URURKA DIMUQRAADIGA UMMADDA BAHAWDAY
|
|
|
Qodobka 1aad Magaca Xisbiga Magaca Ururka, waa Xisbiga (Dimuquraadiga ee Ummadda Bahawday) oo marka la soo gaabiyo noqonaya XisbigaUDUB. Qodobka 2aad Astaanta & Calanka XisbigaAstaanta Xisbiga iyo Calankiisu waa isku mid, waana gogol doogo ah oo dhexda uu ka qotomo udub midabkiisu cad yahay, dhudiisana xarfaha udub ay si qoton ah ugu qoran tahay midab dooge ah, faraaraha UDUB-ka dhexdooda waxaa ku qoran ereyada takbiirta Ilaahay (allaahu akbar) oo af carabi ah, midabkooduna yahay caddaan. Qodobka 3aad Xarunta Xisbiga Xarunta Xisbiga UDUB, waa Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Qodobka 4aad Mabaadiida Guud 4.1. Waa Xisbi mabaadii,diisa guud ku salaysan tahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka hufan iyo bulsho xor ah oo sinnaan iyo caddaalad ku wada nool. 4.2. Waxaa saldhig u ah Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland . 4.3. Wuxuu aaminsan yahay, ilaalinayaana gooni isu taagga iyo jiritaanka JSL. 4.4. Wuxuu ilaalinaya- midnimada , cadaaladda iyo sinnaanta Ummadda SL. 4.5. Wuxuu ilaalinayaa, joogteynayaana, guulaha Ummaddu ka gaadhey dhinaca Dimuquraadiyadda ee oggolaanaya, inay bulshadu ku doorato hoggaankeeda qaab ku dhisan mabda’a cod bixinta xorta ah ee muwaadinka. 4.6. Wuxuu kobcinayaa dhaqaalaha dalka, si ay Ummaddu u wada gaadho horumar iyo nolol tayo heer sare ah leh. 4.7. Wuxuu badbaadinayaa, degaan-nololeedka dalka SL iyo Nabadda guud ee Gobolada JSL iyo deriskeenna. 4.8. Xisbigu wuxuu oggol yahay, xorriyadda ra’yiga , wada tashiga iyo wada doodidda. 4.9. Xisbigu wuxuu taageersan yahay xuquuqda Haweenka ee dhinaca siyaasadda, bulshada iyo maamulkaba.Qodobka 5aad Xubinnimada Xisbiga 5.1. Waxaa xubin ka noqon kara Xisbiga UDUB, qof kasta oo muwaadin SL ah, oo da’diisu gaadhey 15 sannadood, oo aaminsan mabaadii’idiisa, Kuna dhaqma shuruucdiisa. 5.2. Waxaa Golaha Dhexe siin karaan xubin sharafeed cid aan Xisbiga ahayn, hasa yeeshee waxtar muuqda u leh hawlaha Xisbiga. 5.3. Aqbalaadda codsiga xubinnimada, waxaa leh Gudida laanta. 5.4. Xubinta la oggolaaday, waxay yeelanaysaa Kaadh leh astaanta Xisbiga. 5.5. Xubinta Xisbigu wuxuu ku dhaaranayaa “WAXAAN MAGACA ILAAHAY UGU DHAARANAYAA IN AAN DALKAYGA DAACAD U AHAY, MABDA’A XISBIGA UDUB-NA AAMINSANAHAY”. 5.6. Xubin kasta, waxay bixinaysaa Ishtiraak joogto ah seddexdii biloodba mar, oo uu qadderkiisa goyn doono Golaha Dhexe ee Xisbiga. 5.7. Qofkii aan awoodi Karin, waxaa ka dhaafi kara, Guddiga Laanta ee Xisbiga, asaga oo raacaya habka xeer-hoosaad qeexayo.Qodobka 6aad Xuquuqda & Waajibaadka Xubinta6.1. Xuquuqda: b) Wuxuu ka qayb qaadan karaa doodda, soo jeedinta & fulinta siyaasadda Xisbiga. t) Wuxuu xaq u leeyahay, in lagu wargeliyo hawlaha siyaasadda iyo waxqabadka Xisbiga. j) Wuxuu ka qayb qaadan karaa doorashooyinka, isna waa la dooran karaa, loona magacaabi karaa – jago ama Guddiyada Xisbiga. x) Wuxuu u soo gudbin karaa talooyin, laanta, Degmada, Gobolka , Golaha Dhexe iyo Shirweynaha Xisbiga. 6.2. Waajibaadka: b) Xubinta, waa inay kaalin firfircoon ka qaadataa ( kaga jirtaa) hawlaha laanta uu ka tirsan yahay iyo guud ahaan Xisbigaba. t) Inuu xog-ogaal u yahay ujeedooyinka, himilooyinka iyo siyaasadda Xisbiga , una hawl galaa fulintooda j) Inuu xog ogaal u noqdo xaaladda nololeed ee bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka. x) Inuu ka hortago wixii dacaayad ah ee waxyeelaya, isla markaana difaacaa ujeedooyinka Xisbiga. Kh) Inuu la dagaalamo iska horimaadka beelaha, qabyaaladda, Gobolaysiga iyo dhaqan xumida. d) Inuu ilaaliyo kala dambaynta, daacadnimada iyo u hoggaansanaanta go,aanka aqlabiyadda. r) Inuu wargeliyo laantiisa hadduu ka wareegayo (guurayo) goob oo uu u wareegayo (guurayo) goob kale.Qodobka 7aad Qaab-dhismeedka Xisbiga UDUB 7.1. Xisbiga UDUB, wuxuu ka kooban yahay: b) Shirweynaha Xisbiga ee heer Qaran. t) Shirka Xisbiga ee heer Gobol. j) Shir Xisbiga ee heer Degmo. x) Iyo Kulanka Laanta. 7.2. Laamaha, waxaa laysugu xidhi karaa aagag, ama waxaa loo sii qaybin karaa unugyo yar-yar meelaha qaab-dhismeedku u muuqdo. 7.3. Garabka Haweenka ee UDUB wuxuu leeyahay dhammaan qaab-dhismeedka Qaran, Gobol, Degmo ilaa laan. 7.4. Garabka dhalinyarada ee UDUB, waxay xubnihiisu noqonayaan dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 15-25 jir, wuxuuna yeelanayaa qaab-dhismeedka Xisbiga UDUB ilaa heer Qaran, Gobol, Degmo ilaa laan.Qodobka 8aad Gobollada 8.1. Gobollada Xisbigu waxay la mid yihiin Gobollada Qaranka JSL 8.2. Magaalo-madaxyada Xisbiga ee heer Gobol, waxay ahaanayaan magaalo-madaxda Gobolka.Qodobka 9aad Shirweynaha heer Qaran ee Xisbiga UDUB 9.1. Laga bilaabo Shirweynaha labaad, qaab-dhismeedka Xisbigu wuxuu u soconayaa habka min hoos ilaa kor (bottom-up approach). 9.2. Mudada Shirweynaha Xisbigu waa shan sano, waxaana isugu yeedha, qaban-qaabiyana Xoghayaha Guud oo ka wakiil ah Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga 9.3. Shirweynuhu, wuxuu ku salaysnaanayaa, talo-wadaag , wada-tashi iyo is-qancin.Qodobka 10aad Waajibaadka & awoodda Shirweynaha Qaran 10.1. Wuxuu dejiyaa Siyaasadda , Qorshayaasha iyo Xeerka Xisbiga UDUB. 10.2. Wuxuu Shirweynuhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha Shir-gudoonka iyo afar xubnood oo kale, maalinta ugu horreysa Shirweynaha heer Qaran ee Xisbiga. 10.3. Wuxuu dhageystaa, kana doodaa, warbixinnada Golaha Dhexe oo ay ugu muhimsan tahay khudbadda Guddoomiyaha, warbixinta Xoghayaha Guud, warbixinta hawleedka Garabka haweenka, Garabka dhalinyarada iyo warbixinta khasnajiga Guud ee Xisbiga UDUB. 10.4. Wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka beddelo, Wax ku daro, waxna ka dhimo ama baabi'iyaba Go’aammada ay qaateen xubin-dhismeedyada kala duwan ee Xisbiga-labada Shirweyne dhexdooda. 10.5. Wuxuu dooranayaa Guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo xubno Golaha Dhexe ee Xisbiga ee Xeerku awood u siinayo. 10.6. Wuxuu awood u leeyahay, inuu doorto ama magacaabo Guddi ama ergo uu u xil saaro shaqo ama hawl mucayin ah, muddada Shirweynuhu socdo.Qodobka 11aad Ergada codbixiyayaasha ah
Qodobka 12aad Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB 12.1. Golaha Dhexe Golaha Dhexe, waa hay’adda ugu sarraysa Xisbiga UDUB muddada labada Shirweyne dhexdooda, waxaanay leedahay awoodda hoggaaminta Xisbiga, iyagoo adeegsanaya Xeerka Xisbiga UDUB. Golaha Dhexe tiradiisu wadar ahaan waa 161 xubnood (oo 10 ka mid ah guddoomiyuhu ku soo xulayo aqoontooda iyo kartidooda 19 ka mid ahina yihiin Guddiga Fulinta, waana la kordhin karaa hadba sidii loogu baahdo. 12.2. Awoodda Golaha Dhexe: b) Waa inuu fuliyaa go’aamada iyo awaamiirta ka soo baxda shirweynaha Qaran t) Waa inuu gudbiyaa tilmaamooyinka iyo awaamiirta, kana helaa warbixin dhammaan Golaha (Guddiyada Xisbiga). j) Wuxuu kormeeraa, jiheeyaana shaqooyinka Xisbiga UDUB iyo qaybihiisa guud ahaanba. x) Wuxuu hubiyaa hawlgalada iyo dhismayaasha heer Gobol iyo Degmo ee Xisbiga, in uu si Dimuqraadiya oo wax ku ool ah u fulay. Kh) Wuxuu dusha kala soconayaa hawlaha Garabka Haweenka iyo Garabka Dhalinyarada. c) Wuxuu dhisaa Waaxyo iyo Guddiyo kolba sidii loo arko inay ku haboon yihiin. r) Wuxuu iska xil saaraa maamulka iyo ilaalinta hantida Xisbiga. s) Hawl u diridda iyo xil u dhiibidda Guddida fulinta iyo daba-galkooda. Sh) Golaha Dhexe ee xisbigu wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo Xeer hoosaadyo iyo shuruuc si loo fuliyo hawlaha Xisbiga UDUB. Dh) Golaha Dhexe ee Xisbigu wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo nidaam asluubeed oo ku wajahan dhammaan haykallada guud, saraakiisha , wakiilada , xafiisyada iyo xubnaha Xisbigaba. c) Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB, wuxuu yeelanayaa Guddi joogto ah, kuwaas oo ka kooban:-
Qodobka 13aad Guddiga Fulinta Xisbiga UDUB 13.1. Guddiga Fulintu waxay ka kooban tahay sagaal iyo toban (19) xubnood oo kala ah:
13.2. Awoodda Guddiga fulinta:
Qodobka 14aad Maaliyadda Xisbiga 14.1. Golaha Dhexe ayaa iska dhex dooranaya Guddiga Maaliyadda ee Xisbiga oo tiradooda Goluhu uu go’aamin doono. 14.2. Golaha Dhexe ayaa tilmaamaya awoodda Guddiga Maaliyadda. 14.3. Guddiga Maaliyaddu waxay siisaa Golaha Dhexe warbixinta Maaliyadda kalfadhi kasta, Guddida fulinta-na bilkasta. 14.4. Ilaha Dhaqaalaha ee Xisbigu waxay ka imanayaan qaybaha kala ah: b) Ish-tiraak joogto ah oo xubnaha Xisbigu seddexdii biloodba mar bixiyaan. t) Taakuleynta rasmiga ah ee Dawladdu ugu deeqdo Axsaabta rasmiga ah. j) Tabarucaadka xubnaha iyo taageerayaasha Xisbigu bixiyaan. x) Faa,iidada ka soo baxda maalgelinta gaarka ah ee Xisbiga. kh) Dakhliga ka soo baxa iibka qoraallada iyo wixii la mid ah. d) Guddida Maaliyaddu waxay xaq u leeyihiin inay Maalqabeennada xubnaha ka ah Xisbiga weydiistaan taakulayn markay xaalad xumi la soo daristo Xisbiga. 14.5. Guddida Maaliyaddu, waxay dabagal ku samaynaysaa dhammaan Dakhliga iyo Kharashka Xisbiga, waxaanay diiwaangelineysaa hantida ma-guurtada ah ee Xisbiga UDUB. 14.6. Guddida Maaliyaddu, waxay yeelanaysaa Guddiyo Maaliyadeed ee heer Gobol iyo heer Degmo ah.Qodobka 15aad Waajibaadka & hawlaha Hoggaanka Xisbiga15.1. Guddoomiyaha Xisbiga: Guddoomiyuhu, waa madaxa iyo hoggaanka Xisbiga UDUB, waxaanu shirweynaha ku leeyahay mudnaanta koowaad. Waana inuu:- b) Shirweynaha Qaran u soo jeediyaa khudbad ka warramaysa xaaladda dalka iyo guud ahaanba arrimaha siyaasadda dalka iyo Xisbigaba. t) Wuxuu Guddoomiyaa kal-fadhiga Golaha Dhexe iyo Guddiga fulinta, isagoo raacayaa Xeerka Xisbiga. j) Wuxuu jiheeyaa dhammaan hawlaha Xisbiga, isagoo ka tilmaan qaadanaya go’aamada Golaha Dhexe iyo Guddiga fulinta. 15.2. Guddoomiye ku-xigeenka:
Qodobka 16aad Dhismaha Xisbiga ee Heer Gobol 16.1. Shirka heer Gobol waa hay’adda ugu sarraysa Xisbiga ee Gobolka. 16.2. Shirka heer Gobol waa in: b) La qabto labadii sannadoodba mar, haddaanay seddex meelood hal meel laamaha Gobolku (1/3) dalban shir aan caadi ahayn. t) Ergooyinka shirka waa in si Dimuqraadiya looga soo doortaa laamaha Gobolka. Tirada saamiga Xeer-hoosaad baa qeexi doona. j) Waxaa ka soo qayb galaya dhamaan xubnaha guddiga gobolka. x) Waxaa ka soo qayb galaya dhammaan xubnaha Guddiga Goloyaasha deegaanka ugu jira Xisbiga. Kh) Waxuu fuliyaa go’aamada ka soo baxa Shirweynaha Qaran, Golaha Dhexe iyo kuwa Guddiga fulinta UDUB. d) Wuxuu dhageystaa, falanqeeyaana, warbixinnada Guddiga fulinta ee Gobolka. r) Wuxuu doortaa xubnaha Guddiga fulinta Gobolka oo ay ka mid yihiin, Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha Gobolka, Xoghaye ku-xigeenka, khasnajiga, madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo xubnaha Guddiga Gobolka, Xilkana waxay haynayaan muddo laba sannadood ah. Sh) Wuxuu dejiyaa qorshaha shaqo ee Xisbiga ee heer gobol, kaas oo waafaqsan siyaasadda iyo qorshaha Xisbiga UDUB. Dh) Waxay soo jeediyaan musharrixiinta uga qaybgelaya Gobolka doorashada Baarlamaanka, iyadoo ay ansixin doonaan Golaha Dhexe. c) Waxay magacaabaan musharrixiinta Xisbiga uga qayb gelaysa doorashooyinka D/Hoose.Qodobka 17aad Guddiga Gobolka 17.1. Guddiga Gobolka, waa hay’adda ugu sarraysa Xisbiga Gobolka labada shir dhexdooda, tiradooduna waa ugu yaraan soddon (30), ugu badnaanna afartan (40) xubnood. Doorashada Guddiga fulinta Gobolka iyo Guddida Gobolkaba, waxaa la raacayaa habka ku xusan nidaamka doorashada ee Guddiyada heer Qaran ee Xisbiga UDUB. 17.2. Guddiga GobolkuWuxuu fadhigiisa kowaad iska dhex doortaa 11 (kow iyo tobon ) xubnood oo ka kooban Gudoomiyaha , Gudoomiye ku-xigeenka , Xoghayaha Gobolka , ku-xigeemka Xoghayaha, khasnajiga, Madaxa abaabulka iyo shan xubnood oo laga soo dooranayo shirka gobolka. 17.3 Garabka Haweenka ee Xisbiga UDUB iyo Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga UDUB waxay ku soo |