|
|
|
Xeer kasta oo loo dajiyo dalka Soomaalilaand waa in uu yahay mid aan ka horimanayn shariicada Islaamka iyo Xeerka Gundigga u ah (Dastuurka) Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Muwaadinka fiicani waa ka u dheganugul xeerarka kuna muujiya taageeradiisa codeynta oo uu ka qaybqaato. Ahna mid ku qanca natiijada codeynta, kol ay tahay tuu diidanaa codeynta horteed. Akhri oo baro dastuurka dalkaaga si aad u fahamto qaabka uu u dhisan yahay maamulka dalkaagu, xurriyadda aad leedahay iyo xilka kaa saaran dalkaaga iyo dadkaaga. Qaybtan waxaad ka akhrisan kartaa xeerka Gundhigga ah (Dastuurka), xeerka Xisbiga UDUB, barnaamijka UDUB iyo xeerka Xisbiyada. |
|