Xaflada lagu qabtay dalka Norway oo loogu dabbaaldegayey doorshada ka dhacday JSL 30/12/2002
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29.12.02 lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway Xaflad aad u balaadhan oo ay soo wada abaabuleen xisbiyada iyo jaaliyadda reer Soomaaliland ee Norway. Xafladan oo ujeedadeedu ahayd maamus loogu talagay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka gudihiisi ayaa waxaa ka soo qabgalay dadweyne aad u farabadan oo runtii aad ka dareemaysay in ay si wayn u faraxsanyihiin iyagoo wajigooda ay ka muuqatay qiiro iyo farxad aad u balaadhan.
Ugu horayntii waxaa aayado quraan ah iyo wacdi diini ah ka jeediyey halkaa Axmed Baaruud Cige waxaanu dadweynihii meeshaa joogay ugu baaqay in ay ilaahay ka baqdaan, iskana ilaaliyaan wixii dadka kala kaxaynaya inay faafiyaan kana qaybqaataan. Had iyo goorna isku dayaan in waxa xun iyo waxa wanaagsan ee meel ka wada jira ay isku miisaamaan, kuna dadaalaan sidii waxa xun looga hortagin lahaa.
Intaa kadibna waxaa warbixin kooban ka jeediyey halkaa Cabdiqaadir Axmed Warsame oo ka tirsan gudida Fulinta ee jaaliyada Somaliland ee Norway , Waxaanu dulmar guud ahaaneed ku soo sameeyey taarikhda Somaliland iyo sida ay halkan maanta ay marayso ay ku soo gaadhay. Isaga oo intaa ku daray in dadweynaha reer Somaliland iyo dhamaan aduun waynuhuba ku farxay horumarka iyo dimuquraadiyada ay Somaliland ku talaabsatay.
Waxa kaloo iyaguna xafladdan ka soo qaybgalay wakiilo ka kala socday xisbiyadda kala duwan, iyadoo halkaa xisbi kastaaba ka soo jeediyey kalmadu uu ugu mahadcelinayo dadweynaha reer Somaliland iyo dhamaan dadkii suurto geliyey inay doorashadanu hirgasho, noqotana mid aan wax dhibaato ihi ka iman.
Maxamed Maxamud (Lenin) oo ka socday xisbiga UDUB ayaa isna halkaa kalmad uu ka jeediyey ku sheegay in dadku markay qabaa'ilka ka tagaan ay noqdaan umad sidaa daraadeedna imikuun ay reer Somaliland noqdeen ummad maadaamay u gudbeen habsiyaasadeedka ku dhisan xisbiyada badan. Waxaanu yidhi waxaan ilaahay ka baryayaa in xafladdan mid la mid ah oo aynu ku xusaynu ictiraafkoo Somaliland la siiyay si deg deg ah aynu isugu nimaadno.
Cabdilahi Saleeban Bide (UDUB) oo isna halkaa ka hadley ayaa is na tilmaamay in maanta laga guurey nidaamkii beelaha loona guurey nidaamka xisbiyada badan ku dhisan isla markaana ninkii doonaya in uu xil qabto uu ka mid noqda xisbiyada dalka oo aanu ku habsaamin Shirbeeleed iyo arimo reereed oo umada lagu kalaqaybinayo.
Waxaa sidoo kale goobtaa ka hadley Cabdiqadir wacays iyo Adam Ahmed Elmi (dhoolayare) oo ka tirsan Xisbiga (UCID) oo tilmaamay in ay Umada somaliland ka gudubtay cahdigii Beelaha una gudub tey Cahdigii xisbayada badan iyo dimuquraadiyada , Isla markaana xisbiga ucid uu dadaal ku bixiyey sidii looga hortagi lahaa nidaamka beelaha ku dhisan loogana hirgelin lahaa nidaamka xisbiyada badan.
Waxaa isna goobtaas kalmad ka soo jeediyey Cabdilahi Baaruud Cige oo isna ka socday Xisbiga KULMIYE waxaanu ku guubaabiyey dadwenaha in ay xisbiyada la shaqeeyaan gaar ahaan xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay in uu yahay Xisbi ka kooban Somaliland oo dhan marka laga soo bilaabo Laascaanood ilaa Saylac.
Xafladan oo si si weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u farabadan oo buuxiyey rugta Jaaliyada somaliand ee Oslo , waxaa lagu soo gabagabeeyey in horumarka Halkaa ay ka sii wadaan dadweynaha somaliland oo aan halkaa lagaga hadhin geedisocodka horumarka iyo nabada ay dadweynaha somaliland gaadheen.
Qore: Xamse Maxamed iyo C/qaadir Axmed Warsame (Gudida Jaaliyada)
Sawir: Axmed (SOMAPOST)
Golaha Dhexe wuxuu si aqlabiyad ah ku doortay in ay musharaxiinta tartanka jagada Madaxweynanimada iyo M. kuxigeenka uga qaybgeliya doorassha dhawaan foodda inagu soo haysaa ee la qaban doono horraanta sannadaka cusub, 2003 noqon doonaan Md. Daahir Riyaale, Madaxweynaha JSL iyo Md. Axmed Yuusuf, M. kuxigeenka JSL. Waxa kale oo shirkaa lagu ansaxiyey in uu noqdo Xoghayaha Guud ee rasmiga ah ee xisbigu Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale oo jagadaa kumeelgaadh u sii hayey tan iyo intii laga qaaday Xoghayihii hore Dr. Cabdi Aw Daahir.
Go'aanka kale ee isna kalfadhigan Golaha Dhexe lagu ansaxiyey baa ah
in la kordhiyo tirada xubnaha Golaha Dhexe oo hore u ahayd 90 xubnood,
lagana dhigi doono 161 xubnood.
Kolkii ay codayntii dhammaatay ayuu Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir
Riyaale khudbada u jeediyey shirweynihii, wuxuuna u hambalyeeyey
Bahweynta UDUB guusha ay ka soo hooysay doorashadii G/Deegaanka ee JSL
taas oo ay natiijadeedii muujisay kalsoonida uu xisbiga UDUB ka haysto
dadweynaha reer Soomaalilaand. Waxan uu Madaxweyne Riyaale ku
guubaabiyey Bahweynta UDUB in ay ku dadaalaan sidii ay u dhisi
lahaayeen Mustaqbalka xisbiga si uu u noqdo mid jir qarniyo oo la iska
daba dhaxlo sida xisbiyada caalamiga ah. Madaxweynhu waxa uu intaa ku
daray in nabadgelyada iyo habka ay doorashadu u dhacday ka yaabisay
caalamka oo si weyn indhaha ugu hayey, haseyeeshee, uu isaga filayey
in ay sidaa u dhici doontaa, kalsooni weyna ka qabay dadweynaha reer
Soomaalilaand ee nabad jecel.
Xarunta DHexe UDU
UDUB party sees the victory of this election as a victory for all somalilanders 25/12/2002
The constitution is the heritage of our children. It is the very most important pillar of our existence. Therefore it is the obligation of every citizen of Somaliland to protect and defend our constitution. It is time to unite and start living normal after the successful and peaceful local elections which our people showed a great number in turnout which is uncommon even among the advanced nations. We took control of our problems and destinies. This shouldn’t be hampered by meaningless division and poor leadership of the political parties. This is an election that our countrymen earned rightly and it is the defend of the blood of thousands of our loved ones ( Allah ha u naxariisto dhamaantood) who scarified their lives. We have to seize the new opportunities which these successful elections have given us: more democracy, freedom and justices in Somaliland. It will also advance the noble struggle of our nation to be respected among other nations in the world. We will defend against our shared threats to our country.
UDUB thanks for the people of Somaliland for the trust and understanding of UDUB political programme. The party is yours; it is the people’s party.
UDUB party sees the victory of this election as a victory for all somalilanders and it calls the nation to unite be and to be vigilant among those who wish to robe our hope and future. It is the heart of UDUB political programme to follow and defend the constitution of Somaliland and the sprit of the code of conduct of the parties.
In conclusion victory for all Somalilanders, we are proud of ourselves.
Allah protects our nation.
UDUB Norway
Mohamed M . Adan
Ururada UDUB, Kulmiye iyo UCID baa loo diiwaangeliyey in ay yihiin xisbiyada qaranka ee JSL 24/12/2002
Lixdii urur ee u tartamayey doorashada G/deegaanka ee JSL ayaa saddex ka mid ah loo aqoonsaday in ay yihiin xisbiyada qaranka ee ku loolami doona siyaasadda dalkan Soomaalilaand.
Saddexda xisbi oo kala ah UDUB, Kulmiye iyo UCID ayey guddida doorashooyinku u gudbisay guddida diiwaangelinta oo iyana ansaxisay in ay saddexdaa xisbi aan hore u soo xusnay noqon doonaan xisbiyada qaranka ee JSL, kadib markii ay u cuskadeen qodobka 4-aad ee xeerka doorashooyinka, faqraddiisa 11-aad, 12-aad iyo 13-aad iyaga oo islamarkaana tixgelinaya natiijadii cododka ay xisbiyadu ka heleen doorashadii la qabtay maalintii Axaddii, 15/12/2002.
Guddidu waxay si buuxda isugu raaceen in ay yihiin xisbiyada qaranka ee JSL UDUB, Kulmiye iyo UCID. Waxana guddida u saxeexay:
1. Maxamed Jaamac Boodhle Guddoomiyaha
2. Aadan Geedi Qayaad G. Kuxigeen
3. Xasan Axmed Nuur Xoghaye
4. Cali Yuusuf Axmed Xubin
5. Yuusuf Cumar Maxamed Xubin
6. Maxamed Ducaale Maxamed Xubin
7. Cabdillaahi Bookh Kuunshe Xubin
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB Cismaan Xuseen Abokor
Labada Gole oo aqlabiyada weyn ku ansaxiyey xukunka degdegga ah ee lagu soo rogay goboka Sool 20/12/2002
Madaxweyne Riyaale wuxuu hor dhigay shirguddoonka labada Gole ee Soomaalilaand 15-kii Diisambar 2002, in loo ansaxiyo xeer ku soo rogaya xukun degdeg ah gobolka sool marka laga reebo degmada Caynabo. Haseyeeshee doorashadu way ka dhacaysaa goblka intiisa kale Laascoonood iyo Taleex mooyaane.
Maanlintii Khamiistii, 19/12/2002, ooy fadhi yeesheen Golaha Guurtida iyo Golaha Walkiiladu waxay tiro aqlabiyad ah ku ansaxiyeen xeerkii xukunka degdegga ahaa ee uu u soo gudbiyey Madaxweyne Riyaale. Golaha Wakiilada waxa fadhiyey 109 mudane, waxana haa yidhi 91 mudane, waxana diiday 14 mudane, 4 mudanena way ka aamuseen.
Guddoomiyaha Goalah Guurtida, Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar oo hadal u jeediyey Golaha Guurtida ayaa eedda saaray salaadiinta beesha reer Sool oo yidhi way ka seexdeen hawshoodii, kamana soo bixin ballankii ay la galeen reer Sooamaalilaand shirkii gooni isutaaga ee Burco lagu qabtay 1991. Wuxuu sheegay guddoomiyhu in ay afarta suldaan ee biishu saddex ka mid ahi wax ka saxeexeen cahdigaa ay wada dhigteen beelaha reer Soomaalilaand.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay Sool tahay gobol ka mid ah Soomaalilaand, dadka reer Soolna ayna sina uga gui' karin dalkooda iyo dakooda. Wuxuu intaa ku daray Sh. Ibraahim in aanay Soomaalilaand colaad ku degdegayn, haddiise uu C/bdillaahi Yuusuf daynwaayo dagaalka in Soomaalilaand Garow ugu tegi doonto.
Xarunta Dhexe UDUB
Axad boqran oo barkhadeed bay u ahayd dadweynaha JSL shalay, 15/12/2002, kolkii ay si nabadgelyo ah ku dhiibteen codkoodii 16/12/2002
Waxa shalay Axaddii, 15/12/2002, ka hirgelay dadlka JSL habka dimuqraadiga ah ee ku dhisan "HAL COD NINKIIBA" kadib markii ay dadweynaha reer Soomaalilaand ku jarmaadeen goobihii sanaaduuqda codayntu yiileen ee ay ku dooranayeen maamulka dawladaha hoose ee gobolada iyo degmooyinka JSL. Waxa kale oo inta weheliya lixda xisbi (UDUB, KULMIYE, HORMOOD, SAHAN, UCID, ASAD) ee ku tartamaya doorashadan saddexda xisbi ee ka guuleysta in ay 20% cododka laga bixiyo afar gobol oo ka mid ah lixda gobol ee Soomaalilaad in ay noqon doonaan xisbiyada rasmiga ah ee JSL.
Intii aan lafuranba goobaha codbixntaba
safafku meel dheer bay joogeen dadweynaha reer Soomaalilaandna ilbaxnimo
iyo hannaan wacan bay aduunweynaha u muujiyeen. Dadku wuxuu si weyn u
muujiyey dareenkooda wadaninimo, lamana soo warin habayaraatee wax
shaqaaqa ah oo meelaba ka dhacay. Dadku meheradihii bay soo xidheen waxan
lagy qolqolayey goobaha codaynta tan iyo intii laga xidhayey. Dheelkii
waaberiga iyo bacad kuleylkii duhurkii labadaba way dulqaateen si ay u
gutaan waajibkooda wadaninimo. Si xishmad iyo ixtiraamba leh bay safafka
ugu jireen, wax is dhaafdhaaf ah iyo buuq toona ma dhicin. Badiba goobaha
codaynta waxa la xidhay goortii loogu talagalay oo ahayd lixda galabnimo
kolka laga reebo goobo ka mid ah Hargeysa oo waqtigii loo kordhiyey
safafka dheer awgeed.
Sida ay gudida doorashadu sheegtay waxa shalay laga codeeyey 800 oo goobood oo ku kale yaalaa gobolada iyo degmooyinka Soomaalilaand. Meelaha aan dadku codkooda dhiiban waxa ka mid magaalada Laascaanood iyo Buuhoodleh oo madaxweynaha JSL ku soo rogay xukun degdeg ah ka dib markii ay falaado argagaxisnimo ah ku kaceen. Haseyeeshee, sida waryiha BBC, Nuur Shire Cismaan, ee magaalada Burco u joogaa sheegay, waxa laga codeeyey magaalooyin badan oo gobolka Sool ka tirsan sida: Coodanle, Qorilugud, Ballicalanle, Qabrihuluul, Dogoble, Muraayadda, Carabalanbal, Caynabo, Wadaamagooye, Oog, Dharkayn, Yagoori, Badweyn iyo Cagoxiin. Waxa kale oo guddida doorashooyinku sheegeen in aanay wax doorasha ahi ka dhicin Xudun, Badhan iyo dhahar sababta oo ah xisbixisbi qud ah baa iska diiwaangeliyey.
XARUNTA DHEXE ee UDUB
Warbixin ka soo baxday Garabka Haweenka UDUB ee Gobolka Hargeysa 16/12/2002
Maamulka ururka garabka haweenka ee caasimada Hargeysa “UDUB “ wuxuu ka kooban yahay maamul sare iyo maamul hoose waana sida hoos ku cad:-
1. Gudd. Garabka Haweenka UDUB ee gobolka Hargeysa ahna xub golaha dhexe UDUB .
2. Xog. Garabka Haweenka UDUB ahna xubin golaha dhexe ah.
Anigoo ah Gudd. Garabka haweenak UDUB ee Caasimada Hargeysa, waxaan doonaya inaan war bixin ka bixiyo wax qabad kayagii mudadii uu ururku dhisnaa, maamdaama aynu gaadhnay wakhtigii Axsaabtu food ku kala baxaysay .
Haddaba, waxay caasimada Hargeysi ka kooban tahay shan waaxood oo kala ah,
Waaxda 26th June, koodbuur, Max’uud Haybe, Gacan libaax iyo Axmed Dhagax. Dhamaan shantaa waaxood ee ay caasimada hargeysi ka kooban tahay hadaanu nahay garabka haweenka ee UDUB, waxaanu u samaynay maamul hoosaad kaasoo ah waax walba gudd. Iyo xog. Ayaguna waxay sii kala leeyihiin laamo.Kuwaas oo ah xaafada ay ka tirsan tahay waax walba intuba dhamaantood waxay hoos yimaadaan maamulka sare ee Garabka Haweenka UDUB.
Midkale, maamulka garabka haweenku waxa uu ka qayb qaataa wacyigelin kasta oo joogta iyo abaabul kasta, taaso aanu u kala saarno degmooyinka uu ka kooban yahay gobolku iyadoo aan ku muujinayno boligaaramada uu ururku leeyahay ee aanu samayno haday noqoto abaabul, istiikar samayn, garamaan samayn, sameecado aanu baabuur saarno iwm.
Waxaa intaa dheer anagoo xidhiidh joogta ah la leh xarunta guud ee ururka UDUB sidii aanu uga qayb qaadan lahayn hawlaha ka jira xarunta dhexe, waxa kale oo waxqabdkayaga ka mid ah ka shaqaynta caafimaadka, waxbarshada iyo dhamaan adeegyada guud ee ay bulshadu u baan tahay anagoo doonayna inaanu ku darno iskaashatooyinka yaryar oo ay dumarku iska leeyahiin.
Hadaba dhamaan bahweynt garabka haweenka UDUB ee caasimada hargeysa waxaan ku wacyi gelinyanaai inay taageerdii ay ururka u hayeen halkii ay ka sii xoogiyaan anaguna ku garab taaganahay guuluhuu ururku gaadhaan ka qiimayn doona
Xusni Max’ed Warasame: Gudd. Garabka Haweenka ee Hargeysa
Sucaad Max’ed Ismaaciil: Xog. Garabka Haweenka ee Harge
Ifraax Maxamuud Xirsi: Xarunta Dhexe UDUB
Madaxweynaha JSL oo ku guubaabiyey dadka reer Soomaalilaand in ay nabadgelyo ku codeeyaan 14/12/2002
Madaxweynaha JSL oo maalintii Sabtida ugu warmay saxaafadda xarunta madaxtooyada ayaa ayaa ugu baaqay dadweynaha JSL in ay dawraan ammaanka, codkoodana ku dhiibtaan si muwaadinimo ah. Waxa uu sheegay in ay doorashadu qiimo badan ugu fadhido dalka Soomaalilaand, qiimahaasin midho dhalinayo haddii si nabad ah lagu codeeyo. Wuxuu intaa ku daray in ay dadku is ixtiraamaan oo ay safka u galaan sida ay u soo kala horreeyeen oo aan la is riixriixin si muwaadin kasta uu codkiisa u dhiiban karo.
Madaxweynhu wuxuu sheegay haddii aan qas samaynu in doorashadu inaga qasaarayso, sidaa darteedna uu ku guubaabinayo dadweynhu in si nabadgulyo ah ku codeeyaan.
Maalinta Axadda ee ay bishu tahay 15/12/2002 ayaa guudahaan dadweynaha reer Soomaalilaand dooranayaan ciddii u maamuli lahayd deegamada ay kala deggan yihiin. Waa doorasho taariikhi ah oo ay dhammaan dadweynaha dunidi indhaha ku hayaan. Anaguna waxaan eebbe ka baryeynaa in uu ka dhigo mid caddaalad ku dhacda oo lagu reeyo ka dhigo, Aamiin.
Ifraax Maxamuud Xirsi
Xarunta Dhexe UDUB
Bishii Feeberwaray 1960-kii bay ahayd doorashadii u dambeysay ee lagu qabtay JSL. Waxa lagu dooranayey golaha wakiilada ee JSL oo tiradoodu ahayd 33 mudane. Xisbiyada u tartamayey waxay ahaayeen saddex xisbi: SNL (Somali Youth Leauge), USP (United Somali Party) iyo NUF (National United Front). Waxana doorashadii si weyn ugu guulaystay xisbigii SNL oo helay 20 kursi, waxana ku xigay xisbigii USP oo ay isbahaysi lahaayeen SNL, isna helay 12 kursi. Xisbigii NUF oo ku guuldarraystay doorashadii oo helay hal kursi, inkasta oo ay dawladdii Ingiriisku islahayd waa xisbiga ka talin doona mustaqbalaka SL.
Maalinta Axad 15/12/2002 ayey yididiiladii dhimatay 42 sannadood ka hor marlabaad soo iftiimaysaa oo dadweynaha reer Soomaalilaand u codeyn doonaa ciddii u maamuli lahayd geegaamadooda.
Doorashadu waxa ku tartamaya lix xisbi, waxayna ka dhici doontaa dhammaan gobolada iyo degmooyinka JSL aan ahayn degmad Laascaanood oo la saaray xukun degdeg ah ka dib markii Madaxweynaha Soomaalilaand lugu rasaaseeyey iyo degmada Buuhoodle oo iyana lagu rasaaseeyey Xoghayaha Guud ee UDUB, saddex ninna ku dhiteen. Sida ay wararku sheegayaanna dadkii geestay dhagartaa dawladda Itoobiya ayaa hadda gacanta ku haysa.
Haddii aan nahay Bahweynta UDUB waxaan dadweynaha iyo dawladdaba ku guubaabinaynaa in caddaaladda iyo nabaddaba la dhawro si doorashooyinku inoogu hirgalaan. Xisbigii waaya doorashadana waa in uu raali ku ahaada, si geesinimo ahna u waajaho natiijada doorashada isaga oo ixtiraamaya dastuurka dalka u yaala, islamarkaana raacaya ku dhaqanka habka dimuqraadiga ah ee geediga loogu yahay.
Degmooyinka Laascood iyo Buuhoodlana waxaannu leenahay, walaalayaal waxa nabad lagu waayo colaad laguma helo, in xabad la rido waxa ka roon in la wada hadlo. Haddii xabadi wax tar leedahay ka taamila qaata walaalaheena kale ee reer Soomaaliya.
ISUDUWAHA UDUB EE YURUB Cismaan Xuseen Abokor
Nasiib-darradii ka dhacaday laascaanood waxay Dib ugu Noqotay Cidii
Samaysay, Annagana Waxba Nagama Soo Gaadhin
13/12/2002
Madaxweyna J/S/land Md. Daahir Rayaale Kaahin, iyo wafdigii uu
hogaaminayey oo toodbaadkan booqasho ku marayey bariga dalka ayaa shalay
soo gaadhay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
kadib markii uu madaxweynuhu uu socdaal ku soo maray Gobolada Bariga
S/land Sool, Sanaag, Togdheer. markii uu ka soo kicitimay gobolka Togdheer
intii aanu soo gaadhin Berbera ayaa waxa uu ku hakaday Degmada Sheekh,
halkaas oo u khudbad uu ka jeediyey fagaaraa khayriyada ee magaaladaas,
waxaa uu dadkii uga waramay weraarkii ciidamada c/laahi Yusuf ku soo
qaadeen maalintii sabtidii, iyagoo wakhtigaa booqasho ku jooga magaaladaa
Laascaanood, waxqabka xukuumada iyo micnaha doorashooyinka.
ugu horayn madaxweynaha oo sharaxay waxaanu yidhi; "waanigii wakhti
habeenimadii halkan (sheekh) idinku dhaafay, waxaanu ku socoday gobolka
Sool oo duqayda Degaankeedu martiqaad nogu fidiyeen, wafdina waakii
xukumada hore uga joogeen, nasiib daro, ayaa dhacaday waxanay dib ugu
noqotay cidii samaysay.
Anaga (wafdiga Somaliland) ilaahay mahadii waxba nagamay soo gaadhin."
waxaa uu intaa raaciyey " xaalada Laascaanood iyo Jiidaheeda, go'aan
ayaanu ka soo saari doona xukuumad ahaan."
waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadaly Doorashada Qaranka iyo tartanka
Axsaabta siyaasada ee uu tilmaamay nidaam cusub dalka oo aan dadku aqoon
fiican u lahayn. " waxaynu sugaynaa una diyaar nahay Doorashooyin Qara,
waynu ka soo gudubnay hawlihii nabadaynta iyo dhismihii dawladnimo,
waxaana Doorashooyinka uga jeedna inaynu beesha Caalamka tusno nidaamka
Dimuqraadiyada iyo in uu yahay dad wax wada dooran kara, caalamkana aan ku
arag cid qaranimadeeda muran gelisa."
Madxweynuhuu waxaa ugu baaqay reer S/land inay nabad ku codeeyaan
Doorashooyinka, waxay doorashadu qiimo yeelanaysaa markaad nabad ku
codayso. inta kadib waxa kale oo uu madaxweynuhu carrabka ku dhuftay oo uu
dadweynaha u sheegay in ay jiraan shirkado caalami ah oo ay xukuumadu
heshiis la gashay si ay u soo saaraan shidaalka dalka ceegaagan, waxaanu
sheegay inay imanayaa sanadka fooda inagu soo haya ee 2003
horaantiisa.waxaana uu intaa uu ku daray inay shidaalaka ka qaadanayaan
xeebta Berbera iyo kuwa galbeedka S/land.
waxa u Md. Daahir Rayaale, inay xukuumada ay ka go'antahay inay dhisto
cisbataalka Sheekh ee Wakhtigan burbursan.
Ifraax Maxamuud Xirsi
Xarunta Dhexe UDUB
Bayaankaas oo uu xalay fiidkii Jamhuuriya soo gaadhsiiyay Suldaan Ibraahim
Suldaan Jaamac Samatar, waxa uu u qornaa sidan:-
Ka dib markii aanu qiimaynay marxalada maanta dalku marayo, ka dib markii
aanu tix gelinay baahida loo qabo xaqiijinta himilada ummaddu ka
dhursugaysay muddo dheer ee tartanka doorashada xorta ah ee xilka Qaranka,
ka dib markii aanu eegnay cadaawada faraha badan ee innagu gadaaman Qaran
ahaan.
Waxaanu yeelanay kulamo is daba joog ah oo aanu ku falanqaynay arrimahaas
waxaana ka soo baxay bayaankan qodobadiisu hoos ku xusan yihiin:-
1.Jiritaanka goonni isu taagga iyo Distoorka Somaliland waa lama taabtaan.
2.Nabad gelyadu waa aas-aaska jiritaanka iyo seeska nolosha, waana ta aynu
ku caano maalnay caalamkuna inagu tixgeliyo kagana duwan-nahay wadamo badan
nabad gelyada haddii ay tahay xukuumadda, axsaabta siyaasadda ee tartanka
doorashooyinka iyo bulsho weynta Somaliland si aynu ugu guurno habka aynu
geediga u nahay ee axsaabta badan.
Sideedaba nabad gelyadu wax gorgortan geli kara maaha, lagamana aqbalayo cid
kasta oo nabad gelyada wax u dhimaysa waxaana aanu xoogayaga isugu geynaynaa
sidii loo ilaalin lahaa nabad gelyada dalka.
3.Golaha Salaadiintu wuxuu caddaynayaa inuu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha
siyaasadda iyo doorashooyinka oo aanu dhinacna garab siinayn.
Allaa Mahad Leh
Magacyada Golaha Salaadiinta
1.Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali
2.Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
3.Boqor Maxamuud Cali Carab
4.Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye
5.Suldaan Sheekh Muuse Jaamac Goodaad
6.Suldaan Cismaan Suldaan Cali
7.Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir
8.Suldaan Ibraahim Suldaan Jaamac Samatar
9.Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani
10.Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
11.Suldaan Yuusuf Axmed Cadan
12.Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale
13.Suldaan Maxamuud X.Xuseen Nuur
14.Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale
15.Suldaan Maxamed Xaddi Axmed
16.Suldaan Maxamuud Axmed Saydh
17.Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar
18.Suldaan Axmed Daahir Muuse
19.Suldaan Axmed Nuur Samaale
20.Suldaan Daahir Aamin Faarax
21.Suldaan Nadiif Saydh Jibriil.
Posted by Kayse Axmed Digaale: Somaliland Net
Correspondent in Somaliland.
Email:
kayse@somaliland.net
|
21/11/2002
Weftigii
ka socday xukuumadda Somaliland ee booqashada dhawrka
bilood ah ku
joogay gobolka Sool oo galabnimadii Salaasadii caasimadda Hargeysa ku
soo laabtay iyo madax dhaqameedyada reer Sool ayaa si wada jira u soo
saaray bayaan ay kaga hadlayaan qodobo dhawr ah.
Mohamed Rambo SNN
Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiiskii shidaalaka ee xukuumada la
gashay shirkadda Simenole Copenhagen group
22/10/2002
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
|
Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiiskii shidaalaka ee xukuumada la
gashay shirkadda Simenole Copenhagen group
22/10/2002
Golaha wasiirada j/s/land oo uu gudoominayey madaxweynaha j/s/land
Md. Daahir Riraale Kaahin, ayaa shirkoodi shalay ku ansixiyey heshiiskii
soosaarista shidaalka ee ay dhawaan xukuumadu la gashay shirkada
simenole Copenhagen group.
Warsaxaafadeed arintaa ku saabasan oo uu soo saaray
afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris , ayaa u dhignaa sidaan;-
Shirkii golaha wasiirada oo uu gudoominayey madaxweynaha J/S/land Md.
Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay falanqayn iyo dood dheer kadib
ansixiyey heshiiskii sahaminta, qodista, soosaarista iyo suuqgeynta
shidaalaka ee aynu la galanay shirkaada Simenole Copenhagen Group.
Heshiiskaas oo ah nooca wadaaga [ joint venture ] wuxuu dhigayaa inay
hawshu bilaamanto 90 beri gudahood iyada oo 21ka maalmood ee ugu horeeya
ay iman doonaan farsamo yaqaan shirkada ka socda.
Heshiiskan wax soosaarkiisa waxa loo kala yeelanayaa boqolkiib konton
dhinac walba iyadoo shirkadu kontonkeeda 15 ay dib ugu soo celinayso
dalka sidaasi awgeed saamiga dawladu noqonayo boqolkiiba shan iyo lixdan.
Wasiirkaa macdanta iyo biyaha ee JSL Md. Maxamuud Cabdi Malaw oo
heshiiskan golaha hor keenay, waxa uu golaha faahfaahin ka siiyey
raadraaca shirkadda iyo wadamada ay hawluhu ka hayso.
Waxa kale oo madaxweynuhu shirkii wasiirada uga waramay sidaynu uga
gaashamanay dacaayadaha lidka ku ah qadiyada S/land wixii inagaga
soo baydhi kara shirka ka socda Nairobi iyo sidii aynu isaga moosi
lahayn.
Xarunta Dhexe ee UDUB:
Ifraax Maxamuud Xirsi
Xulka Hargeysa oo Hantiyey Koobkii Tartanka Ciyaaraha Gobollada
Somliland 7/10/2002
"Waxaan ka sii farxad weynaan doonaa markaan arko inamadeena oo ka
qabgalaya ciyaaraha duunka," Madaxweyne ku xigeenka JSL.
Xulka gobolka Hargeysa ayaa ku guul laystay maalintii Axaddii, 6/10/2002
koobkii kubada cagta markii ayey kaga badiyeen gobolka Togdheer 5-4.
Ciyaartan oo ahayd tii kama danbaysta isla markaana loo dhigay
rigoorayaal lagu kala saaray labada kooxood oo is mari waayey wakhtigii
caadiga ahaa ee ciyaarta loogu talo galay ayaa waxaa ka soo qayb galay
madaxweyne ku xigeenka JSL Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wasiirka
Ciyaaraha iyo dhalinyarada Md. Maxamed Faarax (Jaahweyn) iyo wasiirka
Arrimaha gudaha Md. C/laahi Cumar Cige iyo mas'uuliyiin kale oo ka kala
socday Hay'adaha kala duwan ee Dawladda iyo Dadweyne aad u tiro badan.
Ciyaartii hadaba shalay ka dhacday garoonka kubada cagta ee Hargeysa
waxa lagu tilmaami karaa inay ahayd tii ugu adkayd ee ka dhacda garoonka
mudadii ayey socdeen ciyaarihii goboladu. Labada gobolba waxay soo ban
dhigeen ciyaar farsamadeedu sarrayso isla markaana waxay isku qaadayeen
weeraro aan kala go' lahayn.
Qaybtii ugu horreysay ciyaartu waxay ku dhammaatay 0-0 oo ay labada
kooxood isku mari wayeen, markii laysu soo noqday qaybtii labaad ee
ciyaarta oo anay labada kooxoodba waxba iskula hadhin hadan taasi waxba
kamay badalin natiijadii ciyaarta ee qaybtii hore. Waxaynay qaybtii
labaadna ku dhamaatay 0-0 markale. Sidaas awgeed waxay noqotay in
rigoorayaal lagu kala saaro labada kooxood.
Gababdii iyo xidhitaankii ciyaaraha Somaliland waxa munaasabada ka
jeediyey hadal masuu'liyiin kala duwan kana mid ahaayeen Gudoomiyaha
Xidhiidhka kubada cagta somaliland Md. C/rashiid Caydiid Yaasiin
iyo madaxweyne ku xigeenka J/S/Land oo xusay sida weyn ee
dhalinyarada somaliland isku barteen ciyaaraha gobolada taasi oo dhici
doontana sanadkasta bisha August.
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
AWDAL IYO SAAXIL OO IS MARI WAAYAY 2/10/2002
Hargeysa tartankii ciyaaraha Gobolada oo weli si habsami ah uga socda caasimada Hargeysa , ayaa waxaa maalintii Isniinta fooda is daray labada kooxood ee ka socda gobolada ee Awdal iyo Saaxil.
Labadan Gobol oo kuwada jira qaybta B, waxay iskala hor yimaadeen ciyaar adag , oo aad u xiiso gelisay dadkii daawaneyay. Ciyaartu qaybteedi hore waxay ku dhamaatay eber iyo eber, labada kooxoodna way is mari waayeen.
Ciyaarta qaybteedi dambe waxay noqotay mid ka duwan tii hore , koox kastaana waxay la timi dardar cusub. Daqiiqadii 13-aad ayay Awdal la timi goolkii u horreeyey, waxaana dhaliyay inanka lagu yidhaa Muxiyidiin oo sitay lam. 17-aad. Wax yar ka dib oo ku beegan daqiiqadii 15-aad , ayay Saaxilna la timi goolkii barbar dhaca oo ahaa rigoore, waxaana u dhaliyey Maxamed Ismaaciil Dhimbiil. Ka dib ciyaartii waxay noqotay gool iyo gool. Awdal ayaa hadana mar labaad ku hor martay gool , waxaana u dhaliyay C/laahi Siciid, hase ahaatee Saaxil ayaa iyaduna ka daba timi , oo goolkeedii la timi daqiiqadii 34aad waxaana dhaliyay Xuseen Cabdi Axmed (Lam. 10aad). Gebagabadii ciyaartuna waxay noqotay barbar dhac laba gool iyo laba gool ah.
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
GUDDIDA DOORASHOOYINKA JSL OO FAGAARAHA KHAYRIYADDA BURCO KA HAdashay
30/09/2002 Burco (UDUB) - Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Md. Axmed Cali Cadami iyo ku xigeenkiisa Mw. Shukri X. Bandare ayaa shalay Axaddii ka hadlay fagaaraha Khayriyadda magaalada Burco.
Waxa ka soo qaybgalay dadweynaha reer Burco, duqa magaalada Md. Axmed Maxamed Mire, guddoomiye kuxigeenka gobolka iyo madaxa ciidamada.
Guddoomiyuhu wuxuu reer Burco uga waramay ujeedada socdaalkooda oo ta ugu mudane tahay sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen gobolada iyo degmooyinka, islamarkaana u qiimayn lahaayeen sida uu shacbiga reer Somaliland ugu heelan yahay doorashooyinka foodda inagu soo haya. Waxa kale oo guddoomiyuhu u qeexay qaabka doorashooyinku u dhici doonaan iyo hannaanka diiwaangelinta.
Mw. Shukri X. Bandare waxay si gaar ah u guubaabisay dumarka iyada oo ku dhiirigelinaysa in ay ka faa'iidaystaan doorshooyika iyaga oo codkooda dhiibanaya.
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
Hargeysa oo jiidhay Sanaag
30/09/2002 Hargeysa (UDUB)-
Xulka kubada cagta ee Hargaysa ayaa shalay saddex gool iyo eber kaga
adkaaday xulka gobolka Sanaag, kadib markii shalay ciyaar aad u xiiso
badan ay isku haleeleen garoonka kubada cagta ee Hareysa Stadium.
Ciyaatan oo ka mid ahayd ciyaaraha gobolada ee haatan ka socda Magaalada
Hargeysa, islamarkaana ahaa kulankii ugu horeeyey ee ay labadan kooxood
yaashaan.
Waxa qaybtii hore ee ciyaartu ku dhammaatay hal gool iyo eber ay ku
wadatay kooxda hargeysa.
Markii laysku soo noqday qaybtii dambe ee ciyaarta ee koox kastaana la
soo tashatay tababraheedii, ayaa dhinca kastaana ku dadaalayey sidii uu
ciyaarta hogaanka ugu qaban lahaa, dadaalkaasina wuxuu u suurogaliyey
xulka Hargeysa inay dhaliyaan goolkii labaad taaso niyada kooxda
kor u soo qaaday, nayd jab weyna ku keentay kooxdaasi ka socotay xulka
Ceerigaabo. Gabagabdii ciyaartu waxay ku dhammaatay saddex gool iyo eber
(3-0) oo ay guushu ku raacday gobolka Hargeysa.
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
XOGHAYAHA GUUD EE UDUB Dr. CABDI AW DAAHIR OO WEFTI KU AADAY GOBOLKA SANAAG 29/09/2002
Waxa maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa wefti uu hoggaaminayey Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Dr. Cabdi Aw Daahir oo u ambabaxay gobolka Sanaag. Waxana weftiga ku weheliyey laba xubnood oo ka tirsan guddida fulinta: Md. Cali Cige Ducaale iyo Md. Cali Cilmi Geele iyo xubin ka mid ah shaqaalaha xisbiga, gabayaagii weyna Md. Axmed Dako.
Xoghayuhu wuxuu soo kormeerayaa hawlaha xisbiga ee ka fulay gobolka iyo sidii xisbiga UDUB ugu tabaabushaysan lahaa doorashooyinka gobolka ee foodda inagu soo haya dhawaan. Xoghayuhu wuxuu caddeeyey in aanu jirin ilaa hadda xisbi ku soo dhaw UDUB tirada xubnaha, haseyeeshee aanay marnaba habboonayn in la isdhigto oo hawsha kaambeynka marna la fududeysan heer ay joogtaba.
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
Saaxil oo Goolal ku Hafisay Sool 29/09/2002
Kooxda xulka gobolka Saaxil ayaa 6-0 ku dhufatay xulka gobolka Sool shalay galab, maalintii Sabtida (28/09/2022), kadib markii ay labada kooxood isku haleeleen ciyaar ka mid ah ciyaarahii tartanka gobolada Somaliland oo baryahanba ka socday garoonka kubada cagta ee magaalomadaxda Somaliland, Hargeysa. Xulka gobolka Sool oo ay tani ahayd ciyaarti labaad ee ay yeeshaan ayaa garoonka kala huleelay gacmo madhan.
Qaybtii hore ee ciyaarta shalay ayaa waxa markiiba dardar layaab leh ku soo gashay kooxda gobolka Saaxil waxaanay weerarkaas ku heleen in lagu kala nasto sadex gool iyo waxba.
Qaybtii labaad ee ciyaartana oo la filayey in ciyaartoyda ka socday gobolka Sool oo hore gobolka Awdal dirqi kaga badisay inay wax cusub la iman doonaan halka ay markale kooxdii reer saaxil weerar dufaano ah ku hafiyeen kooxdii ka soo hor jeeday. Qaybtii labaadna waxay dhaliyeen saddex gool oo kale halkaana waxay guushii ciyaarto ku raacday kooxda gobolka Saaxil, ciyaartiina waxa ku dhammaatay lix gool iyo eber (6-0).
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
SANAAG IYO TOGDHEER OO IS MARI WAAYEY 29/09/2002
Ciyaartii la ciyaari lahaa maalintii Khamiista (26/09/2002) oo dib u dhacday kolkii gegidii ciyaaraha laga waayey xulkii gobolka Sanaag oo soo daahay. Waxa qasab noqotay in ciyaarta dib loo dhigo, waxana la ciyaaray maalintii Jimcaha in soo dhaafay (27/09/2002).
Waxay ahayd ciyaar kulul oo labada kooxood wey is mari waayeen, waxayna ku dhammaatay barbarro ay koox kastiba dhalisay laba gool (2 - 2).
Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
"WAXAANU IDIINKU YEEDHNAY ARRIN AAN U ADKEYSAN WAAYAY OO U BAAHAN GURMAD" AYUU YIDHI Md. AXMED YUUSUF YAASIIN MADAXWEYNA KUXIGEENKA JSL 28/09/2002|
MADAXWEYNE RAYAALE OO QAABILAY WAFDI
ka socda HAY'AD INGRIIS
AH 25/09/2002 Hargeysa Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay kulan sharafeed kula yeeshay xafiiskiisa wafdi ka socda hay'ad samafal ah oo Ingriis ah, taasi oo uu magaceedu yahay Horumarinta Somaliland. Sida ku cad warsaxaafadeed uu na soo gaadhsiiyay Af-hayeenka Madaxtooyada CAbdi Idiris Ducaale, waxa hay'adani ay ilaa iyo hadda ka caawisa Somaliland dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, iyada oo markaa arimahaasi kala hawlgasha cusbitaalka Adna Aadan, Jaamacada Camuud iyo wasaarada Waxbarashada oo isu-duwaha hay'addani uu fadhigiisu yahay. Guddoomiyaha hay'adan Mr. Robert Don oo xubnaha wafdigan hogaaminayay uu madaxweynaha u sheegay in hay'adoodu ku timit iskaashiga jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffield, isaga oo intaa ku daray in ay sii xoojin doonaan wax qabadka Somaliland, maadaama ay raali galisay sida dadka reer Somaliland ay iskood wax ugu qabsanayaan. Madaxweynaha JSL, mudane Daahir Rayaale ayaa isaguna u sheegay wafdigaasi inay Somaliland soo dhawaynayso cidii waxtar u fidinaysa dalka Somaliland iyo ciddii wax wada qabsi ka rabta, " waxaan idiinka mahad celinayaa wax qabadkiina hore iyo talaabooyinka cusub ee aad hadda rabtaan inaad wax ku sii xoojinaysaan, waxaanan ku rajo weynahay maraxaladan maanta ee isbedelka aragtida caalamka ee Somaliland in idinka laftiina ay gacan idinka siin doonto hawlaha aad ka qabanaysaan dalka". Ayuu yidhi mudane Riyaale. Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi DUMARKA OO LOO QABANAYO TABABARO LA XIDHIIDHA SIYAASADDA 25/09/2002 Berbera – shan iyo labaatan xubnood oo ka tirsan ururada haweenka ee gobolka Saaxil, ayaa tababar socon doona muddo laba cisho ahi uga furmay magaalada Berbera. Tababarkan oo ujeedadiisu tahay sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen ururada haweenka ee dalka , waxa soo qabanqaabiyay Dallaayadda ururada haweenka ee Nagaad ee fadhigeedu yahay Hargeysa, waxaana lagu qaban doonaa gobolada dalka oo dhan sida ay sheegtay Khadra Cumar Xasan , oo iyadu tababrkaa waddo. Tababarkani muddada uu socdo waxa lagaga hadli doonaa ajande ku saabsan arrimaha siyaasada, maadaama dhawaan dalka doorashooyin ka dhacayaan, loona baahan yahay inay haweenku kaalintooda ka qaataan talada waddanka. Xarunta Dhexe UDUB: Mansuur X. Fuad CIYAARIHII GOBOLADA SOMALILAND OO SI RASMI AH U BILAWDAY SHALAY 25/09/2002 Hargeysa tartankii ciyaaraha gobolada dalka, ayaa shalay si rasmi ah uga bilowday caasimada Hargeysa. Furitaankii ciyaarahan oo lagu qabtay garoonka Hargeysa Stduim, waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiin ka socda bahda ciyaaraha iyo wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha , wasiirka Caafimaadka iyo wasiirka dhalinta iyo ciyaaraha, waxaa kale oo ka soo qayb galay dadweyne tiro badan oo buuxiyay garoonka. Ciyaartan daawashadeedu aad ayey u macaaneyd waxaa bilowgii ciyaartaba gool la timi ee daqiiqadii 17aad kooxda Hargeysa waxaan u dhaliyay wiilka magaciisu la yiraahdo Aamiin Xasan Maxamed "Qaro" oo sitay nambarka 13aad . Kooxda Hargeysa ayaa haddana gool labaad la timi daqiiqadii 42aad , waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Cabdi Maxamed Yaasiin "Diito" oo sitay lambarka 4aad. Qaybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhamaatay lab gool iyo eber. Qaybta labaad ee ciyaarta kubada cagta ayaa laysugu yimid garoonka waxaana gobolka Togdheer ee Burco markiiba shabaga ku hubsaday gool daqiiqadii 2aad, waxaana dhaliyay ciyaaryahanka magciisa la yidhaahdo Khadar Xuseen Diiriye. Hadana gool saddexaad ayey kooxda Hargeysa dhalisay daqiiqadii 30aad ee ciyaarta qaybteedi labaad. Daqiiqadii 34aad ee ciyaarta qaybteedi labaad ayey kooxda Burco dhalisay gool rigoore ah oo ay laateen, waxaana dhaliyay ciyaaryahanka magaciisu yahay Maxamed Cali Faarax oo sitay lambarka sagaalaad. Waxaanay ciyaartaasi guusha ku raacday kooxda Hargeysa oo dhalisayay saddex gool halka ay Burco ka dhalisay 2 laba gool. Xarunta Dhexe ee UDUB: Ifraax Maxamuud Xirsi
XAFLAD
BALAADHAN OO LAGU QABTAY XARUNTA DHEXE UDUB
19/09/2002 Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee JSL, Mud. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta ku cadeeyay sababta dib loogu dhigay Doorashada Golayaasha Deegaanka ee SL ilaa Dec.15. 2002. Mudane Cadami wuxuu xusay inay muuqato arimo badan oo aan la qabyo tiring isaga oo sheegay inay jiraan meelo badan oo la ogaaday inaanay liistooyin diyaar ahi jirin iyo qaar aan laga ogeyn doorashooyinka, taasina ay sabab u tahay tabaabushaha wacyigelineed oo aan sidii la rabay u hirgelin. Mudane Cadami waxaa uu carabka ku dhuftay inaanay bulshadu aqoon u lahayn asbaabaha ururada siyaasada sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in la baro dadka . Gababadii Md. Cadami waxaa uu ku dheeraaday hadalka saxafada madaxa banaan u soo jeediyay inay aragti midaysan ka yeeshaan arimaha doorashooyinka kana feejignaadaan wararka carqalad ku keeni karaya doorashooyinka.
Xarunta Dhexe UDUB: Maansuur Xaaji Fuaad DIB U DHIGGA DOORASHOOYINKA DAWLADAHA HOOSE 15/09/2002 Go’aan ka soo baxay Guddida Doorashooyinka JSL taariikhdu markay ahayd 11/09/2002 ayaa wuxuu dib u dhigay maalintii qabashada doorashooyinka Dawladaha Hoose , waxayna ku sababeeyeen dib u dhigistaas: 1. Guddida Diiwaangelinta ururada iyo Ansixinta Axsaabta siyaasiga ah oo ay dib u dhacday qiimayntoodii u dambaysay ee ururada u gudbaya ka qaybgalka doorashooyinka, kaas oo kormeerkoodii horaantii bishan natiijadiisii ay ku caddeeyeen inay doorashada u tartamayaan siddeed urur, halkaana ay ku reebeen ururka UMAD. 2. Urarada kale marka laga reebo UDUB oo codsaday in dib loogu dhigo iyagoo ku andcooday sababo door ah. 3. Ururada EU-da iyo Maraykanka oo ka codsaday koomishinka markay la kulmeen wakiilo ka socday in ay uga baahan yihiin xogo dheeri ah, si ay koomishinka iyo Somaliland-ba ay uga caawiyaan hawlaha doorashooyinka. 4. Dawlada oo aan dhamaystirin xageeda qodobo ku hadhsanaa oo doorashooyinka saldhig u ahaa. Taas awgeed, inkasta oo UDUB ay ka diyaar garawday dhinac walba, horena laba bilood ka hor ay diyaarsatay barnaamijkeeda fulinta hadana kordhinta xiliga doorashada oo loo cayimay Dec.15,2002 waxay nagu tahay hawldheeraad ah, waayo waxaa nooga baahan inaanu ku faro adeygno taageerayaasha UDUB, oo hada muujinaysa 85%. Xarunta Dhexe UDUB: Xuseen Aw Diiriye Guddiga Dooroshooyinka Qaranka oo Dib u dhigay Dooroshooyinkii Goloyaasha Deegaanka 12/09/2002Guddiga
dooroshooyinka Somaliland ayaa dib u dhigay waqtigii ay hore ugu
cayimeen inay dhacdo doorashada Goloyaasha deegaanka ee Somaliland.
Sida ku xusan war saxaafada ay soo saareen guddiga dooroshooyinku,
waxay mar labadd cayimeen:
in doorashada
Goloyaasha deegaanku dhacaan 15 December 2002, kuna beegan 11 Shawaal
1423 ee hijriya. Xarunta Dexe ee UDUB: Ifraax iyo Mansuur Waxaanu ugu horreyn wasiirku ka warramay xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu yidhi; “Waddamada Afrika haddaynu eegno waxa saldhig inoo ahaa oo aanu sii xoojinay xidhiidhka innaga dhexeeya innaga [Somaliland] iyo Ethiopia, taas waanu sii xoojinay safaaraddii waanu weydiinay, dad badan baanu u qornay, haddana waxa aannu isla garanay oo madaxweynuhu naga aqbalay in ay safaaraddaas oo ahayd tii ugu horreysay in aynu si aad ah u sii xoojino, guryo fiicana u kirayno, qalab iyo gaadiid waxay u baahan yihiina u dhammaystirno, halkaas oo noqotay albaabka Somaliland laga soo galo oo dawladda Itoobiya-na ay sidaa innoogu dhego nugushahay, in kasta oo aanu wax badan ka rajaynayno.” Mudane Gees, waxa kale oo uu ka warramay xidhiidhka Somaliland iyo Koonfur Afrika, waxaanu yidhi; “Koonfur Afrika, oo maanta ah waddan ay adduunyadu aad ugu dhego nugushahay oo shirkii u dambeeyey ee lagu qabtay ay adduunka oo dhammi isugu timid, waxa la soo dagaalamayey nidaam aad u xun oo ay ka guulaysteen, oo aan oggolayn runtii in la qasbo ama caddaalad darro lagu sameeyo oo si caddaan ah uga hadla. Waddankaana waxaanu ka furanay xafiis aad buu u shaqeeyaa meel aad iyo aad u fiicana wuu marayaa xidhiidhkeennii.” Md. Gees, mar uu ka hadlayey dalalka Yurub iyo xidhiidhka ay la sameeyeen waxa uu yidhi; “Waddamo badan oo Yurub ku yaalla ayaa dad Reer Somaliland ah oo iyagu is xilqaamay oo lacagtoodii bixiyey ayaanu dhawr xafiis oo kale ka furnay oo ay ka mid yihiin Norway iyo Biljam, dad badan oo iyaguna jaaliyadaheena ku jira ayaanu hawllo u diraynaa. Dhinaca Maraykanka iyagana meel fiican ayey noo maraysaa xafiiskii ka shaqaynayeyna aad buu u shaqeeyaa. Waxaad la socotaan in dhawr goor hadda ka hor ay noo yimaadeen shaqaalihii la shaqaynayey ku xigeenadii Senetka, guddiga xidhiidhka dibadda oo dhan iyo mid guddi hoosaadka u qaabilsan Afrika, labaduba waxay noo soo direen la taliyeyaashoodii u shaqaynayey, taasina waxay ku timid qoraalo aanu u qornay ayaa noo keenay in naloo soo diro, halkaasina aad bay u fiican tahay. Waxa kale oo xusid muddan dhawaan waxaa inoo yimid nin la yidhaahdo David Shinn oo ahaan jiray safiir meelo badan oo Afrika ah ka soo shaqeeyey, markii uu dalkeena ka noqday waxa uu qabtay shir jaraa’id, shirkaas jaraa’idna waxa uu ka yidhi, ‘Somaliland waxay fulisay farsamo ahaan iyo sharci ahaanba in ay tahay dawlad la aqoonsan karo,’ hadalkaas oo ka soo baxay nin siyaasadda dibadda ee Maraykanka muddo badan ku soo dhex jiray lagana yaabo in uu ku soo noqdo mar labaad, waa arrin weyn. Waxa kale oo aannu la xidhiidhnay Yurub waddanka guddoomiyaha u ah EU-da oo ah Denmark, waxaanuna is weydaarsanay qoraal, iyaguna aad iyo aad bay diyaar ugu yihiin in ay qaddiyaddayada hor dhigaan Wasiirada EU-da. Golaha Ammaanka, waxaanu u qornay guddoomiyaheeda bishii hore nin Ingiriis ah ayuu ahaa, iyagana qaddiyadda ayaanu u qornay oo iyadana wax fiican baa ka dhaqaaqay oo waa lagu soo qaaday qaddiyadda Somaliland.” Waxa kale oo uu wasiirku xusay in uu dhawaan soo bixi doono buug yar oo ka hadlaya qaddiyadda Somaliland, kaas oo ay xaggiisa dambe ku dari doonaan dokumentiyo caddaynaya dawladnimada Somaliland, kaas oo uu sheegay in ay dhawaan soo heleen oo ah boqorada Ingiriisku sharcigii ay Somaliland ku siisay madax bannaanida, heshiisyadii ay Ingiriiska iyo Talyaanigu wada galeen ee xadka ahaa, waxa kale oo uu Md. Gees sheegay in ay buuggaas ku dari doonaan waxyaabihii ay aftidii distoorka ka qoreen goob-joogeyaashii. Waxa kale oo uu wasiirku xusay in ururka cusub ee Afrika ee AU-du uu dhigayo sharciyadiisu in la ixtiraamo oo la dhawro xudduudihii gobonimada ay waddama Afrika ku qaateen, qodobkaas oo uu sheegay in uu Somaliland u oggolaanayo jiritaankeeda, kaas oo uu wasiirku sheegay in hoggaamiyaha kooxda carta C/qaasim uu heshiiskaas saxeexay. Mar uu Md. Maxamed Siciid Gees, ka hadlayey dawladda Talyaaniga waxa uu sheegay in xidhiidh fiicani u socdo. Isaga oo wasiirku ka hadlayey waddamada Carabta waxa uu tibaaxay in ay ka soo h orjeedaan oo ay Masar madax u tahay, laakiin waxa uu caddeeyey in ay wada-hadleen. Intaas ka dib waxa Md. Gees la weydiiyey dhawr su’aalood oo la xidhiidha arrimaha uu ka xog warramay, su’aalahaas iyo jawaabihii uu wasiirku ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan: Su'aal: Cabdillaahi Yuusuf, wuxuu leeyahay Laascaanood anniga ayaa xukuma waanan tegayaa, markaa maxaad arrintaas kaga talo gasheen? Jawaab: Horta sheegashada iyo tallaabadu waa kala laba, qofkii ma odhan kartid ha sheegan, laakiin maxaa tallaabo ah oo la qaadayaa, taa annagu waannu ka hawlgalnay xag diblomaasi dawladda Ethiopia ayaanu xaggeeda u marnay, waanuna ogeysiinay oo aanu nidhi idinkaa Cabdillaahi Yuusuf meesha ku soo celiyey idinkaana ku haya, innagana [Somaliland iyo Ethiopia] xidhiidh fiican ayaa innaga dhexeeya, dee ha dhawro yaanu idinku dhicin weji gabax. Annaga haddii ninkaas [Cabdillaahi Yuusuf] faraha nala soo galo waxa dhacaya iska horimaad, kolkaa fadlan la hadla, way ku ballan qaadeen tii oo waxay keentay in aanay ciidamadiisu xadkeenna soo gelin, laakiin shaqsiyaadku waa imanayaan. Su'aal: Wuxuu dhawaan yidhi Cabdillaahi Yuusuf Wershadda Kalluunka Laas-qoray hub ayaa lagu sameeyaa, waxaanu keenay saraakiil Itoobiyaan ah taa ka warran? Jawaab: Saraakiil Itoobiyaan ahi ma jirto, Wershaddu kalluun bay soo saartaa, waana dhulka Somaliland ee uu carrabka ku hayo, waana cidhif, in kasta oo uu maamul ka jiro oo boolis jiro haddana wax adag oo qaddiyadda hor joogsanaya oo wax iska celinaya maaha, isaguna [Cabdillaahi Yuusuf] wuu ku kacsanaa oo niman waddaado ah ayey u badan yihiin, isaguna wixii waddaad ahba waxa uu leeyahay waa Al-Qaacida. La soco. |
XISBIGA UDUB OO DADWEYNAHA KALA HADLAY FAGAARAHA KHAYRIYADDA BURCO MAALINTII KHAMIISTA 29/08/2002
Maalintii Khamiistii, 29/08/2002 oo dad aad u farabadani ay isugu soo baxeen fagaaraah Khayriyadda ee ku yaala magaalada Burco, waxa halkaas hadal ka jeediyey guddoomiyaha UDUB ee Gobolka Togdheer, Siciid Sulub, oo ka warramay ololaha xisbiga UDUB ugu jiro doorashooyinka la filayo in ay bilaha dhow ay JSL ka dhacaan.
Intaa ka dib waxa hadalka lagu soo dhoweeyey xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay; “Ugu horreyn waxaan uga mahad-naqayaa dadweynaha Reer Burco, sida wanaagsan ee ay noo soo dhaweeyeen, markii aannu ka soo ambabaxaynay Hargeysa ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ah guddoomiyaha ururka UDUB uu na soo faray farriin ah in aanu salaan ka gaadhsiino shacbiga ku nool gobolka Togdheer.”
Dr. Cabdi Aw Daahir, isaga oo ka hadlaya ujeeddada safarkooda Burco, waxa uu yidhi; “Ujeeddadayadu waxay ahayd laba arrimood, ka hore waa in aannu u diyaargarowno doorashooyinka Dawladaha Hoose oo ay ka hadhay muddo ka yar laba bilood, iyo ta labaad oo ah 12 September xisbi kasta waxa laga rabaa in uu keenno xubnihii uga qayb geli lahaa doorashooyinka, isla markaana socdaalkayagu wuxuu ku ekaa Gobollada Saaxil iyo Togdheer.”
Waxa kale oo uu sheegay Dr. Cabdi Aw Daahir, in saddexda degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Togdheer ay ka soo dooran doonaan xubnihii Golaha degaanka uga qayb geli lahaa degmooyinkaas oo kala ah Burco, Oodweyne, iyo Buuhoodle.
Xoghayaha UDUB, Dr, Cabdi Aw Daahir, isaga oo ka hadlayey axsaabta kale ee siyaasaddeed waxa uu yidhi; “Walaalahayaga axsaabta kale waxaan leeyahay aynu u sheegno dadweynaha waxa innaga dhexeeya in uu yahay warqadda, loollanka iyo xubnaha aynu geynayno ee yaynaan dadweynaha u geysan dhibaato kale ciddii ku guulaysata doorashadana ha lagu hambalyeeyo.”
Ugu dambayntii Cabdi Aw Daahir, waxa uu hadalkiisa ku soo koobay oo uu yidhi; “Xisbigayagu ma aha mid qabyaalad ku dhisan, waxaanan aamminsanahay in aannu doorashada ku guulaysan doono.”
Waxa kale oo iyaguna fagaarahaas ka hadlay maamulka gobolka iyo degmada Burco, oo iyagu lahaa soo dhoweynta iyo martigelinta weftiga UDUB.
Dhinaca kale intii aanay bilaabmin khudbaduhu waxa ay fagaaraha khayriyada ku soo bandhigeen taareerayaasha ururka UDUB, ciyaaro kala duwan iyo riwaayaddo ka tarjumaya hadafka iyo ujeeddada ururkaas.
Masaaridu, Ma Isku-Meel Bay Ka Taagan Tahay Qaddiyadaha Koonfurta Sudan Iyo Somaliland Hargeysa (Haatuf) 14/08/2002:
Dhawaan waxay jabhadda SPLA iyo Xukuumadda Madaxweyne Al Bashir ee dalka Sudan ka talisaa kala saxeexdeen, heshiis gun-dhigiisu yahay in 6-sannadood kadib afti laga qaado bulshada ku dhaqan Koonfurta Suudaan, si ay aayo-ka-tashigooda ugu coddeeyaan, haddii ay doonayaan in ay gooni-isu-taagaan oo ay ka go’aan Suudaan inteeda kale iyo haddii ay doonayaan in ay ka sii mid ahaadaanba.
Heshiiskani wuxuu soo jiitay indhaha Caalamka daneeya nabadgelyada, isla markaana wuxuu saamayn ku yeeshay bulshada reer Suudaan oo 19-sannadood ku soo jirtay dagaal aan kala go’ lahayn oo ay ku naf-waayeen malaayiin Muwaadiniin reer Suudaan ah, malaayiin kalena wuxuu geyaysiiyay baro-kac iyo xaalad qaxooti oo diihaal iyo xannuun badan.
Dadka reer Suudaan, waxay isugu jiraan dad Carab ah oo Muslimiin ah oo tiradooda lagu qiyaaso dhawr iyo toban milyan, degana Waqooyiga dalkaas, iyo dad aan carab ahayn (Non-Arabic) oo isugu jira masiixiyiin iyo cawaan diin laawayaal ah oo degan baddi Koonfurta Suudaan, kuwaas oo iyana marka laysku didiyo tiradooda lagu qiyaaso dhawr iyo toban milyan oo qof. Marka la eego dhinaca Siyaasadda, tan iyo intii dalkaasi gobanimadiisa ka qaatay Ingiriiska dabayaaqadii 50-aadkii, ilaa hadda waxaa hogaaminta talada dalka qabanayay dadka reer Waqooyiga (Carabta) ah, waxaana markastaba saamayn ballaadhan oo Siyaasadeed ku lahaa maamulka Carabta dawladda Masaarida, taasina waxay ka dhigtay dalweynaha Suudaan oo baaxadda dhulkiisu wayn tahay, mid markastaba siyaasad ahaan hadhsada dallaayadda Siyaasadeed ee Masaarida. Sidaa aawadeed, caado dhaqan-gashay ayay noqotay in Maamulkasta oo talada dalka Suudaan qabtaaba uu ka talo qaato xukuuumadda Masar, had iyo goorna aanu ku dhaqaaqin wax aanay raali ka ahayn. Siday ku andacoonayaan khubarada Siyaasadda Mandaqadda odorasaa, xidhiidhkaasi waa mid sida qaalibka ah ay Masar ku ilaashato danaheeda, gaar ahaan biyaha webiga niilka oo mara labadaa dalba oo ay badi Masaaridu keligeed ka faa’iidaysato. Dhinaca Suudaan marka la eegana, waxaa loo aaneeyaa in ay gacanta Masaaridu qayb weyn ka tahay dhibaatooyinka dalkaas ka aloosan badi intii uu xornimada haystayba.
Haddaba, iyadoo taasi meesha taallo, ayaa dhawaan heshiiskan oo loogu magac daray “Heshiiska Mashakus,” lagu gaadhay magaalada Mashakus ee dalka Kenya, waxaana markii u horeeyay shaashadaha TV-yada Col. John Grund laga daawaday Madaxweyne Al-Bashiir iyo Hogaamiyaha SPLA oo iyagoo faraxsan is-gacan qaadaya. Inkastoo hadda loo fadhiistay wareegii labaad ee wada-hadalka, haddana heshiishka lagu gaadhay qaybtii hore ee wada-hadalkaas oo gundhigiisu yahay, in afti laga qaado bulshada reer Koonfureedka ah ee dalka Suudaan, wuxuu dhaliyay dareeno cusub oo wejiyo badan leh. Suuro-gelinta wada-hadalka SPLA iyo Xukuumadda Khartuum iyo heshiisyada la gaadhayba, waxaa magac ahaan la sheegaa in ay sababeen dalalka ururka IGAD, hase yeeshee siday warar illo diblomaasiyadeed laga soo xigtay caddeeyeen, waxaa heshiiskaa sababay caddaadis xoog leh oo Caalami ah oo ay dawladda Maraykanka iyo xulafadeeda reer galbeedku saareen dawladda Suudaan.
Arrimaha ugu waawayn ee Maamulka Maraykanka ku kelifay inuu ihtimaam xoog leh siiyo arrintaasna, waxaa ugu weyn olole ballaadhan oo kooxaha loogu yeedho Xag-jirka Masiixiyiinta midigta fog ee Maraykanku ay saareen dawladda George W. Bush. Kooxahaas oo ka soo jeeda kaniisadaha, si xagjir-nimo ahna ugu ololeeya xuquuqda dadka diinta Kiristanka haysta, waxayna ku doodeen dadka Koonfurta Suudaan ee kiristanka u badani in ay dulman yihiin. Sidaa aawadeedna, waxay ku caddaadiyeen Maamulka Washington inuu il-gaar ah ku eego dadkaas, culayskana saaro sidii xal loogu heli lahaa qaddiyadooda. Sida la rumaysan yahay arrimahaasi, waxay horseedeen in Maraykanku miisaan ka culus intii hore u yeelo qadiyadda Koonfurta Suudaan, taas oo labaysay aragtidii hore ee dhinaca argagixisada ee uu ka qabay dalkaas. Waxaana sida muuqata la debciyay, aragtidii hore ee Ameerikaanka ee ku wajahnayd dhinaca argagixisada ee Xukuumadda Al-Bashiir, taas oo la aaminsan yahay in ay tahay ta soo jiiday ee soo xerro-gelisay dawladda Suudaan.
Si kastaba wax ha u jireene, heshiiskan uu Maraykanku dabada ka riixayaa, wuxuu aad uga cadhaysiiyay dawladda Masaarida oo durba bilowday olole ka dhan ah dhaqan-galka heshiiskaas. Inkastoo dawladda Masar ay sannadkastaba 2-bilyan oo doollar oo caawimo ah ka hesho Ameerikaanka, haddana waxay ku dooddaysaa in heshiiskani yahay mid lagu kala goynayo dalka Suudaan, isla markaana abuuraya dal kale oo ka qayb-gala wadaaga biyaha Niilka. Waxa kale oo sida muuqata ay aaminsan yihiin in haddii afti laga qaado reer Koonfureedka dalka Suudaan, halkaas ay ka soo baxayso dawlad Masiixi ah oo cadaawad u haysa Masar, sababtoo ah Masaaridu si weyn ayay uga qayb-qaataan dagaalka lagaga horjeedo Jabhadda SPLA. Midda kale ee iyana cadhada Masaarida cirka ku shareertay waxa weeye, iyadoo aan goob-joog ka ahayn shirka dhexdhexaadinta ee Nayroobi, Xukuumadda Suudaan ee talada haysaana aanay waxba ogeysiin arrinta, tallo-na aanay kala yeelanin. Taasina waxay noqonaysaa markii u horeysay ee Maamulka Suudaan dibadda uga boodo, Xayn-daabka habkii wada-tashiga ahaa ee ay Masar kula macaamili jirtay Suudaan. Sababtaas awgeed, waxay masaaridu isweydiinayaan, waxa dhalliyay in ay Suudaan ka dhacdo xerradda oo ay tallaabadaa qaado.
Dawladda Masaaridu, si ay u burburiso arrintaas, una baabi’iso heshiiskaas, waxay gacan-saar la yeelatay Xasan Al-Turaabi oo hogamiya urur lagu magacaabo People Congres. Xasan Al-Turaabi oo mar ahaa Afhayeenka Baarlamaanka Suudaan, ka hor intii aanay coloobin Madaxweyne Al-Bashiir, markaas oo xilka laga qaaday, wuxuu hadda ku jiraa xabsi guri, hase ahaatee ururkiisu wuxuu u muuqdaa mid dhaqdhaqaaq leh oo ka soo horjeeda heshiiskan cusub, taas awgeedna ay dawladda Masar xidhiidhka ula samaysay. Waayo, hadda ka hor Xukuumadda Masar iyo Xasan Al-Turaabi oo ah hogaamiye diineed, waxay ahaayeen col daahood go’ay oo aan isbixinayn, waxaanay Masaaridu ku eedayn jirtay inuu ka danbeeyay isku-daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu dilo Madaxweyne Xusni Mubaarak, kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa 1995-kii. Arrintu si kastaba ha ahaatee, Al-Turaabi iyo Maamulka Masar waxay hadda u muuqdaan awoodo isu-kaashanaya, sidii ay u tirtiri lahaayeen heshiiskaas.
Dhinaca kale, si looga hortago ololaha Masar, waxaa Maalmahanba wada-hadalo u joogay Qaahira ergay sare oo ka socday dawladda Ingiriiska, kaas oo isku dayay inuu Masaarida ku qanciyo in ay hagardaamada ka dayso heshiiska la gaadhay, hase yeeshee siday wararka ilaa hadda ka soo ifbaxay dawladda Masar muujinayaan, waxay Masaaridu ku adkaysanaysaa in heshiiskani yahay mid duulimaad ku ah Masaaliixdooda istaraatijiyadeed oo aanay ogolaan karin.
Marka laysku soo xooriyo sheekada oo dhan, qodobka ugu wayn ee Masaaridu ku diidantay taqriiral Masiirka Koonfurta Suudaan, iyo sababta ay ku diidantay Madaxbannaanida Somaliland-ba, waa isku mid, waxaanu ku qotomaa danta Masar ee biyaha Webiga Niilka. Inkasta oo aanu Somaliland marin Webiga Niilku, haddana Masar waxa ka go’an in la helo midnimo Soomaaliyeed, si ay u jirto dawlad Soomaaliya oo halis ku haysa Itoobiya, si aanay Itoobiya jaanis ugu helin in ay isticmaasho biyaha Niilka qaybteeda oo ay mar walba ku mashquulsanaato colaad ay kula jirto dawlad xoog badan oo Soomaaliyeed. Sidaas oo kalena aanay ogolayn aayo-ka-tashiga koonfurta Suudaan, isla markaana ay doonayso Jiritaanka Suudaan aan de