affairs, of former Somali Republic in 1967 – 1969; in detention following military coup in October 1969, released October 1975; appointed Ambassador to India in July 1976, rearrested in October 1976, released in February 1982; appointed Chairman: Chamber of Commerce, Industry and Agriculture. Elected as a President of the Republic of Somaliland in May 1993, due to the state of national emergency he stay on in power until 1997, re-elected in early 1998 for five more years in the office until June 2002, President offered to resign in 1998, but the parliament refused to accept his resignation.

Egal now married Kaltun Haji Dahir (The First Lady). His Excellency speaks fluently Somali, Arabic and English; Leisure Interests : golf, reading and films.

Here are some of his the most an emotional and highly charged speeches, Interviews, Press conferences and Press Releases :-

[ "The issue is not a power struggle between me and Abdulkassim. I’m 70 years old and I’d like to give up this post, but I won’t run away ".]

Nita Bhalla from the BBC interviewed His H.E President Egal on 13th November 2000 in Addis-Ababa.

[ "We will not bring to Mogadishu the sovereignty of Somaliland as a gift as we did last time (1960 unification) and I advise you Somali leaders to get the short-sighted believe that Somaliland and its population can be subjugated again from your minds." ]

H.E President Egal’s speech on the occasion of the opining of a new building for the Somaliland Parliament on 24th January 2001 in Hargeisa.

[ "We have never been citizens of Somalia because we joined willingly with Somalia in 1960 and formed the State of the Somali Republic to be the basis for a Greater Somali State. This dream is dead and we have regained our Sovereignty ".]

His H.E president Egal meeting with the Executive Secretary of IGAD and Representative of EU on 26th January 2001 in Hargeisa.

["We are not invisible, we are here, we are functioning, and we are doing very well ".]

Roger Hearing from the BBC interviewed His H.E President Egal on 5th February 2001 in Hargeisa.

[ "Our history and our identity have completely disappeared from the world for 30 years. And now we are telling the world that there is a country called Somaliland ".]

Dr. Bob Arnot from NBC interviewed His H.E President Egal on 18th May 2001 in Hargeisa.

[ "If the world tries to force us it will creat an instability. We would rather fight Somalia than go back ".]

Dr. Bob Arnot from NBC interviewed His H.E President Egal on 18th May 2001 in Hargeisa.

[ "If the International Community failed to recognize Somaliland, We have no atomic bomb to explode but we will continue to exist".]

Press Conference held His H.E President Egal on 2nd June 2001 in

Hargeisa.

[ "Somaliland was no longer just a collection of clans but a nation in its own right".]

Press Conference held His H.E President Egal on 4th June 2001 in Hargeisa.

Compiled by :- Omar Hussein Yusuf

United Kingdom.

Madaxweynaha JSL oo ka qaybgalay xuska maalintii xuriyada Koonfur Afrika    29/04/2002

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo ku guda jiray booqashadii ay ku joogeen dalka koonfur Africa ayaa maalintii sabtidii ka qaybgalay dabbaaldeggii xornimadii dalka Koonfur Afrika oo ah xuskii ugu horreeyey tan iyo intii ay nidaamka dimuqraadiga ah qaateen.

Madaxweynaha iyo Waftiga uu hoggaaminayey waxa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Koonfur Afrika oo ku qaabilay aqalka loo yaqaan “Union Building” ama aqalka Xornimada Koonfur Afrika. Waxa kale oo waftigu la kulmay Duqa Caasimada Pretoria, oo la yidhaahdo Tather Mkhatshawa iyo Mr. Mbhazima Shilowa oo ah Badhsaabka Gobolka Gauteng oo ah gobolka xudunta u ah dhaqaalah Koonfur Africa.

Qaabilaadan iyo kulamadan waxa ka horreeyey, kulamo iyo soo dhaweyno badan, maalintii waftigu uu gaadhay dalka Koonfur Afrika, calank Jamhuuriyada Somalilandna wuxuu ka hor ba’banayaa hudheelka Shereton ee ka Soo horjeedka Aqalka Madaxtooyada Koonfur Afrika.

Madaxweynuhu wuxuu fariin Hambalyo Xanbaarsan u diray dadka dalka Koonfur Africa taas oo lagu qoray Warbaahinta dalka Koonfur Africa.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

SHIR BALLAADHAN OO KA DHACAY XARUNTA XISBIGA UDUB    29/04/2002

Shir balaadhan oo lagu qabtay xisbiga UDUB, oo ay ka soo qayb galeen Guddida Fulinta xisbiga, iyo  golayaasha  Qaranka ee golaha dhexe xisbiga. Waxaana lagu falaanqeeyey wax qabadkii xisbiga muddii uu jiray iyo istiraatijiyada mustaqbalka ee uu higsanaayo.

 Waxaa war bixin balaadhan halkaa ka soo jeediyey Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo uu kaga waramay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, dhaqaalaha, wacyi galinta, halkay marayaan hawlaha xisbiga ee gobolada dalka iyo Aaga dibada.

 Kadib doodo iyo falaanqayn dhaadheer waxaa la go’aansaday :-

 v     In laysu diyaariyu sida xisbigu Doorashada soo socota ee muhiimka ah ugaga qayb geli lahaa.

v     Sidii laysu diyaarin laha Qabashada shirkii golaha dhexe ee xisbiga oo la qaban-doono badhtamaha bisha June. 

v     Sidii loo xoogayn lahaa hawlaha xisbiga ee ka socda gobolda Dalka iyo Aagaga dibada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha waci-galinta.

Waxaa loo balamayaa kulan wada tashi  oo dhicii doona dhamaadka bisha May oo u noqon doono asaas shirka Golaha dhexe ee xisbiga ee la qaban qaabin doono bish June badhtankeeda kaaso la filaayo in ay ka soo bixi doono go’aamo waxku’ool ah oo la xidhiidha hawsha xisbiga ee mustaqbalka.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Madaxweynaha JSL iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Koonfur Afrika      24/04/2002

Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika. Waftigaas oo isugu jira Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Arrimaha Dibada, Guddoomiyaha Baanka JSL  iyo xubno kale ayaa saaka, 24 Apr. 10:30 ka ambabaxay madaarka Hageysa, halkaas oo si weyn loogu sii sagootiyey.

Madaxweynuhu wuxu u tagay dalkaa hawl qaran, iyada oo aan la sheegin inta uu qaadanayo socdaalkiisu. Booqashadani waxay la xidhiidhaa iskaashi  siyaasiyeed ee ka dhexeeya labada dal. Tiro ahaanba laba jeer oo hore ayuu wafti Somaliland ka socdaa ku tagay booqasho dalka Koonfur Afrika. Koonfur Afrikana waxay u soo diratay JSL guddi goob joog ka noqotay Aftidii Dastuurka ee loo codeeyey.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Isu-duwaha Cusub  ee Hawlaha Aadanimada ee  Somaliland/Somaliya oo booqasho Ku Yimid Hargeysa   21-04-2002

Isuduwaha Arrimaha Aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaaliya, isla markaana ah wakiilka Hay’adda UNDP Somaliland/Somaliya, Mr.Mexwell John Gaylard, ayaa shalay booqashadii ugu horreysay ku  yimid Caasimadda Hargaysa,

Isuduwahan cusubi wuxuu  la kulmi doonaa inta uu joogo  Madaxweynaha J/S/land iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda S/land mudada labada cisho ah ee uu Joogi doono, sidaa waxa caddeeyey war ka soo baxay xafiiska WFP ee Hargeysa.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Madaxweyne Cigaal oo hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Taymuurta Bari  20 -04-200 

Madaxweynaha J/s/land. Mudane, Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa Dhanbaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cusub ee Dalka Taymuurta Bari oo ah Madaxweynihii ugu horreeyey ee uu yeesho dalka Taymuurta Bari, tan iyo intii uu noqday qaran madax banaan. Madaxweynahan cusubi wuxuu xilka la wareegi doonaa Bisha May.

Dalkan oo hore uga mid ahaa Indooniisiya waxa sannadkii hore dadweynaha dalkaas laga qaaday afti ay ugu codeeyeen in ay noqdaan dal madaxbaanaan.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Guddoomiye iyo Maayor cusub oo loo magacaabay gobolka Awdal    20 -04-200 

Madaxweynaha J/s/land Mudane, Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa u magacaabay Maxamed Muuse Bahdoon in uu noqdo Guddoomiyaha gobolka Awdal, isla markaana ah Duqa Degmada Boorama.

Warkan oo ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyada J/s/land Md. Cabdi Idiris Ducaale.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Xisbiga UDUB oo si rasmi ah uga hawlgalay dalka Finland    18 -04-200 

Maalintii Axddii ina soo dhaaftay, 14 Apr. ayaa lagu qabtay magaalomadaxda Finland, Hilsinki xaflad weyn oo lagu furayey waaxda xisbiga UDUB. Xafladaas oo lagu dhigay xarunta Jaaliyadda SL ee dalka Finland waxa ka soo qaybgalay dad aad u tra badan. Halkaa waxa khudbado ka jeediyey Guddida Qabanqaabada oo shirweynihii u soo bandhigtay barnaamijka iyo xeerka UDUB.

Dadweynihii ka soo qaybgalay xafladaas oo ka kala yimi gobolada Finland si weyn bay u soo dhaweeyeen barnaamijka UDUB, kadib markii ay fahmeen siyaasadda uu xisbigu ku maamuli doono dalka mustaqbalka dhow haddii uu ku guuleysto doorashooyinka soo socda. Waxana isdiiwaangeliyey dad aad u tirabadan, iyaga oo ku qanacsan in ra'yaga wacani ku jiro in laga gudbo hab beeleedka oo loo gudbo hab dimuqraadi ah. Waxayna halkaa ka muujiyeen in ay si weyn ugu taageersan yihiin Xukuumadda Somaliland hawsha weyn ee ay ugu jirto in ay dalka Somaliland gaadhsiiso, HAL NIN HAL COD.

                                    Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada ee Finland: Siciid Cumer

 

Rugta Ganacsiga Somaliland oo xubin ka noqotay Rugta Ganacsiga ee Adduunka    16 -04-200 

Rugta Ganacsiga ee Somaliland ayaa loo ogolaaday in ay xubin ka noqoto rugta ganacsiga ee Adduunka ICC (International Chamber of Commerce), sidaa waxaa caddeeyey Agaasimaha Guud ee xannaanada  xoolaha S/land, Dr. Maxamuud Cali Giire oo ka soo laabtay booqasho oo ku tegay Caasimada Dalka Faransiiska, Paris.

Agaasimuhu wuxu sheegay in uu Paris u tegay Urur xaruntiisu tahay Paris oo la yidhaahdo OIE,   qaabilsanna caafimaadka xoolaha Adduunka. Wuxuu Agaasimuhu intaa ku daray in ay ujeedada socdaalkiisu ahayd sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururkaa, una gudbiyey qoraal uu ka siday Madaxweynaha JSL iyo codsi xubin ka noqosho.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in uu codsi xubin ka noqosho u gudbiyey Ururka Rugta Ganacsiga Adduunka, kana aqbaleen.

                                                                                    X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Wasiirka Maaliyadda S/land oo  Ka digay khatarta Koontarabaanka    16 -04-200 

Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Faarax Doodi, ayaa shalay isaga oo u warramaya saxaafadda ka bixiyey tafaasiil cashuurta iyo sida aan waddanku la'aanteed u socon karin.

Doodi wuxuu intaa ku daray in dadka cashuurta bixiyaa ay naftooda iyo dalkooda wax yeelaynayaan hadii ay ku kacaan koontarabaan. Isaga oo sheegay in maalmahan danbe koontarabaanku suuqa soo galayey, sida bagaashka, Jaadka iyo sigaarka.

Ugu danbayntii, wuxuu wasiirku uga digay dadweynaha in ay iska jiraan khatarta iyo dhibaatada uu leeyahay koontarabaanku.

                                                     X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Bisha Cas ee Boorame  oo lagu kordhiyey Waax Caafimaad        16 -04-200 

Waax Caafimaad oo lagu daawaynayo cudurada la xidhiidha xididada iyo curuqyada ayaa si rasmi ah looga furay magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.

Xafladii furitaanka waaxdan cusub oo lagu qabtay Boorame ayaa waxa ka soo qaybgalay madax heer sare iyo heer gobolba leh. waxana halkaa khudbad kooban ka jeediyey Gudoomiyaha bisha cas ee Boorame, oo sheegay in ay kalkaaliyayaal sare u direen dibadda si ay u soo qaataan cilmi ku saabsan cuduradan. wuxuu intaa ku daray in ay qaybtan cusubi si weyn uga shaqayn doonto daawaynta cuduradan guudahaan Gobolka.

                                                                                 X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Wafti ka socda Hay'adda SOS booqday Magaalada sheekh       16 -04-200 

Wafti ka tirsan Hay'adda SOS oo ah Hayad Samafal oo ka tirsan dalka Swizerland, isla markaana  gacanta ku haysa dhiska dugsiga sheekh ayaa gaadhay degmada sheekh,Waxaanay kormeereen dugsiga sheekh.

Waftiga oo uu hoggaaminayey agaasimaha hayadaasi, Md. OTO HARRING ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay Md. RICHED DICK oo ka fiirsanaya in uu Agaasime ka noqdo Dugsiga iyo in kale, isaga oo hadda Agaasime ka ah Dugsi Sare oo ku yaala dalka Swizerland.

                                                                                     X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir

Jaamicadaha Soomaalilaand iyo Kuwa Koonfur Afrika oo xidhiidh yeeshay    9 -04-200  

Jaamacadaha Camuud (Boorama) iyo  Hargeysa ee Soomaalilaand iyo jaamacada dalka Koonfur Afrika (UNISA), ayaa wada gaadhay iskaashi, sidaana waxa shaaca ka qaaday war ka soo baxay wasaarada warfaafinta.

Xidhiidhkan oo muddo dheer hawshiisa la soo waday ayaa markii ugu horreysay Jaamacada Camuud iyo UNISA kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo muddo dheer ah, lagana shaqayn doono kobcinta tacliinta sare ee Soomaalilaand.

                                                              X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir 

Hawlgalka Xisbiga UDUB  Gobolka Sanaag  7 -04-200   

Shir si weyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Ceerigaaabo, Magaalomadaxda Gobolka Sanaag, oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda sare ee xisbiga UDUB iyo dhammaan madaxda laamaha xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag.

Shirkaas oo lagaga wada hadlayey sii xoojinta iyo adkaynta hawlgalka xisbiga ee gobolka Sanaag ayaa si wanaagsan u dhacay. Madaxda xisbiga ee Gobolkuna waxay kormeer ugu bixidoonaan dhamaan Degmooyinka iyo Lamaaha xisbiga ee Gobolka Sanaag.

                                                              X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir 

 

Madaxweyne Cigaal oo Siminaar u Xidhay Saraakiisha Ciidamada    4 -04-200

Mudane, Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa shalay ka qaybgalay siminaar muddo todobaad ah u socday Saraakiisha Cidiidamada ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka S/land.

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/land Xasan Yoonis Habane, ayaa sheegay in ujeedada siminaarkaasi uu ku salaysnaa in madaxda ciidamadu is aragto, aqoon korodhsina lagu siiyo, isla markaasna ay isku waydaarsadaan warbxino iyo xog ciidan iyo xog cadawba.

                                                         X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir 

Waddada isku xidha Oog iyo laascaanood oo dib u hagaajini ka socoto   4 -04-2002   

Shirkad waddani ah oo magaciidu marka la soo gaabiyola yahay SOLSAN, ayaa dib u hagaajin iyo dayactir ka wadda waddadaa halbawlaha ah ee isku xidha Oog iyo Laascaanood ee Gobolka Sool.

Guddoomiyaha shirkada Mr. Ibraahim Cali ayaa wuuxu sheegay in kharashka ku baxaya hagaajinta waddada ay bixisay Hay'adda dhismaha waddooyinka ee Somaliland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (SRA). wuxuu intaa ku daray mar uu warbaahinta u waramayey in hawlaha ay ka qabanayaan waddada ay yihiin dib u hagaajinta kaabadaha go'ay, goynta dhirta waddada qarisay iyo guudahaan hagaajinta laamiga.

                                        X. X. Dh. UDUB: Cabdalle Cabdi Xariir 

Afar Shirkadood oo Ku Midoobay khad xidhiidhinaya telefoonada    2-04-2002

Afar shirkadood oo ka mid ah kuwa isgaadhsiinta dalka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay ku heshiiyeen isku xidh u dhaxeeya afartooda oo ay si isku mid ah isula hadli karaan, sidaana waxa caddeeyey shir jaraa’id oo shalay subax lagu qabtay shirkadda isgaadhsiinta ee (STC) ee